nabaaddiinaxir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiinaxir
(Nabaaddiinaxir-ka)
1. Wax la akhriyo (Quraan, kd.) oo barakadooda, cidaha ama xoolaha iyo dadka maqan ama lumay, ku nabad galaan.
2.* Wax la kala qorto ama lagu heshiiyo, oo qofkii dhibaato ku timaaddo ama hawl uu hayo wax ku gaaraan, wax lagu siiyo ama xoolihii ka lumay qaar loo celiyo; caymis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinaxir
nabaaddiinaxir¹: m.l (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
nabaaddiinaxir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaaddiinaxir
m.l (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaaddiinaxir
m. n., [compound] prayer for safety (of travelers, lost animals, etc.); meeting to make peace
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaaddiinaxir
de: prayer for safety (of travelers, lost animals, etc.); meeting to make peace
lx: nabaaddiinaxir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: nabaaddiinaxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadiinaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg nabaaddiinaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiinaxirid
(Nabaaddiinaxirid-da)
Nabaaddiinaxir u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinaxirid
m.f.dh eeg nabaaddiinaxir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiinaxidh
(fal) duco reerka iyo xoolahaba inta ka maqan nabad iyo barwaaqo Eebbe loogu weydiinayo oo Quraan la akhriyo.
nabaaddiinaxidh -ka: (magac, lab, keli) Quraan la akhriyo oo barakadiisa cidaha ama xoolaha iyo dadka maqan ama lumay ilaahay ku nabad galiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymis
(Caymis-ka)
Heshiis dhexmara ku wax cayminaya oo lacag u socota la siiyo iyo ku la cayminayo oo shil ama dhibaato, aan la hubin dhicise karta (caymiska nafta, dabka, tuugada, ...) looga nabaaddiinaxirayo ama ka gaashaamanaya, oo haddii waxa laga baqayey dhacaan, caymiyuhu, isaguna kolkiisa, wax lagu heshiiyey bixinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirsixir
(Xirsixir-ka)
Quraan ama duco loola jeedo in wax lagu badbaadiyo; nabaaddiinaxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirsixirid
(Xirsixirid-da)
Xirsixir akhriyid; nabaaddiinaxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiino
(Nabaaddiina-da)
1. Colaad iyo dagaal la'aan.
2. Heshiis la kala dhigto oo nabadeed.
3. Xumaan iyo dhibaato la'aan; cabsi la'aan.
4. Degganaan; xasilloonaan.
5. Laabsami; caloolsami; ~ nabadgelyo; nabad; badbaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiino
m.dh 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaaddiino
m.dh 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaaddiino
f. n.; [intj.]: peace, security; goodbye!, so long!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaaddiino
de: peace, security; [intj] goodbye!, so long! Answer to: nabadgelyo {N}
lx: nabaaddiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nabaaddiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinee
f.g2 (-neeyay, -neysay) 1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiinee
(fal) cid socdaalaysa, nabadgelyee oo sabooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineyn
m.f.dh eeg nabaaddiinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo socdaalaysa, macaslaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineysan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysan
(tilmaame) mid nabad qaba oo loo xirsi xidhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nabaaddiineysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineysnaan
m.f.dh eeg nabaaddiineysan. la-mid: nabaaddiineysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid nabad qaba ahaansho; wax la xirsi xidhay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaddoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nabadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaaddiyid
(Nabdaaddiyid-da)
Cid ma nabad baa? ku dhihid; salaamid; gacanqaadid; gacansaarid; bariidin; nabdaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaaddiyid
m.f.dh eeg nabdaddi². la-mid: nabdaaddin, nabdaaddis.