nabaaddiinaxidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiinaxidh
(fal) duco reerka iyo xoolahaba inta ka maqan nabad iyo barwaaqo Eebbe loogu weydiinayo oo Quraan la akhriyo.
nabaaddiinaxidh -ka: (magac, lab, keli) Quraan la akhriyo oo barakadiisa cidaha ama xoolaha iyo dadka maqan ama lumay ilaahay ku nabad galiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiinaxir
(Nabaaddiinaxir-ka)
1. Wax la akhriyo (Quraan, kd.) oo barakadooda, cidaha ama xoolaha iyo dadka maqan ama lumay, ku nabad galaan.
2.* Wax la kala qorto ama lagu heshiiyo, oo qofkii dhibaato ku timaaddo ama hawl uu hayo wax ku gaaraan, wax lagu siiyo ama xoolihii ka lumay qaar loo celiyo; caymis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinaxir
nabaaddiinaxir¹: m.l (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
nabaaddiinaxir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaaddiinaxir
m.l (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaaddiinaxir
m. n., [compound] prayer for safety (of travelers, lost animals, etc.); meeting to make peace
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaaddiinaxir
de: prayer for safety (of travelers, lost animals, etc.); meeting to make peace
lx: nabaaddiinaxir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: nabaaddiinaxir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaaddiinaxirid
(Nabaaddiinaxirid-da)
Nabaaddiinaxir u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinaxirid
m.f.dh eeg nabaaddiinaxir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadiinaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg nabaaddiinaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiinee
f.g2 (-neeyay, -neysay) 1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiinee
(fal) cid socdaalaysa, nabadgelyee oo sabooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineyn
m.f.dh eeg nabaaddiinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo socdaalaysa, macaslaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineysan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysan
(tilmaame) mid nabad qaba oo loo xirsi xidhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nabaaddiineysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaaddiyid
(Nabdaaddiyid-da)
Cid ma nabad baa? ku dhihid; salaamid; gacanqaadid; gacansaarid; bariidin; nabdaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaaddiyid
m.f.dh eeg nabdaddi². la-mid: nabdaaddin, nabdaaddis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaaddiineysnaan
m.f.dh eeg nabaaddiineysan. la-mid: nabaaddiineysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaaddiineysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid nabad qaba ahaansho; wax la xirsi xidhay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaddiidid
m.f.dh eeg caanaddiid². la-mid: caanadiid¹ (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaddiiqid
m.f.dh eeg caanaddiiq². la-mid: caanaddiiqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabaxidh
(fal) fardo shakaal ku xidh. Dh: shakaal, daddaabaxir.
daddaabaxidh-ka: (magac, lab, keli) fardo shakaal ku xidhid. Dh: shakaal, daddaabaxir.
daddaabaxidh -ka: (magac, lab, keli) daddaabe ku xidhid. Dh: shakaalid, daddaabaxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaadguurid
(Nabaadguurid-da)
Nabaadguur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguurid
m.f.dh eeg nabaadguur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguurid
-da: (magac, dhedig, keli) xaalufid oo wax abaaroobay noqosho. Sunta warshaduhu nabaadguurid ayay keentaa. Dh: xaalufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaddoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nabadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaddoonimo
-da: (magac, dhedig, keli) nabadoon ahaan.