naaxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaxid
(Naaxid-da)
Wax buuran oo shilis noqosho; cayilid; xawsid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cayilid oo aad u buurnaansho. Dh: shishlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cayilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cayilin. m.f.dh, naaxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naaxi
v. fatten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naaxi
-yey / say: (v) fatten (faaten); breed stock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxi
(fal) cayili oo buurnee. Dibigaaga naaxi ha bgalee. Dh: shishlee, buurree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naaxi
de: fatten
lx: naaxi
pd: (naaxiyey)
ps: v2a=tr
key: naaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaxid
(Faaxid-da)
Meelo badan gaarid; faafid; fitaaxid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxid
m.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixitaanka iyo kala fididda walax; gaadhidda shey meelo badan ku baaho. Loox biyo ku jiraa faaxid ma daayo. Li: dhadhid, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaxid
(Jaaxid-ka)
Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaaxid
m.l (-dyo/-diin, m.dh) Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaaxid
f. n. dogmatic, argumentative ~ obstinate person
jaaxid [feminine] n. rejection, denial (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaaxid
-ka: (n) one who refuses to accept; disputatious or quarrelsome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) asraarid ama jikraarid. Dh: jikaaridda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxid
(Maaxid-da)
Tallaabid; gudbid; xulid; mushaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxid
m.f.dh (-day, -dday) eeg maax².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhex mushaaxid. Maaxidda iska daa oo dadka ka fadhiiso. Dh: maaxis.
maaxid-da: (magac, dhedig, keli) maax soo saarid. soo biiridda biyo il ka soo baxaya oo soo maaxaya. Maaxidda ceelka ayaan sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabid
m.f.dh eeg naab³. la-mid: naab¹, nabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax ku dhedjin. Dh: naab, nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafid
m.dh la-mid: naafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafid
-da: (magac, dhedig, keli) laxaadka ka heerid oo curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarid
(Naarid-da)
Naar gelin; cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarid
m.f.dh eeg naar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarid
-da: (magar, dhedig, keli) fogayn oo Shaydaan iyo dhibtiisa Eebbe ka magangalid. Shaydaan iska naariddu way fiican tahay.
naarid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cadaabid holac ku tuurid. Naarid Ilaahbaa laga baryaa. Dh: cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaxin
(Naaxin-ta)
Wax naaxay ka dhigid; cayilin; shishlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shilis ka dhigid. Naaxinta xooluhu way wanaagsan tahay. Dh: shishlayn, cayilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaxid
(Waaxid-ka)
Keli ah; mid; hal; kow (sida: wadar iyo waaxid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxid
m.l 1. W. ah: kali ah, aan cidi wehelin (Ilaah). 2. Mid ama kali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Waaxid
m. n. God (the one and only)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaxid
m. n., [collective] one, alone, single; singular {grammar}
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waaxid
name-m unique, one, alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaxid
-ka: (n) one (wan); single (sin-gal) ~ hal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaxid
magacyada Eebbe ee suubban mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxid
-da: (magac, dhedig, keli) (kala ~) kala fidin oo xoog u kala qaadid; kala qabasho; kala durkin. Afka waaxidda ka daa.
waaxid: (tilmaame) mid ah; hal ah; kow ah. Waaxid iyo wadar waaxidkaa waalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurasho
(Buurasha-da)
1. (°) Cayilid, naaxid.
2. (°) Weynaansho.
3. (legdan, dagaal, kd.) korka ka fuulid; legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayil
(Cayil-ka)
Hilib iyo baruur badan yeelad; naaxid; shishlaan; buurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilid
(Cayilid-da)
Hilib iyo baruur badan yeelasho; wax shilis ama buuran noqosho; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riir
(Riir-ka)
1. Waxa la tolayo, jarriinka ama afafka dhuudhuuban oo laga jeexo, si waxa serjigoodu u sinnaado.
2. Cayil; shishlaan; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riirid
(Riirid-da)
1. Afka ka jarriimid; af sinsiman u yeelid.
2. Cayilid; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilbeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Neef qalasho. 2. Nafley naaxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fatten
/faaten/ (v) naaxid, cayilid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirsi
-ga: (n) resuscitation. (ri-sasa teey-shin) ~ soo naaxid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ingrassarsi
v.rifl. - naaxid, cayilid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
irrobustirsi
v.rifl. - cayilid, naaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayil
(fal) naax oo baruurayso.
cayil -ka: (magac, lab, keli) hilibka iyo baruurta badan ee nafleyda ku soo korodha kolka uu nasniimo iyo dhaqaale fiican helo. Dh: naaxid, shilays, baruur. Li: weyd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilid
-da: (magac, dhedig, keli) baruur yeelad; naaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaddabalaxow
-ga: (magac, lab, keli) aad u naaxid oo shishlaansho; aad u buurnaasho. Dh: geeddabalaxaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilbaysad
-ka: (magac, lab, keli) hilib yeelad iyo buurnaansho. Dh: naaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilbaysi
-ga: (magac, lab, keli) hilib badan oo culus yeelasho. Dh: cayilid, buurni, naaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riir
(fal) wax la tolayo afafka dhuudhuuban ka jeexjeex oo serjigooda sin.
riir: (fal) naax oo hilib iyo baruuri ha ku fuulaan; wax shilis noqo. Dh: cayil, naax.
riir -ka: (magac, lab, keli) hilib iyo baruur ku biira oo dulfuula noole jidhkiis. Dh: cayilaad, shilay, naaxid.
riir-ka: (magic, lab, keli) haylaaqyo dhuudhuuban oo laga jeexo walxaha la tolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riirid
-da: (magac, dhedig, keli) simid oo maro la tolayo haylaaqyada dhuudhdhuuban ka jeexjeexid oo serjigooda isku sigibtirid; riiris ku samayn.
riirid -da: (magac, dhedig, keli) naaxid oo wax shilis noqosho. Riirid buu ratigani la socon la yahay. Dh: cayilid, naaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaaxid
(Ganaaxid-da)
Ganaax saarid; eedsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaaxid
m.f.dh eeg ganaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, abaal xun marin. Dh: ciqaabid, tacsiir, taqsiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixid
m.f.dh eeg naajax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naajax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxid
(Nikaaxid-da)
Nikaax samayn; guursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxid
m.f.dh eeg nikaax². la-mid: nikaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meher samayn, guursad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxid
-da: (magac, dhedig, keli) aqbalka wax la qabtay oo camal wanaagsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaxid
m.f.dh la-mid: fasixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nashao ama madaxbannaani u oggolaansho. Ardaydu fasaxid bay rabaan. Dh: faasixid, ruqsayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaxid
-da: (n) 1. wipe (waayp); by blowing or swiping. 2. deletion (di liishin) ~ masaxaad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaxid
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifin oo uskag saaran ka tirtiid. Masixidda sabuuradda arday dheer u dir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxid
-da: (magac, dhedig, keli) isgiriirixin oo wax neerfis ah oo cadho madax martay iska dhigid. Mataxid xoolo kuma helayside is deji. Dh: mutuxid.
mataxid-da: (magac, dhedig, keli) mudh iyo gacan ka dhigid: qaawin oo dharka ka saarid. Dh: qaawin.
mataxid -da: (magac, dhedig, keli) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordid. Nin kaa orod badan mataxid ku gaadhi maysid. Dh: maqiiqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaxid
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadid oo wax cad ka dhigid. Dh: caddayn. Li: dahid, daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rawaxid
m.f.dh eeg rawax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel mebered ah ka tagid oo hooygaad degganayd aadid. Dh: rawixid, hoyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaxid
m.f.dh eeg sawax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaxid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan samayn; buuqid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayaxid
m.f.dh eeg sayax³. la-mid: sayax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhirta iyo tigaaddu qoyaanka ay yeelashaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxid
m.l Rooti iyo wixi lamida aad dab loogu bisleeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxid
(fal) wax duban oo qallalan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naax
naax¹: m.l la-mid: naaxid.
naax²: f.mg1 (-xay, -xday) Nafley cayilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naax
f.mg1 (-xay, -xday) Nafley cayilid. m.f.dh, naaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naax
v. grow ~ become fat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naax
-ayday: (v) gain weight; become fat or plump; fatten (faaten) ~ cayil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naax
(fal) cayil oo wax buuran noqo. Naax si aad u qurux badnaato. Dh: shishlaw, buurnaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naax
de: grow ~ become fat
lx: naax
pd: (naaxay)
ps: v1=
key: naax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aa'id
m.f.dh eeg aa'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'id
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax, waran ama wax kale meel ama qof ku tuurid. Maandhow, ninkaan aa'i waw aamusahayaaye. Dh: tuurid, ridid, mirid, halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadid
m.f.dh eeg ąad³; la-mid: ąad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: tegid, aaditaan.
aadid -da: (magac, dhedig, keli) «ku~> qof ama wax kale ka hortegistiisa ama ku beegnidiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarid
(Aarid-da)
Qof hor loo diley darti, qof u dilid; aargudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarid
m.f.dh eeg aar². la-mid: aaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) qof dhib iyo aano loo geystay, uga soo gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasid
(Aasid-da)
Xabaal ku ridid; duugid; xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasid
m.f.dh eeg aas². la-mid: aas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasid
m. n. acid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasid
-ka: (n) acid (aa sidh) ~ aashito, aasidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka u qodidda qof dhintay ama wax kale oo ciidda ku roggid. Dh: aasitaan, duugis, xabaalid. Li: faqid.