naawilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naawilid
(Naawilid-da)
Filid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawilid
m.f.dh eeg naawil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag soo socda filid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawilid
m.f.dh la-mid: awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawilid
-da: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha wax soo socda ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawilid
m.dh la-mid: taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax filasho. Dh: rajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dayid; isku tijaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboshabeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) daba socsocosho oo in wax laga helo naawilid. Weli waxba kama hayee dabashabeelis uun baan ku jiraa. Dh: dabashabeelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eemamo
-da: (magac, dhedig, keli) naawilidda wax aad sugayso. Wa: eemamooyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarro
-da: (magac, dhedig, keli) sugid cid wax laga sugo oo la naawilo in wax laga helayo. Waryaa aqalkii qiiqaba quudarro la horjoog. Dh: filsho, rajo, naawilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilaad
-da: (magac, dhedig, keli) filasho iyo rajayn wax iman doona laga dhur sugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawil
f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naawil
f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin. m.f.dh, naawilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naawil
v. think, suppose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawil
(fal) wax rajee oo sug. Weligaa wanaag naawil. Dh: fil, malee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naawil
de: think, suppose
lx: naawil
pd: (naawilay)
ps: v1=
key: naawil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayay, beddelkiisii keenid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqilid
m.f.dh eeg naqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nawirid
m.f.dh eeg nawir². la-mid: nawir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nuuraya la dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawilid
m.f.dh eeg xawil. la-mid: xawilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawinid
m.f.dh eeg caawin². la-mid: caawimid, cawimid, cawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawinid
-da: (magac, dhedig, keli) u gargaarid; kaalmayn; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawiyid
m.f.dh eeg caawi. la-mid: caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilid
m.f.dh eeg kaamil². la-mid: kammilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaamilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirid. Dh: ebyid, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixid
m.f.dh eeg naajax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naajax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqisid
m.dh la-mid: naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqisid
-da: (magac, dhediq, keli) wax buuxay, in ka dhimid. Dh: naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ka hor imansho oo soo dhoweyn.
qaabilid -da: (magac, dhedig, keli) ka hor tegid oo soo dhawayn. Dh: tarxiibin.
qaabilid-da: (magac, dhedig, keli) ku toosni oo ku aaddani. Qaabilidda uu albaabku dariiqa uu qaabilsan yahay carruurta waa u halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawisid
(Raawisid-da)
(doon, markab) majare ku wadid, ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawisid
m.f.dh eeg raawis³. ld. raawis¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawisid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama mar kab majare toosan ku wadid oo ku toosin.
raawisid -da: (magac, dhedig, keli) saawir afdaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabilid
m.f.dh eeg saabil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawilid
m.f.dh eeg tawaawil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiilid
m.dh la-mid: diihaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawicid
m.f.dh eeg dhaawac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawicid
-da: (n) the act of injuring or inflicting a wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaawac gaadhsiin oo cawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawilood
(Haawilood-ka)
Uurjiifka libaax-badeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawilood
m.l (-dyo, m.dh) Uurjiifka libaax badeedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawilood
m. n. shark fetus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawilood
-ka: (magac, lab, keli) uurjiifta libaaxbadeedka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawilood
cf: uurjiif
de: shark fetus
lx: haawilood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: haawilood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilmid
m.f.dh eeg kaamilan¹. la-mid: kammilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaawisid
m.f.dh eeg khaawis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masawirid
(Masawirid-da)
Masawir u yeelid, samayn; sawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masawirid
m.f.dh eeg masawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax taswiirid; sawir qaadid. Masawiridda xeryaha ciidanku waa mamnuuc. Dh: taswiirid, sawirid, sawiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqishid
m.f.dh eeg naaqish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqishid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo falanqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabbilid
(Qaabbilid-da)
1. Ka hor imaansho; ka hor tegid.
2. (marti, kd.) si wanaagsan u soo dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilid
m.f.dh eeg qaabbil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta'wiilid
m.f.dh eeg ta'wiil². la-mid: ta'wiil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ta'wiilid
-da: (magac, dhedig, keli) riyo fasirid. ta'wiilo: (fal) riyo iskaa adigu u fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilaad
-da: (magac, dhedig keli) cid kale u gudbin. Dh: isdhaafis.
xaawilaad -da: (magac, dhedig, keli) hab lacagaha iyo alaabaha qiimaha leh la iskugu xawilo. Dh: xawilaad.
xaawilaad -da: (magac, dhedig, keli) isku day wax kol lagu fashilmay mar kale la isku dayo. Dh: tijaabin. Li: quusad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawil
aawil¹: m.l la-mid: awaal¹, awaalid.
aawil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) Wax dhicitaankooda ama imaatinkooda filid. la-mid: awaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawil
(fal) wax soo socdo saadi oo ka sii warran.
aawil -ka: (magac, lab, keli) saadaasha wax soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, wax akhrin isaga oo aan rabid iyo fahmo u hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawi
(fal) wax akhri adiga oo aan rabid iyo fahme u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aallid
m.f.dh eeg aal². la-mid: oollid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalid
bąalid¹: m.l B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay.
bąalid²: f.mg1 (-day, -dday) Wax muddo dheer jiray, aad u gaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalid
-ka: (magac, lab, keli) walax duug ah. Baalid dharku wuxuu noqdaa markaan, boodhka laga maydhin.
baalid -ka: (magac, lab, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan. Baalid gaawuhu wuu ka bixi markuu, geelo wada irmaanaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalid
m.f.dh eeg caal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caal ku dhacay oo buka ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cawl ah, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalid
(Daalid-da)
Daal iska garasho; daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalid
m.f.dh eeg dąal². la-mid: daalis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
daalid
tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl darteed oo aad dareento tabartii oo kaa dhammaatay. Dh: noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawid
m.f.dh eeg haaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlid
(Hawlid-da)
Hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin, ku jaadid, u dhiibid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlid
m.f.dh eeg hawl³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabto u dirid. Dh: hawlis.
hawlid-da: (magac, dhedig, keli) hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin ama u dhiibid.
hawlid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibid; qof kale shiddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawlid
m.f.dh eeg kawl². la-mid: shawlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawlid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, biyo yar go kawl ah siin. Dh: qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laalid
(Laalid-da)
1. Laal cayaarid.
2. Meel kore surid, ka soo laallaadin.
3. Wax laalan oo aan weli dhicin ka dhigid; dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalid
m.f.dh eeg laal². la-mid: laalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel kore saarid ama ku tuurid. Dh: laalis.
laalid -da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixii la mid ah, dib u dhigid; gadaal u riixid. Dh: laalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalid
(Maalid-da)
Neef xoolo ah oo irmaan caano ka lisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalid
m.f.dh eeg maal³. la-mid: maal¹ (3), maalis², maalniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalid
-da: (magac, dhedig, keli) naas irmaan caano ka lisasho. Dh: lisasho, maalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabid
m.f.dh eeg naab³. la-mid: naab¹, nabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax ku dhedjin. Dh: naab, nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafid
m.dh la-mid: naafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafid
-da: (magac, dhedig, keli) laxaadka ka heerid oo curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarid
(Naarid-da)
Naar gelin; cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarid
m.f.dh eeg naar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarid
-da: (magar, dhedig, keli) fogayn oo Shaydaan iyo dhibtiisa Eebbe ka magangalid. Shaydaan iska naariddu way fiican tahay.
naarid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cadaabid holac ku tuurid. Naarid Ilaahbaa laga baryaa. Dh: cadaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasil
(fal) hoos u dhig. Nacallaa qabsada kaadirkii kiisa naasila e.
naasil -ka: (magac, lab, keli) cid kale, hoos u dhigid. oo liidid.