naatariyam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naatariyam
m.l (-mo, m.dh) (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka 1aad ee tusaha kalgalka).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naatariyam
m.l (-mo, m.dh) (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka 1aad ee tusaha kalgalka).
naatariyam-haydaroogsaydh m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naatariyam
-ka: (magac, lab, keli) bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka 1aad (I) ee tusaha kalgalka).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naadiya
name-f lively, pretty; announcement
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saariya
name-f night clouds; noble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaariyad
(Jaariyad-da)
Gabar adeegta ama la lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaariyad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaariyad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaariyad
f. n. maid servant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaariyad
-da: (n) a woman servant; maid (meeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaariyad
-da: (magac, dhedig, kali) gabadha guriga ka shaqaysa ama xafiiskaba. Dh: shaaqiyad. Wa: jaariyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaariyad
bw: Arabic
de: maid servant
lx: jaariyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaariyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaliyam
m.l (kiimika) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka 1aad ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed: 39.09.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaaliyam
m.l (kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka 1aad ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed: 39.09.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaliyam
-ka: (magac, lab, keli) summad: (K.) bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; barkarid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed: 39.09.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaliyad
-da: (magac, dhedig, keli) aalad wax lagu eego oo waxa dheer soo dhawaysa. Naaliyadda goortaan dul dhigo tan iyo Nayroobi. Dh: diirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaariyad
-da: (magac, dhedig, keli) gudbin dheer oo aqaladda dushooda lagu gudbo oo guriga dushiisa isu wada haysa. Qaariyaddu shaxda way ka qaalisan tahay. Dh: darmaan.
qaariyad -da: (magac, dhedig keli) degaan ma guuraan ah oo dhismayaal kooban leh wax soo saarka miyigana ku tiirsan bucshuradda ay u baahan yihiinna ay ka iibsadaan. Dh: tuulo, qaryad, hayjad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zakariya
name-m Allah remembered; Zachariah; prophet in the Holy Qur'an
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askariyad
f. n. female soldier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
askariyad
-da: (n) police woman ~ naag boolis ah, caskariyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askariyad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh ka tirsan ciidanka qalabka sida. Askariyad ordaysaa i jiidhay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askariyad
de: female soldier
lx: askariyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: askariyad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarriyad
-da: (n) an obedient daughter, especially to her parents
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalsiyam
m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalsiyam
m.dh (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarogsaydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù m.l, kaalsiyam haydarogsaydh. m.l, kaalsiyam kaarboneyt. m.l, kaalsiyam salfeyt.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalsiyam
m. n., (mass n.): calcium
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalsiyam
-ka: (n) calcium (kaal-siyam); Symbol Ca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalsiyam
-ka: (magac, lab, keli) macdan jidhku u baahanyahay oo laga helo caanaha iyo wixi la mid ah oo waxtar badan u leh ilkaha iyo lafaha. Dh: kaalsiyom, kaalsiyoom.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalsiyam
de: calcium {Eng}
lx: kaalsiyam
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: kaalsiyam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaariya
-da: (n) malaria (ma-leeriya); paludism (paalya-diizim)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naytareyd
m.l (-yo, m.dh) (kiimika) Cusbada ama istarka natarik asiidh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naytareyd
m.l (-yo, m.dh) (kiim.) Cusbada ama istarka natarik asiidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naytareyd
-ka: (magac, lab, keli) cusbada ama istarka natarik asiidh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naytareyt
-ka: (n) [chemistry] nitrate (naay-tareeyt) ~ kiimiko loo adeegsado bacrinta beeraha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uraaniyam
-ka: (magac, lab, keli) macdanaha shucaaca leh mid ka mid ah oo elektaroonadeedu badan yihiin. Waxa loogu magacdaray meeraha Uraanos oo markii jiritaankiisa la ogaaday iyo markii macdantaas la ogaaday ay isu waqti dhowaayeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baankariya
-da: (magac, dhedig, keli) qanjidh ku ladhan marrinka dheefshiidka ee ku meelaysan caloosha agteeda. Wuxuu soo saaraa hormoonka insuliinta. Dh: beeryar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caskariyad
-da: (n) police woman; female soldier ~ askariyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaaniyam
m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaaniyam
m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaaniyam
-ka: (magac, lab, keli) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo Waxay ka isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysad
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysad
-ka: (magac, lab, keli) ducaysasho iyada oo Faataxada la akhrisanayo. Dh: faataxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naamuusiyad
m.dh la-mid: maamuusiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naamuusiyad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maamuusiyad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Naayjeeriya
(n) Nigeria; Abuja is the capital, Lagos is the largest city
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarsiyan
Qarqarsi ku xiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsiyan
f.mg4 (-sinaa, -sinayd) 1. Awr la qarqarsiyey ahaansho. 2. Cid wax lagu khasbay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarsiyan
(tilmaame) qarqarsi u xidhan. Awrku wuu qarqarsiyan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santariyool
m.l (-lo, m.dh) (baayoloji) Dhisme dhululubaysan oo ku dhex yaallla unugga kana qayb qaata qaybsanka unugga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
santariyool
m.l (-lo, m.dh) (baay.) Dhisme dhululubaysan oo ku dhex yaallla unugga kana qayb qaata qaybsanka unugga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santariyool
-ka: (magac, lab, keli) dhisme dhululubaysan oo ku dhex yaallla unugga kana qayb qaata qaybsanka unugga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayrariyaad
-da: (magac, dhedig, keli) caad khafiif ah oo cirku yeesho. Cirku xayrariyaad buu leeyahay. Dh: xaydhariyaad.