naasnuujis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasnuujis
m.l la-mid: naasnuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasnuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Si qarsoodi ah qof wax u siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naasnuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Si qarsoodi ah qof wax u siin. m.f.dh, naasnuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naasnuuji
v. breast-feed; favor, play favorites, give special treatment to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuuji
(fal) cid kale, naaska jaqsii. Ilmahaaga labo sano naasnuuji.
naasnuuji: (fal) cid kale u roonow oo si qarsoodi ah wax u sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naasnuuji
de: breast-feed; [fig.] favor, play favorites, give special treatment to
lx: naasnuuji
pd: (naasnuujiyey)
ps: v2a=tr
key: naasnuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasnuujin
m.f.dh eeg naasnuuji. la-mid: naasnuujis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naasnuujin
-ta: (n) 1. breast feeding (bareest fiidhing) 2. favouritism (feey-fara-tiisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid dadka kale uga roonaan oo si qarsoodi ah wax u siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuujinta
(magac, dhedig, keli) cid kale, naaska jaqsiin. Dh: naasnuujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuug
-ga: (magac, lab, keli) wax yar oo naaska hooyadii nuuga. Dh: caananuug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nunujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano siin; naaska u dhigid; nuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg aguujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanuus
m.l la-mid: feynuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanuus
m. n. lantern, lamp, light
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanuus
-ka: (magac, lab, keli) qalab wax lagu iftiinsado oo gaas, saliid ama wax kale lagu shubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanuus
bw: Arabic
de: lantern, lamp, light
lx: faanuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m, n1-m
see: feynuus
key: faanuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaasuus
(Jaasuus-ka)
1. Qof hawshiisu tahay (wax ha ku qaato ama yuusan ku qaadane) inuu qarsoodi u baaro oo u soo ogaado oo dabadeed sheego wax qof ama dad ama qaran (kiisa ama ku shisheeye) sir u ah oo haddii la ogaado dhibaato ka imanayso.
2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; basaas; dhexsocoto; warxangee; (ama jaajuus).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasuus
jaasuus¹: m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iyo wixi lamida); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. la-mid: jaajuus¹.
jaasuus²: f.g1 (-say, -stay) Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. la-mid: jaajuus².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaasuus
jaasuus¹: m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iyo wixi lamida); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. la-mid: jaajuus.
jaasuus²: f.g1 (-say, -stay) Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. m.f.dh, jaasuusid. la-mid: jaajuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaasuus
m. n. spy
jaasuus v. spy, be a spy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaasuus
-ka: (n) spy (ispaay); informer (infoor-mar); mole (mooI); undercover agent ~ jaajuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaasuus
-ka: (magac, lab, keli) qof hawshiisu tahay dabagalka iyo hoosu'baadhidda xogaha dadka. Dh: basaas. Wa: jaasuusiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naamuus
naamuus¹: m.l la-mid: maamuus¹.
naamuus²: f.g1 (-say, -stay) la-mid: maamuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naamuus
(fal) cid kale maamuus oo tixgeli.
naamuus -ka: (magac, lab, keli) cid kale maamuusid oo tixgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nunujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid xanuun badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid xanuun badid. m.f.dh, xanuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanuuji
v. hurt someone ~ something; cause ~ inflict pain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuuji
-yey / say: (v) cause physical pain to; pain (peeyn); hurt (heerf). Ex: ma ku xanuujiyey? did I hurt you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuuji
(fal) wax xanuuniya ku dhifo; xanuun dareensii. Wiilka yar xanuuji hadduu salaadda diido. Dh: xanuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanuuji
de: hurt s.o. ~ s.t.; cause ~ inflict pain
initial: x
lx: xanuuji
pd: (xanuujiyey)
ps: v2a=tr
key: xanuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduujis
m.l la-mid: baduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunis
m.l la-mid: ganuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunis
(Hanuunis-ka)
Hanuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunis
m.l la-mid: hanuunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuunis
vl. n. counseling, act of advising, guiding, orienting
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HANUUNIS
Orientamento
Orientation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanuunin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuunis
de: counseling, act of advising, guiding, orienting
lx: hanuunis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hanuunis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maasuudi
f.g2 (-iyay, -isay) Libaax-badeed maasuud ku dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuudi
(fal) ka faraxsii oo aad raalli uga dhig. Waalidkaaga kolkaad aragtaba ka maasuudi. Dh: mabsuudi, farxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maasuuni
-ga: (magac, lab, keli) qof ka tirsan ururka maasuuniyadda. Ninka maasuuniga ah dhayal looma ogaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maguujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuujis
m.l la-mid: majuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maroojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashuugi
f.g2 (-iyay, -isay) Nashuug ka dhigid (tubaako).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashuugi
(fal) cid kale buuri fuudsii. Nashuugi hal sigaar ah ha qufacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuuji
(fal) eeg nunuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuujin
(Xanuujin-ta)
Xanuun u yeelid, gaarsiin, dareensiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuujin
m.f.dh eeg xanuuji.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuujin
-ta: (n) hurting (heert-ing); causing physical pain; punishment (pa-nash-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xanuuniya ku jiidid; xanuun dareensiin. Waraabuhu xanuujin ayuu kaaga tegi. Dh: xanuunin, xanuujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halluujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halluujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaasuusid
(Jaasuusid-da)
Hadal jaasuusnimo ah cid ka geyn, ka sheegid; (ama jaajuusid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasuusid
m.f.dh eeg jaasuus². la-mid: jaajuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaasuusid
-da: (magac, dhedig, kali) cid kale oo cadaw ah, si qarsoodi ah xog uga ururin. Dh: basaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuudis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maacuudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maasuudin
m.f.dh eeg maasuudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad uga faraxsiin oo aad raalli uga dhigid. Maasuudinta waalidka ajar ayaa ku jira. Dh: mabsuudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naamuusid
m.dh la-mid: maamuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naamuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, maamuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashuuso
m.dh la-mid: naakirad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnaasi
(fal) neef ad lisayso kolba naas dhiiji oo ha darandoorrin. Si aad naaska caanaha uga dhamayso naasnaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashuugid
m.f.dh eeg naashuug².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashuugid
-da: (magac, dhedig, keli) buuri fuudid oo nuugid. Nashuugidda sigaarka kansar ayaa laga qaadaa. Dh: cabbid, fuudid, nuugid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashuugin
m.f.dh eeg nashuugi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashuugin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale buuri fuudsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku turqan, kulba dhinac u ruxid. Dh: nunujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanfuujin. xanfuujisan: (tilmaame) la xanfuujiyey ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuuji
(fal) caano sii; naaska u dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuujis
m.l la-mid: camajuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumis
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dullinimo aan waxba la ahaysan, faramadhnaan lagu jiro. Daadduumista dadkan ku dhacday waa mahadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguuris
m.l la-mid: jaanguurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasacelis
m.l (-syo, m.l) Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naasacelis
m.l (-syo, m.l) Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naasacelis
m. n. bra, brassiere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasacelis
-ka: (magac, lab, keli) maro ama wax la mid ah oo ay dumarku naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh labo god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudhmi kara iyo wax la mid ah. Dh: keeshali, rajabeeto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naasacelis
cf: candhasaab
de: bra, brassiere
lx: naasacelis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: naasacelis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashuusho
m.dh la-mid: naakirad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naashuusho
f. n. woman who refuses to live with her husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naashuusho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naashiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naashuusho
bw: Arabic
de: woman who refuses to live with her husband
lx: naashuusho
pd: (/da)
ps: n6-f
see: naakirad
key: naashuusho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) marba naas dhiigin. Naasnaasintu daranddoori maaha.
naasnaasin-ta: (magac, dhedig, keli) nabsi horay loo galay abaalkiisa helid oo shallayto iyo murug ku jirid. Nabsi kii dhitaystaa naasnaasinaayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nuuxnuuxinta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanjuucis
-ka: (magac, lab, keli) xurmayn la'aan iyo cadaadis cid lagula dhaqmo. Waanjuucis waa dhaqan colaadeed.
waanjuucis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg waanjuucin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanannuujin
m.f.dh eeg caanannuuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashis
m.l la-mid: nashnaashin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguuris
m.l la-mid: nabaadguurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguuris
-ka: (magac, lab, keli) dhul xaalufin oo wax abaaroobay ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baraanburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanannuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Caano nuujiin; caanosiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanannuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Caano nuujiin; caanosiin. m.f.dh, caanannuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanannuuji
v. give suck to, suckle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanannuuji
de: give suck to, suckle
lx: caanannuuji
pd: (caanannuujiyey)
ps: v2a=tr
key: caanannuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuugid
-da: (magac, dhedig, keli) naas jiqid, naas dhaadhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camanjuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camanjuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) camajuujin; camcamin.