naarsimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarsimo
(Naarsima-da)
Qalabka birtumaha guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarsimo
m.dh.u Magaca guud ee qalabka birtumuhu adeegsado oo dhan leeyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naarsimo
f. n., [collective] blacksmith's tool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarsimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalabka birr tumaha oo dhan. Tumaal naarsimo lagama waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naarsimo
de: blacksmith's tool
lx: naarsimo
pd: \pd(/da)
ps: n6-f-col
key: naarsimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarsime
m.l (-mayaal, m.l/dh) Naduur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarsime
-ha: (magac, lab, keli) waabka birtumuhu fariisto oo birta ku farsameeyo. Dh: naduur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarnimo
(Aarnima-da)
Aar ahaansho; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarnimo
m.dh Aar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarnimo
f. n., [abstract] bravery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarnimo
-aarnimada: (n) bravery (bareey-veri) ~ geesinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada sifooyinka aarka. Aarnimo ayaa ka muuqatay dadaalkiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarnimo
de: bravery
lx: aarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: aarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harsimo
(Harsima-da)
Maalinta dhexdeeda kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsimo
m.dh Waqtiga maalinta bartankeeda ah ee qorraxdu ugu kulushahay. la-mid: harsiimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harsimo
m.dh Waqtiga maalinta bartankeeda ah ee qorraxdu ugu kulushahay. la-mid: harsiimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harsimo
f. n., [collective] heat of the day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsimo
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta inteeda kulul. Dh: hadhsiimo, harsiimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harsimo
de: heat of the day
lx: harsimo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: harsimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimo
f.g3 (-intay, -imatay) 1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laasimo
f.g3 (-intay, -imatay) 1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid. m.f.dh, laasimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laasimo
v. be accustomed ~ habituated to something; reside permanently in a place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laasimo
-laasimay / laasintay: (v) accustom oneself; get used to; accustom (akastam). Ex: waxaan laasimay inaan saacado badan shaqeeyo; I have accustomed myself to working long hours
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laasimo
de: be accustomed ~ habituated to s.t.; reside permanently in a place
lx: laasimo
pd: (laasintay)
ps: v3b=intr
key: laasimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarrimo
f.mg3 (-intay, -imatay) Afeefasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baarrimo
f.mg3 (baarrintay, baarrimatay) Afeefasho. m.f.dh, baarrimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarrimo
v. make excuses ~ justifications
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrimo
(fal) hadalkaaga hortii afeefo oo eed, khalad iyo denbi ka sii gaashaamo. Hadalkaaga hortii baarrimo afafkaagana ood dhigo. Dh: afeefo, baarran.
baarrimo: -da: (magac, dhedig, keli) hadal hortii afeefo oo cudurdaar sii samaysasho. Dacwaddaada hortii baarrimo dhigo. Dh: afeef, baarran.
baarrimo -da: (magac, dhedig, keli) cudurdaarasho iyo afeef la sii qaddinto inta aan talo gaadhin. Baarrimada Yaasiin waa la wada ogaa. Dh: afeef.
baarrimo -ha: (magacwadareed) laba baad oo leebabka ama gantaalaha xagga dambe lagaga sameeyo si ay xawaaraha u dheereeyaan. Leebka intaanad ganin baarrimo ku xidh. Dh: baarrumo.
baarrimo -ha: (magacwadareed) xirribaha isha labadeeda dhinac ku yaal. Suubban waa gabadh baarrimo waaweyn. Dh: baarrumo, xirribo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarrimo
de: make excuses ~ justifications
lx: baarrimo
pd: (baarrintay)
ps: v3b=
key: baarrimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka xooluhu daaqaan. Daaqsimo ayaa dhulkan loogu tala galay. Dh: daaqsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsimo
m.dh 1. Qof dayrsan ahaansho. 2. Roob xilliga dayrta horteeda da'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaarnimo
m.dh Jaar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaarnimo
f. n., [abstract] neighborliness; being a neighbor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaarnimo
-jaarnimada: (n) neighborhood (neey-bor-huudh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaarnimo
de: neighborliness; being a neighbor
lx: jaarnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: jaarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naagnimo
(Naagnima-da)
Naag ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naagnimo
m.dh Naag ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naagnimo
f. n., [abstract] womanhood, wifehood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naagnimo
-naagnimada: (n) womanhood (woman huudh); femininity (fami niiniti); femaleness (fii-meel-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagnimo
-da: (magac, dhedig, keli) karti dumar oo fiican lahaan. Li: ninimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naagnimo
de: womanhood, wifehood
lx: naagnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: naagnimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marmarsimo
f. n. excuse, pretext
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmarsimo
de: excuse, pretext
lx: marmarsimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: marmarsimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naadirnimo
m.dh Naadir ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naadirnimo
-naadirnimada: (n) rarity (reer 'a ti) ~ macduunimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadirnimo
-da: (magac, dhedig, keli) naadir ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqusnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhinnaan ay wax ka maqan yihiin. Naaqusnimo alaabta laguma iibin karo.
naaqusnimo -da: (magac, dhedig, keli) naaqus ahaan; maangaabni. Naaqusnimada wilku wuu ku dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaarnimo
m.dh Najaar ahaansho. la-mid: nijaarnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamayaqaan najaar ah ahaan. Najaarnimadu waa sharaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasnimo
m.dh (dii.) Najaas ahaansho. la-mid: nejisnimo, nijaasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nijaarnimo
m.dh la-mid: najaarnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrimow
-ga: (magac, lab, keli) qofka afmaalka ah ee hadalka yagaan. Samatar waa nin baarrimow ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaysimo
-ha: (magac, lab, keli) awr aan heeryo saarnayn ama aan rarnayn. Awrka caddaysimaha ah heeryada saar aan raree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarnimo
m.dh (daawo) Labada indhood oo kala qalloocda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawarnimo
m.dh (daaw.) Labada indhood oo kala qalloocda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabarnimo
(Gabarnima-da)
Gabar ahaan; inannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabarnimo
m.dh Gabar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabarnimo
f. n., [abstract] girlhood, maidenhood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabarnimo
gabarnimada (n) girlhood (geerel huudh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aan la guursan ahaan. Dh: inannimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabarnimo
de: girlhood, maidenhood
lx: gabarnimo
pd: (/ha)
ps: n6-f-abs
key: gabarnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) duq weynaatay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraysimo
-ha: (magac, lab, keli) marka cid loo tababarayo shaqadeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) degdeg la'aan, muddo hawl qabashadeeda la sugo. Dh: hubsasho. Li: degdegsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacasnimo
(Nacasnima-da)
Nacas ahaansho; doqonnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacasnimo
m.dh Nacas ahaansho. la-mid: nacastooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacasnimo
f. n., [abstract] foolishness, stupidity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacasnimo
-nacasnimada: (n) stupidity (istuu-pidhiti); foolishness (fuulish-nes)-, silliness (silines) ~ doqonimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasnimo
-da: (magac, dhedig, keli) maangaabnimo. Dh: dabbaalnimo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacasnimo
de: foolishness, stupidity
lx: nacasnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: nacasnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najisnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof xun ahaan. Najisnimo dadkaa kugu naca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasabnimo
(Nasabnima-da)
Nasab ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasabnimo
m.dh Nasab ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasabnimo
f. n., [abstract] nobility, high birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasabnimo
-nasabnimada: (n) 1. decentness (diisent-nes); high moral ground; dignity (dhig-niti). 2. nobility (nowbilati); aristocracy (aris-tok-rasi) ~ laandheeranimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof shidda iyo xumo midna lahayn oo wanaagsan ahaan.
nasabnimo -da: (magac, dhedig, keli) qabiilahaan u fiicni. Dh: gobnimo. Li: gunnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasabnimo
de: nobility, high birth
lx: nasabnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: nasabnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxariiso
f.mg3 (-stay, -satay) U n.: cid naxariis u gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naxariiso
f.mg3 (-stay, -satay) U n.: cid naxariis u gelid. m.f.dh, naxariisasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxariiso
-naxariistay / naxariisatay: (v) be humane; be kind or compassionate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariiso
(fal) tudh oo dareen raxmadeed yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawaasimo
m.dh.u Dad badda quusa oo luulka kala soo baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaasimo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad luulka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) daahis iyo dib u dhicid wax la sugayo ama la filayo. Raagsiimo iska ilaali markaad shaqo ku jirto.
raagsiimo-da: (magac, dhedig, keli) in badan jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarsimo
(Gargaarsima-da)
Wax gargaar laga helo; kaalmo; taageero; waxtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsimo
m.dh la-mid: gargaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaarsimo
f. n. support ~ help received
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax gargaar laga helo. Dh: kaalmo, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargaarsimo
de: support ~ help received
lx: gargaarsimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gargaarsimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsi
de: revenge
lx: aarsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aarso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.m.f.dh, aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarso
v. take revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarso
-aarsay I aarsatay: (v) revenge (ri veenji); avenge (aveenji); retaliate (ri-taali-yeeyt) seek or take vengeance for [oneself or another person]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarso
(fal) (ka ~) aano kaa maqnayd ka gooso ciddii geysatay. Ka aarso ninkii abkaa dilay. Dh: aargudo, aargooso.