naar-afuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naar-afuuf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naar-afuuf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naar-afuuf
m. n., [compound] troublemaker, hell-raiser
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naar-afuuf
-ka: (n) monger (man-ger); troublemaker (trobal 'maykar); quarrelmonger, one who stirs up trouble or strife
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naar'afuuf
(Naar'afuuf-ka)
1. Qofka dadka isku dira; diraddiraale.
2. Amuurka qaarki; xayraxade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naar'afuuf
-ka: (magac, lab, keli) bog ku socotada nooc ka mid ah oo mulaca ay isku bah yihiin. Dh: xaydhacade, qul.
naar'afuuf-ka: (magac, lab, keli) qof dadka u kala warrama oo isku dira. Naarafuuf waa namiime ha u nixin. Dh: diradiraale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardadaboole
-ha: (magac, lab, keli) qof war badan iskuna dira dadka. Wardadaboole waa naar afuuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhtiafuuf¹.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. la-mid: bakhti-afuuf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhti-afuuf.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. m.f.dh, baqti-afuufid. la-mid: bakhti-afuuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barafuun
(Barafuun-ka)
Udug; cadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuun
m.l (-nno, m.dh) Hoore alkolo ku jirto; carfoon, ubax iyo wixi lamida ka samaysan oo la isku udgiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafuun
m.l (-nno, m.dh) Hoore alkolo ku jirto; carfoon, ubax iyo wixi lamida ka samaysan oo la isku udgiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barafuun
m. n. perfume, cologne
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barafuun
-ka: (n) [barafuuno-da] perfume (peer fiyuum); fragrance (fereey garansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuun
-ka: (magac, lab, keli) dareere udgoon badan leh oo la isku buufiyo. Barafuun isku buufi salaadda Jimce intaanad tegin. Dh: cadar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barafuun
de: perfume, cologne
lx: barafuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: cadar, udug {Eng}
key: barafuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaraabuf
m.dh (-fyo, m.dh) la-mid: baaraabuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxuun
-ka: (magac, lab, keli) geed qadhaabka ka mid ah oo gacayrada la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardafuul
fardafuul¹: m.l 1. Aqoon loo adeegsado sida fardaha loo fuulo. 2. F. ah: qof ku xeel dheer sida fardaha loo fuulo.
fardafuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Faras dusha ka korid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardafuul
-ka: (magac, lab, keli) qof habka fardaha loo fuulo ee loo eryo aad u yaqaan. Dh: kooragoo, farsafuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margaguuf
-ka: (magac, lab, keli) nin xoog badan oo bilaa faa'iido ah. Margaguuf xiid an daalin baa dhaama. Dh: xoogweyne. Li: xiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuuf
bakhti-afuuf¹: m.l la-mid: baqti-afuuf¹.
bakhti-afuuf²: f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: baqtiafuuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuuf
(Baqti'afuuf-ka)
Soo noolaan iyadoo dhimasho lagu dhowaadey; (ama bakhti'afuuf).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti'afuuf
v. resuscitate, bring back to life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuuf
(fal) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolee. Dh: bakhti'afuuf.
baqti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqti'afuuf
de: resuscitate, bring back to life
lx: baqti'afuuf
pd: (baqti'afuufay)
ps: v1=
key: baqti'afuuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyaasuuf
-ka: (magac, lab, keli) neef socod xun oo qolqollada dhex meeraysta. Dh: meermeerti, xerojoog, saanyasuuf.
saanyaasuuf -ka: (magac, lab, keli) qof si saqajaanimo ah u socsocda oo xaafadaha ama suuqyada dhex wareegaysta. Saanyaasuuf la lama saaxiibo sebina sirtaada looma sheego. Dh: meermeerti, barajoog, saanyasuuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuufid
m.dh eeg baqti-afuuf². la-mid: bakhtiafuufid.