naanaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) carcaraafin kolba waxaan jirin ku daalin. Naanaabintu ma fiicna. Dh: meehanaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabin
m.f.dh eeg naabnaabi. la-mid: naannaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, naannaab iyo shiddo ku ridid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabin
m.dh la-mid: naabnaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabi
(fal) carcaraafi oo kolba waxaan jirin ku daali. Dh: meehanaabi, jahawareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naacaabin
m.dh la-mid: neecaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naacaabin
-ta: (magac, dhedig, kell) weel ama meel neecaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabid
-da: (magac, dhedig, keli) nacas jahawareersan noqosho.
naanaabid-da: (magac, dhedig, keli) meehannaabid oo carcaraaf ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabid
m.f.dh eeg naabnaab². la-mid: naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mid shiddo iyo fagri haleeleen noqosho. Dh: naannaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabid
m.dh la-mid: naabnaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) marba naas dhiigin. Naasnaasintu daranddoori maaha.
naasnaasin-ta: (magac, dhedig, keli) nabsi horay loo galay abaalkiisa helid oo shallayto iyo murug ku jirid. Nabsi kii dhitaystaa naasnaasinaayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufluufin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale kolba dhinac u naanaabin. Dh: luufluufis, looyaamin, naanaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaab
-ka: (magac, lab, keli) carcaraaf iyo rafaad.
naanaab -ka: (magac, lab, keli) nacas jilicsanoo gartiimaqaate ah. Naanaab shaqo looma dhiibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naacaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: neecaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naacaabi
(fal) weel ama meel, neecaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Naabnaab ka dhigid (qof). la-mid: naannaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabi
(fal) cid kale, naabnaab ka dhig. Dh: naannaabi.
naabnaabi: (fal) walax, meel si xoog ah ugu dheji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: naabnaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taanaadin
-da: (magac, dhedig, keli) mid guulaysya ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaangaambin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarrago iyo aayar u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabanqaabin
(Qabanqaabin-ta)
Diyaarin; abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabanqaabin
m.f.dh eeg qabanqaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl abaabul iyo tabaabulshe u samayn. Qabanqaabinta shirku muddo badan ayay soo socotay. Dh: diyaarin, abaabulid; qabanqaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabantaabin
(Tabantaabin-ta)
Kaalmayn; gargaarid; daryeelid; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabantaabin
m.f.dh eeg tabantaabi. la-mid: tabantaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmayn, gargaarid, taageerid ama daryeelid. Dh: gargaarid daryeelid, kaalmayn, taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamin
(Daandaamin-ta)
Daandaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamin
m.f.dh eeg daandaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamin
-ta: (magic, dhedig, keli) tamarbeel ku ridid. Dh: wareerin, daandaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laanlaamin
(magac, dhedig, keli) meel ijaar ama ood hore lahayd laamo aan badnayn oo qoyan saarasaarid. Laanlaamin badanaa, reerkii ladnaan jiray, ma libaax ayaa helay. Dh: laandayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Qof wax caqli yar ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maangaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Qof wax caqli yar ahaansho. m.f.dh, maangaabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maangaaban
Comp. adj., (ie. n., adj.): stupid, without intelligence, mentally deficient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maangaaban
-maangaabnaa: (adj) stupid (istuupidh), dumb (daw), slow (isloow), dull (dal), obtuse (obtuus)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangaaban
(tilmaame) fiiro dheer aan lahayn oo garaad yar ah. Nin maangaabani sida wax loo cuna wuu yaqaan. Dh: garaadyar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maangaaban
de: stupid, without intelligence, mentally deficient
lx: maangaaban
pd: (maangaabnaa)
ps: adj-cmp
key: maangaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaxaabin
m.dh la-mid: manjaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaxaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) lugaha iskugu dhifasho oo legdid. Majaxaabinta waa lagu jabaa. Dh: mijaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanqaamin
(Qaanqaamin-ta)
Arrin la qaban doono, waxyaalaha ay u baahan tahay oo ku fuli doonto, isku duwduwid, diyaarin, qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaamin
m.f.dh eeg qaanqaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin la qaban doono isku diyaarinteed. Waxan ku jirnaa qaanqaaminta shirweynihii ururka. Dh: qabaanqaabin, diyaarin, iskududuwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabwaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) si is dabajoog ah u waabin oo uga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabin
m.dh la-mid: ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo yar, sida wax loo cuno, barid. Dh: ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho. Gaanbinta waa lagu guryo gaadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabnaan
(Nabnaan-ta)
Wax meel ku dhegsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabnaan
m.f.dh eeg naban². la-mid: naabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabnaan
f. n., [abstract] state of being stuck on ~ fixed on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax naban ahaan. Dh: naabnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabnaan
a: nabnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being stuck on ~ fixed on
lx: nabnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: nabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasnaan
(Nasnaan-ta)
Qof nasan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasnaan
m.f.dh eeg nasan. la-mid: nasnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasnaan
f. n., [abstract] restfulness, state of being rested
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasnaan
de: restfulness, state of being rested
lx: nasnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: nasnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel kore saaran ahaan. Raanaan baan ku ogaa kubbaddee yaa soo dejiyey. Dh: laallaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta cida lo'du samayso xilliga barwaaqada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaanin
m.f.dh eeg danaani. la-mid: danaano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo is haya midkood la jirid. Mataanaha danaaninta waa lagu yagaannaa. Dh: hiilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaabi
(fal) waxyaabo dhaadheer dhererkooga yaryaree. Li: dhaadheeree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandabin
m.f.dh eeg gandabi. la-mid: gandabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandabin
-ta: (magac, dhedig, keli) daal iyo dhibaato badan oo lagala kulmo socod dheer. Dh: gandabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabin
(Habaabin-ta)
Qof, kd., dhul uusan kala aqoon ku dhex lumin; anbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabin
m.f.dh eeg habaabi. la-mid: habaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbinta qof jidkii qummanaa laga anbiyo ama laga leexiyo. Dh: Jumin, anbin, hallayn. Li: toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabin
(Ladaabin-ta)
Ladaab u shubid; durduurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabin
m.f.dh eeg ladaabi. la-mid: ladaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) maalin walba aroorin oo biyo waraabin; xoolo ladaab u shubid. Dh: ladaabis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabin
m.f.dh eeg makaabi. la-mid: makaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaab
naabnaab¹: m.l 1. la-mid: naannaab 1. N. ah: qof caqli yar oo shiddo badan. 2. la-mid: naabnaabid.
naabnaab²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. la-mid: naannaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaab
(fal) wax shiddo badan oo caqli yar подо
naabnaab: (fal) qof, faqri daran la kulan.
naabnaab: (fal) si foolxun oo ka fuqid lahayn, meel ugu dheg.
naabnaab-ka: (magac, lab, keli) qof caqli yar oo dhib badan. Dh: naannaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaan
m.f.dh eeg naaban. la-mid: naabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid meel ku dhejisan ahaan. Dh: naabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaab
naannaab¹: m.l la-mid: naabnaab¹; naabnaabid.
naannaab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: naabnaab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naannaab
m. n. (adj.): attachment, fixation; silly, not conscious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naannaab
-ka: (n) fool (fuul); idiot (id-yet); silly or stupid person ~ nacas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naannaab
de: attachment, fixation; [atr.] silly, not conscious (e.g., the result of hypnotism) {N}
lx: naannaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: naannaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnaban
(tilmaame) wax meel ku dhedhejisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedhejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) awr tabaadi ka dhigid. Nadaadinta awrku ma fududa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaamin
m.dh la-mid: nidaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan wax u agaasimid. Dh: nidaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagaadin
m.dh la-mid: negaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof socdaal lahaa safarkii ka baajin. Dh: oolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanaanin
(Qanaanin-ta)
(fardo, lo' kd.) kolka orodka lagu jiro qanaanta taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanaanin
m.f.dh eeg qanaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) ordid aad ah oo dabada kor loo taagoo oo ay fardaha iyo lo'd sameeyaan. Qanaaninta lo'da lama gaadho. Dh: qanaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabin
m.f.dh eeg sawaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadin
(Tanaadin-ta)
Tanaad ka dhigid; hodmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadin
m.f.dh eeg tanaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) tanaad ka dhigid, hodmin. Tanaadinta adeerkay ayaa u sabab ah. Dh: tanaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaajin
(Wanaajin-ta)
Wax wanaagsan ka dhigid; hagaajin; suubbin; fiicnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajin
m.f.dh eeg wanaaji. la-mid: wanaajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaajin
vl. n. improvement (of method, procedure, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaajin
-ta: (n) betterment (beter-ment); improvement (im-puruuv-ment); enhancement (in-heensi-ment) ~ hagaajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan ka dhigid. Wanaajinta hawsha qof kasta waa laga sugayaa. Dh: fiicnayn, suubbin, hagaajin, wanaajis. Li: xumayn, bi'in, kharribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaajin
de: improvement (of method, procedure, etc.)
initial: w
lx: wanaajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: wanaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabin
(Waraabin-ta)
Biyo la cabbo siin.