naajaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naajaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho. m.f.dh, naajaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajaxsan
(tilmaame) wax bislaaday ama talo lagu guulaysatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajaxsanaansho
m.l/dh la-mid: naajaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajaxsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg naajaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho. m.f.dh, naaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxsan
(tilmaame) cayilan shilis ah. awr naaxan ayaa saylada la keenay. Dh: buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaraxsan
Farax hayo; reyrreyna haya; (ama faraxsan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faraxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaraxsan
der. [adjective] happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxsan
(tilmaame) qof farxad iyo rayrayn dareemaya. Dh: faraxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaraxsan
a: faraxsan
de: happy
lx: faaraxsan
ps: adj-der
key: faaraxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gaaggaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaxsan
(tilmaame) neef godladay oo inta uu wax diiday, godolkii joojiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaajaysan
1. Aan waqti badan cunno cunin; gaajo hayso.
2. Qatan; baahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaajaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gaajo hayso ahaansho. la-mid: qaajaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaajaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gaajo hayso ahaansho. m.f.dh, gaajaysnaan. la-mid: qaajaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajaysan
der. [adjective] hungry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaajaysan
-aa: (adj) hungry (hanggari); hungering; wanting food ~ baahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajaysan
(tilmaame) mid cunto u baahan; calool madhan. Li: dheregsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajaysan
a: gaajeysan
de: hungry
lx: gaajaysan
ps: adj-der
key: gaajaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafaysan
(tilmaame) mid heeran ama la curyaamiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naanaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: naynaasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: gaajaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajaxsanaan
m.f.dh eeg naajaxsan. la-mid: naajaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bislaaday ama talo lagu guulaysatay ahaan. Dh: naajaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabaxsan
(tilmaame) mid socdaal u dhaqaaqay oo u tabaabushaystay. Dh: ambabaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaggaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo gaaggaxay ahaansho. la-mid: gaagaxsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaggaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo gaaggaxay ahaansho. m.f.dh, gaaggaxsanaan. la-mid: gaagaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajaysani
-da: (magac, dhedig, keli) cunto u baahnaan; calool madhnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaftaysan
(tilmaame) mid naafto laga buuxiyey. naaftee: (fal) naafto ku shub. Dh: naaftay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafaqaysan
(adj) nutritious (niyuu-tiri-shas); nutrient (niyuu'-tiriyant) ~ nuxur leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqaysan
(tilmaame) dheef iyo macaadinbal haysta ah. Ilmo khudrad iyo caano la siiyay waa ilmo nafaqaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyajabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax niyadjab ku dhacay ahaansho. la-mid: niyadjabsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyajabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax niyadjab ku dhacay ahaansho. m.f.dh, niyajabsanaan. la-mid: niyadjabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabalaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qablax ah ahaansho (qof). la-mid: qablaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabalaxsan
(tilmaame) wax qablax ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajax
naajax¹: m.l 1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.
naajax²: f.mg1 (-xay, -xday; -jixi) 1. Midho ama arrin wax bislaaday noqosho. 2. Hanti badan yeelasho. 3. Arrin raalli ka noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naajax
naajax¹: m.l 1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.
naajax²: f.mg1 (-xay, -xday; -jixi) 1. Midho ama arrin wax bislaaday noqosho. 2. Hanti badan yeelasho. 3. Arrin raalli ka noqosho. m.f.dh, naajixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajax
(fal) midho ama arrin, wax bislaaday noqosho.
naajax: (fal) hanti badan yeelo.
naajax-a: (magac, lab, keli) midho bislaaday.
naajax-a: (magac, lab, keli) qof, fulinta hawl loo xilsaaray.
naajax-a: (magac, lab, keli) qof dhaqaalo ahaan ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxsan
(qof) Naxdini hayso; laga nixiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax naxay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax naxay ahaansho. m.f.dh, naxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxsan
der. [adjective] frightened, worried, nervous, aggrieved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxsan
-aa: (adj) shocked (shookidh); panicked (paanikidh); scared (iskeeridh) frightened (faraaytinidh) ~ baqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxsan
(tilmaame) wax naxdini hayso ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxsan
de: frightened, worried, nervous, aggrieved
lx: naxsan
pd: (naxsanaa)
ps: adj-der
key: naxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajaysan
(tilmaame) biyo walaaqan oo dhooqaysan; biyo wasakhaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsan
Neef aan goortii la lisi jirey la lisin oo goor kaloo danbe lala suga hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad). m.f.dh, gaaxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsan
der. [adjective] left unmilked (animal); untouched, virgin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaxsan
-aa: (adj) not milked [a female mammal]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsan
de: left unmilked (animal); [ext.] untouched, virgin
lx: gaaxsan
pd: (gaaxsanaa)
ps: adj-der
key: gaaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maax yeshay ahaansho (ceel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxsan
der. [adjective] full (of water); replete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxsan
(tilmaame) maax keenay ah; biyo maax ahi ayay ku jiraan. Laasku wuu maaxsan yahaye intaan lagaaga horrayn gaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxsan
de: full (of water); replete
lx: maaxsan
pd: (maaxsanaa)
ps: adj-der
key: maaxsan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Najax-a
succès.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysan
(tilmaame) qof ama wax kale oo cillad iyo dhib gaar ah qaba. Dh: ibtilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasan
aasaasan¹: f.mg1 (-smay, -santay) la-mid: asaasan¹.
aasaasan²: f.mg4 (-snaa,-snayd) la-mid: asaasan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasan
(tilmaame) wax unkan oo an ebyanayn. Xisbi aasaasan ayuun baa lagu hawlgali karayaa. Dh: billaaban, anbaqaadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baajisan
(tilmaame) wax ka baaqday inuu dhaco ama maaro loo helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. la-mid: cajisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. m.f.dh, caajisnaan. la-mid: cajisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajisan
der. [adjective] lazy, feeling lazy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caajisan
(adj) tired, lazy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisan
(tilmaame) caajis hayo; wahsanaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajisan
de: lazy, feeling lazy Alt sp: cajisan
lx: caajisan
pd: (caajisnaa)
ps: adj-der
key: caajisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaasan
(tilmaame) beer shinniyeysan; beer la fajaasay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajacsan
Aad u yaabsan; argaggaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fajac hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fajacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fajac hayo ahaansho. m.f.dh, fajacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajacsan
der. [adjective] amazed, bewildered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fajacsan
-aa / ayd: (adj) surprised (sarparaaysidh) ~ la yaaban —Syn: astonished, amazed, astounded, dumbfounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacsan
(tilmaame) qof yaabban; qof anfariirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajacsan
de: amazed, bewildered
lx: fajacsan
pd: (fajacsanaa)
ps: adj-der
key: fajacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxsan
Wax lagu farxo helay ama maqlay; reyrreyni hayso; arwaaxsan; riyaaqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax farax dareemaya ahaansho. la-mid: faaraxsan, farxaansan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax farax dareemaya ahaansho. m.f.dh, faraxsanaan. la-mid: faaraxsan, farxaansan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxsan
der. [adjective] happy, glad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxsan
-aa: (adj) showing pleasure or joy; delighted (dilaaytidh); happy (happi); glad (glaadh); cheerful ~ riyaaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsan
(tilmaame) mid farxad iyo rayrayn dareemaya. Dh: riyaaqsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxsan
a: faaraxsan
de: happy, glad
lx: faraxsan
pd: (faraxsanaa)
ps: adj-der
key: faraxsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaxsan
der. [adjective] low and flat; exposed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaxsan
de: low and flat; [ext.] exposed
lx: gabaxsan
pd: (gabaxsanaa)
ps: adj-der
key: gabaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la dhaqaaleyey ahaansho. 2. Hilib wax suyacay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraxsan
der. [adjective] saved, economized; safeguarded, protected; spoiled, smelling stale; capricious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsan
(tilmaame) kaydsan oo meel lagu qarsaday ah. Harag meel ku maraxsan ayaa uraya. Dh: madhaxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraxsan
de: saved, economized; safeguarded, protected; [ext.] spoiled, smelling stale; [fig.] capricious
lx: maraxsan
pd: (maraxsanaa)
ps: adj-der
key: maraxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixin
m.f.dh eeg naajixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ama wax kale, naajixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqusan
(tilmaame) an buuxin oo wax ka dhiman yihiin ah. Codka makarafoonku wuu naaqusan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysan
(tilmaame) naq roobaad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raajaxad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg raajaxaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaxsan
(tilmaame) wax kala baxsan ah. Dh: fidsan. Li: godan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gabaddano ku qoyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayaxsan
(tilmaame) mid sayax leh; la sayaxeeyey.