naabnaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaab
naabnaab¹: m.l 1. la-mid: naannaab 1. N. ah: qof caqli yar oo shiddo badan. 2. la-mid: naabnaabid.
naabnaab²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. la-mid: naannaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaab
(fal) wax shiddo badan oo caqli yar подо
naabnaab: (fal) qof, faqri daran la kulan.
naabnaab: (fal) si foolxun oo ka fuqid lahayn, meel ugu dheg.
naabnaab-ka: (magac, lab, keli) qof caqli yar oo dhib badan. Dh: naannaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Naabnaab ka dhigid (qof). la-mid: naannaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabi
(fal) cid kale, naabnaab ka dhig. Dh: naannaabi.
naabnaabi: (fal) walax, meel si xoog ah ugu dheji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaab
-ka: (magac, lab, keli) carcaraaf iyo rafaad.
naanaab -ka: (magac, lab, keli) nacas jilicsanoo gartiimaqaate ah. Naanaab shaqo looma dhiibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaan
m.f.dh eeg naaban. la-mid: naabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid meel ku dhejisan ahaan. Dh: naabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaab
naannaab¹: m.l la-mid: naabnaab¹; naabnaabid.
naannaab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: naabnaab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naannaab
m. n. (adj.): attachment, fixation; silly, not conscious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naannaab
-ka: (n) fool (fuul); idiot (id-yet); silly or stupid person ~ nacas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naannaab
de: attachment, fixation; [atr.] silly, not conscious (e.g., the result of hypnotism) {N}
lx: naannaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: naannaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabid
m.f.dh eeg naabnaab². la-mid: naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mid shiddo iyo fagri haleeleen noqosho. Dh: naannaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabin
m.f.dh eeg naabnaabi. la-mid: naannaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, naannaab iyo shiddo ku ridid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: naabnaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnab
(fal) «isku isku dhedheji wax kala daatay. Nabnab kursiga kala yaalla. Dh: kabkab, dhabdhab, karkar.
nabnab -ka: (magac, lab, keli) wax kala duduwan ama kala daatay isku keenid. Dh: kabkab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabaal
-ka: (magac, lab, keli) hub aad wax u gumaada oo dhuumo badan ka dhac wuxu sameeyaa gubasho iyo olol dhakhso u fida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naannaa
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan murt iyo xigmad toonni ku jirin oo hadal macno dar ah. Hadal waa murti iyo naannaa. Dh: nic, murti, xigmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabnaan
(Nabnaan-ta)
Wax meel ku dhegsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabnaan
m.f.dh eeg naban². la-mid: naabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabnaan
f. n., [abstract] state of being stuck on ~ fixed on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax naban ahaan. Dh: naabnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabnaan
a: nabnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being stuck on ~ fixed on
lx: nabnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: nabnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid falan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabnaan
(Daabnaan-ta)
Daab ku waxaysnaan; daab lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabnaan
m.f.dh eeg daaban. la-mid: daabnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daabnaan
f. n. state of having a handle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) daab ku jiritaan. Masaarta daabnaan baan ku soo iibsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daabnaan
de: state of having a handle
lx: daabnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: daabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabnaan
(Gaabnaan-ta)
Dherer gaaban lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabnaan
m.f.dh eeg gaaban. la-mid: gaabnaansho, gaabni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabnaan
f. n., [abstract] shortness, state of being short
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabnaan
-ta: (n) the act of being short; shortness (shoortnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dherer iyo joog yaraan; ahaanta wax gaaban. Li: dheeraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabnaan
a: gaabi, gaabni
de: shortness, state of being short
lx: gaabnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gaabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaab
laablaab¹: m.l Xeelad dan lagu fushanayo. la-mid: laallaab.
laablaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. la-mid: laallaab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laablaab
laablaab¹: m.l Xeelad dan lagu fushanayo. la-mid: laallaab.
laablaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. m.f.dh, laablaabid. la-mid: laallaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laablaab
v. fold repeatedly, keep on folding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaab
(fal) wax kala baacsan ama kala fidsan labadiisha cidhif isku keen oo mar wax ka badan isku laab. Bustaha innoo laablaab. Dh: laalaab, laab. Li: fidi, baaci, ballaadhi.
laablaab: (fal) alaab badan oo filqisan ama kala wada fidsan, dhammaan wada laalaab.
laablaab -ka: (magac, lab, keli) wax laabab badan; wax isku laablaaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laablaab
de: fold repeatedly, keep on folding
lx: laablaab
pd: (laablaabay)
ps: v1=pl
key: laablaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabnaan
m.f.dh eeg laaban². la-mid: laabnaansho, laabni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laaban ahaan. Dh: laablaabnaan, laalaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagnaag
-ga: (magac, lab, keli) nin haweenka saansaankooda oo kale leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabi
(fal) carcaraafi oo kolba waxaan jirin ku daali. Dh: meehanaabi, jahawareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabnaan
m.f.dh eeg qaaban². la-mid: qaabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabnaan
m.f.dh eeg saaban. la-mid: saab-naansho, saabsanaan, saabsanaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saab leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabnaan
(Waabnaan-ta)
Wax la waabay ama waaban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabnaan
m.f.dh eeg waaban. la-mid: waabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la waabay ama waaban ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabxaab
(fal) wax laga tegey qaadqaado.
xaabxaab -ka: (magac, lab, keli) wax hadhaa ah oo laga tego oon qiimo badan lahayn; alaabo ama wax laga shaqaynayay waxa ka hadh-hadha ee meelahaa lagaga tego. Dh: xaaxaab, hadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabid
m.dh la-mid: naabnaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabin
m.dh la-mid: naabnaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabbaab
-ka: (magac, lab, keli) cadho meel kale loo qabay oo meel kale lagula dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabnaan
(Dhaabnaan-ta)
Wax la dhaabay ahaan; dhidbanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabnaan
m.f.dh eeg dhaaban². la-mid: dhaabnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaabnaan
f. n., [abstract] state of being fixed firmly ~ stuck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhaaban oo dhulka ku qotoma ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaabnaan
de: state of being fixed firmly ~ stuck
lx: dhaabnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dhaabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabgaab
(Galabgaab-ka)
Galabta inteeda danbe; casargaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabgaab
m.l Galabnimada inteeda dambe ee qorraxdhaca ka horreysa. la-mid: galabgaabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabgaab
m.l Galabnimada inteeda dambe ee qorraxdhaca ka horreysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabgaab
m. n. late afternoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabgaab
-ka: (n) afternoon (af ter nuun)-, late afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabgaab
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe. Dh: casargaab, casarliiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabgaab
de: late afternoon
lx: galabgaab
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
key: galabgaab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haabhaabo
v. keep on feeling (around for) ~ groping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haabhaabo
-haabhaabtay / haabhaabatay: (v) reach about uncertainly with the hand: grope or scrabble around ~ haabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haabhaabo
(fal) doondoon wax aan kuu muuqan; wax aan la arkayn ama aan negayn, gacanta ku raadi. Dh: raadcee, raadi.
haabhaabo: (fal) wax meel kore yaal gacanta la laac oo tiigso. Dh: laaclaac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haabhaabo
de: keep on feeling (around for) ~ groping
lx: haabhaabo
pd: (haabhaabtay)
ps: v3b=pl
key: haabhaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jajabnaan
(Jajabnaan-ta)
Wax jajaban ahaan; burbursanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jajabnaan
-ta: (n) breakage (bareekeeyj)-, fragmentation (farag-men-teey-shin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jajabnaan
de: fragmentation
lx: jajabnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: jajabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. la-mid: laallaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laablaabo
v. go to and fro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabo
(fal) in mar ka badan, noqnoqo; meel ka noqnoqo.
laablaabo: (fal) wax aad adigu gaar u leedahay oo kala baacsan ama kala fidsan, labadiisa cidhif isku keen oo mar wax ka badan isku laab. Dh: laalaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laablaabo
de: go to and fro
lx: laablaabo
nt: laablaabad (ka) [vn-m], laablaabasho (/da) [vn-f]
pd: (laablaabtay)
ps: v3b=pl
key: laablaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabid
-da: (magac, dhedig, keli) nacas jahawareersan noqosho.
naanaabid-da: (magac, dhedig, keli) meehannaabid oo carcaraaf ku jirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) carcaraafin kolba waxaan jirin ku daalin. Naanaabintu ma fiicna. Dh: meehanaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnaasi
(fal) neef ad lisayso kolba naas dhiiji oo ha darandoorrin. Si aad naaska caanaha uga dhamayso naasnaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasahnaan
m.f.dh eeg nasahan. la-mid: nasahnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasahnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid hufanoo aan ceeb lahayn ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabtaabo
(fal) gacanta ku doondoon, dhawr jeer taabo, taabo oo mar kale taabo. Taataabo oo miiska ka doondoon dushiisa qalinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabwaabi
(fal) mar in ka badan waabi; waabi oo haddana waabi. Ninka waalanee waran qaatay iyo wiilkii yar ee waabwaabiya, yaa u kala warrama!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku naannaab
v. become attached to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_naannaab
de: become attached to
lx: ku naannaab
pd: (naannaabay)
ps: v1=expr
key: ku_naannaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaansho
m.l/dh la-mid: naabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg naabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabnaan
m.f.dh eeg nishaaban². la-mid: niishaabnaan, niishaabnaansho, nishaabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhufays daldaloollo lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaab
abaab¹: m.l la-mid: abaabid; abab¹; ababid.
abaab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: abab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaab
v. scatter on; crawl, creep, move along by creeping; walk (as reptile ~ insect)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaab
(fal) wax meel ku daadsan, xaab oo ururso. Magaalada waxa ku soo badatay carruur abaabaysa maqaayadaha. Dh: haag, unuunuf, xaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaab
de: scatter on; crawl, creep, move along by creeping; walk (as reptile ~ insect)
lx: abaab
pd: (abaabay)
ps: v1=
key: abaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nanab
(fal) wax kala yaal isku geygey oo isku dhedheji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaab
m.dh 1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadaab
m.dh 1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aadaab
m. n. good manners, educated ~ polite behavior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aadaab
aadaab-ta: (n) politeness (polaayt-nes); manners (man neris); etiquette (eti keeyt) ~ akhlaaq