n
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
N
(nuun; na'*)
Xarafka afar-iyo-tobnaad oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
n
m.dh (na') Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af Soomaaliga, waa shibbane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
n
(na') m.dh Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af Soomaaliga, waa shibbane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
n
(n) the fourteenth [14th] letter of the Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary pronounced as [na' or noon] like north, it is consonant ~ shibbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
n
(na'): xarafka afar iyo tobnaad ee Alifba'da Far-Soomaaliga ahna shibbane u qorma: N, n.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadane
(Aadana-ha)
Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhiro
(Aakhira-da)
Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammin
1. (qof) Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi.
2. (meel, kd.) nabad ah; aan cabsi lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aan
(Aniga; aan; i; ii - annaga; innaga; aannu; na; noo) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaroobid
(Abaaroobid-da)
Abaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaydin
(Abaydin-ta)
1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.
2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.
3. Carruurta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanwarre
(Abbaanwarra-ha)
Labada isu dhaxa, kan lab; say; nin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adaar-biciid
(Adaar-biciid-ka)
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga; wuxuu lee yahay, miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adduun
(Adduun-ka)
1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu nool yahay; duni.
2. Maal; xoolo; hanti; adduunyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adkaansho
(Adkaansha-ha)
1. Adayg noqosho.
2. Xoog badnaansho; libaysasho; guuleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Af
(Af-ka)
1. Xubinta nafleydu cunnada ka cunto oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yaalliin.
2. Ereyada iyo ulajeeddooyinkooda; hadal dhan oo tol isku garto oo ku wada hadlo, oo wax ku qabsado.
3. Dhinaca birtu wax ka gooyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaggaal
(Afaggaal-ka, Afaggaa-sha)
Toddobada xiddigood oo raqaha, tan ugu danbaysa; waxay u dhexaysaa nuguushi-cad tyo naafcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgaab
(Afgaab-ka)
Cudur sida furuqa oogada nabarro biyo leh ka soo yaaciya; furuqbiyoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afo
(Afa-da)
Naag la qabo; arad; oori; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afqays
(Afqays-ta)
Xiddigaha naafaha, tooda saddexaad (ama afqoys).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufan
Neef la geliyey; neefaysan; la afuufay; la buufiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufid
(Afuufid-da)
Neef afka ka soo deyn, oo meel ama wax ku toosin.