ereyga

my

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

my

DHAN

/maay/ (pron) kayga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

my

DHAN

p.prn. (see Grammar).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

atam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (fiisikis) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. la-mid: atom.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

atom

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) la-mid: atam.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

birisam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) 1. (xisaab) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xisaab) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

elektarogardiyogaraam (EKG)

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (daawo) (EKG) Ku qorista, shaqo koronteedka wadnaha warqad socota dusheed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hordiyuulam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (daawo) Halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

insaym

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Borotiin u dhaqma sida dedejiyaha marka ay dhacayaan falgallada bayokimikeed. Insaym kasta waxa uu goonni u yahay falgal gaar ah ama koox falgalladoodu ay isku mid yihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

joohaar-bisaliim

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) la-mid: saliim-bijoohaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

juudaan

DHAABAN
1

juudaan¹: m.l Cudur halis ah oo dadka oogadiisa googooya.

2

juudaan²: m.l (daawo) Cudur muddo dheer oo uu keeno “mycobacterium leprae”. Wuxuu wax yeelleeyaa maqaarka, dareemayasha iyo xuubka gudaha ka mara xubnaha daloola (mucous membrane). Waxaa laga helaa dalalka cimilada kulul, si toos ah ayaa la isaga qaada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kasaliim

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) Kabax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kiilogaraam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) la-mid: kiilo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koo-insaym

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Molikiyuul aan borotiin ahayn oo orgaanik ah, kaas oo ku xidhiidhiya molikiyuul insaym dedejinta falgallada baayokiimi-keed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koromosoom

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda. Koromosoomyadu waxay ka koobanyihiin koromatiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koromosoom-jinsi

DHAABAN

m.l (-myo ..., m.dh) (baayoloji) Korokosoomyada xukuma xayawaanka dhalanayaa lab iyo dheddig midka uu noqonayo. Waxay ku leeyihiin bu'da hal sinji lammaane koromosoomo oo isku kaan ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

lidlogardam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamkanabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiya “lidlog”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

logardam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa “log”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

logardam caadi

DHAABAN

m.l (-myo ..., m.dh) (xisaab) Logardam salkiisu yahay toban tusaale ahaan, log = 2 ama 100 = 10.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

logardam nabiir

DHAABAN

m.l (-myo ..., m.dh) (xisaab) Logardam la adeegsado salka e = 2.71828..., log x badanaaba waxa loo qoraa “lnx”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maysiiliyam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (botani) Hayfa wada shaqeeya oo sameeya jidhka fangaska. Wuxuu ka koobanyahay hayfa quudiye iyo hayfa taran oo wada jira, kaas oo dhala boodhsidayaal iyo gaametajiyam.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

muddamdam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) Sirrow; munaafaq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mujrim

DHAABAN

m.l (-miyaal, m.l/dh,/-myo/-miin, m.dh) Qof meheraddiisu tahay dhac iyo dil.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

May

DHAFANDHAAF

Ma aha; maya; yeeli mayo; diidey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

may

DHAFANDHAAF

diid. la-mid: maya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

may

DHAFANDHAAF

: no

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

May

DHAFANDHAAF

/mey/ (n) bisha Maajo (bisha shanaad ee miilaadiga).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

may

DHAFANDHAAF

/mey/ (v) 1. laga yaabaa (dhici karta); lacalla 2. la ogol yahay (la samayn karo) 3. rajayn (wax mustaqbalka la filo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

may

DHAFANDHAAF

(adv) no (noow); not at all ~ maya; ma jirto

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

may

DHAFANDHAAF
1

(falkaabe) erey jawaab diidmo ah oo lagaga jawaabo su'aal laba jawaabood midkood uun qaadata diidmo ama oggolaansho. Ma sahal baa? Haa. Ma sulub baa? May. Dh: maya. Li: haa.

2

may-da: (magac, dhedig, keli) bisha shanaad ee sannadka miilaadiga. Kowda may waa maalinta shaqaalaha adduunka. Dh: mey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

may

DHAFANDHAAF
1

de: no

2

lx: may

3

ps: neg

4

key: may

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

may

DHAFANDHAAF

aux.v., kar; you may if you wish, hadaad rabtid waa kartaa; if it may be, haday jiri karto; if I may say so, hadaan sidaa odhan karayo; as much as may be, intaad kartid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mey

DHAFANDHAAF
1

vl. pron., neg. she ... not

2

mey vl. pron., neg. they ... not

3

mey question word, vl. pron. does she? / did she? / is she?

4

mey question word, vl. pron. do they? / did they? / are they?

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

mey

DHAFANDHAAF

[pronoun plus negative] they or she...not. Ex: mey arag: they [she] didn't see

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

moy

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: mooye (1).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moy

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) mooye.

waa la naqliyay ✓