muyulukhad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muyulukhad
minanka faalka magiiganaha mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Arliya
magac loo baxsho gabadh sida arliga u deggan oo dabeecadaha wanaagsan ee dhulka leh.
Arliya -da: (magac, dhedig, kali) curadda afarta qolo ee magiiganaha; waa lix iyo labaatan dhagax oo u kala baxa min sixri iyo min sicdi. Jaamac, waa siddeed dhagax oo min sicdi ah. Qabqable, waa lix dhagax oo min sicdi ah. Inkays, waa toddoba dhagax oo min sixri ah. Muyulukhad, waa shan dhagax oo min sixri ah. Faalka marka la eego Arliyaa ugu aamin daran, waayo waxay tidhaah: wax dhintay waan ku deeqsiin, wax dhashana waan ku deeqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mariikh
meerayayaasha qorraxda ku wareega middood oo u dhexeeya dhulka iyo mushtarka. Dh: cirjeex, farraarre.
Mariikh: xiddig faaliyuhu u naxsiga ka eego Ximre iyo Muyulukhad bay na leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabdho
-ha: (magacdwadareed) afar min oo faalka ka mid ah; Muyulukhad, Badhyaale, Guntane iyo Istamiic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minsixri
minanka faalka min ka mid ah waxa u aabbo ah minankasixirka ah Minsubagle, Ugleh, Muyulukhad iyo Guntane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyulikhad
minanka faalka mid ka mid ah. Minyulikhad ayuun baa soo baxaysa markaan rogaba. Dh: muyulukhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yulkhad
m.dh Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mululukh
(falkaabe) erey tusa nadiifin degdeg ah oo wixii yaalba la dhammeeyey. Albaabka weelkii iyo dharkiiba mululukh ayaan ka siiyey Dh: muluq, mululuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleehad
-ka: (magac, lab, keli) masabbidid oo qof dambi aanu lahayn dusha ka saarid. Dh: masabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cululubad
(Cululubad-ka)
Cululubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cululubad
m.l la-mid: cululubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cululubad
vl. n. memory, recall, recollection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cululubad
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama talo hore u dhacday oo kol danbe la garwaaqsaday siday ku qummanayd. Dh: cululubasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cululubad
a: cululubasho (/da) [vn6-f]
de: memory, recall, recollection
lx: cululubad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cululubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushad
f.mg1 (-day, -dday) Dhuxul noqosho (wax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruushad
-ka: (magac, lab, keli) aad u gubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquunsad
(Muquunsad-ka)
Muquunsasho; muquunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunsad
m.l la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsad
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku qaadasho oo awood ku muquunin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuluqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kaa miisaan weyn tunka ku qaadid, la budtuluqsasho. Butuluqsad baan ku soo gaadhsiiyey kiishka sonkarta ah halkan.