muutamuutayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muutamuutayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku ag warwareegid ujeeddo leh oon la badheedhin. Dh: munuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusdus
-ka: (magac, lab, keli) socod qarsoodi ah oo kolba dhinac loogu kaco. Dh: muutamuutayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursad
-ka: (magac, lab, keli) sidii wax ilka la muurmuurri wax u cunid. Muurmuursadka iska daa miyaad ilka la'day! Dh: muurmuursasho.
muurmuursad -ka: (magac, lab, keli) wax la yar doonayo ku ag warwareegid oo u muutamuutayn. Dh: gaadid, doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursi
-ga: (magac, lab, keli) wax la doonayo u muutamuutayn; doonid oo ku ag warwareegid. Dh: gaadid, doonis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuunayn
m.f.dh eeg gamuunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) leeb gamuuman ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegasho oo awood ku qabsasho. Dh: qabsasho, muquunin.
muquunayn-ta: (magac, dhedig, keli) muquuno gargaar ah cid siin. Dh: caawin, gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunadayn
(Muunadayn-ta)
Muunad u yeelid; xurmayn; weyneyn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunadayn
m.f.dh eeg muunadee. la-mid: muunayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midabyo qunoon u yeelid. Dh: naqshadayn, midabayn, aslid.
muunadayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawayn oo u xur mayn. Dh: xurmayn, tixgelin, muunadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumuujayn
m.f.dh eeg tumuujee. la-mid: tumuujo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumuujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomo ku jiidid. Dh: tamuujayn, tantoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quutaquute
m.l la-mid: qudunquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quutaquuto
m.dh la-mid: qudunquuto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quutaquuto
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir dabo dheer leh oo af yuuban oo cas leh oo geedaha waawayn godad ka samaysata. Dh: quuto, qudunquuto, qayaaquuto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurrin
-ta: (magac, dhedig, keli) si muurmuurri ah oo aayar ah wax u calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluqlayn
m.f.dh eeg muluqmuluqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqmuluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socsocosho ay dhuundhuumasho iyo isqarqarini ku jirto oo is dhexyaac ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo iyo meherad la'aan ku joogid. Dh: faaltuuyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'aamaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato qarsoodi ah cid u maleegid si waxyeello lo gaadhsiiyo. Ha ka qayb galin mu'aamaradayn qol aan waxba galabsan loo maleegayo. Dh: shirqoolid, dibindaabyayn dhagrid, xeeladayn.