muusiga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusiga
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muusig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusig
-a: (magac, lab, keli) qalab kala duwan oo loo tumo si uu codad wax lagu cabbirayo ama farxad gelin ah u sameeyo oo jabaq macaan. Dh: miyuusik, muusik; muusiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusika
(Muusika-da)
Cilmiga iyo kasmada dhawaaqa, codka, jaanta iyo sacabka dadka cayaara haya oo dhinac ah, iyo dhinaca kale qalabka la yeersho (mid la tumo oo la garaaco sida durbaanka iyo reemaha; mid leh dhuumo la afuufo oo ama qori ah ama maar sida kalarinet iyo kornet; iyo mid boqon ama xarig leh, sida fiyoliin iyo biyaano) oo laga soo saaro yeer macaan oo la jeclaysto oo aan dhabaq lahayn oo ku dhisan hab, jaangooyo, islahelid luuq, dhabaq iyo deelqaaf la'aan, (ama muusiiqa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusika
m.dh 1. Dhawaaq dheguhu ku raaxaystaan dhabaq lahayn oo ka dhasha qalab ama wax ka badan oo la garaaco ama la yeeriyey. 2. Hees iyo qalab la tumayo oo wadajira. la-mid: muusiqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusika
f. n., [collective] music
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusika
de: music {It}
lx: muusika
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: muusika
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusiqa
m.dh la-mid: muusika.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusiqa
f. n., [collective] music
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muusiqa
-da: (n) music (miyuusik)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusiqa
bw: Arabic
de: music
lx: muusiqa
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: muusiqa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweys
m.l 1. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo habeenkii lagu so jeedo. 2. (-syo, m.dh) Baar muusiga laga tumo oo habeenkii dhallintu ku soo jeeddo. 3. la-mid: caweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caweys
m.l 1. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo habeenkii lagu so jeedo. 2. (-syo, m.dh) Baar muusiga laga tumo oo habeenkii dhallintu ku soo jeeddo. 3. la-mid: caweyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
accompaniment
/akampaniment/ (n) 1. laxanka ama codka muusiga ee hees loo sameeyo. e.g. a piano accompaniment (n) 2. shay wax la raaciyo ama lugu lammaaniyo sida iidaanka cuntada loo raaciyo oo kale.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bass
/baas/basses; (adj) 1. cod aan xabeeb lahayn(n) 2. qalabka muusiga ee codka nadiifka ah leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fine arts
/fayn-artis/ (n) fanka quruxda (curinta wax qaab iyo qurux leh, sida farshaxanka, muusiga iwm)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flat
/flaat/ (adj) 1. siman, bagafsan (adj) 2. xalleefsan (adj) 3. banjar ah, shaag banjar ah (taayir) (adj) 4. qayaxan, iska-cad. e.g. She gave a flat refusal. (adj) 5. dabacsan, siiba codka muusiga (n) 6. guri-degaan, (adv) 7. go'an (aan saa'id iyo naaqus lahayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
folk
/fowk/folks (n) 1. dad, shacab (adj) 2. ee-dhaqameed sida muusiga ama ciyaaraha dhaqanka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pop
/pap/ (v) 1. shanqar yeerin (siiba shanqarta ka yeerta buufimo dillaacda iwm) (n) 2. muusiga kulul (muusigga sida adag loo garaaco) 3. dillaacin qarax leh (sida dillaacinta buufimada)(v) 4. indha taagid (indha-taaglayn yaab ama farxad awgeed) (n) 5. cabbitaan (siiba midka warshadaysan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ragtime
/raag-taym/ (n) muusiga jaaska ah ee qadiimiga ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tempo
/tempow/ (n) xawaaraha muusiga loo yeeriyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
theme
/thiim/ (n) 1. mawduuca hadalka (dulucda hadalka) (n) 2. gun-dhiga muusiga (fikradda qaab- muusig lugu saleeyo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tone
/town/ (n) 1. mawjada codka (sida dhawaqa luuqda ee muusiga) (n) 2. midab (siiba midabo isku-jir ah) (n) 3. jawiga-guud (xaalada meel sida ay tahay markaas).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tune
/tuun/ (n) 1. laxan (isku-duwidda samaynta codka muusiga) (v) 2. habayn ama isku-duwid qalabka muusiga (v) 3. dib-u habayn matoor sida, cillado ka saarida, sifaynta iwm.
change one's tune mawqif-baddalid (qof mawqifkiisii baddala).
out of tune laxan sax ah aan lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
violin
/vayalin/ (n) fiyooliin (qalab muusiga oo la garaaco).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexyar
(tilmaame) haweenay qurux badan oo dhexdeedu yartahay.
dhexyar -ta: (magac, dhedig, keli) qalab ka mid ah alaadaha muusigada oo afar xadhig leh oo, marka lagu dalliigo ul u qaabaysan, samaysa codad kala siiqad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusikayste
-ha: (magac, lab, keli) qof muusiga si fiican u tuma oo xuruuftiisa u yaqaan. Xudeydi waa muusikayste caan ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
música
s.f. - muusiko, muusik.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusid
(Muusid-da)
(biyo, kd.) inta dhulka hoostiisa mara, meel kale ka soo baxa, ka soo fuura, ka soo habya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusid
muusid¹: m.f.dh eeg muus².
muusid²: m.dh (jooloji) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusid
m.dh (jool.) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Muusid
Seepage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusid
-da: (magac, dhedig, keli) bixidda uu wax qoyani meel si aan burqasho ahayn oo aayar ah uga soo baxo. Dh: heemid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muusik
-a: (n) music (muusik) ~ muusika -da, muusiqa-da
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muumina
name-f faithful; true believer
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Muus-ka
banane, rasoir.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Huuri-ga
canot-, barque.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kufsi-ga
viol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudsiin
m.dh la-mid: muursiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoodi u saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursiin
m.f.dh eeg muursii. la-mid: muudsiin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Suuli-ga
cabinet, W.C.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Quudhsi-ga
mépris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muug
(Muug-ga)
Wax ishu arkayso; muuqaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muug
m.l la-mid: muuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muug
m. n. aspect, figure, shape, external appearance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muug
-ga: (n) appearances (apiir'ansi); image (imeey'j) ~ muuq-a
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muug
a: muuq
de: aspect, figure, shape, external appearance
lx: muug
pd: (-ga Pl: muugag (ga))
ps: n4-m
key: muug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muus
(Muus-ka)
1. Miro dheerdheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bislaadaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaan yihiin; geedka muusku, geed dhab ah ma aha; waa caws weynaadey, caleemihiisuna waa wax dhab u balballaaran oo dheerdheer; (ama moos).
2. Mandiil daab leh oo isku laabanta oo lagu xiirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muus
muus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. la-mid: moos².
muus²: f.mg1 (-say, -stay) Biyo hoos u gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muus
muus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. la-mid: moos.
muus²: f.mg1 (-say, -stay) Biyo hoos u gelid. m.f.dh, muusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muus
v. flow out of the ground
muus m. n. banana
muus m. n. razor
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUUS
(Mus) All. Som. Musa sp. Musaceae.
All. Som. Musa paradisiaca L. Musaceae.
S Ensete ventricosum (Welw.) Cheesman. Musaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muus
-ka: (n) banana (ba nan a) ~ moos
muus -ay / -tay: (v) embank (embaank); dam (dhaam), dam up, earth up ~ moos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muus
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo dhaadheer oo balballaadhan bixiya oo gun jilicsan iyo midho rooshaan u baxa leh oo dhala khudradda muuska. Dh: moos.
muus-ka: (magac, lab, keli) midho dhaadheer oo soo yare xoodan oo si qurux badan oo rooshaamo ah u baxa kolkay bislaadaanna midabkoodu waa huruud jaalle ah oo aad u macaan. Soomaaliya waa waddannada ugu caansan dhoofinta muuska Dh: moos.
muus-ta: (magac, dhedig, keli) mindiil daab leh oo isku laabanta oo aad u af badan oo waayadii hore lagu xiiran jiray. Muus ii soo ibi. Dh: maddiil, daar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siga
Ku dhowaada; u dhowaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siga
[adverbial] [expression] almost, nearly, approximately
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siga
de: almost, nearly, approximately
initial: s
lx: siga
ps: adv-expr
xe: When I almost fell, she grabbed me. (present habitual subject form of sig)
xv: Anigoo siga in aan dhaco ayey i qabatay.
key: siga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Misig
(Misig-ta)
Xubinta bowdada iyo u dhexaysa dibka; sin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
misig
m.dh (-sko, m.l) Xubinta u dhexayso bawdada iyo lafdhabarka xaggeeda hoose; sin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
misig
m.dh (-sko, m.l) Xubinta u dhexayso bawdada iyo lafdhabarka xaggeeda hoose; sin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
misig
f. n. hip (upper part); flank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
misig
-ta: (n) hip (hip); pelvis (peel'vas) ~ sin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
misig
-ta: (magac, dhedig, keli) xubinta ay iska galaan lafta bawdada iyo durriqisada ee u dhaxaysa xaarquudda iyo goljilicda. Wa: misko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
misig
cf: sin
de: hip (upper part); flank
lx: misig
pd: (-ta Pl: misko (/ha))
ps: n3-f
key: misig
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
misig
ورك، ورك
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mugga
Hadda; eegga; amminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mugga
n. phr., time (adv.): now, at the moment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mugga
(n) now (naaw); the present time or moment ~ iminka; hadda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mugga
de: now, at the moment
lx: mugga
ps: np-time / adv
xe: Im leaving now.
xv: hadda, eegga
key: mugga
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
music
/myuu sik/ (n) muusik.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
music
n., hees, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudi
f.g2 (-iyay, -isay) Biyo, kayn iyo wixi lamida wax dhex marin, iyadoo aan la arkayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudi
(fal) muud ka keen. Aalaha muudi oo eeg inuu macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal, arrin iyo wixi lamida ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muuji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal, arrin iyo wixi lamida ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid. m.f.dh, muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muuji
v. show, display, indicate, express, reveal, demonstrate, make visible; affirm, base; discover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muuji
-yey / say: (v) indicate (indikeeyt); expose (ikispows); show (shoow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muuji
(fal) ka dhiq wax muuqda oo saani loo arki karo. Sawirkaaga dhegaha muuji. Dh: tus. Li: qari, khabbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muuji
cf: muug; muuq
de: show, display, indicate, express, reveal, demonstrate, make visible; affirm, base; discover
lx: muuji
pd: (muujiyey)
ps: v2a=
key: muuji
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Muuna
pr. n., loc. place of pilgrimage
Muuna pr. n., [feminine] Mona
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Muuse
name: Moses
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muuse
name-m drawing out, extracting from water; Moses, prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Muuse
de: Moses
lx: Muuse
ps: name-m
key: Muuse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuso
m.dh Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muuso
m.dh Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quusi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo hoos u gelin. 2. Cid rajo la'aan dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quusi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo hoos u gelin. 2. Cid rajo la'aan dhigid. m,f,dh,quusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quusi
v. immerse, plunge in ~ into water
quusi v. cause to despair, make someone lose all hope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quusi
-yey / say: (v) 1. submerge (sab-meerj); dip (dip); immerse (i-meersi). 2. make every effort to satisfy or make someone give up something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusi
(fal) cid kale biyo hoos u geli; biyo ku muquur.
quusi: (fal) cid kale, rajo la'aan ka dhig
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
usaga
pron., 3m: he, him
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
usaga
(pronoun) he (hii) ~ asaga
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
usaga
a: isaga {E}
de: he, him
initial: u
lx: usaga
pd: (usagu)
ps: pro-3m
key: usaga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusid
m.f.dh eeg buus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusid
-da: (magac, dhedig, keli) buusbuus u yeelid, dhuucdhuucid u samayn. Buusidda buraashada adaa dhagax ku sii daayey.
buusid -da: (magac, dhedig, keli) hoos u diisid. Mooteerku buusid ma leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax adag, hoos u diisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax loo tartansanaa, ku guulaysi. Dh: guulaysi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huusid
Percolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusid
(Kuusid-da)
Wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.