muurrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurrin
(Muurrin-ta)
Dhutin yar; heetis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurrin
m.f.dh eeg muurri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurrin
-ta: (magac, dhedig, keli) aayar u dhutiyid. Muurrintu waa dhuti fudud. Dh: hitiqin, heetin. muursasho -da: (magac, dhedig, keli) muur ka dhigasho. Ninka an awr hayin ah lahayn muursashada dameer Allaa baday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo iyo in ka badan oo awr ah xidhiidhin oo isdaba gelin. Dh: xidhiidhin.
muurin -ta: (magac, dhidig, keli) cid ergiso u siin; ergiso u bixin. Muurinta waa la isku leeyahay. Dh: ergiso, awrqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurri
f.mg2 (-iyay, -isay) Nafley si ayaar ah u dhutin; heetin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurri
v. limp slightly, be partially lame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurri
(fal) dhuti yar oo heetin ah samee. Intaad gardawaaxi lahayd orod soo yar muurri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurri
cf: heeti, dhutin
de: limp slightly, be partially lame
lx: muurri
pd: (muurriyey)
ps: v2a=
key: muurri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurriin
-ka: (magac, lab, keli) buurniinka wax buuran yahay. Buurriinka iyo sida uu u naaxay baan ka yaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mululrin
mululrin¹: m.l Rimidda uu rimo dheddig mulul ah. la-mid: mululrimid.
mululrin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mululrin
(fal) irmaan ku rin; naas nuujinta dhexdeeda ku uurayso, Haddaad doonayso inaad degdeg u dhaldhasho sannad walba mululrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquurin
m.dh la-mid: maquurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquurin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha dhex quusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurrayn
(Muurrayn-ta)
Wax tiro badan oo wada dhaqdhaqaaqa haya; miririgleyn; guurreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurrayn
m.f.dh eeg muurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dabawareegid; xuuraamid. Dh: agaguug, miririglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursiin
m.f.dh eeg muursii. la-mid: muudsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si yuurar ah u fadhiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murin
(Murin-ta)
Wax, farta murdisada ah, xoog korka uga marin oo ku xoqid oo dabadeed wax ay soo goyso ama soo raaca, leefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murin
m.f.dh eeg muri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ay cunto la dhammatay farta ku xagid oo wixii ku hadhay ka leefleefid. Kol haddaad dheregto murinta daa. Dh: murdin.
murin -ka: (magac, lab, keli) dharka ay caruuska iyo caruusaddu ku aroosgalaan Dh: marriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burrin
m.dh la-mid: bųrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurin
m.f.dh eeg buuri².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durrin
m.dh (-imo, m.dh) Dhul bannaan oo degaanka ku wanaagsan. la-mid: derrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrin
-ta: (magac, dhedig, keli) kayn weyn oo duur leh. Durrimaha agtoodaba ha marin yey ku daakhiline.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaan ama summad dhegta hasha lagu dhigo oo in yar caarada laga saro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurrin
(Gurrin-ka, Gurrin-ta)
Neef guga gudihiisa rimay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurrin
m. n. animal that conceives during the wet season
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurrin
cf: Gu ~ Gu'
de: animal that conceives during the wet season
lx: gurrin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: gurrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurin
(Guurin-ta)
1. Guur gelin; aroosin.
2. Cid meel ka rarid.
3. Hadal qoran oo meel ku yaal, meel kale ku qorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurin
m.f.dh eeg guuri. la-mid: guuris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku guurin; isku dhisid; isku meherin; labo qof oo lab iyo dhedig kala ah si sharci ah isugu fasixid si ay qoys u noqdaan. Gabadhu waxay diiddan tahay u guurinta odayga loo guurinayo. Li: furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurin
(Huurin-ta)
Meel huur ah dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurin
m.f.dh eeg huuri³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurin
-ta: (magac, dhedig, keli) neecawda iyo dabayshaba ka xidhid. Ninka buka huurintu uma fiicna Dh: huuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurin
(Kuurin-ta)
Ku soo dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurin
m.f.dh eeg kuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku soo dhawaansho. Dh: u dhawaasho. Li: fogaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marrin
Exit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marrin
-ka: (magac, lab, keli) jid bannaan oo la maro. Dh: waddo, dhabbe, daw, jid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudrin
m.dh la-mid: murdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murdin
m.f.dh eeg murdi. la-mid: mudrin, mudris, murdis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murdin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ay cunto ka dhammatay farta ku xagid oo wixii ku hadhay ka leefleefid. Dh: murdis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgin
m.dh la-mid: murjin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murgin
-ta: (magac, dhedig, keli) si ula kac ah xadhig iskugu duubid oo wax murgamay ka dhigid. Xadhigga murginta ka daa. Dh: qasid.
murgin -ta: (magac, dhedig, keli) si ula kac ah arrin u jahawareerin oo meel xalkeeda laga eego ka weecin. Dh: jahawareerin, qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjin
m.f.dh eeg murji. la-mid: murgin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjin
-ka: (magac, lab, keli) waran yar oo can fiiqan oo daab gaaban leh oo ul ahaan ay ina badan culimada iyo dadka suufiyadu u qatan. Dh: eebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murmin
m.f.dh eeg murmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murxin
(Murxin-ta)
1. Dubka kore ka qaadid; wax diiran ka dhigid; qaawin.
2. Dhogorta ka qaadid; ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murxin
m.f.dh eeg murxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ama dubka sare ka hoolid. Murxinta laantu dhib male haddaad faraha wax ku duubato. Dh: mudhxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudin
m.f.dh eeg muudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qarsoodi ah saarid; kayn jiq ah si qarsoodi ah uga dhex dusin.
muudin-ta: (magac, dhedig, keli) muud ka keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muujin
(Muujin-ta)
Wax muuqda ka dhigid; tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muujin
m.f.dh eeg muuji. la-mid: muujis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muujin
vl. n. affirmation, basing; revealing, expression, displaying, illustration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muujin
-ta: (n) indication (indikeeyshan)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Muujin
Illustrazione
Illustration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqda oo saani loo arki karo ka dhigid, Dh: tusid, Li: qarin, khabbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muujin
de: affirmation, basing; revealing, expression, displaying, illustration
lx: muujin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: muujin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
muujin
إِظْهَارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muumin
(Muumin-ka)
Mu'min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muumin
m.l la-mid: mu'min.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muumin
m. n. real ~ true Muslim
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muumin
name-m a real and true Muslim believer
name-m faithful; true believe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muumin
-ah: (adj) [plural muuminiin-ta] devoted Muslim; believer in Islam; pious (paay-es) person in Islam ~ mu'min
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muumin
magac loo bixiyo wiil iimaan fiican lala doonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muumin
-ka: (magac, lab, keli) qof iimaan badan leh oo Eebbe aad u rumaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muumin
a: mu'min
de: real ~ true Muslim
lx: muumin
pd: (-ka Pl: muuminiin (ta))
ps: n8-m
key: muumin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muursi
-ga: (magac, lab, keli) muur ahaan u kaxaysasho; muur ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuurin
(Nuurin-ta)
Nuur u yeelid; ifin; iftiimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuurin
m.f.dh eeg nuuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruurin
m.f.dh eeg ruuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suurin
(Suurin-ta)
Seexin; gam'in; saq gelin; aroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurin
m.f.dh eeg suuri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurin
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo suurid ah cid gelin. Dawadaa leh suurinta. Dh: aroorin, seexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuurin
tųurin: m.l (-inno/-imo, m.dh) 1. Qori yar oo af fiiqan leh oo hasha irmaan sanka looga mudo si ilmo loogu sidko. 2. Qori yar ooo af fiiqan leh oo timaha lagu tųuro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuurin
tųurin: m.l (-inno/-imo, m.dh) 1. Qori yar oo af fiiqan leh oo hasha irmaan sanka looga mudo si ilmo loogu sidko. 2. Qori yar ooo af fiiqan leh oo timaha lagu tųuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuurin
-ka: (magac, lab, keli) qori hasha sankeeda lagu mudo si ay neef ayna dhalin u ogalaato. Walee toojow, tab la barayiyo, tolma adagiyo, tuurin baa go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurin
m.f.dh eeg xuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) bullin oo isku soo ururin. Adhi xuurin ayaa lagu xereeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muurnimo u tababarid; laylyid oo inuu muur noqdo u carbin. Dh: laylyid, tababarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley tiro badan hal mar wada dhaqaaqid. 2. Keli socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurree
v. move together, simultaneously ~ in tandem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurree
(fal) is daba mar oo socsocod uu jahawareer ka muugdo samee. Shiciboow haddaad heshin weyday weligaaba muurree. Dh: xuuraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurree
de: move together, simultaneously ~ in tandem
lx: muurree
pd: (muurreeyey)
ps: v2b=
key: muurree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof afka wax u gelin si uu u muursado. la-mid: muudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muursii
ditransitive v. give something to someone to suck; make someone suck on something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muursii
a: muudsii
de: give s.t. to s.o. to suck; make s.o. suck on s.t.
lx: muursii
pd: (muursiiyey)
ps: v2a=ditr
key: muursii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuurin
m.dh la-mid: maquurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo dhex muquursiin. Dh: muquuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburriin
-ka: (magac, lab, keli) meesha uu masku galo ee god, qorrof ama geed iyo gebi ah. Maski aburriinkiisii ayuu ku noqday. Dh: bahalgaleen.
aburriin -ka: (magac, lab, keli) dhulka, meelaha qodaalka iyo beerista ku wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuriin
-ka: (magac, lab, keli) dhulka, meelaha beeraha falashadooda ku wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurniin
-ka: (magac, lab, keli) buuritaan ku samayn. Buurniin kama muuqdo wiilka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuurniin
-ka: (magac, lab, keli) wax dibbiraad ama neef buuxisay kolkuu dhintay ahaan. Dh: fuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurreyn
m.f.dh eeg guurree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarriin
(Maarriin-ka)
(midab dad) Madow dhiig furan; casaan iyo madow ka dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarriin
m.l Midab dadka u gaar ah oo u dhexeeya casaan iyo madowga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maarriin
m.l Midab dadka u gaar ah oo u dhexeeya casaan iyo madowga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maarriin
m. n., [abstract] complexion between red and black; of a brownish red color