muudsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsad
-ka: (magac, lab, keli) wax muud leh carrabka iyo faruuryaha ku nuugid iyadoo muudka neef dib loogu jiidayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murudsad
m.l la-mid: murudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murudsad
-ka: (magac, lab, keli) murdin samayn oo farta ood weel ku soo masaxday leefid. Dh: murdisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsad
m.l la-mid: duudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsad
m.l la-mid: fuudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacnac
nacnac¹: m.l Macmacaan yaryar udgoon oo la muudsado.
nacnac²: m.dh Hadal badan oo aan macno lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacnac
m.l Macmacaan yaryar udgoon oo la muudsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aale
-ha: (magac, lab, keli) geed meelaha biyo badan laga beerto oo jiriidisa laga tuujiyo sonkor, loona yaqaan aalesonkor.
aale -ha: (magac, lab, keli) qaranka hadhuudhka kiisa quwaaxa macaan ee la muudsado leh. Dh: kiinje.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah far ama wax la mid ah kolba gelin oo kolkii laga muudsadaba ku celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garas
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo midhihiisa la muudsado, cunto ahaanna loo karsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaan
(tilmaame) dhadhankiisu mac yahay ah. Malabku wuu macaan yahay. Dh: qadhaadh.
macaan: (tilmaame) dabeecad fiican leh. Walaalkaa oo macaan lama wada muudsado.
macaan -ka: (magac, lab, keli) xanuun lala noolaan karo oo ah dheellitir la'aan ku dhaca ansoliinta jidhku u baahan yahay iyo itaaldarro ku habsata habdhiska ansoliinta sameeya. Dh: kaadimacaan, sonkor.
macaan -ka: (magac, lab, keli) dhadhanka wanaagsan ee carrabku jeclaysto. Waxan ahay qadhaadh iyo macaan meel ku wada yalla. Li: qadhaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macal
-sha: (magac, dhedig, keli) cad baruur ah oo ka laalaada luqunta idaha xageeda hoose. Wanka macasha ii qabo, adna gawrac ii mari, dhiiggana an muudsado.
macal: (xidhiidhiye) loo isticmaalo isku xidhka laba shay iyo wax ka badan si an waxba looga tegin. Keen hilib macal maraq. Dh: maca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madheedh
-ka: (magac, lab, keli) geed midho cascas oo macmacaan oo la muudmuudsado leh. Midhaha jannadiyo, madheedh u ekeey, macaaneey, ayaa ku muudsada. Dh: mareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluud
-da: (magac, dhedig, keli) miid jilicsan oo macaan oo la muudsado. Waxan xaramka ka keenay timir malluud ah. Dh: miid.
malluud -da: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geed dhexaadka oo geelu cuno oo jecelyahay xididkiisana wax lagu dabiibo. Malluudda ayaan wax ku daaweeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muuq
-a: (magac, lab, keli) biyaha ama dheecaanka macaan ee aalaha, midhaha iyo waxyaale kale oo la cunaa ay leeyihiin ee la muudsado. Dh: muud.
muuq-a: (magac, lab, keli) hummaagga guud ee qof ama wax kale oo si wanaagsan kuugu muuqda. Dh: hummaag, muuqaal, argti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokornabaad
-da: (magac, dhedig, keli) sonkor aan furfur ahayn oo buurbuuran oo la muud muudsado. Sokornabaad ayaan soo iibsaday. Dh: nabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudursad
m.l la-mid: murudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsad
(Murugsad-ka)
Murugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsad
m.l la-mid: murudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsad
-ka: (magac, lab, keli) shey faliddiisa x iska saarid oo sida loo fulin lahaa ku welwelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsad
-ka: (magac, lab, keli) mudhuxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhsad
-ka: (magac, lab, keli) yaraysad, Dh: yasid, quudhsad, quursad.. Li: qaddarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudad
-ka: (magac, lab, keli) timaha daban ee gabdhaha. Reerka waxa u joogta gabadh guudad leh oo qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusad
(Kuusad-da)
Weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusad
f. n. water jug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusad
-da: (magac, dheddig, keli) weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto. Kuusad ayaan suuga ka soo qaaday. Dh: jalxad, ashuun. Wa: kuusado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuusad
de: water jug
lx: kuusad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuusad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudsan
(tilmaame) turqan oo ku taagan. Qodax ayaa i mudsane iga gooya. Dh: wareensan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murdad
(Murdad-ka)
Geed aad u kulul oo wax lagu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murdad
m.l Dhacaan (geed) aad u kulul oo layskuna daaweeyo. la-mid: murdud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murdad
m. n., [collective] medicinal plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murdad
-ka: (magac, lab, keli) geed marka la cuno aad u kulul oo wax lagu daweeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murdad
de: medicinal plant sp.
lx: murdad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: murdad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudaa
m.l Libaax meelo kala dheer isaga goosha oo wax ka dila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muudal
(Muudal-ka)
Bakhayl; masuug; dhabcaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudal
m.l (-llo, m.dh) Bakhayl; dhabcaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muudal
m.l (-llo, m.dh) Bakhayl; dhabcaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudal
m. n. miser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudal
-ka: (magac, lab, keli) dhul ama buur dhagax madow leh. Dh: maydal, basaqe.
muudal -ka: (magac, lab, keli) saluug wax la saluugo oo la iska dhaadhiciyo in intii baahida ka yaryahay. Dh: mansuug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudal
de: miser
lx: muudal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bakhayl, dhabcaal, masuuge, qudur, shaxiix
key: muudal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muudid
(Muudid-da)
1. Dhir is haysata ama biyo dhexdood, si qarsoodi ah ama dhuumasho, u marid; dusid.
2. Meel inta laga galo, meel kale oo fog laga soo baxo.
3. Doolnimo meel ku tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudid
m.f.dh eeg muud³. la-mid: muud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudid
-da: (magac, dhedig, keli) socod doolaallo ah meel ku tegid. Dh: kudaalid.
muudid -da: (magac, dhedig, keli) dhir jig abs dhuumasho ah uga dhex dusdusid. Dh: jibaaxid.
muudid -da: (magac, dhedig, keli) meel ka gelid oo bar durugsan oo kale ka bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudsi
vl. n. act of sucking on something, dissolving in the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsi
-ga: (magac, lab, keli) wax macaan muudsasho oo muuqa ku jira ka nuugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudsi
de: act of sucking on s.t., dissolving in the mouth
lx: muudsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: muudsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: muurso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudso
v. suck on, dissolve something in one's mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudso
(fal) nuug oo carrabka iyo faruuryaha muud kaga keen. Iskiriinka laba goor muudso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudso
a: muurso
de: suck on, dissolve s.t. in one's mouth
lx: muudso
pd: (muudsaday)
ps: v3a=tr
key: muudso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunad
(Muunad-da)
1. Magac; sharaf; ciso; xurmo.
2. Sida wax u eg yihiin.
3. Qurux; midab-wanaag; (ama muuno).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunad
m.dh (-do, m.l) 1. Tayo wanaagsan. 2. Qurux haybad. 3. Xurmo iyo sharaf. 4. Qayb yar oo u taagan alaab la suuqgaynayo lagana arki karo nooca iyo sifada alaabtaas. la-mid: muuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muunad
m.dh (-do, m.l) 1. Tayo wanaagsan. 2. Qurux haybad. 3. Xurmo iyo sharaf. 4. Qayb yar oo u taagan alaab la suuq-gaynayo lagana arki karo nooca iyo sifada alaabtaas. la-mid: muuno.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Muunad
Sample
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunad
f. n. reputation, prestige, honor, dignity; type, sort, quality; beauty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muunad
-da: (n) glory (galoori); praise (pareeyz); great honor ~ xurmo, sharaf. 2. model ~ hab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunad
-da: (magac, dhedig, keli) calaamo ahaan inyar oo shay looga qaato si loo barbar dhigo wax kale oo la libsanayo oo tayadiisa midabkiisa iyo asal ahaantiisana tusaale u noqota. Dh: tusaale.
muunad -da: (magac, dhedig, keli) sharaf iyo xurmo ay cidi leedahay. Muunaddii waalidkaa baa lagugu dhawraa. Dh: sharaf.
muunad -da: (magac, dhedig, keli) midabbo iyo wax wax lagu qurxiyo. Dbarku wuu kala muunad qurux badan yahay: Dh: qurux, muuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunad
a: muuno
cf: maamuus
de: reputation, prestige, honor, dignity; type, sort, quality; [ext.] beauty
lx: muunad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: muunad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muuqad
(Muuqad-ka)
Muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuqad
m.l la-mid: muuqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muuqad
-ka: (magac, lab, keli) wax muuqda oo la arki karo ahaan. Muuqadka cadceedda saab ma qariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusan
neg, vl. pron., neg. he ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muusan
(pronoun plus negative) he..not. Ex: muusan arag; he didn't see ~ muu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusan
de: he ... not = ma + uu + aan
lx: muusan
ps: neg + vpro + neg
xe: He would not have lent it out.
xv: Muusan amaahin lahayn.
key: muusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusaw
f.mg1 (-saabay, -sawday; -saabi) Qosol yar oo dhooluhu muuqdaan sameyn. la-mid: muusoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusaw
f.mg1 (-saabay, -sawday; -saabi) Qosol yar oo dhooluhu muuqdaan sameyn. m.f.dh, muusaabid. la-mid: muusoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusid
(Muusid-da)
(biyo, kd.) inta dhulka hoostiisa mara, meel kale ka soo baxa, ka soo fuura, ka soo habya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusid
muusid¹: m.f.dh eeg muus².
muusid²: m.dh (jooloji) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusid
m.dh (jool.) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Muusid
Seepage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusid
-da: (magac, dhedig, keli) bixidda uu wax qoyani meel si aan burqasho ahayn oo aayar ah uga soo baxo. Dh: heemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quudad
(Quudad-ka)
Quudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudad
m.l la-mid: quudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudad
m. n., pl. food; eating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudad
-ka: (magac, lab, keli) eeg quudasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudad
de: food; eating
lx: quudad
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl; vn-m
see: quud, quudasho
key: quudad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quusad
(Quusad-ka)
Quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quusad
m.l la-mid: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusad
-ka: (magac, lab, keli) waayid; quusasho. Dh: rajabeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunsad
m.l la-mid: uunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunsad
-ka: (magac, lab, keli) uunsi shidasho; dhir udgoon shidasho. Dh: uunsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubsad
(Buubsad-ka)
Eryad; ceyrsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubsad
m.l la-mid: buubsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buubsad
vl. n. act of chasing, running after
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubsad
-ka: (magac, lab, keli) kaxaysadka xoolo. Buubsad iyo booli cun weynaa tuug. Dh: baabsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buubsad
a: buubsasho (/da) [vn-f]
de: act of chasing, running after
lx: buubsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: buubsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsad
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxsashadii. Buuxsad ma leh weel hadduu dabada dalool ku yeeshaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsad
(Duufsad-ka)
Duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsad
duufsad: m.l la-mid: duufsasho.
dųufsad: m.l la-mid: dįifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duufsad
vl. n. blowing one's nose
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duufsad
a: duufsasho
de: blowing one's nose
lx: duufsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: duufsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqsad
(Fuuqsad-ka)
Fuuqsasho; fuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqsad
m.l la-mid: fuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaynta wax, iyada oo aan waxba laga tegeyn; wada dhammaysi. Dh: fuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guursad
(Guursad-ka)
Guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursad
m.l la-mid: guursasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guursad
vl. n. marriage, wedding; act of getting married
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guursad
-ka: (n) the act of marrying; marriage (maareeyj) ~ guur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursad
-ka: (magac, lab, keli) qof kale guur isugu xirid. Dh: guursasho.