muudhmuudhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u jilcid. Dh: jilcid. Li: yacyacoobid. muudhmuudhid -da: (magac, dhedig, keli) aad u gubasho. Dh: dummudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsad
-ka: (magac, lab, keli) aad u bislaysasho; cunto karsasho oo dabka u kas ugu raajin ilaa uu jilayc fararaac ah uu noqonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudh
(fal) aad u bislaw oo wax jilicsan noqo. Hilib yahaw muudhmuudh had macaanaatide. Dh: bislaaddhaaf.
muudhmuudh: (fal) aad u gubo oo googo'. Dabku dhac oo muudhmuudh had kulaylka cadaabta garatide. Dh: dumudh, googo'.
muudhmuudh -ka: (magac, lab, keli) bislaasho aad ah oo wax la kaariyayi uu si xoog ah u jilco faraha u raaco. Dh: bisayldhaaf. Li: yacyacood.
muudhmuudh-ka: (magac, lab, keli) gubasho xog ah oo dubka dadka gaadha oo dhimasho ah ama qarka loo gaadho. Dh: dummudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsi
-ga: (magac, lab, keli) cunto aad u bislaysasho ilaa ay ka muudhmuudhayso.
muudhmuudhsi -ga: (magac, lab, keli) calalin ayr ah oo qof aan gawso lahayn ama ilkaha dhaw rayaa uu cuntada u calaliyo. Dh: muurmuurrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuudhnuudhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u bislaasho. Dh: muudhmuudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u muudhmuudhid. Hilibku dhuundhuumidda ayuu ku macaan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruurushoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u gubtay ahaansho. Dh: muudhmuudhid, gabash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshimid
-da: (magac, dhedig, keli) bisayl dhaafid. Dh: muudhmuudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moormoorid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u humoobid oo calal u noqosho. Dh: moodhmoodhid, humoobid.
moormoorid -da: (magac, dhedig, keli) bisayl darteed la jilcid oo la kala daadasho. Dh: muudhmuudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tortor
-ka: (magac, lab, keli) hoodh-hoodhid iyo muudhmuudhid. Dh: hoodhoodh, moodhmoodh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudi
(fal) wax adag oo qoyaanka ku milma nuugnuug oo carrabka iyo faruuryaha ku jaq. Nacnaca muudmuudi. Dh: muudmuudso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsi
-ga: (magac, dhedig, keli) wax muud leh carrabka iyo faruuryaha ku nuugnuugid Dh: muudmuudsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsad
-ka: (magac, lab, keli) wax muud carrabka iyo faruuryaha ku nuugnuugid. Dh: muudmuudsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuudhnuudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u bislayn. Dh: muudhmuudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhbuudh
-ka: (magac, lab, keli) eeg buud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhmadhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kibrid oo xadka dhaafid. Wiilyar oo madhmadhid sanka la taagaya ayaa gabadha caayay. Dh: kibrid.
madhmadhid -da: (magac, dhedig, keli) aad u qudhmid oo urid. Harag la aasay madhmadhid ka sug. Dh: qudhmid, qurmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhuudhuq
(tilmaame) jilicsan ah; sida qoosh oo kale ah. Dh: muudhmuudh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudmuudso
v. keep on sucking, suck repeatedly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muudmuudso
-day / tay: (v) chew food slowly with the gums; mumble (mam 'bal) ~ muurmuurso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudso
(fal) wax adag oo qoyaanka ku milma kolba inyar faruuryaha iyo carrabka kaga gooso adoo ilkaha ka dhawraaya. Dh: muudso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudmuudso
de: keep on sucking, suck repeatedly
lx: muudmuudso
pd: (muudmuudsaday)
ps: v3a=pl
key: muudmuudso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhmoodhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u humoobid oo calal noqosho. Dh: moormoorid, humoobid.
moodhmoodhid-da: (magac, dhedig, keli) xoog u bislaasho oo jilayc aan loo baahnayn noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsasho
-da: (magac, dhedig, kellad u bislaysasho; cunto karsasho oo dabka u kas ugu raajin ilaa uu jilayc fararaac ah uu noqonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duuduubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsanaa, isku laallaabid. Dh: duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mukhuurid
(Mukhuurid-da)
Biyaha dhexdooda wada gelid; quusid; tiinbasho; (ama muquurid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuurid
m.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuurid
-da: (magac, dhedig, keli) quusin oo biyo ku muquurid. Dh: muquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmuuni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhmuunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhi
(fal) si degdeg ah oo neefsasho lahayn u cab. Caanaha dhan oo qudhqudhi. Dh: qurquri. Li: fiiti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kambadhuudhid. Yumbudhid iyo yuucni toona xoolo kuma yimaaddaan. Dh: kuudadid, yumburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduubid
m.f.dh eeg duudduub². la-mid: duubduub¹, duubduubid, duudduub¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guudfuulid
(Guudfuulid-da)
(faras) xakame la'aan fuulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudfuulid
m.f.dh eeg guudfuul². la-mid: guudfuul¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudkuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhi foolxun fariisin; kamandhuurin; yoxoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurri
(fal) aayar u calali adoo dhagax ama khatar ilkaha ku timaad ka baqaya. Gorowgu dhagax buu leeyahaye aad ha u calaline aayar muurmuurri.
muurmuurri: (fal) ilkaha hore iyo cirrid aan gawso lahayn wax ku calali. Dh: calcalali.
muurmuurri -ga: (magac, lab, keli) calalin aayar ah oo qof aan gawso lahayn ama ilkaha dhawrayaa uu cuntada u calaliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursi
(Muurmuursi-ga)
Muurmuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursi
-ga: (magac, lab, keli) wax la doonayo u muutamuutayn; doonid oo ku ag warwareegid. Dh: gaadid, doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan neefsasho iyo nasasho midna lahayn. Dh: qurqurin; qurquris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurqurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduubmid
m.f.dh eeg duudduuban¹. la-mid: duubduubmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurrin
-ta: (magac, dhedig, keli) si muurmuurri ah oo aayar ah wax u calalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurris
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha hore iyo cirrid aan gawso lahayn wax ku calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursad
(Muurmuursad-ka)
Muurmuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursad
-ka: (magac, lab, keli) sidii wax ilka la muurmuurri wax u cunid. Muurmuursadka iska daa miyaad ilka la'day! Dh: muurmuursasho.
muurmuursad -ka: (magac, lab, keli) wax la yar doonayo ku ag warwareegid oo u muutamuutayn. Dh: gaadid, doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhafuudho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg figayn ama falakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muudmuudsasho
(Muudmuudsasha-da)
In badan ama cabbaar muudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrab iyo faruuryaha muud kaga keenid oo sida naaska wax u jaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhuudhso
(fal) si kuudud iyo kadalloob u dhaxaysa u fadhiiso. Yumbudhuudhso intuu gaarigu dhaqaaqi. Dh: yunburuurso.