mutuxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mutuxan
Mutux ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Qof keli ah oo cidi wehelin ahaansho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn ahaansho. 3. Qof qaawan ahaansho. la-mid: mataxan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mutuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Qof keli ah oo cidi wehelin ahaansho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn ahaansho. 3. Qof qaawan ahaansho. m.f.dh, mutuxnaan. la-mid: mataxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mutuxan
der. [adjective] stripped, uncovered, denuded, bare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mutuxan
-mutuxnaa: (adj) 1. naked (neey 'kidh); nude (nuudh); uncovered ~ qaawan, muluq, 2. unblushing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuxan
(tilmaame) wax amardiiddo la soo taagan ah oon cabsoonayn. Qof soo mutuxan uun sideed odhan! Dh: mataxan, taagan, yuucan.
mutuxan: (tilmaame) mudh iyo gacan ah oo qaawan oon dhar dushiisa saarnayn. Dh: qaawan, mataxan.
mutuxan: (tilmaame) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordaya. Dh: maqiiqan, mataxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mutuxan
de: stripped, uncovered, denuded, bare
lx: mutuxan
pd: (mutuxnaa)
ps: adj-der
key: mutuxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutulan
(tilmaame) dedan oon aad u muugan oo wuxu yahay la garanayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Consecutive prime numbers
Tiro mutuxanayaal isku xiga
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Factor, prime
Isir mutuxan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Prime factor
Isir mutuxan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Prime number theorem
Aragtiinka tiro mutuxan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Prime polynomial
Tibxaale mutuxan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prime number
/ (n) tiro mutuxan (tiro hal iyo ayada kaliya u qaybsanta).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muluq
-a: (n) 1. baby; small child 2. infant (in fant) ~ murjuq
muluq -ah: (adj) naked (neey 'kidh); nude (nuudh) ~ qaawan, mutuxan, suxudsaaxud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax mutuxan oo qaawan ahaan. Dh: mutuxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuxnaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) wax mutuxan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiromutuxan
(tilmaame) tirade isirradeedu yihiin hal iyo iyada. waa tiro mutuxan. Dh: tirofarcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutuxnaan
m.f.dh eeg mutuxan. la-mid: mataxnaan, mataxnaansho, mutuxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) soo taagnaan oo jikaar iyo dood keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murduxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Nefley wax murdux ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murguxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax murgux ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muruxsan
La murxiyey; hoolan; diiran; qaawan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho. m.f.dh, muruxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muruxsan
der. [adjective] stripped, shaved; bare, nude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muruxsan
-aa: (adj) skinless; peeled (piilidh)-, uncovered (ankav'eridh) ~ diiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsan
(tilmaame) diiran oo dhogortii ama caleentii ay ka xoodhay ah. Dh: diiran, xoodhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muruxsan
de: strip-ped, shaved; bare, nude
lx: muruxsan
pd: \pd(muruxsanaa)
ps: adj-der
key: muruxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mutux
(Mutux-a)
Aan wax huwanayn; keli ah; diiran; qaawan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutux
mutux¹: m.l.kh 1. M. ah: qof qaawan. 2. M. ah: qof keli ah oo aan cidi wehelin. 3. M. ah: hadal aan asluub iyo xishood lahayn. la-mid: matax¹.
mutux²: f.lg1 (-xay; -xday) Is m.: hadal aan asluub iyo xishood lahayn ku hadlid; is- giriirixin. la-mid: matax².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mutux
m.l.kh 1. M. ah: qof qaawan. 2. M. ah: qof keli ah oo aan cidi wehelin. 3. M. ah: hadal aan asluub iyo xishood lahayn. la-mid: matax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mutux
m. n. (adj.): naked person; something bare; stripped, naked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutux
(fal) mutulug iska dhig oo dharka iska siib. Ismutux kolkaad kelidaa maydhanayso Dh; matax, isqaawi. Li: asturo, labbiso.
mutux-a: (magac, lab, keli) madax taagid kibir ku jiro. Mutux meel laguma gaadhee qunyar soco. Dh: matax, sootaagni, santaag.
mutux-a: (magac, lab, keli) orod maqiiqan oo xoog ah. Dh: matax, caymad, orod, ismaqiiqid.
mutux-a: (magac, lab, keli) isqaawin dharka la iska wada dhigo. Dh: qaawanaan, matax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mutux
a: matax
de: naked person; something bare; [atr.] stripped, naked
lx: mutux
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: mutux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxan
(tilmaame) dub iyo diirba hoolan. Geed murxan ayuu midho u doontay. Dh: muruxsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mutual
/myuu juwal/ (adj) 1. wadaagis (si loo siman yahay wax u wadaagid). e.g. mutual friends. 2. is-dhaafsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusan
neg, vl. pron., neg. he ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muusan
(pronoun plus negative) he..not. Ex: muusan arag; he didn't see ~ muu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusan
de: he ... not = ma + uu + aan
lx: muusan
ps: neg + vpro + neg
xe: He would not have lent it out.
xv: Muusan amaahin lahayn.
key: muusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mataxan
Is-giriirixinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: mutuxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxan
(tilmaame) wax amardiiddo la soo taagan ah oon cabsoonayn. Qof soo mataxan uun sideed odhan! Dh: mutuxan, taagan, yuucan.
mataxan: (tilmaame) mudh iyo gacan ah oo qaawan oon dhar dushiisa saarnayn. Dh: qaawan, mutuxan.
mataxan: (tilmaame) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordaya. Isagoo orod mataxan ayuu halkaa nagu dhaafay Dh:maqiiqan, mutuxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhxan
(tilmaame) dub iyo diirba hoolan, Ged mudhxan ayuu midho u doontay, Dh: muruxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutahan
-ka: (magac, lab, keli) qof ku eedaysan fal danbiyeed caddayna weli la keenin. Dh: eedaysane. Wa: mutahamiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutuxid
m.f.dh eeg mutux². la-mid: matixid, mutixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuxid
-da: (magac, dhedig, keli) isgiriirixin oo wax neerfis ah oo cadho madax martay iska dhigid. Dh: mataxid.
mutuxid-da: (magac, dhedig, keli) mudh iyo gacan ka dhigid; qaawin oo dharka ka saarid. Dh: qaawin.
mutuxid -da: (magac, dhedig, keli) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordid. Dh: maqiiqad. mutuxnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax mutuxan oo qaawan ahaan. Dh: mataxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuxni
-da: (magac, dhedig, keli) qaawani oo mudh iyo gacan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quturan
(tilmaame) eeg qayuuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismutuxin
m.f.dh eeg ismutuxi. la-mid: ismu-tuxis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhuxsan
(tilmaame) la mudhxiyay ah oo waxba dul oollin. Dh: muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murguxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kuusan oo gacanta ka sibiibixanaaya ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax butuc ah ahaansho (qof). la-mid: batacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax butuc ah ahaansho (qof). m.f.dh, butucsanaan. la-mid: batacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala furxiyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuxsan
(tilmaame) wax xoodhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamuuxan
Aan af fiiqan lahayn; la gamuuxay; gamuuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax aan af fiiqan lahayn ahaansho. la-mid: gamuuran, gumuuxan, guxuuman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax aan af fiiqan lahayn ahaansho. m.f.dh, gamuuxnaan. la-mid: gamuuran, gumuuxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamuuxan
der. [adjective] blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuxan
(tilmaame) wax la gamuuray oo si siman loo jaray. Dh: gamuuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamuuxan
a: guxuuman
de: blunt
lx: gamuuxan
pd: (gamuuxnaa)
ps: adj-der
key: gamuuxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: gamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax muddug ah ahaansho. la-mid: muddugsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddugan
(tilmaame) cidhib tiran oon waxba ka jirin ah. Wax muddugan ha doondoonin. Dh: cidhibla'.
muddugan: (tilmaame) qaawan oo mudh iyo gacan ah. Laba muddugan isma qaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la murdiyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsan
Isku murgey; isku qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Xarig iyo wixi lamida wax murgey ahaansho. 2. Wax murug hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugsan
der. [adjective] anxious, worried, sad, melancholy, preoccupied
murugsan [derived] [adjective] tangled, entangled, mixed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugsan
-aa: (adj) 1. twisted (tu-wistidh); tangled (taag-gald); difficult to unravel. 2. complex (kom-palakis'); complicated (kom 'pilkeeytidh) ~ murgan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsan
(tilmaame) wax isku maran oo murgay ahaan. Taladii oo murugsan ayuu aabbo yimid o uu maareeyey. Dh: qasan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsad
-ka: (magac, lab, keli) mudhuxsasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
musulman
musulman, adj. - Muslim; Muslin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
musulman
n., Muslim, -ki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mutaysan
der. [adjective] worthy, deserving
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mutaysan
cf: mudan, mudo
de: worthy, deserving
lx: mutaysan
pd: (mutaysnaa)
ps: adj-der
key: mutaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutumaad
m.l (-dyo, m.dh) Cad gaar ah oo halgamaha laga siiyo neef hilibkiisa loo diyaariyay waliimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutuutax
mutuutax¹: m.l la-mid: mataatixid.
mutuutax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: mataatax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mutuutax
inch. v. be overcooked ~ mushy (food); become overripe (fruit); be old and worn out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuutax
(fal) kibir darteed wax walba samee oo qiyam iyo usluubba ka teg. Sidaad doonto u mutuutax lama huraan waa caws jilaale. Dh: mataatax.
mutuutax: (fal) gabaw darteed kala daado oo jargi noqo. Surwaalyahaw mutuutax haddaad i meel gaadhsiisay Dh: humaw, jarqiyaw, diindiin.
mutuutax-a: (magac, lab, keli) kala mannaanakh kibir iyo xishood la'aan ah. Dh: mannaanakh.
mutuutax-a: (magc, lab, keli) googo id ama jarqiyoobid kala daadasho ah. Dh: hun, jarqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mutuutax
a: mataatax
de: be overcooked ~ mushy (food); become overripe (fruit); be old and worn out
lx: mutuutax
pd: (mutuutaxay)
ps: v1=inch
key: mutuutax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutuxnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Qof keli ah oo cidi wehelin noqosho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn noqosho. 3. Qof qaawan noqosho. la-mid: mataxnow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mutuxnow
inch. v. be uncovered ~ unhidden; become bare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuxnow
(fal) wax mutuxan ahaw. Halkaa sii mutuxnow inta laguu imanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mutuxnow
de: be uncovered ~ unhidden; become bare
lx: mutuxnow
pd: (mutuxnaaday)
ps: v3=inch
key: mutuxnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruxsan
Qurux badan leh; qurxoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurux leh ahaansho. la-mid: qurxan, qurxoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurux leh ahaansho. m.f.dh, quruxsanaan. la-mid: qurxan, qurxoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruxsan
der. [adjective] beautiful, pretty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsan
(tilmaame) mid bilic san. Dh: qurxan, qurxoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruxsan
a: qurxoon
de: beautiful, pretty Opp: foolxun
lx: quruxsan
pd: (quruxsanaa)
ps: adj-der
key: quruxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murduxnaan
m.f.dh eeg murduxan. la-mid: murduxnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murguxnaan
m.f.dh eeg murguxan. la-mid: murguxnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutuutixin
m.dh la-mid: mataatixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuutixin
-ta: (magac, dhedig, keli) gaboojin oo aad u jarqiyayn. Dh: humayn, jargiyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muun
m.l (-nan, m.l) 1. Ugaarta midkooda lab ee hoggaamiya inta kale. 2. Dameer weyn oo lab ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muun
m.l (-nan, m.l) 1. Ugaarta midkooda lab ee hoggaamiya inta kale. 2. Dameer weyn oo lab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muun
m. n. strong adult male monkey, leader of its group
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muun
de: strong adult male monkey, leader of its group
lx: muun
pd: (-ka Pl: muunan (ka))
ps: n4-m
syn: coofaar
key: muun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Utun
(Utun-ta)
Godob; aano.