mustakafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustakafi
m.l la-mid: mustagfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutakafi

mustagfinnimo
m.dh la-mid: mustakafinnimo, mutakafinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustagfi
m.l.kh M. ah: qof hanti ku filan leh. la-mid: mustakafi, mutakafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Mustafa
name: Mustafa
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mustafa
name-m chosen, selected
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Mustafa
de: Mustafa
lx: Mustafa
ps: name-m
key: Mustafa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mustawi
-ga: (magac, lab, keli) tira is le'ego turub ah wada helid. Mustawi ayaan ku badiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqdaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Huuri muqdaaf ku seebin. la-mid: miqdaafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqdaafi
v. row (a boat), paddle (a canoe)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqdaafi
(fal) gaadiid badeed muqdaaf ku kexee. Huudhiga muqdaafi oo na tallaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqdaafi
de: row (a boat), paddle (a canoe)
lx: muqdaafi
pd: (muqdaafiyey)
ps: v2a=tr
key: muqdaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaari
m.dh la-mid: mushaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushtaki
(Mushtaki-ga)
Qofka wax garina haya oo dacwada wata; muddici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushtaki
m.l (-iyiin, m.dh) Qof dacwo qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushtaki
m. n. plaintiff, accuser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushtaki
-ga: (magac, lab, keli) qof cid ka eed sheegta oo dacwad ku soo ooga. Dh: muddaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushtaki
bw: Arabic
de: plaintiff, accuser
lx: mushtaki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mushtaki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: musallifi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafi
(fal) qof kale caydhee oo wuxuu xoolo lahaa idlee. Aabbahaa musallafi ha is odhan. Dh: masallufi, kici, caydhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafid
m.dh la-mid: musallifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa ka farabixid. Dh: masalufid, kicid, caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafin
m.dh la-mid: musallifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale caydhayn oo wuxuu xoolo lahaa idlayn. Dh: kicin, masalufin, kicin, caydhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustareexi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid u raaxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mustareexi
v. make someone happy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mustareexi
de: make s.o. happy
lx: mustareexi
pd: (mustareexiyey)
ps: v2a=tr
key: mustareexi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUSKAR
(Muscar) C Cocculus pendulus (J.R.&G. Forst.) Diels. Menispermaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakati
(Sakati-da)
Baqdin yar; keyrkeyr; wadnafug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakati
sakati¹: m.dh Cabsi yar shaki.
sakati²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakati
f. n. anxiety, concern, minor fear ~ worry
sakati v. worry, be concerned, have some minor fear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakati
(fal) shaki; wax ka baq; kayrkayr.
sakati -ga: (magac, lab, keli) baqdin yar oo aan weynayn. Dh: kayrkayr, shaki, wadnafuq.
sakati -ga: (magac, lab, keli) kala duwanaanshaha afkaaraha ama mawqifyada; is afgaranwaa. Dh: jaafaajiriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxafi
m.l Qof aqoon u leh cilmiga saxaafadda. la-mid: suxufi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxafi
m.l Qof aqoon u leh cilmiga saxaafadda. la-mid: suxufi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxafi
m. n. journalist, newspaperman, newsman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxafi
-ga: (magac, lab, keli) qof ka shaqeeya saxaafad: qof warbaahintu u tahay mehered.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxafi
bw: Arabic
de: journalist, newspaperman, newsman
initial: s
lx: saxafi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: saxafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaafi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin. m.f.dh, shaafiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaafi
v. cure a sick person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaafi
name-m healer, mediator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafi
(fal) 'awood Rabbi' bogsii; caafimaad sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaafi
de: cure a sick person
initial: s
lx: shaafi
pd: (shaafiyay / shaafiday)
ps: v1=tr
key: shaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ustaad
m.l (-dyo, m.dh) Macallin; bare. la-mid: astaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ustaad
m.l (-dyo, m.dh) Macallin; bare. la-mid: astaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ustaad
m. n. teacher, trainer, instructor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ustaad
-ka (n) teacher (tiijar); professor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ustaad
-ka: (magac, lab, keli) qofka aqoonyahanka ah oo cid kale wax bara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ustaad
bw: astaad
de: teacher, trainer, instructor
initial: u
lx: ustaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bare, macallin
xv: Arabic
key: ustaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bustaan
(Bustaan-ka)
Beer yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bustaan
m.l (-nno, m.dh) Beer yar oo geed mirood ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bustaan
m. n. garden, park
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bustaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg beer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bustaan
bw: Arabic
de: garden, park
lx: bustaan
pd: (-ka Pl: basaatiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: bustaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butaaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dareere meel ay ku jireen ka daadin. 2. Biyo fataahin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butaaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dareere meel ay ku jireen ka daadin. 2. Biyo fataahin. m.f.dh, butaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
butaaci
v. cause to emit, cause to gush out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butaaci
(fal) dareeri si xoog ah u fatahi, xoog u soo daa. Butaaci biyaha oo beeraha waraabi. Dh: burqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
butaaci
de: cause to emit, cause to gush out
lx: butaaci
pd: (butaaciyey)
ps: v2a=tr
key: butaaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax hoos yiil kor u qaadid iyadoo la taagayo. 2. Wax socday joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax hoos yiil kor u qaadid iyadoo la taagayo. 2. Wax socday joojin. m.f.dh, istaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istaaji
v. erect; cause to stand up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaaji
(fal) qof fadhiya kici oo sare u jooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istaaji
de: erect; cause to stand up
lx: istaaji
pd: (istaajiyey)
ps: v2a=tr
key: istaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafo
(Masaafa-da)
1. Meel la aado oo aan fogeyn ama inta loo socdo; minqaad; socod; tegis; marxalad.
2. (guur) meel gabar lala baxay ka xirmi karto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fogaan, dherer; meel inta loo socdo. 2. Ka fogeynta laga fogeeyo naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid, walaal iyo wixi lamida). 3. M. ah: naag lala baxay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaafo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fogaan, dherer; meel inta loo socdo. 2. Ka fogeynta laga fogeeyo naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid, walaal iyo wixi lamida). 3. M. ah: naag lala baxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafo
f. n. distance; travel; destination
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafo
-masaafada: (n) distance (dis-tans)
masaafo -masaafada: (n) elopement (ilowpmenf); the act of run away with a girl, especially with the intention of getting married without her parent's approval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafo
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaas ay laba meelood isku jiraan oo gabadh lala baxay lagu meherin karo. Meel aan masaafo ahayn weli la'aan gabadhi ma mehersanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafo
de: distance; travel; destination
lx: masaafo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: masaafo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Masaari
f. n., pl. Egyptian people, Egyptians
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Masaari
-da: (n) 1. Egyptian (i-japshan). 2. Egypt; Cairo is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Masaari
de: Egyptian people, Egyptians
lx: Masaari
pd: (-da Sg: Masri (ga))
ps: n8-f-pl
key: Masaari
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mistake
/masteyk/mistook, mistaken;(n) 1. khalad (si khaldan) 2. gef (gefid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mistake
n., khatalad, -di, ilowsho, -ihi; be mistaken, khataalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaami
(fal) tashiil; yaryaree. Dhulku waa com nee biyaha noo mitami. Dh: mitaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muctaad
-ka: (magac, lab, keli) qof baahi xooga qaba. Dh: xaajo, baahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudakar
-ka: (magac,lab,keli) qof da'yar ha yeeshee xilkas ah oo waajibaadka iyo xuquuda yaqaan. Dh: xilkas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muftaax
(Muftaax-a)
Fure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muftaax
m.l (-xyo/mafaatiix, m.dh) Fure. la-mid: miftaax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muftaax
m.l (-xyo/mafaatiix, m.dh) Fure. m.dh.w, mafaatiix. la-mid: miftaax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muftaax
m. n. key
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muftaax
-a: (magac, lab, keli) wax meel xidhan lagu furo. Dh: fure, miftaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muftaax
bw: miftaax
de: key
lx: muftaax
pd: (-a Pl: mafaatix (da))
ps: n2-m, n8-m
syn: fure
xv: Arabic
key: muftaax
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mumtaas
name-f distinguished
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muqdaaf
(Muqdaaf-ka)
Seeb gaaban oo huuriyaasha lagu wado oo lagu duwduwo oo shukaantii uga dhigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqdaaf
m.l (-fyo, m.dh) Loox dacal ballaaran oo lagu seebiyo huuriga iyo bedenka. la-mid: miqdaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqdaaf
m. n. oar, paddle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqdaaf
-ka: (magac, lab, keli) qof ay balwadi dishootay. Dh: qandaaf.
muqdaaf -ka: (magac, lab, keli) qori gaaban oo madax balan leh oo lagu leexleexiyo huuriyada inta biyaha afka loo geliyo ayaa lagu riixaa. Dh: seeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqdaaf
de: oar, paddle
lx: muqdaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: muqdaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid muraad u qumin. 2. Ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadi
(fal) faal, cuud, foox iyo wax la mid ah samee. Gabadhu muraad bay leedahaye u muraadi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murtada
name-m contented, pleased
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaar
musbaar¹: m.l la-mid: musmaar¹.
musbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: musmaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musbaar
m. n. nail (carpenter's tool)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musbaar
-ka: (n) nail (neel); metallic nail ~ musmaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaar
(fal) meel haawanaysa ama ligganaysa musbaar ku garaac oo ku adkee. Jiingadda musbaar. Dh: qodob, adkee.
musbaar-ka: (magac, lab, keli) bir yar oo dhinac af fiiqan oo wax muda ku leh dhinacna madax oo ballaadhan ku leh oo xajisa looxaamaha iyo wixii la isku nabayo. Dh: musmaar. Wa: masaabiir, masaamiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musbaar
a: mismaar
de: nail (carpenter's tool)
lx: musbaar
pd: (-ka Pl: masaabiir (ta))
ps: n2-m, n8-m
see: musmaar
xv: Arabic
key: musbaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
musbaar
مسمار