mustafa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Mustafa
name: Mustafa
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mustafa
name-m chosen, selected
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Mustafa
de: Mustafa
lx: Mustafa
ps: name-m
key: Mustafa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustagfi
m.l.kh M. ah: qof hanti ku filan leh. la-mid: mustakafi, mutakafi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murtada
name-m contented, pleased
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mustang
/mastaang/ (n) faras Ameerika laga helo oo duur joog ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mustard
/mastard/ (n) geed jaala ah oo mirihiisa laga sameeyo dareere cuntada lugu daarto oo yara kulul (siiba hilibka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mustawi
-ga: (magac, lab, keli) tira is le'ego turub ah wada helid. Mustawi ayaan ku badiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mustacmar
-ka: (magac, lab, keli) cid awood siyaasadeed dhaqaale iyo tacliineed ku haysata dad aan oggolayn dadkeedana ahayn. Dh: isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustakafi
m.l la-mid: mustagfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mustaqbal
(Mustaqbal-ka)
Waqtiga iman doona, soo socda; timaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustaqbal
m.l Timaaddo; aayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mustaqbal
m. n., [abstract] future
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mustaqbal
-ka: (n) future (fi-yuu-jar); futurity (fiyuutuur'iti); destiny (dhes 'tani) ~ aayatiin, aayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mustaqbal
-ka: (magac, lab, keli) xilli iman doona. Dh: timaaddo. Li: tegto.
mustaqbal -ka: (magac, lab, keli) aayatiin dambe oo la rajeeyo. Mustaqbal fiican ayaan rajaynayaa. mustareex -a: (magac, lab, keli) raaxo; farxad. mustareexi: (fal) ka farxi, u raaxee. Dadku way ku sugayaane caawa ka mustareexi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mustaqbal
bw: Arabic
de: future
lx: mustaqbal
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: mustaqbal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafad
-da: (magac, dhedig, keli) dherer ay labo meelood isku jiraan oo dadka badhkii rumaysan yihiin in kolka dhererkaasi uu maaafad gaadho in gabadh weli la'aan la meherin karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafay
(fal) meel masaafo jirta gee oo ku soo meheri. Gabadh aabbeheed nool yahay masaafay ha odhane aabbeheed u yeedh. Dh: masaafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mastarad
m.dh la-mid: masdarad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mastarad
-da: (n) ruler (ruular); measuring stick masdarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mastarad
-da: (magac, dhedig, keli) walax yar oo caag ama qori ah oo dhinacyada ka balan oo oo wax lagu cabbirto ama xarriiqyada xisaabaadka lambarro in is le'eg isku jiraa ay ku qoran yihiin lagu jeexdo gaar ahaan joomateriga. Dh: reegal, masdarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'tamar
-ka: (magac, lab, keli) shir ay dad badani ka soo qayb galaan oo doodo iyo cilmi baadhis la isweydaarsado go'aannana laga soo saaro. Afrika waxa lagu qaybsaday mu'tamarkii Baarlin. Dh: shir, fadhiguud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mujtamac
(Mujtamac-a)
Urur; wadajir; bulsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mujtamac
m.l (-cyo, m.dh) Dad meel ku wada nool; bulsho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mujtamac
m.l (-cyo, m.dh) Dad meel ku wada nool; bulsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mujtamac
m. n. society, assembly, community
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mujtamac
-a: (n) society (sosaaya-ti) ~ bulsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mujtamac
-a: (magac, lab, keli) bulsho meel ku wada nool oo dhib iyo dheef wadaaga. Dh: bulsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mujtamac
bw: Arabic
de: society, assembly, community
lx: mujtamac
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: bulsho, urur
key: mujtamac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Munaafaq
(Munaafaq-a)
1. Qof uurka gaal ka ah afkana Muslin.
2. Labaggalle; labawejile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaafaq
m.l (-qyo/-fiqiin, m.dh) 1. Qof hadalka uu sheego iyo falka uu samaynayaa is-khilaafsanyihiin. 2. (dii.) Qof sheegta inuu diinta Islaamka rumaysanyahay laakiin aan aaminsanayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
munaafaq
m.l (-qyo/-fiqiin, m.dh) 1. Qof hadalka uu sheego iyo falka uu samaynayaa is- khilaafsanyihiin. 2. (dii.) Qof sheegta inuu diinta Islaamka rumaysanyahay laakiin aan aaminsanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munaafaq
m. n. person who pretends to be a Muslim but is inwardly an unbeliever; hypocrite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaafaq
-a: (n) hypocrite (hip'ekrif); deceiver (diziiv'er); double-crosser ~ munaafiq, laba-wajiile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaq
-a: (magac, lab, keli) qof muslinnimo sheegta xumaan uu islaamka u hayana qarsada. Dab munaafaq shiday ayuu mu'min ku gubtaa. Dh: labawajiile, kufricaloolaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
munaafaq
bw: munaafiq
de: person who pretends to be a Muslim but is inwardly an unbeliever; hypocrite
lx: munaafaq
pd: (-a Pl: munaafiqiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: kufri-calooleed
xv: Arabic
key: munaafaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaafur
musaafur¹: m.l la-mid: masaafir¹.
musaafur²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: masaafir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaafur
-ka: (magac, lab, keli) qof safar ku jira. Musaafur waa la bariiyaa waa martiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushahar
-ka: (magac, lab, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushtaki
(Mushtaki-ga)
Qofka wax garina haya oo dacwada wata; muddici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushtaki
m.l (-iyiin, m.dh) Qof dacwo qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushtaki
m. n. plaintiff, accuser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushtaki
-ga: (magac, lab, keli) qof cid ka eed sheegta oo dacwad ku soo ooga. Dh: muddaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushtaki
bw: Arabic
de: plaintiff, accuser
lx: mushtaki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mushtaki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushtari
m.l (-iyiin, m.dh) Qof mushtar sameeya; ganacsade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushtari
-ga: (magac, lab, keli) ninka lacag haya oo wax gadanaya. Dh: gate. Li: iibiye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mustache
/mastaaj/ (n) shaarib (shaarbo), shanam.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xustayya
se souvenir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
must
/mast/ waa in (waxaa waajib ah).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Safa
name-f purity, serenity, clarity
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
busta
s.f. - baqshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dusaa
(Dusaa-ga)
Meeraha koowaad oo iskujoogga qorraxda oo u dhexeeya qorraxda iyo waxaraxirta; sanadiisu, ama inta uu qorraxda ku soo wareegaa, waa 88 maalmood oo kuweenna ah; cuddaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusaa
m.l Cuddaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dusaa
pr. n., loc. Mercury (the first planet)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusaa
-ga: (magac, lab, keli) meeraha koowaad ee cadceedda u xiga. Dusaaga iyo dayaxa, dusaagaa cadceedda uga dhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dusaa
de: Mercury (the first planet)
lx: Dusaa
pd: (-ga)
ps: n0-loc-m
syn: Cuddaar
key: Dusaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaf
1. (Masaf-ka) Dhuun af ballaaran iyo af dhuuban leh, oo kolka wax shubma oo weel ku jira weel kale loo wareejina hayo, lagu isticmaalo; dublad.
2. (Masaf-ta) Weel ballaaran oo caw, qabo ama mayrax kale ka samaysan, oo badarka iyo wixii la mid ah, lagu haadiyo; xaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaf
masaf¹: m.l (-fyo, m.dh) Weel leh af ballaaran iyo dabo dhuuban oo daloosha oo hoorayaasha ku shuba weelasha afka dhuuban; dublad.
masaf²: m.dh (-fo, m.l) Saxan weyn oo caw, qabo iyo wixi lamida laga tolay, oo badarka la tumay lagu hufo; xaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaf
m.dh (-fo, m.l) Saxan weyn oo caw, qabo iyo wixi lamida laga tolay, oo badarka la tumay lagu hufo; xaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaf
m. n. funnel
masaf [feminine] n. winnowing basket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaf
-ka: (magac, lab, keli) weel xagga sare u ballaadhan xagga hoosana daba dhuuban oo daloosha ku leh oo la dul dhigo kolka weel afyar wax lagu shubyo. Dh: dublad, masaf.
masaf -ta: (magac, dhedig, keli) weel balladhan oo hareerah soo rogan oo sarriig ama caw laga tolay oo hadhuudhka lagu hufo ama lagu goolabo budadana lagu gilgiliyo. Dh: masaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudaa
(Mudaa-ga)
Qalab wax lagu tolo oo kabatolahana ka yar, mudacana ka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudaa
m.l (-aayo, m.dh) Qalab wax lagu tolo oo kobotolana ka yar, mudacana ka weyn oo caarad ballaaran leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudaa
m.l (-aayo, m.dh) Qalab wax lagu tolo oo kobotolana ka yar, mudacana ka weyn oo caarad ballaaran leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudaa
m. n. kind of awl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaa
-ga: (magac, lab, keli) qalab wax lagu tolo oo kaba'tolaha ka yar mudacana ka weyn oo lagu dhufaamo wananka iyo orgiyada inta dab la geliyo ayaa laga mudhbixiyaa xiniinyahooda; qof wax muda oo turqa. Dh: midhxaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudaa
de: kind of awl
lx: mudaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mudaa
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muffa
s.f. - caaryo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
multa
s.f. - ganaax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
musty
/masti/ (adj) qurmuun, sidii wax gaboobay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
staff
/staaf/ (n) 1. shaqaale (shaqaale meel ka shaqeeya) (v) 2. shaqaalaysiin (shaqaale qorid) (n) 3. ul (siiba matoobada iwm oo dadku qaato).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Staff
Qori cabbir
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
staff
n., ul, -shi, qori, -gi; staff of a spear, samay, -di; staff of an arrow, gamuun, -ki, leeb, -ki; bended staves used for making a Somali hut, dhig, -ti, dhig dooxo, -adi, dhig lool ah, -ihi, kabal, -ki, kaballo, -adi, lool, -ki, law, -ti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
usaga
pron., 3m: he, him
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
usaga
(pronoun) he (hii) ~ asaga
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
usaga
a: isaga {E}
de: he, him
initial: u
lx: usaga
pd: (usagu)
ps: pro-3m
key: usaga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuslaa
adj., simple past tense: was heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuslaa
(adj) heavy (heevi). Ex: miiskii cuslaa baa haray; the heavy desk was left over
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuslaa
de: was heavy
lx: cuslaa
ps: adj-past
see: culus
key: cuslaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kastaa
(kasta + -a) mid walba oo kamid ah wax wada jira, oo falka samaynaya ama uu xaggiisa ka imanayo (nin kastaa arag; arday kastaa farta waa yaqaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masafo
(Masafa-da)
Jaad maansada kamid ah; jiifto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masafo
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc ka mid ah maansada oo wadaaddada khaas u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masafo
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc ka mid ah maansada oo wadaaddada khaas u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masafo
f. n. poem form, poetry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masafo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad maansada ka mid ah oo u dhiganta jiiftada oo sida gabayga labo labo iskula socota. Dh: maanso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masafo
de: poem form, poetry Contrast: gabay, geeraar, jiifto, wilgo
lx: masafo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: masafo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Masxaf
name-m the Koran; the Islamic religious book as a publication. Cf: Jaamac (Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Masxaf
magac loo bixiyo wiil loogu magacdaray Kitaabka Qur'aanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
misana
xi. Laakiin, ha ahaatee. Tusaale: “Afka carabiga wuu fahmayaa, misana kuma hadli karo”. la-mid: misna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
misana
xi. Laakiin, ha ahaatee. Tusaale: Afka Carabiga wuu fahmayaa, misana kuma hadli karo. la-mid: misna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
misana
[adverbial] [expression] again, and also
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
misana
(conjunction) 1. and (andh). Ex: misana wuu yimid; and he came ~ misna. 2. (adv) again (a geeri). Ex: misana samee! do it again!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
misana
(xidhiidhiye) la macna ah sidoo kale. Anoo moodaya inaan ka soo fogaaday misana waaba isaga oo i horjooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
misana
a: misna; rw: mise
de: again, and also
lx: misana
ps: adv-expr
key: misana
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
móstra
s.f. - bandhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murtad
(Murtad-ka)
Qof diintii uu haystey ka baxay oo riddoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murtad
m.l (-diin, m.dh) (dii.) Qof muslim ahaa oo diinta Islaamka ka baxay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murtad
m.l (-diin, m.dh) (dii.) Qof muslim ahaa oo diinta Islaamka ka baxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murtad
m. n. apostate, Muslim who has converted to another religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murtad
-ka: (n) recanter (ri-kaant'er); apostate (a poos-teeyt); renegade in Islam ~ gaal