musmaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax musmaar ku qodbasho. la-mid: musbaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musmaar
(Musmaar-ka)
Bir yar oo doc af fiiqan oo wax muda ku leh, docna madax yar, oo alwaaxda ama wax kale layskula dhejiyo; qodob; (ama musbaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaar
musmaar¹: m.l (-rro/masaamiir, m.dh) Bir yar alwaaxda layskula qabto, oo af dhuuban iyo sal ballaaran leh. la-mid: musbaar¹.
musmaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Musmaar wax iskula dhejin. 2. Ku m.: cid,cid kale ku dirid. la-mid: musbaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musmaar
musmaar¹: m.l (-rro/masaamiir, m.dh) Bir yar alwaaxda layskula qabto, oo af dhuuban iyo sal ballaaran leh. m.dh.w, masaamiir. la-mid: musbaar.
musmaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Musmaar wax iskula dhejin. 2. Ku m.: cid,cid kale ku dirid. m.f.dh, musmaarid. la-mid: musbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musmaar
m. n. nail (carpenter's tool)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musmaar
-ka: (n) nail (neeZ); metallic nail ~ musbaar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Musmaar
Chiodo
Nail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musmaar
-ka: (magac, lab, keli) bir yar oo dhinac af fiiqan oo wax muda ku leh dhinacna madax yar oo ballaadhan ku leh oo xajisa looxaamaha iyo wixii la isku nabayo. Musmaar abu cashara ah ku tantoon. Dh: musbaar. Wa: masaamiir, masaamiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musmaar
bw: mismaar ~ musbaar
de: nail (carpenter's tool)
lx: musmaar
nt: musmaar (musmaaray) [v1=]
pd: (-ka Pl: masaamiir (ta))
ps: n2-m, n8-m
xv: Arabic
key: musmaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: musmaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaaro
(fal) musbaar ku nabo. Jiingadda musbaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaaro
m.dh la-mid: mushaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaaro
-da: (magac, dhedig, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munshaaro

-da: (magac, dhedig, keli) eeg munshar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaharo
-da: (magac, dhedig, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musmaaran
Musmaar hayo, lagu qabtay; la musmaaray; qodban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax musmaar lagu dhuftey ahaansho. la-mid: musbaaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musmaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax musmaar lagu dhuftey ahaansho. m.f.dh, musmaarnaan. la-mid: musbaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musmaaran
der. [adjective] nailed, attached with a nail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musmaaran
(tilmaame) musmaar ku dhejisan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musmaaran
de: nailed, attached with a nail
lx: musmaaran
pd: (musmaarnaa)
ps: adj-der
key: musmaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musmaarid
(Musmaarid-da)
Musmaar ku mudid, ku dhejin; qodbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaarid
m.f.dh eeg musmaar². la-mid: musbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musmaarid
-da: (magac, dhedig, keli) musmaar ku dhejin. Dh: musbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busaaro
m.dh la-mid: busaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
busaaro
f. n. poverty, lack of sufficient food ~ necessities; misery, seriously uncomfortable situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaro
-da: (magac, dhedig, keli) tiif iyo cawlnaan an bugtaan ahayn oo laga dareemo qof ay baahiyi hayso. Busaaro ayaa wejigiisa ku taal wiilka. Dh: bisaarad, baahi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
busaaro
a: busaarad
de: poverty, lack of sufficient food ~ necessities; misery, seriously uncomfortable situation
lx: busaaro
pd: (/da)
ps: n-f
key: busaaro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mismaar
m. n. nail (carpenter's tool)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mismaar
a: musbaar
de: nail (carpenter's tool)
lx: mismaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: musmaar
xv: Arabic
key: mismaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraaro
-da: (magac, dhedig, keli) laababka wareegsan ee ku yaalla laabta haweenka Dh: maraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaar
musbaar¹: m.l la-mid: musmaar¹.
musbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: musmaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musbaar
m. n. nail (carpenter's tool)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musbaar
-ka: (n) nail (neel); metallic nail ~ musmaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaar
(fal) meel haawanaysa ama ligganaysa musbaar ku garaac oo ku adkee. Jiingadda musbaar. Dh: qodob, adkee.
musbaar-ka: (magac, lab, keli) bir yar oo dhinac af fiiqan oo wax muda ku leh dhinacna madax oo ballaadhan ku leh oo xajisa looxaamaha iyo wixii la isku nabayo. Dh: musmaar. Wa: masaabiir, masaamiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musbaar
a: mismaar
de: nail (carpenter's tool)
lx: musbaar
pd: (-ka Pl: masaabiir (ta))
ps: n2-m, n8-m
see: musmaar
xv: Arabic
key: musbaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
musbaar
مسمار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushaar
(Mushaar-ka)
Lacagta qofka xoojiya la siiyo, badanaa bishiiba kol; hawl; (ama mushaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaar
m.l (-rro, m.dh) Lacagta qof hawl uu qabto laga siiyo bishii. la-mid: munshaar, munshaaro, mushaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mushaar
m.l (-rro, m.dh) Lacagta qof hawl uu qabto laga siiyo bishii. la-mid: munshaar, munshaaro, mushaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushaar
m. n. salary, wages
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mushaar
-ka: (n) salary (saal 'ari); wage (weeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaar
-ka: (magac, lab, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan. Dh: bishaar, munshahar, mishaar, mishaaro, mushqaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushaar
bw: Arabic
de: salary, wages
lx: mushaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: mushaaharad
key: mushaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mushaar
راتب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushaaro
m.dh la-mid: bishaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaari
m.dh la-mid: mushaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaarasho
m.f.dh eeg musmaaro. la-mid: musbaarasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Musmaar-ka
clou.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaaran
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: musmaaran.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musbaaran
-musbaarnaa / musbaarnayd (adj) nailed (neelidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaaran
(tilmaame) wax la musbaaray oo la isku adkeeyey; musbaar hayo. Dh: musmaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaarid
m.dh la-mid: musmaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) musbaar ku nabid. Dh: musmaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muxaadaro
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: muxaadarad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muxaadaro
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: muxaadarad. muxtaaj m.l.kh M. ah: qof baahi wax u qaba. muxubbo m.dh la-mid: maxabbo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muxaadaro
-muxaadarada: (n) lecture (lek'jar), especially a religious lecture; sermon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muxaadaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muxaadarad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
muxaadaro
مُحَاضَرَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaarasho
m.dh la-mid: musmaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) musbaar ku dhejisasho. Dh: musbaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaarnaan
m.f.dh eeg musmaaran. la-mid: musbaarnaan, musbaarnaansho, musmaarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xushmadarro
m.dh Xushmo la'aanshada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xushmadarro
m.dh Xushmo la'aanshada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmadarro
-da: (magac, dhedig, keli) xishood la'aan; sharaf xumo. Ninkaasi xushmaddarro ayuu dadka uga dhexbaxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaro
(Maara-da)
Farsamo arrin lagu qabto, lagu tabeeyo; xoog; karti; itaal; taag; awood; tabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaro
maaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah.
maaro²: f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: maado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaro
f. n. ability, skill, means
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaro
(adj) can't stop from performing or doing ~ maaraa. Ex: maaro baa loo waayey; nobody can stop him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaro
-da: (magac, dhedig, keli) xal mushkilo lagu dhammeeyo. Nin isagu is dilaya maaro looma helo. Dh: xal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaro
cf: daaqad, farsamo, karti, tabar, xoog
de: ability, skill, means
lx: maaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaro
f.g/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaro
f.g/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho. m.f.dh, saarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaro
v. place ~ put on top of for oneself; copulate, have sex with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaro
-saartay I saaratay: (v) put on (put on); place (paleeys) for one's own self. Ex:jaakadda halkaas saaro; put yourjacket over there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaro
(fal) wan, dibi, iyo wixii la mid ah, dheddigga kula nooca ah kud. Dh: fuul.
saaro: (fal) waxyaabo dhacay sababtooda, wax kale ama cid kale ku eedayso. Dh: halsaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaro
de: place ~ put on top of for oneself; [ext.] copulate, have sex with
initial: s
lx: saaro
pd: (saartay)
ps: v3b=
key: saaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumaar
(Gumaar-ka)
1. Kobta bisqantu ku baxdo.
2. Oogada meesha gaatirowda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumaar
m. n. groin, pubic region
gumaar m. n. hard skin; callous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumaar
-ka: (n) the region of the pubis; pubes (piyuubizs); groin (gorooyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaar
-ka: (magac, lab, keli) lafta ka sarraysa xubinta taranka oo ay ka baxaan timaha bisqinta la yidhaahdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaro
-da: (magac, dhedig, keli) gobanimada iyo sharafta.
gumaro-da: (magac, dhedig, keli) xoolo raasamaal ah. Aniga gumaro xoolaad, giddi way ila wacantahay, adigaase kala gurey. Dh: hanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaro
m.dh Caro fudud oo qof yeesho. la-mid: ismaryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaro
-da: (magac, dhedig, keli) cadho fudud oo qof yeesho. Dh: ismaryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaar
(Masaar-ta)
Faas yar; godin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaar
m.dh (-ro, m.l) Qalab ka kooban daab iyo bir af leh oo geedaha iyo wixi lamida lagu gooyo; godin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaar
m.dh (-ro, m.l) Qalab ka kooban daab iyo bir af leh oo geedaha iyo wixi lamida lagu gooyo; godin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaar
f. n. ax, axe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaar
-ta: (n) ax or axe (akis) ~ gudin, faas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaar
-ta: (magac, dhedig, keli) gudin wax lagu gooyo. Hasha maankeedii garan waayaye ma masaarbay liqday. Dh: gudumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaar
cf: faas, godin, jidib
de: ax, axe
lx: masaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: masaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraar
-ta: (magac, dhedig, keli) maroor ama qallooc ay addimmadu yeeshaan. Dh: dalab.
muraar -ta: (magac, dhedig, keli) alaab ka mid ah alaabaha dumarku qoorta gashadaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUSKAR
(Muscar) C Cocculus pendulus (J.R.&G. Forst.) Diels. Menispermaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: ugaarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaaro
v. hunt down, hunt for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaaro
-ugaartay I ugaaratay: (v) hunt (hanti); hunt wild animals (game)