muskullux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muskullux
(Muskullux-da)
Kor aan uskag iyo wax kale midna lagu arag; sidib iyo nadiifnimo isku darsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muskullux
m.dh.kh 1. M. ah: wax aan wasaq lahayn. 2. (dii.) M. ah: wax aan nijaaso lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muskullux
f. n. (adj.): clean ~ neat area; clean, pure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muskullux
de: clean ~ neat area; [atr.] clean, pure
lx: muskullux
pd: (-da)
ps: n-f
key: muskullux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muskulux
-da: (magac, dhedig, keli) baxsadka uu masku oodda hoosteeda uu u baxsado. Dh: bilig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musiibo
-da: (magac, dhedig, keli) balaayo dhib iyo hoog horseedda. Masiibo llaahoow naga hay. muskullux-a: (magac, lab, keli) kor aan uskag iyo wax kale midna lagu arag oo sigib iyo nadiifnimo isku darsaday. Dh: nadiif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutulux
erey lagu cabbiro baxsadka wax degdeg u fakada. Faraskii mutulux ayuu yidhi. Dh: bidh, fitir.
mutulux-a: (magac, lab, keli) mudhux aan dhogor ama caleen lahayn. Dh: xoodhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkuluulux
dhunkuluulux¹: m.l.kh Dh. ah: cunto aad loo kariyey oo muudmuudday.
dhunkuluulux²: f.mg1 (-xay, -xday) Cunto aad loo kariyey muudmuudid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KULLUL
(Kulul) S Commiphora boranensis Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullug
-ga: (magac, lab, keli) sixir daran oo aad u adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muslax
(fal) kala dhexdhexaadi; heshiis ka kala dhex samee. Labada nin ha isku dirine kala muslax. Dh: islaaxi, heshiisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musqul
(Musqu-sha)
Qol yar oo loo kortago; suuli; kortag; (ama muqsul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musqul
m.l/dh (-lo, m.dh) Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. la-mid: muqsul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musqul
m.l/dh (-lo, m.dh) Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. la-mid: muqsul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musqul
f. n. latrine, lavatory, toilet, restroom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musqul
-musqusha: (n) toilet (tooy'lat); washroom (waash'-ruum)-, bathroom (baath ruum); rest room (rest ruum); W.C. [water closet] ~ suuli, beytalmay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musqul
-sha: (magac, dhedig, keli) meel asturan oo lagu maydho ama kaadi iyo sindho loo galo oo hoosta god ama tuunbooyin qashinka qaada ku leh. Dh: suuli, kaniif, beytilmey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musqul
de: latrine, lavatory, toilet, restroom
lx: musqul
pd: (/sha)
ps: n1-f
syn: beytalmay, kortag, suuli
key: musqul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ukulli
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir digaagadda u eg oo duurjoog ah. Dh: gogorri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhullux
m.l la-mid: dhullax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhullux
-a: (magac, lab, keli) eeg dhullax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mujuluc
-a: (magac, lab, keli) caag jilicsan oo naas u eg oo masaasadda carruurta afka kaga xidhma. Dh: cinjir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mujurux
-a: (magac, lab, keli) eeg mujuluc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udullub
udullub¹: m.l Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iyo wixi lamida hayso.
udullub²: f.mg1 (-bay, -btay) Qof jirro, caro iyo wixi lamida la cagajiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udullub
(fal) qof, jirro ama cadho daraaddeed la cagajiid.
udullub -ka: (magac, lab, keli) socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro ama cadho hayso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUSKUULE
(Buskule) N Zygophyllum decumbens Del. Zygophyllaceae.
N Fagonia socotrana (Balf.F) Schweinf Zygophyllaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusculus
adj., pl. heavy (ones)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusculus
de: heavy (ones)
lx: cusculus
pd: (cuscuslaa Sg: culus)
ps: adj-pl
key: cusculus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulkulul
f.mg4 (-laa, -layd) Qof mannexe ah ama shadiid ah, ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulkulul
adj., pl. hot (ones); heated (words); intense, strict, severe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulkulul
-aa: (adj) hot tempered; hot (hat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulkulul
(tilmaame) qof aad u xanaaq badan; qof cadho badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulkulul
de: hot (ones); heated (words); [fig.] intense, strict, severe
lx: kulkulul
pd: (kulkululaa Sg: kulul)
ps: adj-pl
key: kulkulul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalluf
(fal) caydhaw oo waxaad xoolo lahayd ka farabax. Masalluf waa habaare wiilka ha ka odhan. Dh: kac, masalaf, caydhaw
masalluf -ka: (magac, lab, keli) caydhaw xoolo la lahaa ay dhammaadaan oo laga farabaxo. Wilki masalluf ayaa ku dhacay oo wuu caydhoobay Dh: masalaf, kac, caydhaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mukallaf
(Mukallaf-ka)
Qof wax loo sheegan karo ama wuxuu falo ka mas'uul ah; qaangaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukallaf
m.l (-fyo/-fiin, m.dh) Qof wax uu falo mas'uuliyaddeeda qaadi kara; qaangaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukallaf
m. n. mature person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukallaf
-ka: (magac, lab, keli) qof xil loo dhide oo hawl inuu fuliyaa ay saran tahay Ninbasi shaqaalaha dabagal ku sameeyo mukallaf ku ah. Dh: masuul, xilhaye.
mukallaf -ka: (magac, lab, keli) jinka iyo insig inta ilaahay ku waajibiyey inay caabudaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukallaf
bw: Arabic
de: mature person (i.e., no longer a minor and held responsible for his actions)
lx: mukallaf
pd: (-ka Pl: mukallafiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: qaangaar
key: mukallaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukallif
-ka: (magac, lab, keli) qofshan iyo tobar jir gaadhay oo ah xilliga qaangaadhka. Dh: baaluq, qaangaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mukulaal
(Mukulaa-sha)
Dummad; yaanyuuro; dinnad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukulaal
m.dh (-lo, m.l) Bisad; basho; dummad, yaanyuuro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mukulaal
m.dh (-lo, m.l) Bisad; basho; dummad, yaanyuuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukulaal
f. n. cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mukulaal
-mukulaasha: (n) cat (kaat); kitty (kiti) ~ bisad, yaanyuur, durmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukulaal
-sha: (magac, dhedig, keli) bisadda noocyadeeda kala duwan. Dh: dummad, basho, yaanyuur, dinnad, bissad, durruf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukulaal
de: cat
lx: mukulaal
pd: (/sha)
ps: n1-f
syn: bisad, dinnad ~ dummad, yaanyuuro
key: mukulaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mundulle
m.l la-mid: mundul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mundulle
-ha: (magac, lab, keli) eeg mundule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallad
m.l (-dyo, m.dh) Qof aad u dhib badan oo dhibaatadiisu joogto tahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musallad
m.l (-dyo, m.dh) Qof aad u dhib badan oo dhibaatadiisu joogto tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musallad
m. n. pest, nuisance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallad
-ka: (magac, lab, keli) qof sudhukaan ah oo waxa uu ku dhega aan laga furfuri karin. Qof musallad ah la isma raaciyo. Dh: sallid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musallad
bw: Arabic
de: pest, nuisance
lx: musallad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: musallad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallaf
musallaf¹: m.l la-mid: musallif¹.
musallaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: musallif².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musallaf
inch. v. go bankrupt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musallaf
-ka: (n) insolvent (in-sool'yant); bankrupt (baank-rapt) ~ musallif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallaf
(fal) adu caydhaw oo waxaad xoolo lahayd ka farabax. Musallaf waa habaare wiilka ha ku odhan. Dh: masalluf, caydhaw, kac.
musallaf -ka: (magac, lab, keli) qof caydhoobay oo wuxuu hanti lahaa ka farabaxay. Dh: masalluf, caydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musallaf
de: go bankrupt
lx: musallaf
pd: (musallafay)
ps: v1=inch
see: musallif (and related forms)
key: musallaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musallif
(Musallif-ka)
(qof) xoolihii dhaafeen siiba xoolaha ganacsiga; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallif
musallif¹: m.l Qof ganacsade ah oo xoolihii dhaafeen. la-mid: masallaf¹, musallaf¹.
musallif²: f.mg1 (-fay, -ftay) Qof ganacsade ah qasaare aan wax u reebin la kulmid. la-mid: masallaf², musallaf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musallif
f.mg1 (-fay, -ftay) Qof ganacsade ah qasaare aan wax u reebin la kulmid. m.f.dh, musallifid. la-mid: masallaf, musallaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musallif
m. n. (adj.): person who has lost ~ been robbed of his livestock; destitute, bankrupt
musallif [inchoative] v. be the victim of cattle theft; go broke, become bankrupt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musallif
-ka: (n) bankrupt (baank-rapt); insolvent (insool'-vant) ~ musallif.
musallif -ay / tay: (v) become financially bankrupt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallif
-ka: (magac, lab, keli) qof caydhoobay kacay. Musallif waa loo naxaa.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
muscular
(adj) of, or pertaining to muscle.
ku saabsan muruqa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muscular
/mask yular/ (adj) 1. ee murqaha (ee muruqyada) 2. muruq leh (muruqyo badan leh).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
musulman
musulman, adj. - Muslim; Muslin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
musulman
n., Muslim, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suluulux
-a: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq isku xidhan oo aan taltallaabsi iyo boodbood midna ahayn oo dhulka dushiisa lagu sameeyo. Daadku suluulux buu kugu soo galaa.
suluulux -a: (magac, lab, keli) isrogrogid oo aayar dhul ku dulmarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baskallax
-a: (magac, lab, keli) geed'abaareed caleemo biyo dhanaan lihi ka baxaan. Baskallax bannaanka ka soo gur.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Musculature
Muruqyo jidheedh