mushtari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushtari
m.l (-iyiin, m.dh) Qof mushtar sameeya; ganacsade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushtari
-ga: (magac, lab, keli) ninka lacag haya oo wax gadanaya. Dh: gate. Li: iibiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushtar
(Mushtar-ka)
(xiddigo) Meeraha shanaad oo qorraxda, oo u dhexeeya Mariikha (Farraarre) iyo Saxalka (Raage); Cirjeex; Cirjiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushtar
m.l 1. Meeraha shanaad oo u dhexeeya mariikha iyo sulka; cirjeex; cirjiir. 2. (-ryo, m.dh) Ganacsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Mushtar
pr. n., loc. Jupiter (the fifth planet)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushtar
v. trade, engage in commerce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mushtar
-ay / tay: (v) buy and sell; trade (tareeydh); do business; carry on a trade ~ ganacso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mushtar
-ka: (magac, lab, keli) meeraha shanaad ee meerayaasha cadceedda oo u dhexeeya Mariikh iyo Saxal. Dayaxgacmeed ayaa Mushtar loo diray. Dh: Cirjeex, Cirjiir, Cirjiidh.
Mushtar: xiddig faaliyuhu u adeegsado sicdiga, Daaxig iyo Garbaraar buu na leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushtar
-ka: (magac, lab, keli) ninka lacagta haysta ee wax gadanaya. Suuqa haddaad joogta baa'ic uun baad ahaan ama mushtar. Dh: gate. Li: iibiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaari
m.dh la-mid: mushaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushtaki
(Mushtaki-ga)
Qofka wax garina haya oo dacwada wata; muddici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushtaki
m.l (-iyiin, m.dh) Qof dacwo qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushtaki
m. n. plaintiff, accuser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushtaki
-ga: (magac, lab, keli) qof cid ka eed sheegta oo dacwad ku soo ooga. Dh: muddaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushtaki
bw: Arabic
de: plaintiff, accuser
lx: mushtaki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mushtaki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid. m.f.dh, rogrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogid
-da: (magac, dhedig, keli) ka baayac mushtarid.
rogrogid -da: (magac, dhedig, keli) hadba dhinac u geddiyid, u rogid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aviation
aviation, n.f. - Duulimaad
commerciale - Dayuuradaha baayac-mushtariga ama ganacsiga
militaire ( de l'armée de l'air) - Dayuuradaha ciidamada cirka
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marchand
marchand, n,m. - Baayac mushtari
capitaux marchands - Kabitaal ganacsi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marché
marché, n.m. - Saylad; Suuq; Sariibad.
bon marché - Rakhiis ah; Aan qaali ahayn; qaali maaha; Rakhiis.
étude de marché - Barashada iibka.
marché commun - suuq mid ah (sida suuqa baayac mushtariga reer Yurub).
marché du travail - Xaaladda shaqada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
merchant
n., baayac mushtari, -gi, dilaal, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
trader
n., baayac mushtari, -gi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushtar_1
bw: Arabic
de: trade, engage in commerce
hm: 1
lx: mushtar
nt: mushtar (ka) [vn2a-m]
pd: (mushtaray)
ps: v1=
key: mushtar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Mushtar_2
bw: Arabic
de: Jupiter (the fifth planet)
hm: 2
lx: Mushtar
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
syn: Cirjeex ~ Cirjiir
key: Mushtar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushaar
(Mushaar-ka)
Lacagta qofka xoojiya la siiyo, badanaa bishiiba kol; hawl; (ama mushaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaar
m.l (-rro, m.dh) Lacagta qof hawl uu qabto laga siiyo bishii. la-mid: munshaar, munshaaro, mushaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mushaar
m.l (-rro, m.dh) Lacagta qof hawl uu qabto laga siiyo bishii. la-mid: munshaar, munshaaro, mushaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushaar
m. n. salary, wages
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mushaar
-ka: (n) salary (saal 'ari); wage (weeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaar
-ka: (magac, lab, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan. Dh: bishaar, munshahar, mishaar, mishaaro, mushqaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushaar
bw: Arabic
de: salary, wages
lx: mushaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: mushaaharad
key: mushaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mushaar
راتب
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mustard
/mastard/ (n) geed jaala ah oo mirihiisa laga sameeyo dareere cuntada lugu daarto oo yara kulul (siiba hilibka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mustawi
-ga: (magac, lab, keli) tira is le'ego turub ah wada helid. Mustawi ayaan ku badiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishaari
m.dh la-mid: mushaalli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mishaari
f. n. porridge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mishaari
de: porridge
lx: mishaari
pd: (-da)
ps: n2a-f
see: mushaalli
key: mishaari
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mishaari
عَصِيدَه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaaro
m.dh la-mid: mushaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaaro
-da: (magac, dhedig, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munshaaro

-da: (magac, dhedig, keli) eeg munshar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaarid
m.dh la-mid: musmaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) musbaar ku nabid. Dh: musmaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushaalli
(Mushaalli-da)
Shurbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaalli
m.dh Cunto jilicsan oo laga sameeyo badar iyo biyo laysku kariyey oo noqda hoore rib ah; shurbad. la-mid: mishaari, mushaari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mushaalli
m.dh Cunto jilicsan oo laga sameeyo badar iyo biyo laysku kariyey oo noqda hoore rib ah; shurbad. la-mid: mishaari, mushaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushaalli
f. n. porridge ~ thick soup (made of semolina, sorghum, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mushaalli
-da:(n) porridge (poor 'aj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaalli
-da: (magac, dhedig, keli) wax shuuro aad loo jilciyay u eg oo sida sharaabka loo fuudo oo sonkor caano iyo waxyaale kale lagu dhex kariyo ama lagu daro. Dh: shurbad.
mushaalli -ga: (magac, lab, keli) xarrago socod dheeldheel aad u qurux badan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushaalli
bw: mishaari {S}
de: porridge ~ thick soup (made of semolina, sorghum, etc.)
lx: mushaalli
pd: (-da)
ps: n-f
syn: shurbad
key: mushaalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushaaxid
(Mushaaxid-da)
Socod la mushaaxa hayo, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaaxid
m.f.dh eeg mushaax². la-mid: mushaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) socod la mushaaxayo socosho. Dh: tamashlayn, daashadaashood. Li: tacabid, rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaharo
-da: (magac, dhedig, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushxarad
-da: (magac, dhedg, keli) dalamo dumarku sameeyaan oo ay farxadda ku cabbiraan. Dh: mashxarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musmaarid
(Musmaarid-da)
Musmaar ku mudid, ku dhejin; qodbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaarid
m.f.dh eeg musmaar². la-mid: musbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musmaarid
-da: (magac, dhedig, keli) musmaar ku dhejin. Dh: musbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muushaali
(fal) xarrago socod dheeldheel aad u qurux badan leh soco. Wiil yar baad tahaye meelahaa iska muushaali. Dh: mushaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaariyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: mushaalliyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: meheri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahari
v. marry (a woman of a man)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahari
de: marry (a woman of a man)
lx: mahari
pd: (mahariyey)
ps: v2a=tr
see: meheri
key: mahari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matari
(fal) buur sinteed socod ku mar. Halkaa matari oo bannaanka baabuur ka raac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
méhari
méhari, n.m. - Riti hal kurus leh oo loo isticmaalo in la fuulo; rokoob.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUSKAR
(Muscar) C Cocculus pendulus (J.R.&G. Forst.) Diels. Menispermaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muster
/master/ (v) isu-keenid (isku-soo ururin); (wada kulmin).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mutare
v.tr. - beddelid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bustard
n., ceelal joog or joog joog, -ti, salalmoodle, -lihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashari
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tahliil ku firdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashari
(fal) cashar u qor oo ku saydhi; u ducee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
custard
/kastard/ (n) labaniyad (kastar).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gustare
v.tr. - dhadhamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Masaari
f. n., pl. Egyptian people, Egyptians
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Masaari
-da: (n) 1. Egyptian (i-japshan). 2. Egypt; Cairo is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Masaari
de: Egyptian people, Egyptians
lx: Masaari
pd: (-da Sg: Masri (ga))
ps: n8-f-pl
key: Masaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mastaro
m.dh la-mid: masdarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mastaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mastarad mastuur: (tilmaame) asturan oon cid walba u furnayn. Dh: asturan, asturaad. Li: magshuuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaar
musbaar¹: m.l la-mid: musmaar¹.
musbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: musmaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musbaar
m. n. nail (carpenter's tool)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musbaar
-ka: (n) nail (neel); metallic nail ~ musmaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaar
(fal) meel haawanaysa ama ligganaysa musbaar ku garaac oo ku adkee. Jiingadda musbaar. Dh: qodob, adkee.
musbaar-ka: (magac, lab, keli) bir yar oo dhinac af fiiqan oo wax muda ku leh dhinacna madax oo ballaadhan ku leh oo xajisa looxaamaha iyo wixii la isku nabayo. Dh: musmaar. Wa: masaabiir, masaamiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musbaar
a: mismaar
de: nail (carpenter's tool)
lx: musbaar
pd: (-ka Pl: masaabiir (ta))
ps: n2-m, n8-m
see: musmaar
xv: Arabic
key: musbaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
musbaar
مسمار
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaad
-ka: (magac, lab, keli) kalgacal xusuus hore oo farxadeed ah. Dh: shooq.
mushaad -ka: (magac, lab, keli) siyaabaha maydiga loo safeeyo si ka mid ah. Fooxa mushaad ku samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushaax
(Mushaax-a)
Socod aayar ah oo xarrago ku jirto, oo badanaa cid ama wax kale la dhex mara hayo; tamashle; daanshood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaax
mushaax¹: m.l 1. Socod aayar ah oo xarrago ku jirto; tamashle. 2. la-mid: mushaaxid.
mushaax²: f.mg1 (-xay, -xday) Si tartiib ah oo xarrago ku jirto u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mushaax
mushaax¹: m.l Socod aayar ah oo xarrago ku jirto; tamashle.
mushaax²: f.mg1 (-xay, -xday) Si tartiib ah oo xarrago ku jirto u socosho. m.f.dh, mushaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushaax
v. walk around, go for a walk, stroll
mushaax vl. n. stroll, walk taken for recreation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mushaax
-ay / day: (v) gallivant (gaa-lavant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaax
(fal) si xarrago leh u soco oo meel ama dad u dhex xarragoo. Suuqa iska mushaax way kuu gaadhee.
mushaax-a: (magac, lab, keli) socod qun yar ah oo ay xarago ku jirto oo badanaa cid ama wax kale la dhexmaro. Dh: tamashle, daashadaashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushrig
(Mushrig-ga)
Qofka Ilaah midnimada u diida oo shariig u yeela; gaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushrig
m.l (-ikiin, m.dh) (dii.) Qof Eebbe midnimadiisa shariig u yeela; gaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mushrig
m.l (-ikiin, m.dh) (dii.) Qof Eebbe midnimadiisa shariig u yeela; gaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushrig
m. n. polytheist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushrig
-ga: (magac, lab, keli) qof keli ahaanta Rabbi diida ama Ilaahnima Eebbe cid kale ku lammaanaysiiya. Dh: shariig. Li: muwaxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushrig
bw: Arabic
de: polytheist
lx: mushrig
pd: (-ga Pl: mushrikiin (ta))
ps: n8-m
key: mushrig