musee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
musée
musée, n.m. - dhismaha ama guriga hiddaha iyo dhaqanka la dhigo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
museem
m. n. museum
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
museem
de: museum
lx: museem
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: guriga hiddaha, matxaf {Eng}
key: museem
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muse
/myuus/ (v) fakar xeel dheer oo qofka maskaxdiisu ku baxdo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fusée
fusée, n.f. - gantaal (hub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masee
f.g2 (-seeyay, -seysay) la-mid: misee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masee
v. make equal, even off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masee
(fal) isku mid ka dhig; is le'ekaysi.
masee: (fal) eeg masay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masee
de: make equal, even off
lx: masee
pd: (maseeyey)
ps: v2b=tr
key: masee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
misee
f.g2 (-seeyay, -seysay) 1. Laba wax ama ka badan mase ka dhigid. 2. Ku m.: wax, wax ku matalid. la-mid: masee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
misee
f.g2 (-seeyay, -seysay) 1. Laba wax ama ka badan mase ka dhigid. 2. Ku m.: wax, wax ku matalid. m.dh, misayn. la-mid: masee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
musèo
s.m. matxaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furan_1
de: open; loose, free; divorced
hm: 1
lx: furan
pd: (furnaa)
ps: adj-der
xe: Is the museum open now?
xv: Museemku ma furanyahay imminka?
key: furan_1
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amuser
amuser V. - Madadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buseel
(Buseel-ka)
Wax la jeclaa oo la waayey ama wax badan laga raagey tebid: jeelqab; hilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buseel
buseel¹: m.l la-mid: buseelid.
buseel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) U b.: wax u hiloobid; tebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buseel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) U b.: wax u hiloobid; tebid. m.f.dh, buseelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buseel
v. crave, long for
buseel vl. n. craving, longing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buseel
-ka: (n) nostalgia (nostawlja); crave (kareeyv) longing ~ jammasho, jeel, hillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buseel
(fal) eeg busayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo. m.f.dh, cusbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusbee
v. salt something, put salt on, pickle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusbee
-yey / cusbaysay: (v) add season, or sprinkle with salt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbee
(fal) eeg cusbay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusbee
de: salt s.t., put salt on, pickle
lx: cusbee
pd: (cusbeeyey)
ps: v2b=tr
key: cusbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuslee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn. m.f.dh, cuslayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslee
(fal) culays saar; culays ku kordhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusmee
f.mg2 (-meeyay, -meysay) Ka d.: kayn iyo wixi lamida dhuundhuumasho ku dhex marid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dusmee
v. go to and fro ~ in and out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dusmee
de: go to and fro ~ in and out
lx: dusmee
pd: (dusmeeyey)
ps: v2b=
key: dusmee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khusee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Arrin iyo wixi lamida ku lug lahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khusee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Arrin iyo wixi lamida ku lug lahaan. m.f.dh, khusayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khusee
v. concern, relate to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khusee
(fal) timo, dhir iyo wixii la mid ah, gaagaabi oo jarjar. Dh: qusee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khusee
de: concern, relate to
lx: khusee
pd: (khuseeyey)
ps: v2b=
key: khusee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
misère
misère, n.f. - murugo; sabool; faqri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mislee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Ku m.: 1. Wax, wax kale ku matalid. 2. Wax, wax kale la simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mislee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Ku m.: 1. Wax, wax kale ku matalid. 2. Wax, wax kale la simid. m.f.dh, mislayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mousse
mousse, n.f. - xumbada; xoorta; aburka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cid waqti ama muddo u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cid waqti ama muddo u qabasho. m.f.dh, muddayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muddee
v. set a time (for), have time (for), give an appointment (for)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muddee
-yey / muddeysay: (v) determine the date of; time (taaym), date (dheeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddee
(fal) muddo u qabo; ballan xaddid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddee
de: set a time (for), have time (for); give s.o. an appointment
lx: muddee
pd: (muddeeyey)
ps: v2b=
key: muddee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudeec
-a: (magac, lab, keli) qof amarrada fuliya oo wixii la faro si fudud u yeela oon wanaagga diidin. Dh: baarri, duddiic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleen
-ka: (magac, lab, keli) alaabta yaryar ee guriga. Muleenka dumarka ayaa soo iibsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murwee
f.g2 (-weeyay, -weysay) Cid sharfid ama maamuusid. la-mid: marwee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murwee
v. respect, honor, esteem; render someone worthy of esteem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murwee
(fal) dhaqanka naagta marwada ah ku dhaqan oo gaari xilkas ah ahaw. Xaafadda ka murwee inta odaygu soo noqonayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murwee
de: respect, honor, esteem; render s.o. worthy of esteem
lx: murwee
pd: (murweeyey)
ps: v2b=tr
key: murwee
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Muscle
Muruq
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
muscle
(n) a tissue comprised of fibers capable of caused movement in the body,
muruq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muscle
/masal/ (n) 1. muruq 2. xoog.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
muscle
muscle, n.m. - muruq; muruqyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
musclé
musclé, adj. - murug leh; ee muruqyada; muruqyo badan leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
muscle
n., merji, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
museau
museau, n.m. - gafuurka xayawaanka (sida eyda ama dawacada).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
museum
/myu sii am/ (n) matxaf, guriga dhaqanka (dhismo ama guri la dhigo waxyaabaha taariikhiga ah).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Museum
Guriga Hiddaba, matxaf
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muster
/master/ (v) isu-keenid (isku-soo ururin); (wada kulmin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cunto meel god ah ama dhismo loogu talagalay oo kulul ku dubid ama ku shiilid. la-mid: moofee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muufee
v. bake flat bread; light an oven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muufee
(fal) foorno ku dub oo wax la moofeeyey ka dhig. Neef noo gawrac oo noo muufee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muufee
de: bake flat bread; light an oven
lx: muufee
pd: (muufeeyey)
ps: v2b=tr
key: muufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: muunadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunee
v. honor, glorify; beautify, embellish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunee
(fal) midabyo qurxoon u samee.
muunee: (fal) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawee,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunee
de: honor, glorify; beautify, embellish
lx: muunee
pd: (muuneeyey)
ps: v2b=
key: muunee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nausée
nausée, n.f. - Yalaaluggo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Wax wasakh u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qushee
v. cause ill-will, make bad-tempered, spoil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qushee
de: cause ill-will, make bad-tempered, spoil
lx: qushee
pd: (qusheeyey)
ps: v2b=tr
key: qushee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqsee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Qof ruqso siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruqsee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Qof ruqso siin. m.f.dh, ruqsayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruqsee
v. dismiss, send away, fire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruqsee
-yey / ruqseysay: (v) lay off (laay of); dismiss (dis-mis); discharge (dis-jaarj); fire (faayer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsee
(fal) fasax sii, oggolaansho u sii. Ii ruqsee inaan magaca shirkaddaada adeegsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruqsee
de: dismiss, send away, fire
lx: ruqsee
pd: (ruqseeyey)
ps: v2b=tr
key: ruqsee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Dhul biyo si habaysan ugu bilbilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rushee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Dhul biyo si habaysan ugu bilbilid. m.f.dh, rushayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rushee
v. spray, sprinkle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rushee
-yey / rushaysay: (v) sprinkle (ispirin-kal); spatter (ispaatar); splash (ispa-laash) ~ bilbil
rushee -yey / rushaysay: (v) attack with military aircraft; bombard from air; attack with air raid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushee
(fal) biyo ku buufi. Boodhka iska rushee.
rushee: (fal) diyaarado ku duqee; cirka hub kaga soo daadi. Dh: bilbil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rushee
bw: bilbil
de: spray, sprinkle
lx: rushee
nt: rushayn (ta) [vn-f], rushays (ka) [vn-m]
pd: (rusheeyey)
ps: v2b=tr
key: rushee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tusmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax tusmo u yeelid. 2. Buug tusmo u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tusmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax tusmo u yeelid. 2. Buug tusmo u samayn. m.f.dh, tusmayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tusmee
v. indicate, point out; assign; index, make an index for (a book)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tusmee
-yey I tusmeysay: (v) illustrate (i-lus-tareey); exemplify (ig-zam-pala-faay); give an instance (inis-tansi) ~ tusaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusmee
(fal) tusmo ka bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tusmee
de: indicate, point out; assign; index, make an index for (a book)
initial: t
lx: tusmee
pd: (tusmeeyey)
ps: v2b=tr
key: tusmee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbee
(fal) tixgelintiisa ku tala gal oo isku diyaari. Go'aanka cusub ee shaqaalaha xusbee. Dh: xusbay, xushmee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xuseen
name: Husseen
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuseen
name-m good, handsome
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xuseen
bw: Arabic
de: Husseen
initial: x
lx: Xuseen
ps: name-m
key: Xuseen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareed
m.l Xerada ariga aaggeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musareen
(Musareen-ka)
(koox: musareenno) labo dabaylood, mid yar iyo mid weyn, oo waqtiga dabboojeyaashu dhacaan, yimaada; dabaylaha wejiinaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareen
m.l (-nno, m.dh) 1. Laba xiddig oo waaweyn oo ka soo baxa cirka dhankiis koofureed. 2. Dabayl sanadka bishiisa koowaad ama labaad ka dhacda woqooyiga Soomaaliya.