mus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mus
(Mus-ka)
Xero ood ah, meel kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mus
m.l (-sas, m.l) 1. Meel geeda badan oo aan marin lahayn; xas. 2. Oodda xerada xoolaha inta aan miscilisha ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mus
m. n. section of a thornbrush fence; interior part of a corral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mus
-ka: (n) in the center of corral (ko raal'), especially the livestock enclosure made of bush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mus
-ka: (magac, lab, keli) meel ka mid ah xerada oodda ah. Dh: xus.
mus -ka: (maga, lab, keli) ood deyr ah oo meel lagu soo wareejiyo. Dh: deyr, ood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mus
cf: xero
de: section of a thornbrush fence; interior part of a corral
lx: mus
pd: (-ka Pl: musas (ka))
ps: n4-m
key: mus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansaar
(Ansaar-ta)
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrafo
(Arrafa-da)
Bilaha Muslinka oo dayaxa tan ugu danbaysa oo Xajka la guto (Carrafo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowd
(Bowd-ka)
Oodda xerada ama ardaaga, derbigeeda; mus; gaso; duddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirjeex
(Cirjeex-da)
(xiddigo) Meereyaasha qorraxda ku wareega oo sagaalka ah, kan ugu weyn: wuxuu u dhexeeyaa farrarre (mariikh) iyo raage (saxal) ~ mushtar; (ama cirjiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dago
(Daga-da)
1. Bilaha dayaxa oo Muslinka, tan ugu horraysa; seko.
2. In, xoolaha jaad walba, sanadiiba kol laga baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doofaar
(Doofaar-ka)
Nafley jaadad badan ah oo Muslinka iyo Yuhuudda maahee dadka kale xoolo ahaan u dhaqaalaysto; kan Soomaaliya joogaa wuxuu lee yahay guud yar iyo gano waaweyn, kolkuu orda hayona dabaduu kor lig u siiyaa; karkarre; khaansiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farraarre
(Farraarra-ha)
Meereyaasha midkood: wuxuu u dhexeeya dhulka iyo cir-jeexda (Mushtar); Mariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaal
1. (Gaal-ka) a) Qof aan Muslin ahayn oo siiba midabkiisu cad yahay. b) Qof aan jimic lahayn oo cidna u turin; tiirri. c) Geel (waxaa badanaa lagu dabakaraa ereyo kale sida haruubgaal, xeryaggaal, afaggaal, ...).
2. (Gaa-sha) Tab, ged, dabci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudid
(Gudid-da)
1. (dhaqan: Muslin, Yuhuud, kd.) carruurta, wiilal iyo gabdhoba, buuryada ka goyn; (gabdho) bilisayn.
2. Habeen socosho; guurayn.
3. Deyn ama qaan laysku lahaa bixin.
4. Qiimaha ama waxtarka, qof ama neef xoolo ah, ama wax la ganacsadaa, yeelan karo ama lee yahay ama uu bixi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hijra
(Hijra-da)
Kolka Nebi Maxamed iyo Abiibakar Maka ka haajireen oo Madiina tageen; waa kolka taariikhda Muslinku ka bilaabato, waxayna ku abbaaran tahay sanada 622 oo Miilaadiga, (ama hijro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaam
(Islaam-ka)
Diinta Nebi Maxamed loo soo dhiibey oo Muslinku haysto; (ama Islaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamin
(Islaamin-ta)
Diinta Muslinka soo gelin; Muslin ka dhigid; muslimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaan
1. (Islaan-ka) — a) Diinta Muslinku haysto; (ama Islaam). b). Ugaas; suldaan; waayeel. c). Oday; nin fil weyn.
2. (Islaan-ta) Qof dumar ah oo fil weyn; habar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaannimo
(Islaannima-da)
1. Muslinnimo; Islaam haysasho.
2. Ugaasnimo; Suldaannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahaad
(Jahaad-ka)
Dagaal Muslin iyo gaalo loo dagaallamo, diinta Islaamka dhawriddeed iyo ilaalinteed darteed; (ama jihaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jisyo
(Jisya-da)
Canshuur Muslinku ka qaadi jirey dadka ehlu-kitaabka ah (Kirishtaanka iyo Yuhuudda = Dimmi); (ama jisyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaliif
(Khaliif-ka)
1. Taliyaha u sarreeya qaran Muslin ah.
2. Qof jago qof kale lahaa dhaxla ama fariista.
3. Afartii madax oo Nebi Maxamed ku xigtey (Abuu Bakar, Cumar, Cismaan iyo Cali), darajada iyo magaca loo yiqiin.
4. Shiikh urur diin, sida dariiqada, u madax ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muse
/myuus/ (v) fakar xeel dheer oo qofka maskaxdiisu ku baxdo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mush
/mash/ (n) mushaalli biyo ama caano lagu kariyey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
musk
/mask/ (n) miski (shay aad u udgoon oo barafuunka laga sameeyo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muso
s.m. - gafuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
must
/mast/ waa in (waxaa waajib ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muus
(Muus-ka)
1. Miro dheerdheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bislaadaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaan yihiin; geedka muusku, geed dhab ah ma aha; waa caws weynaadey, caleemihiisuna waa wax dhab u balballaaran oo dheerdheer; (ama moos).
2. Mandiil daab leh oo isku laabanta oo lagu xiirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muus
muus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. la-mid: moos².
muus²: f.mg1 (-say, -stay) Biyo hoos u gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muus
muus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. la-mid: moos.
muus²: f.mg1 (-say, -stay) Biyo hoos u gelid. m.f.dh, muusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muus
v. flow out of the ground
muus m. n. banana
muus m. n. razor
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUUS
(Mus) All. Som. Musa sp. Musaceae.
All. Som. Musa paradisiaca L. Musaceae.
S Ensete ventricosum (Welw.) Cheesman. Musaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muus
-ka: (n) banana (ba nan a) ~ moos
muus -ay / -tay: (v) embank (embaank); dam (dhaam), dam up, earth up ~ moos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muus
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo dhaadheer oo balballaadhan bixiya oo gun jilicsan iyo midho rooshaan u baxa leh oo dhala khudradda muuska. Dh: moos.
muus-ka: (magac, lab, keli) midho dhaadheer oo soo yare xoodan oo si qurux badan oo rooshaamo ah u baxa kolkay bislaadaanna midabkoodu waa huruud jaalle ah oo aad u macaan. Soomaaliya waa waddannada ugu caansan dhoofinta muuska Dh: moos.
muus-ta: (magac, dhedig, keli) mindiil daab leh oo isku laabanta oo aad u af badan oo waayadii hore lagu xiiran jiray. Muus ii soo ibi. Dh: maddiil, daar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Us
Us!
Erey aammus! ka dhigan; hus!; shib dheh!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
us
e.d Aamus!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
us
inter. shut up!, hush!, be quiet!
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
us
/as/ (pron) annaga, ~ innaga, unnuga.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
us
(interjection)', stop speaking; shut up! ~ shib dheh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
us
erey la macne ah hadal ha odhan, juuq ha odhan, shib dheh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
us
us, n.m. - caado; dhaqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
us
bw: aammus
de: shut up!, hush!, be quiet!
initial: u
lx: us
ps: intj
syn: shib
key: us
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
us
prn., (see Grammar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bus
(Bus-ka)
Ciid budo cad noqotay; boor: siigo; habaas; awaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bus
m.l Boor; siigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bus
m.l Boor; siigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bus
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bus
/bas/ (n) bas (gaadiidka dadweynaha)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bus
-ta: (n) dust (dhast) ~ boor, uuro
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bus
/bas/ (n) bas, shitaawy, kuryeery (baabuurky gunty).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bus
-ka: (magac, lab, keli) dhul ciid jilicsan oo sligadu ka kacdo. Dh: boor, habaas, boodh, siigo, awaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bus
de: dust
lx: bus
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
syn: bootaan
key: bus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dus
f.mg1 (-say, -stay) 1. Ka d.: wax ciriiri ah dhex marid. 2. Ka d.: wax ka hoos bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dus
f.mg1 (-say, -stay) 1. Ka d.: wax ciriiri ah dhex marid. 2. Ka d.: wax ka hoos bixid. m.f.dh, dusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dus
v. go ~ pass through
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dus
-ay / tay: (v) go through (goo thuruu); in one side and out the opposite side of Ex: ka dus; go through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dus
(fal) meel daloosha ka dhex bax; dhex mar meel dalool ku yaallo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dus
de: go ~ pass through
lx: dus
pd: (dusay)
ps: v1=
key: dus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gus
m.l (-sas, m.) Xubinta taranka ee ragga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gus
m.l (-sas, m.) Xubinta taranka ee ragga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gus
m. n. penis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gus
-ka: (n) penis (piinis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gus
-ka: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee ragga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gus
cf: qooro
de: penis
lx: gus
pd: (-ka Pl: gusas (ka))
ps: n4-m
key: gus
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gus
قضيب، ذكر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hus
Aammus! Shib dheh! Us!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hus
e.d Aammus!; shib dheh!; us!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hus
inter. be quiet!, shut up!, shhh!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hus
(fal) aammus oo afkaaga hayso. Dh: shib, us, aammus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hus
cf: aammus
de: be quiet!, shut up!, shhh!
lx: hus
ps: intj
key: hus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jus
1. (Jus-ka) a) Soddonka qaybood oo Kitaabka Quraanku u qaybsamo middood. b) Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay, middood.
2. (Jus-ta) War yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jus
jus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
jus²: m.dh War yar oo xogtiisu gaabantahay ama aysan dhammayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jus
m.l (-sas, m.l) 1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jus
m. n. one of the thirty chapters (Sura) of the Koran; chapter, portion, section
jus [feminine] n., [collective] brief news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jus
-ka: (n) one of the thirty (30) main divisions of Koran; chapter (jap-tar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jus
-ka: (magac, lab, keli) meesha soddonaad ee Quraanka Kariimka ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jus
jus, n.m. - dheecaan; dheecaanka miraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mas
(Mas-ka)
1. Halaqa sunta leh jaad kamid ah.
2. Madaal barki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mas
m.l (-sas, ml.) 1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mas
m.l (-sas, ml.) 1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mas
m. n. snake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mas
-ka: (n) snake (isneeyk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mas
-ka: (magac, lab, keli) xayawaan bog ku socod ah oon luga lahayn qaniinyadiisuna sun halis badan ay leedahay. Ninkii dharaarta maska arkaa habeenkii xadhkaha ayuu ka didaa. Dh: halaq.
mas-ka: (magac, lab, keli) madaal wax lagu cabbiro nuskii. Dh: badh, shub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mas
de: snake
lx: mas
pd: (-ka Pl: masas (ka))
ps: n4-m
key: mas
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mas
حَيَّةٍ تُعْبِانٍ، أَفْعَى
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mes
mes, adj.poss. - Waxayga; kayga; markaad waxayga sheegayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muc
m.dh 1. Xudun. 2. Hadalka muxurkiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muc
m.dh 1. Xudun. 2. Hadalka nuxurkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muc
-da: (magac, dhedig, keli) nuxurka muhiimka ah ee shey leeyahay. Dh: murti, muhiim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mud
(Mud-ka)
(xoolo) cad tahar iyo jiir iyo baruur isugu dhafan oo shafka iyo candhada u dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mud
mud: m.l Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).
mųd: f.g1 (-day, -dday) 1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mud
mųd: f.g1 (-day, -dday) 1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid. m.f.dh, mudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mud
v. pierce; poke, prick; give an injection (to)
mud m. n. fatty meat from below the stomach
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mud
/madh/ (n) dhoobo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mud
-ay I day: (v) [with preposition ku] 1. penetrate with a sharp object; puncture (pangkjar); perforate (peer fa reeyt); pierce (pi-irs); jab (jaab); prod (paroodh). 2. inject (in jakt) with syringe (sariinj)