muruxsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsad
-ka: (magac, lab, keli) mudhuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murudsad
m.l la-mid: murudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murudsad
-ka: (magac, lab, keli) murdin samayn oo farta ood weel ku soo masaxday leefid. Dh: murdisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsad
(Murugsad-ka)
Murugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsad
m.l la-mid: murudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsad
-ka: (magac, lab, keli) shey faliddiisa x iska saarid oo sida loo fulin lahaa ku welwelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muruxsan
La murxiyey; hoolan; diiran; qaawan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho. m.f.dh, muruxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muruxsan
der. [adjective] stripped, shaved; bare, nude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muruxsan
-aa: (adj) skinless; peeled (piilidh)-, uncovered (ankav'eridh) ~ diiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsan
(tilmaame) diiran oo dhogortii ama caleentii ay ka xoodhay ah. Dh: diiran, xoodhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muruxsan
de: strip-ped, shaved; bare, nude
lx: muruxsan
pd: \pd(muruxsanaa)
ps: adj-der
key: muruxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunguruf
(Xunguruf-ta)
(sheekaxariiro) bahal qof jeexi ah oo hadba qofkuu doono codkiisa isu yeeli kara, oo dadka wejiga ka muruxsada, ka diirta, ka xangaruufta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhuxsad
-ka: (magac, lab, keli) wixii dul yaal ka diirasho oo ka hoolid. Midho geed mudhuxsasho kuma idlaadaan. Dh: diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murguxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kuusan oo gacanta ka sibiibixanaaya ahaansho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murursade
nickname-m angry, resentful, sulking; repentance, regret
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsad
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxsashadii. Buuxsad ma leh weel hadduu dabada dalool ku yeeshaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxso
(fal) wixii dulyaal ka dul xayuubso oo ka daliigo. Laanta timirta ka muruxso. Dh: diiro, galdhacso, mudhuxso.
muruxso: (fal) si dagidi ay ku jirto u baxso. Muruxso si aan laquu soo qaban. Dh: jar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsad
-ka: (magac, lab, keli) wax muud leh carrabka iyo faruuryaha ku nuugid iyadoo muudka neef dib loogu jiidayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxsad
(Nuuxsad-ka)
Nuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxsad
m.l la-mid: nuuxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxsad
-ka: (magac, lab, keli) in yar dhaqaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursad
-ka: (magac, lab, keli) wax kala baahsan ama kala firidhsan soo urursasho.
urursad -ka: (magac, lab, keli) wax meel isugu wada keenasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursad
m.l la-mid: burbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursad
-ka: (magac, lab, keli) jajabsad oo burbursi. Burursadka xoolahaaga ikhtiyaar adaa u leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsad
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala furxiyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuxsan
(tilmaame) wax xoodhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurubsad
(Gurubsad-ka)
Gurubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurubsad
m.l la-mid: gurubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurubsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kala yaacsanaa urursad. Dh: gurubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsad
(Maraxsad-ka)
Maraxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsad
m.l la-mid: maraxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsad
-ka: (magac, lab, kel) eeg madharsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudursad
m.l la-mid: murudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsan
Isku murgey; isku qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Xarig iyo wixi lamida wax murgey ahaansho. 2. Wax murug hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugsan
der. [adjective] anxious, worried, sad, melancholy, preoccupied
murugsan [derived] [adjective] tangled, entangled, mixed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugsan
-aa: (adj) 1. twisted (tu-wistidh); tangled (taag-gald); difficult to unravel. 2. complex (kom-palakis'); complicated (kom 'pilkeeytidh) ~ murgan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsan
(tilmaame) wax isku maran oo murgay ahaan. Taladii oo murugsan ayuu aabbo yimid o uu maareeyey. Dh: qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruxsan
Qurux badan leh; qurxoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurux leh ahaansho. la-mid: qurxan, qurxoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quruxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurux leh ahaansho. m.f.dh, quruxsanaan. la-mid: qurxan, qurxoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruxsan
der. [adjective] beautiful, pretty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsan
(tilmaame) mid bilic san. Dh: qurxan, qurxoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruxsan
a: qurxoon
de: beautiful, pretty Opp: foolxun
lx: quruxsan
pd: (quruxsanaa)
ps: adj-der
key: quruxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wixii dul yaal ka diirasho oo ka hoolasho. Dh: diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursad
m.l la-mid: burbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burbursad
-ka: (magac, lab, keli) burbursashada wax adke ah oo afka kuugu jira. Burbursadka nacnacu kuma macaana ee muudmuudsigaa la qaatay. Dh: jajabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqsad
m.l la-mid: durruqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruudsad
m.l la-mid: huruudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushad
f.mg1 (-day, -dday) Dhuxul noqosho (wax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruushad
-ka: (magac, lab, keli) aad u gubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayraxsad
m.l la-mid: mayraxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhuxsan
(tilmaame) la mudhxiyay ah oo waxba dul oollin. Dh: muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquunsad
(Muquunsad-ka)
Muquunsasho; muquunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunsad
m.l la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsad
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku qaadasho oo awood ku muquunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsad
m.l la-mid: muraadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadsad
-ka: (magac, lab, keli) duco muraad laga leeyahay samaysasho. Dh: muraadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: mudbaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbaxsan
(tilmaame) hawl wax si fiican u dhammeeyey ah oo ka farabaxsan. Dh: mudhbaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax murgucday ahaansho. la-mid: murgacsan, murkucsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murgucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax murgucday ahaansho. m.f.dh, murgucsanaan. la-mid: murgacsan, murkucsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murgucsan
der. [adjective] sprained; distorted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murgucsan
de: sprained; distorted
lx: murgucsan
pd: (murgucsanaa)
ps: adj-der
key: murgucsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murkucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: murgucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkucsan
(fal) eeg murgacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murudsato
m.dh Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. la-mid: murugsato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murudsato
m.dh Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. la-mid: murugsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murudsato
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacanta tan u dhexaysa fardhexada iyo suulka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURUGSANE
(Murugsane) N Psiadia punctulata (DC.)Vatke. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsato
(Murugsata-da)
Murdiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsato
m.dh la-mid: murudsato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugsato
f. n. forefinger, index finger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugsato
-murugsatada: (n) index finger (indhekis fingar); forefinger (foor-fingar) ~ farta ku xigta suulka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsato
-da: (magac, dhedig, keli) farta lagu tasbiixsado ee suulka iyo fardhaxada u dhaxaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugsato
de: forefinger, index finger Counted as the fourth finger by Somalis
lx: murugsato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: murdiso
key: murugsato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruxsami
(Quruxsami-da)
Qurux badan lahaan; quruxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxsami
m.dh 1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. la-mid: quruxsanaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quruxsami
m.dh 1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. la-mid: quruxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruxsami
f. n., [abstract] great beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsami
-da: (magac, dhedig, keli) bilicda ay wax leeyihiin.
quruxsami -da: (magac, dhedig, keli) bilicda ay wax leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruxsami
de: great beauty
lx: quruxsami
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: quruxsami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsani
-da: (magac, dhedig, keli) aad u qurux badaan. Dh: qurxooni. Li: foolxumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursad
-ka: (magac, lab, keli) gandoodsasho. Dh: yuurursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruxsanaan
m.f.dh eeg muruxsan. la-mid: muruxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caleen ama dhogor la'aan. Neefka cadho ayaa muruxsanaanta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursad
(Muurmuursad-ka)
Muurmuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursad
-ka: (magac, lab, keli) sidii wax ilka la muurmuurri wax u cunid. Muurmuursadka iska daa miyaad ilka la'day! Dh: muurmuursasho.
muurmuursad -ka: (magac, lab, keli) wax la yar doonayo ku ag warwareegid oo u muutamuutayn. Dh: gaadid, doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murud
(Murud-ka)
Wax fartu soo qaaddo ama la mariyo oo la leefo; leefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murud
m.l Caano, subag, malab iyo wixi lamida inta ku dhegta gidaarka ama salka weel. la-mid: murug² (2), mudur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murud
-ka: (magac, lab, keli) wax fartu soo qaaddo ama la mariyo oo la leefleefo. Dh: murdis, murin, murdin.
murud -ka: (magac, lab, keli) sheekh meel maqaam ah fadhiya oo fooxinta iyo siyaara qaadka maqaamka u xilsaaran. Mawlidka murudka ayaa akhriya Dh: muruud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murux
(Murux-a)
1. Meel wixii ku yiil ka diirmeen ama ka hoolmeen.
2. Miraha kolkay bislaadaan korka laga muruxsado sida kuwa garaska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murux
murux¹: m.l 1. Miraha qaarkood sida garaska iyo wixi lamida oo dubkii kore laga qaaday. 2. M. ah: qof qaawan. 3. M. ah: wax aan diir lahayn. 4. la-mid: murxid.
murux²: f.mg1 (-rxay, -ruxday; -rxi) Wax dubkii ka dhacay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murux
m.l 1. Miraha qaarkood sida garaska iyo wixi lamida oo dubkii kore laga qaaday. 2. M. ah: qof qaawan. 3. M. ah: wax aan diir lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murux
m. n. stripped part ~ area, skinned ~ bare object
murux [inchoative] v. be stripped, get shaved, become denuded
murux m. n., [collective] fruit species, its skin was eaten in former times
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murux
-ay / day: (v) lose skin or other covering; peel (piil)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murux
(fal) wax muruxsan noqo.
murux: (tilmaame) xoodhsan oon caleen ama dhogor lahayn ah. Dh: xiiran.
murux-a: (magac, lab, keli) caleen ama dhogor laan. Cadhadu xoolaha murux ayay ka dhigtaa.