muruq-go'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muruq-go'
-a: (n) cramp (karaamp); muscle strain
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cramp
/kraamp/ (n) 1. jiiraggo' muruq-go'. (v) 2. cirliri galin; (ka xaddidid xagga horumarka dabiiciga ah). (infl) 3. ka hor istaagid soo bandhigidda xarragadiisa ama awooddiisa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadgo'
-ga: (n) an injury produced by twisting or straining muscle ~ muruq go'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruq-roor
m.l (-ryo, m.dh) (daawo) Muruq iskuroor xoog weyn oo dhici kara ama cudur guud ahaan jirka saameeya sida: curyaamidda muruqa koogsan. Ama meel kooban ee jirka xaalad xanuun badan awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugo
(Muruga-da)
Wax saamays daran leh oo maanku la murgo; caloolxumo; (ama murug).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugo
murugo¹: m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: murug² (1).
murugo²: m.dh (c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugo
m.dh (c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugo
f. n. anxiety, worry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugo
-murugada: (n) sorrow (soor oo); misery (miz 'ari); dejection (dijak-shiri); gloom (gluum) ~ murug, tiiraanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugo
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo uurkutaallo; caloolyaw lala mashquulo oo naftu walbahaar joogto ah ku jirto. Dh: murug, uurkutaallo, walbahaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugo
de: anxiety, worry
lx: murugo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: murug
key: murugo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
murugo
حزن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Murugo dareemid. la-mid: murgoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Murugo dareemid. la-mid: murgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugoo
(fal) welwel oo uurkutaallo ku jr. Geeridu waa xaq e murugoo oo ha ooyin. Dh walbahaar, tiiraanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruqroor
m.l (-ryo, m.dh) (daaw.) Muruq iskuroor xoog weyn oo dhici kara ama cudur guud ahaan jirka saameeya sida: curyaamidda muruqa koogsan. Ama meel kooban ee jirka xaalad xanuun badan awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqroor
-ka: (magac, lab, keli) muruq iskuroor xoog weyn oo dhici kara ama cudur guud ahaan jirka saameeya sida: curyaamidda muruqa koogsan. Ama meel kooban ee jirka xaalad xanuun badan awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mururugood
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garina gelin garina ka bixin. Dh: murugmaarug.
mururugood -ka: (magac, lab, keli) wax bur iyo biyo ah ama fud iyo faar ah oo isku dhexjira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca xoolaha oo socodkooga xumeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo. murgood m.l la-mid: murugood.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Muuq-a
apparence.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgo'
f.mg1 (-'ay, -'day) Cid dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Tiiraanyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Tiiraanyo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urugoo
(fal) tiiraanyo dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: durugso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murudso
f.g3 (-saday, -satay) Subag, caano, malab iyo wixi lamida oo weel ku haray far ku leefid. la-mid: mudurso, murugso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murudso
(fal) weel cunta ka dhammaatay farta dhinacyadeeda aan ciddidu ku jirin ku soo masaxo oo wixii soo raaca leefleef. Xeedhada shuuradu ka dhammaatay murudso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murug_1
bw: murugo
de: worry, anxiety, preoccupation, mental ~ emotional torment
hm: 1
lx: murug
pd: (-ta)
ps: n0-f
syn: hammi, uurkutaallo, welwel
key: murug_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murug_2
de: worry, be worried ~ deeply concerned
hm: 2
lx: murug
pd: (murgay)
ps: v1=intr
key: murug_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murug_3
de: mixture, tangle; [ext.] multicolored pattern
hm: 3
lx: murug
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: murug_3
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murug_4
de: get mixed up, become entangled, be tangled
hm: 4
lx: murug
pd: (murgay)
ps: v1=inch
key: murug_4
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murug_5
cf: murdi ~ muri
de: crumbs, remaining contents of food (which one scrapes off with one's finger)
hm: 5
lx: murug
pd: (-ga)
ps: n-m-mass
key: murug_5
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid murugo gayeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid murugo gayeysiin. m.f.dh, murugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: murudso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugso
v. lick food from one's forefinger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugso
(fal) ku murugoo oo xil gaar ah iska saar. Kolkaad dhoofto nasoo murugso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugso
de: lick food from one's forefinger
lx: murugso
nt: murugsad (ka) [vn-m], murugsasho (/da) [vn-f]
pd: (murugsaday)
ps: v3a=
key: murugso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muruqle
nickname-m muscle-bound; a strongly-built man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muruqle
magac loo bixiyo wiil awood jidheed oo dhisan leh ama xoog weyni ka muuqday kolki uu dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxso
(fal) wixii dulyaal ka dul xayuubso oo ka daliigo. Laanta timirta ka muruxso. Dh: diiro, galdhacso, mudhuxso.
muruxso: (fal) si dagidi ay ku jirto u baxso. Muruxso si aan laquu soo qaban. Dh: jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-go'
f.mg1 (-'ay, -'day) (muus.) Wax dhawaaqooda ama ridimikood isku jaango'an; halcodlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugood
(Murugood-ka)
Murugo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugood
v.pat: worry, be anxious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugood
-ay / murugootay: (v) become sad; sadden (saad'an)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugood
-ka: (magac, lab, keli) murugo iyo welwel ku jirid. Dh: tiiraanyood.
murugood: (fal) welwel oo uurkutaallo ku jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugood
de: worry, be anxious
lx: murugood
nt: murugood (ka) [vn-m]
pd: (murugooday)
ps: v1=pat
key: murugood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urqungo'
(fal) eray habaar ah oo la nuxur ah 'dhimo'. Dh: kadabgo'.
urqungo' -a: (magac, lab, keli) dhimashada oo tilmaan u ah in noolaha geeriyooday uu risiqiisii dunidu go'ay ama dhammaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruqmaal
m.l Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. la-mid: addinmaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruqmaal
m.l Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. la-mid: addinmaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muruqmaal
v. labor, strive, use physical strength
muruqmaal vl. n. labor, manual labor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muruqmaal
-ka: (n) laborer (leey-ba-rar); manpower (meen paawar) ~ shaqaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqmaal
-ka: (magac, lab, keli) shaqaalaha hoose sida kuuliga iyo xammaaliinta. Muruqmaal miishaar fiican ha la siiyo. Dh: shaqaale, xoogsato.