murriyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murriyo
m.dh la-mid: murriyad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murriyo
name-f gold-beaded necklace; sultry beauty
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURIYO
(Morio) S Uvaria acuminata Oliv. Annonaceae.
N Grewia tenex (Forsk) Fiori Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murriyad
(Murriyad-da)
Kuul dahab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murriyad
m.dh (-do, m.l) Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. la-mid: murriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murriyad
f. n. gold-beaded necklace
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murriyad
name-f gold-beaded necklace; sultry beauty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murriyad
-da: (n) golden beads; necklace (neek-leeys)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murriyad
-da: (magac, dhedig, keli) kuul macdan qaaliya ka samaysan oo dumarku luquntooda gashaan oo isku qurxiyaan. Dh: silis, kuul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murriyad
de: gold-beaded necklace
lx: murriyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: murriyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murray
m.l Nooc ka mid ah kuusha dumarku qoorta ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraayo
m.dh la-mid: muraayad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muraayo
name-f mirror; glass. syn: Mandarad. Cf: Biladdaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muraayo
magac loo bixiyo gabadh quruxbadan oo dhalaalka iyo nadaafaddeeda muraayad lagu masaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murdiso
(Murdisa-da)
Farta gacanta, oo suulka iyo fardhaxada u dhexaysa; murugsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murdiso
m.dh Farta gacanta oo suulka iyo fardhexaadda u dhexeysa, murugsato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murdiso
f. n. index finger, forefinger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murdiso
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacanta tan u dhexaysa fardhexada iyo suulka. Dh: murugsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murdiso
de: index finger, forefinger Counted as the fourth finger by Somalis
lx: murdiso
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: murugsato
key: murdiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyo
m.dh la-mid: nuurad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufriyo
m.dh la-mid: surfiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surfiyo
m.dh (-do, m.l) la-mid: sufriye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surfiyo
f. n. cooking pot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
surfiyo
-surfiyada: (n) large cooking pot ~ digsi, sufriyad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surfiyo
a: sufriyo
de: cooking pot
initial: s
lx: surfiyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: surfiyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorriyo
(Xorriya-da)
Xorriyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorriyo
m.dh la-mid: xorriyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xorriyo
pr. n., [feminine] Horiyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorriyo
n. freedom
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xorriyo
name-f freedom, indepencence; independent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xorriyo
-xorriyada: (n) independence (in-di-beendhansi) ~ see [eeg] xornimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorriyo
-da: (magac, dhedig, keli) gobanni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayso
(fal) wax dhibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durriimo
-da: (magac, dhedig, keli) mudniin ku samayn. Dh: turqin, mudniin, irbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durriyad
(Durriyad-da)
Carruurta ama dhasha isku aabbaha ah ama isku aabbe ku abtirsata; dir; reer; cid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durriyad
m.dh Dad aabbe keliya ka soo wada farcamay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durriyad
m.dh Dad aabbe keliya ka soo wada farcamay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durriyad
f. n. lineage, ancestry, linking ancestor; particles, atoms {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durriyad
-ad:(n) offspring (oof-ispiring); descendants (di-sen-dhantis)-, children (jiil-dhareen), ancestor (aan-sestar) ~ fir, dhal, waraso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durriyad
-da: (magac, dhedig, keli) qofku dadka uu dhalo ee ifka kaga hadha. Nebi ismaaciil waa durriyaddii nebi ibraahin. Dh: waraso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durriyad
bw: Arabic
de: lineage, ancestry, linking ancestor; [ext.] particles, atoms {physics}
lx: durriyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: durriyad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaarriyo
nickname; name-f good housewife, good woman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef mirriq ka maalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirriqso
v. milk, press ~ squeeze something to cause something to come out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqso
(fal) xoox ka dayo oo candho aanay caano ku jirin dhiiq ka raadso. Geela waa la lisee bal soo mirriqso. Dh: xiggo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirriqso
de: milk, press ~ squeeze s.t. to cause s.t. to come out (of it, as an animal's udder or some similar thing)
lx: mirriqso
pd: (mirriqsaday)
ps: v3a=tr
key: mirriqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murcanyo
m.dh 1. (botani) Geed-nagaar caleemo yaryar oo cagaaran, leh miro gadguduudan oo afar-afar isugu dheggan lana cuno; miracas. 2. Miraha geedka murcanyada. la-mid: mircanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murcanyo
m.dh 1. (botani) Geed-nagaar caleemo yaryar oo cagaaran, leh miro gadguduudan oo afar-afar isugu dheggan lana cuno; miracas. 2. Miraha geedka murcanyada. la-mid: mircanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murcanyo
-da: (magac, dhedig, keli) geedmidhood yar oo jaadad badan oo laga gurto miro midabyo badan oo la cuno. Dh: mudhcanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murtiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Hadal, hees, gabay iyo wixi lamida murti u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murtiyee
v. reason logically, use logic; give scope ~ substance to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyee
(fal) hadalka inta murtida ah uun sheeg. Soo koob oo murtiyee hadalkaaga. Dh: murtiyay. Li: bajalaqso, baahbaahi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murtiyee
de: reason logically, use logic; give scope ~ substance to (a speech ~ literary work)
lx: murtiyee
pd: (murtiyeeyey)
ps: v2b=tr
key: murtiyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyey
(fal) hadal inta murtida ah uun dheh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurrayn
(Muurrayn-ta)
Wax tiro badan oo wada dhaqdhaqaaqa haya; miririgleyn; guurreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurrayn
m.f.dh eeg muurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dabawareegid; xuuraamid. Dh: agaguug, miririglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suruciyo
m.dh Jirrooyinka dhimirka nooc ka mid ah oo dadka ka gariirsiiya. la-mid: suruciye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turriimo
(Turriima-da)
Wax dhib ama waxyeello cid u keeni kara, oo jacayl ama kalgacal loo qabo darteed looga daayo, looga ilaaliyo, looga dhawro; turaal; turriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turriimo
f. n. leniency, clemency, indulgence; protection, care
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turriimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhib ama waxyeello cid u keeni kara, oo jacayl ama kalgacayl loo qabo darteed looga tudho, looga daayo, loo dhawro. Dh: tudhaal, turriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turriimo
a: turniimo
cf: turniin
de: leniency, clemency, indulgence; [ext.] protection, care
initial: t
lx: turriimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: turriimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurriyad
f. n., [abstract] freedom, liberty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurriyad
bw: Arabic
de: freedom, liberty
initial: x
lx: xurriyad
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
see: xorriyad
key: xurriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyo
(fal) eeg madho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muri
f.g2 (-iyay, -isay) Murud leefid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muri
v. run one's finger round the inside of a vessel to get at the last drops
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muri
cf: murug
de: run one's finger round the inside of a vessel to get at the last drops Also: murdi
lx: muri
pd: (muriyey)
ps: v2a=
key: muri
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muro
s.m. - derbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyo
(Riya-da)
Waxyaalo run la moodo oo qofka hurda maankiisa ku soo dhaca ama u muuqda ama uu dareemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax qofku hurddada ku arko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riyo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax qofku hurddada ku arko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riyo
f. n. dream
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riyo
-riyada: (n) dream (di-riim)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Riyo
(I) Capra, generico;
(E) Goat, generic
(S) Riyo (S. g. Rio)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyo
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdooyin run u eg oo hurdada dhexdaada lagu arko; qofku marka uu hurdo waxyaabaha maankiisa ku soo dhaca, Dh: dholol, hawaawi, qaraw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riyo
bw: Arabic
de: dream
lx: riyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: riyo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
riyo
رؤيا، حُلْم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bųri.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
burro
s.m. - subag.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curio
/kiyuriyo/ (n) macduun (shay macduun ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curri
m.l la-mid: curre.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curri
m.l la-mid: curre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curri
m. n. male cat, tomcat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curri
-ga: (n) tom cat (toom kaat); a male cat ~ curre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curri
-ga: (magac, lab, keli) eeg curre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curri
de: male cat, tomcat
lx: curri
pd: (-ga)
ps: n6-m, n7-m
key: curri
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
curri
بَس، هِرٌ، قِطْ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curry
/keri/ (n) 1. dhirta cuntada (geedaha cuntada lugu carfiyo) (n) 2. suugo (v) 3. suugo dallacid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
curry
v.tr., (dress leather) yeel naq; (a kind of sauce used in India) sanuunad, -di, (see kahri in Supplement.).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durro
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhib leh. Durro ayuu sigaarku u leeyahay caafimaadka guud iyo ka gaar ba. Dh: dhibaato.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
furry
/feri/ (adj) dogor-leh, siiba dhogorta xayawaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurro
m.dh Dhibaatada niyadda ka gaarta ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurro
m.dh Dhibaatada niyadda ka gaarta ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurro
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatada niyadda ka gaadha ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hurry
/hari/ (n) deg-deg, dhakhso. (v) 2. deg-degid, dhakh-sasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hurry
n., hawl badan; the man is in a hurry, ninki hawsha badnaa; v.tr., degdeg u qabo; v.i., degdeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huryo
(Hurya-da)
Shinbir yar oo gafuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huryo
m.dh (-ooyin, m.) 1. Dawacada keeda dheddigga ah. 2. Shimbir yar oo ganfuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.