murre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murre
m.l Xabag aad u qaraar oo uu dhalo geedka dheddin oo daawo ahaan loo isticmaalo; malmal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murre
-ha: (magac, lab, keli) geed xamagtiisa bararka la dulmariyo oo la isku daweeyo. Dh: mur.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
murare
v.tr. - derbi dhagax ah ku oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urre
m.l Aboorka kiisa labka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urre
-ha: (magac, lab, keli) aboorka kiisa lab. Urraha ayaa wax dhisa oo difaaca aboorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curre
(Curra-ha)
Dummadda keeda lab; (ama curri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Bisad ama mukulaal lab. la-mid: curri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Bisad ama mukulaal lab. la-mid: curri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curre
m. n. male cat, tomcat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curre
-curraha: (n) tomcat (toomkaat); a male cat ~ curri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curre
-ha: (magac, lab, keli) bisaaska, kiisa lab; dinnadda keeda lab. Dh: curri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curre
de: male cat, tomcat
lx: curre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: curre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Furre
magac loo baxsho wiil dheg laga saray oo fur loo yeelay farre awgii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furre
-ha: (magac, lab, keli) qof ama neef fur leh oo dhegtu daloosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurre
m.l Midab madow-dhalaal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurre
m.l Midab madowdhalaal ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hurre
nickname-m black; darker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hurre
magac ama naanayso loo baxsho wiil aad u madaw. Dh: madoobe. Li: caddawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marre
(Marra-ha)
Quraanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marre
m. n. reading of the whole Koran at one session
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marre
-ha: (magac, lab, keli) Qur'aanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo. Reerka marre ha loo akhriyo. Dh: xirsixidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marre
a: marro
de: reading of the whole Koran at one session (usually as a ritual to benefit the sick)
lx: marre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: marre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirre
-ha: (magac, lab, keli) milgo iyo sharaf. Hadal mirre leh ku hadal. Dh: xushmad.
mirre-ha: (magac, lab, keli) magaca geed malmal ka baxo lagana sameeyo mooyaha iyo tibaha.
mirre-ha: (magac, lab, keli) martabo sare oo lagu gaadho dilka cadawga. Mirre beegsani maayoo, midigtii ba ka beelay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukre
-ha: (magac, lab, keli) jaadadka hadhuudhka jaad ka mid ah oo noocyada u fiican ah. Mesengo iga daa oo mukre ii kari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murke
m.l (-kayaal, m.l/dh) Weel yar oo xoolaha lagu maalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murke
-ha: (magac, lab, keli) gorof weyn oo caano lagu maalo.
murke-ha: (magac, lab, keli) qas uu wax isku marmo oo kala saarsaaridiisa lagu daalo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Surre
name-m honey, sweet
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mirra
s.f. malmal; murre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khad
-ka: (magac, lab, keli) iskudar ka kooban xar dhuxuleed iyo murre, biyo, xabag iyo dhuxul dhagax lagu xaquuq ama la ridqay oo tawaad lagu shubo oo looxa lagu qoro. Khadka tawaadda ku jira ha iga daadin. Dh: anqaas, dawaad, tawaad.
khad -ka: (magac, lab, keli) daliig dhuubaan oo dhareran oo isku joogta. Khadkaa la jeexay yaan la soo dhaafin. Dh: xarriijin, liin.
khad -ka: (magac, lab, keli) hab aan dadku wada ogayn oo la raaco si hawl gaar ah loo fuliyo. Wax khad ah maad haysaa oo aan ku bixi karno?
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
meurtre
meurtre, n.m. - qudh goyn; qof dilis (si sharci darro ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murmure
-ha: (magac, lab, keli) cad jiidh ishin ah oo la yaryareeyo oo inta subag lagu shiilo muqmad laga dhigo. Dh: oodkac, luqmad, muqmad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
murmure
murmure, n.m. - gungunuus; gunuunucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley tiro badan hal mar wada dhaqaaqid. 2. Keli socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurree
v. move together, simultaneously ~ in tandem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurree
(fal) is daba mar oo socsocod uu jahawareer ka muugdo samee. Shiciboow haddaad heshin weyday weligaaba muurree. Dh: xuuraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurree
de: move together, simultaneously ~ in tandem
lx: muurree
pd: (muurreeyey)
ps: v2b=
key: muurree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Amarre
name-m blessed; authorized; endowed with divine blessing; possessing supernatural power. Syn: Amran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Amarre
Amarre: magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo ay weheliyaan arrimo lala yaabay oo aan hore loo arag.
Amarre: magac loo baxsho wiil la aaminsan yahay in uu la dhashay barako iyo macno gaar ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amarre
amarre, n.f. - Baroosin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aurore
aurore, n.f. - Waabberi; Kolka waagu dillaco, arooyo; oog
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
beurre
beurre, n.m. - Subag burcad ah (buuro); Burcad; wax lagu darsado; Nooc subag ah;
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curare
v.tr. - daweyn; baxnaanin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
durare
v.intr. - raagid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fourré
fourré, n.m. - meel caws iyo geedo badan; kayn; dhir badan oo meelku wada taalka; duurka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
furóre
s.m. - xanaaq, dhirif.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
guerre
guerre, n.f. - dagaal
faire la guerre - dagaal samayn.
marine de guerre - maraakiibta dagaalka ee dal leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Ilmo yar niyadda laga dilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurre
m.l Orod gaaban; rucle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurre
m. n. slow rhythmic run ~ running
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurre
de: slow rhythmic run ~ running
lx: guurre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: guurre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarre
-ha: (magac, lab, keli) qori ka mid ah bunduqyadii hore ee dagaalka. Geeljiraha maarraha sitaa madhiyay geeshkiiye. Dh: bunduq.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marbre
marbre, n.m. - marmar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mirare
v.tr. - shiishid, nishaabid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mordre
mordre, v. - qaniinid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
morire
v.intr. - dhimasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
moudre
moudre, v. - shiidid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
munire
v.tr. - qalabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murame
-ha: (magac, lab, keli) hadal dood la isweydaarsanayo ah oon isqancin cilmiyaysan iyo garowshiiyo midna jirin. Dh: muran, maran, marame, morome, jikaar, asaraar.
murame -ha: (magac, lab, keli) waddo waraar dheer oo jar khatarta ah leh loo maro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
murder
/mardhar/ (n) 1. qof dilid (qudha ka jarid) 2. daal iyo dhibaato leh.
murder: /mardhar/ (v) dil (qudh gooyo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
murder
v.tr., dil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murray
m.l Nooc ka mid ah kuusha dumarku qoorta ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murruq
-a: (magac, lab, keli) mijin qaad ah ama jaad ah oo laba meelood loo qaybiyay meel ahaan. Dh: nadalo, aqaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murwee
f.g2 (-weeyay, -weysay) Cid sharfid ama maamuusid. la-mid: marwee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murwee
v. respect, honor, esteem; render someone worthy of esteem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murwee
(fal) dhaqanka naagta marwada ah ku dhaqan oo gaari xilkas ah ahaw. Xaafadda ka murwee inta odaygu soo noqonayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murwee
de: respect, honor, esteem; render s.o. worthy of esteem
lx: murwee
pd: (murweeyey)
ps: v2b=tr
key: murwee
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURYEY
[MURIYEY] Grewia tembensis 01
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mutare
v.tr. - beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurri
f.mg2 (-iyay, -isay) Nafley si ayaar ah u dhutin; heetin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurri
v. limp slightly, be partially lame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurri
(fal) dhuti yar oo heetin ah samee. Intaad gardawaaxi lahayd orod soo yar muurri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurri
cf: heeti, dhutin
de: limp slightly, be partially lame
lx: muurri
pd: (muurriyey)
ps: v2a=
key: muurri
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
myrrhe
myrrhe, n.f. - malmal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuurre
name-m shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurto
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Turret
Kukta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuurre
(Tuurra-ha)
Tuur leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuurre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nin tuur leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuurre
m. n. hunchback
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuurre
-tuurraha: (n) hunchback (hanji-baak); humpback (ham-baak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuurre
-ha: (magac, lab, keli) noole tuur leh.
tuurre -ha: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah kalluunka waaweyn oo dubka jilicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuurre
de: hunchback (person with this infirmity)
initial: t
lx: tuurre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tuurre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurrey
-da: (magac, dhedig, keli) geela magta lagu bixiyo hasha buuxda ee laba iyo toban sabeenood u dhiganta. Li: daandheer.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
maturare
v.intr. - bislaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
misurare
v.tr. - cabbirid, ku jimayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
murderer
/mardharar/ (n) gacan ku dhiigle (qofka qof dila).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Murderer
dhagarqabe, Dile
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
murderer
n., dilaa, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
murmurer
murmurer, V. - hoosta ka gunuusid; hadal hoos u dhigid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mue
mue, n.f. - Xuub-dhacsiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mur
mur¹: m.l Kalluun aad u yaryar oo markaas ugxantii ka baxay oo lullumada qaabkeeda
mur²: m.dh Wadiiqo yar.
mur³: f.mg1 (-ray, -rtay) Ka m.: orod cid kaga dheereyn.
mųr: m.l Xubinta taranka ee haweenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mur
mur¹: m.l Kalluun aad u yaryar oo markaas ugxantii ka baxay oo lullumada qaabkeeda leh.
mur²: m.dh Wadiiqo yar.
mųr: m.l Xubinta taranka ee haweenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mur
(fal) wax afka ka jar oo af gamuuran u yeel. Usha mur. Dh: gamuur, gamuun.
mur -ka: (magac, lab, keli) dhadhan aad u qadhaadh. Dh: deebaaq.
mur-ka: (magac, lab, keli) xabag aad u qadhaadh oo nabarrada aan diilaacin ee bararka leh iyo meelaha xummadda leh la dulmariyo oo dawo laga dhigto. Intaanu saanfuurku dillaacin mur mari.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mur
mur, n.m. - derbi; gidaar.
mettre au pied du mur - ka gar helid; ka rayn.
sauter, faire le mur - cararid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mür
mür, adj. - marka midhuhu bislaadaan; bislaad (sida midhaha).
pas mûr - aan weli baaluqin; aan qaangaarin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
URE
(Ure) May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ure
-ha: (magac, lab, keli) wax ur leh; wax ura. Ure la ma jecla oo waa la karhaa. Dh: qadhmuune.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arre
-ha: (magac, lab, keli) yaxaaska kiisa lab. Ma arraa ma urraa, ma Ibliis dhego laa.