murjaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murjaan
(Murjaan-ta)
Dhagax-la-mood guduud iyo midabyo kaleba leh, oo bahallo yaryar oo badda ku jiraa sameeyaan, inta u dega beelo beelo, murjaantana u yeela qaabab badan: qaar sida geedaha laamo u leh, qaar buur dhagax ah noqda, qaar jasiirado waaweyn noqda; (ama marjaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjaan
murjaan¹: m.l Geed weyn, laf adag oo qoryihiisa kaneecada iyo wixi lamida laga shito. la-mid: murjeen.
murjaan²: m.dh 1. Dhagax-la-mood qaali ah, midabbo badan leh, ka samysma dheecaan adkaaday oo ay dhalaan bahallo yaryar oo badda ku jira, oo suuqiyadaha dumarku isku qurxiyaan laga sameeyo. 2. Wax kasta oo murjaanta laga sameeyo. la-mid: marjaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murjaan
m.dh 1. Dhagax-la-mood qaali ah, midabbo badan leh, ka samysma dheecaan adkaaday oo ay dhalaan bahallo yaryar oo badda ku jira, oo suuqiyadaha dumarku isku qurxiyaan laga sameeyo. 2. Wax kasta oo murjaanta laga sameeyo. la-mid: marjaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murjaan
f. n., [collective] coral
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURJAAN
(Murgian) S Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
S Boswellia rivae Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjaan
-ka: (magac, lab, keli) macdan dhagax qaali ah ka samaysan oo laga soo saaro badda gunteeda waxa sameeya xayawaan aad u yaryar oo badda gala. Dh: marjaan.
murjaan-ka: (magac, lab, keli) geed quwaxxanjo leh oo ka baxa buuralayda. Dh: midhofur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murjaan
bw: Arabic
de: coral
lx: murjaan
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: murjaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burjaan
m.l (-nno, m.dh) Buur xeebta ku taal oo biyaha baddu ku simaan, kana gaddoomaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjaan
m.dh la-mid: murjaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marjaan
-ka: (mgac, lab, keli) macdan ka samaysan dhagax qaali ah oo laga soo saaro badda gunteeda waxa sameeya xayawaan aad u yaryar oo badda gala. Marjaanka Qur'aankaa lagu sheegay. Dh: murjaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murqaan
murqaan¹: m.l la-mid: marqaan¹.
murqaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) la-mid: marqaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murqaan
m. n., [abstract] high from ~ effect of an intoxicant (as khat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murqaan
(fal) wax mirqaansan noqo: jaad ku fiyaan. Maanta ragga la barjee oo la murqaan. Dh: mirqaan.
murqaan -ka: (magac, lab, keli) fudfudayd iyo baraarug siyaada ah oo la dareemo kolka jaad la qayilo. Murqaan baan la seexan waayay. Dh: mirqaan, murqaam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murqaan
de: high from ~ effect of an intoxicant (as khat)
lx: murqaan
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
see: marqaan (and related forms)
key: murqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjeen
m.l la-mid: murjaan¹.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
corallo
s.m. - murjaan, shucaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhofur
-ka: (magac, lab, keli) geed quwaax xanjo leh oo ka baxa buuralayda. Midhafurkaa kugu ag yaal foox iiga soo gur. Dh: murjaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muritaan
-ka: (magac, lab, keli) gamuuritaan oo si siman u gamuumid. Dh: mamuumitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muran
(Muran-ka)
Hadal aan la iska gar-qaadanayne, dood iyo asaraar keliya ah; jactad; ogaaldiid; cilaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muran
muran¹: m.l Dood aan layska gar qaadanayn oo asaraar miiran ah.
muran²: f.g1 (-rmay, -rantay; -rmi) La m.: si asaraar ku jiro cid ula doodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muran
muran¹: m.l Dood aan layska gar qaadanayn oo asaraar miiran ah.
muran²: f.g1 (-rmay, -rantay; -rmi) La m.: si asaraar ku jiro cid ula doodid. m.f.dh, murmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muran
m. n. argument, altercation, quarrel, controversy
muran v. dispute, argue (over), criticize, debate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muran
-ka: (n) argument (aar gument), dispute (dis piyuut); quarrel (kuwoor'al).
muran: murmay murantay murmeen / muranay: (v) argue (aar giyuu); quarrel (kuwoor'al); wrangle (raang gal); bicker (bik'ar); squabble (iskuwaab bal)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Muran
Litigio
Wrangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muran
(fal) murame samee; cid la dood oo moron aan natiijo lahayn ku daal.
muran: (tilmaame) wax la gammuray. Bakoorad dabada ka muran ayuu la dhacay Dh: gammuuxan, gammuuran.
muran-ka: (magac, lab, keli) hadal dood la isweydaarsanayo ah oon isqancin cilmiyaysan iyo garowshiiyo midna jirin. Dh: murame, maran, marame, morome, jikaar, asaraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muran
cf: asaraar, hagag
de: argument, altercation, quarrel, controversy
lx: muran
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: muran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjan
(tilmaame) burji fiican dhashay oo ayaan badan; buruud wanaagsan. Sahal waa nin burjan. burji-ga: (magac, lab, keli) xiddig ama waqti fiican ku dhashay, habeen cawo dhashay. Ninkani wuu iga burji sarreeyaa agtiisa kuma hadli karo. Dh: buruud, bili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fujaan
(Fujaan-ka)
Weel yar oo dheg leh oo badanaa dhoobo laga sameeyo oo shaaha iyo bunka, kd., lagu cabbo; koob; (ama (fijaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujaan
m.l (-nno/fanaajiin/faraajiin, m.dh) Weel yar oo dheg leh oo sida badan dhoob ka samaysan oo dareeraha lagu shubto. la-mid: fijaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fujaan
m.l (-nno/fanaajiin/faraajiin, m.dh) Weel yar oo dheg leh oo sida badan dhoob ka samaysan oo dareeraha lagu shubto. la-mid: fijaan, finjaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fujaan
m. n. cup, mug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fujaan
-ka: (n) teacup (tii-kaap); tea glass (galaas), cup (kaap) ~ fijaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fujaan
-ka: (magac, lab, keli) weel yar oo dheg leh oo badanaa dhoobo laga sameeyo oo shaaha bunka iyo wixii la mid ah, lagu cabbo. Dh: koob finjaan, fijaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fujaan
bw: Arabic
de: cup, mug
lx: fujaan
pd: (-ka Pl: fanaajiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
see: fijaan
key: fujaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huraan
der. [adjective] expendable, dispensable
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huraan
cf: lamahuraan
de: expendable, dispensable
lx: huraan
ps: adj-der
key: huraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraan
-ka: (magac, lab, keli) qof fudfudud oo sidii wax waalan u socsocda. Dh: maraate.
maraan -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh fudfudud oo sidii wax waalan u socsocota. Ta uu qof maraan moodayaa midbay marwo u tahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MULAAN
(Mulan) May Cadaba mirabilis Gilg. Capparidaceae.
May, S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
S, May Maerua oblingifolia (Forsk) A. Rich. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraad
(Muraad-ka)
Wax lagu tashado ama la damco in la helo ama la sameeyo; wax la doonayo; wax la rabo; dan; qasdi; xaal; ulajeeddo; arrin; xaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraad
muraad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Dan; ujeeddo. 2. Allebari; sab.
muraad²: f.mg1 (-day, -dday) U m.: cid ama meel dan ka yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muraad
muraad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Dan; ujeeddo. 2. Allebari; sab.
muraad²: f.mg1 (-day, -dday) U m.: cid ama meel dan ka yeelasho. m.f.dh, muraadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muraad
n. purpose, intent, intention, plan; interest, concern; traditional ceremony
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muraad
name-m desired purpose; intention, want
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muraad
-ka: (n) aim (eeym); purpose (peer pas); intention (in teen-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraad
-ka: (magac, lab, keli) dan iyo ujeeddo uu qof wato. Dh: dan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muraad
bw: Arabic
cf: toogo
de: purpose, intent, intention, plan; interest, concern; [ext.] traditional ceremony (in which an animal is slaughtered)
lx: muraad
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: muraad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muraal
-ka: (n) morale (muraal'); spirit (ispiir'it)-niyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraar
-ta: (magac, dhedig, keli) maroor ama qallooc ay addimmadu yeeshaan. Dh: dalab.
muraar -ta: (magac, dhedig, keli) alaab ka mid ah alaabaha dumarku qoorta gashadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murgan
der. [adjective] tangled; preoccupied, worried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murgan
-aa: (adj) 1. twisted (tuwist-idh); tangled (taag gald); difficult to unravel. 2. complex (kom-palakis'); complicated (kom 'pil-keey tidh) murugsan, qallafsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murgan
de: tangled; preoccupied, worried rw: murug
lx: murgan
pd: (murganaa)
ps: adj-der
key: murgan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjin
m.f.dh eeg murji. la-mid: murgin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjin
-ka: (magac, lab, keli) waran yar oo can fiiqan oo daab gaaban leh oo ul ahaan ay ina badan culimada iyo dadka suufiyadu u qatan. Dh: eebo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxan
(tilmaame) dub iyo diirba hoolan. Geed murxan ayuu midho u doontay. Dh: muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quraan
m.l Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. la-mid: Qur'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Quraan
m. n. Koran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Quraan
-ka: (n) Koran (ko-raan) Qur'an; Alcoran (al-ko-raan) ~ Qur'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Quraan
-ka: (magac, lab, keli) eeg Qur'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhaanjo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Quraan
bw: Qur'aan
cf: Xaddiis, Ijmaac, Qiyaas
de: Koran
lx: Quraan
pd: (-ka)
ps: n0-m
xv: Arabic
key: Quraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burhaan
(Burhaan-ta)
Karti iyo awood, Eebbe qof ku galadaysto; karaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burhaan
m.dh (dii.) Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burhaan
m.dh (dii.) Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Burhaan
name: Burhan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burhaan
f. n. power from God, divine favor leading to success
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Burhaan
name-m power from God, divine favor leading to success. Syn: Burhaano
Carabi: name-m proof
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burhaan
-ta: (n) charisma (karizma); natural power necessary for achieving success ~ burji, buruud
burhaan: -leh: (adj) charismatic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burhaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kuu qarsoon oo wax kuu bildhaamiya ama kuu. Sheekh waliba burhaan buu wataa iyo baab uu fura e. Dh: caddayn, muujin.
burhaan -ta: (magac, dhedig, keli) awood Eebbe uu qof ku mannaystay, ku galladaystay. Burhaan lahaa burisa waabayda, karaamo iyo hub baan lahaa dumista cadawgayga. Dh: karaamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caws ka baxa beerta dhexdeeda oo durba dib u soo baxa markii la gooyo. Burxaan beerta ka guray: Dh: xule, dhikil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curnaan
m.f.dh eeg curan. la-mid: curnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curyaan
(Curyaan-ka)
Qof lugaha wax ka gaareen oo aan fadhiga ka kici karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaan
curyaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
curyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Qof labada lugood beelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curyaan
curyaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
curyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Qof labada lugood beelid. m.f.dh, curyaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curyaan
m. n. cripple, handicapped person
curyaan [inchoative] v. become crippled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curyaan
-ka: (n) physically disabled person or one unable to use a limb or limbs; handicap (heendhikaap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaan
(fal) curyaan noqo; naafo noqo; xanniban.
curyaan -ka: (magac, lab, keli) qof labada lugood beelay oo aan kici karin. Ma ogtahay curyaankaba, cago looma waayine, caynkaa waxa loo yidhi, kuwa cararayee ladan, inay ku cibro qaataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durbaan
(Durbaan-ka)
Qalab cayaaraha lagu tunto; wuxuu ka samaysan yahay qalab xoldhan oo af ama labada afba ka daloola oo harag ama xuub xalleefsani ku rogan yahay oo sacabbada lagu garaaco; reeme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaan
m.l (-nno, m.dh) (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. la-mid: gurbaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durbaan
m.l (-nno, m.dh) (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. la-mid: gurbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durbaan
m. n. drum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durbaan
-ka: (n) drum (daraani)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaan
-ka: (magac, lab, keli) agab ka samaysan xeedho harag afka lagaga tigtigay loona isticmaalo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo caroosyada. Nin durbaan tumay ilaaq dalbay. Dh: gurbaan, def, narso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durbaan
de: drum
lx: durbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: durbaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Durraan
name-m to pray or call upon (a saint); to pray to a saint, usually with gifts of money or a feast by the one who prays. Lit: he who was born after a religious man read the Qur'an over his mother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel biyamareen ah. Furdaan dhexdeed ha seexan. Dh: faraq.
furdaan -ta: (magac, dhedig, keli) awaaraytidu inta aanay bislaan, madaxa hadhuudhka oo isaga oo aan firi yeelan madoobaada oo intaanu qarxin la cuno. Beerta furdaan iyo aalaba ka guro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furnaan
(Furnaan-ta)
Furnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furnaan
m.f.dh eeg furan². la-mid: furnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furnaan
f. n., [abstract] openness; separation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) haweenay, mid la dalaaqay noqo.
furnaan -ta: (magac, dhedig, keli) meel xidhnayd, ballaqan.
furnaan ta: (magac, dhedig, keli) daarnaan; shidnaan.
furnaan -ta: (magac, dhedig, keli) shir, xaflad iyo wax la mid ah, billawnaan.
furnaan -ta: (magac, dhedig, keli) tiriig, raadiyow ama wax kale, daarnaansho.
furnaan -ta: (magac, dhedig, keli) shir, xaflad iyo wax la mid ah, billawnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furnaan
a: furnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: openness; separation
lx: furnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: furnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furqaan
m.l 1. Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebi Maxamed. 2. Diinta Islaamka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furqaan
m.l 1. Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebi Maxamed. 2. Diinta Islaamka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Furqaan
m. n. Koran
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Furqaan
name-unisex religion (Islamic faith or its book); holy one
name-m proof, evidence, clarity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furqaan
-ta: (n) Islam; Islamic religion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Furqaan
-ka: (magac, lab, keli) Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebigiisa Maxamad, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha haadeene.
Furqaan -ta: (magac, dhedig, keli) diinta Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, lagu soo dejiyey. Dh: Islaam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Furqaan
bw: Arabic
de: Koran
lx: Furqaan
pd: (-ka)
ps: n0-m
see: Quraan
key: Furqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurbaan
m.l la-mid: durbaan.