murcood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murcood
m.l la-mid: murcud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murcood
m.l la-mid: murcud.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURCOOD
(Murot) C,S Ximenia americana L. Olicaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murcood
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal taagtaagan oo aan u meel dayin hadalkiisa.
murcood -ka: (magac, lab, keli) midho ka baxa geed gaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgood
m.l la-mid: murugood.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURYOOD
[MWIOT] Grewia tembensis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandharuug
m.l 1. Geed miro cas-cas iyo guduudba leh dhala oo la cuno. 2. Miraha mandharuugga; murcood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkucood
-ka: (magac, lab, keli) murkuco ku gaadhid; kala goyka ka dhaawacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugood
(Murugood-ka)
Murugo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugood
v.pat: worry, be anxious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugood
-ay / murugootay: (v) become sad; sadden (saad'an)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugood
-ka: (magac, lab, keli) murugo iyo welwel ku jirid. Dh: tiiraanyood.
murugood: (fal) welwel oo uurkutaallo ku jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugood
de: worry, be anxious
lx: murugood
nt: murugood (ka) [vn-m]
pd: (murugooday)
ps: v1=pat
key: murugood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurood
m.l (-dyo, m.dh) Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurood
m.l (-dyo, m.dh) Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirood
-ka: (magac, lab, keli) xoolo habeennimo daaqa; qof saq dhexe cunto u toosa. Lo' mirood ah ayuu libaax helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murcud
(Murcud-ka)
Geed miro dhanaan oo laf weyn oo la cuno leh; (ama murcood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murcud
m.l (murcud, m.dh) 1. (botani) Geed weyn oo qodax gaagaaban iyo caleemo yaryar oo cagaaran leh, oo dhala miro kulkulucsan oo dhexda laf weyni uga jirto, dhadhan dhanaan ahna leh oo la cuno. 2. Miraha geedka murcudka. la-mid: murcood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murcud
m.l (murcud, m.dh) 1. (botani) Geed weyn oo qodax gaagaaban iyo caleemo yar-yar oo cagaaran leh, oo dhala miro kulkulucsan oo dhexda laf weyni uga jirto, dhadhan dhanaan ahna leh oo la cuno. 2. Miraha geedka murcudka. la-mid: murcood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murcud
m. n., [collective] plant species, with bitter fruit and edible leaves
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURCUD
Ximenia americana 001
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murcud
-da: (magac, dhedig, keli) dhir ay midheheedu labo labo iskugu yaalliin sida: ciidka, dhafaruurta iyo qaar kale. Dh: murcanyo.
murcud-ka: (magac, lab, keli) midho ka baxa geedgaabka. Murcud ayaa la ii soo guray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murcud
de: plant sp., with bitter fruit and edible leaves (also the fruit)
lx: murcud
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: murcud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo. murgood m.l la-mid: murugood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurbood
(Gurbood-ka)
Carruur; dhallaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurbood
m.l.u Dhallaan; carruur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurbood
m.l.u Dhallaan; carruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurbood
m. n., [collective] children
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurbood
-ka: (n) young children ~ carruur, ciyaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurbood
-ka: (magac, lab, keli) carruurta da'da yaryar. Gurbood gaajo ma xammilo. Dh: ubad, dhallaan, maati, gorbi. Li: waayeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurbood
de: children
lx: gurbood
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
syn: carruur, dhallaan, manqo
key: gurbood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdood
m.f.l eeg hurdoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdood
m.f.l eeg hurdoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdood
-ka: (magac, lab, keli) lulood hurdo la dareemo. Hurdoodka carruurtu xilli ma leh. Dh: lulood, lilmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbood
(Kurbood-ka)
Kurbo qabid; kurbaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbood
m.f.l eeg kurboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbood
m.f.l eeg kurboo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurbood
-ay I kurbootay: (v) feel worry, uneasiness or anxiety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbood
-ka: (magac, lab, keli) kurbo qabid; kurbo dareemid; kurbaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lurdood
(fal) wax dhibaato haysato ahaw. Dh: dhibtoo, lurdoo. Li: raaxayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lurtood
(fal) dhibaatood oo shiddo dareemid.
lurtood-ka: (magac, lab, keli) dhib la kulan. Dh: dhibtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqlood
m.f.l eeg muqloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqlood
-ka: (magac, lab, keli) shilin yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murbooc
(Murbooc-da)
Marbooc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbooc
m.dh la-mid: marbooc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murbooc
f. n., [collective] thick cotton cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbooc
-a: (magac, lab, keli) geed bixiya midho dhanaan oo laf weyn oo la cuno. Dh: marbooc.
murbooc-a: (magac, lab, keli) qori dheer oo kuwa aqallada lagu dhiso ah. Dh: marbuuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murbooc
de: thick cotton cloth
lx: murbooc
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
see: marbooc
key: murbooc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusood
(Muusood-ka)
Dhoolbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusood
m.l la-mid: muusaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusood
m.l eeg muusaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusood
v.pat: smile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusood
(fal) qosol dhoolla caddayn ah oon weyneyn qosol. Kolkaad qoslaysid afka ha waaxine muusood. Dh: muusoo, dhoolla caddee.
muusood -ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oo la qoslo. Muusoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusood
bw: muusaab
de: smile
lx: muusood
nt: muusood (ka) [vn-m]
pd: (muusooday)
ps: v1=pat
key: muusood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mucurtood
(Mucurtood-ka)
Baahi weyn wax u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurtood
m.f.dh eeg mucurtoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucurtood
-ka: (magac, lab, keli) (u ~) baahi xoog ah wax u qabid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MULACYOOD
Kirkia tenuifolia 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MULACYOOD
(Mulaiod) C Kirkia tenuifolia Engl. Simaroubaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraaqood
m.f.l eeg muraaqoo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MIRIYOOD
Grewia tembensis 03
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRIYOOD
(Miriyod) C Grewia tembensis Fres. Yiliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURYOOLE
(Muriole) S Phyllanthus pseudoniruri Muell-Arg. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunsood
-ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oon afka la kala waaxin. Muunsoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn. Li: afkalawaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurtood
(Xuurtood-ka)
Xuurto qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtood
m.f.l eeg xuurtoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuurtood
m.f.l eeg xuurtoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuurtood
-ay / xuurtootay: (v) become exhausted (ig-zoostidh) ~ daal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtood
-ka: (magac, lab, keli) hiinraag iyo hiinfaadh uu orodku keeno. Kolka xuurtoodku kaa ba'o ku celi orodkii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buracanood
f. n. benign ~ harmless tumor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buracanood
de: benign ~ harmless tumor
lx: buracanood
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: buracanood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maruuryood
-ka: (magac, lab, keli) murugo iyo cil ku jirid. Dh: murugood, urugood. Li: faraxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mururugood
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garina gelin garina ka bixin. Dh: murugmaarug.
mururugood -ka: (magac, lab, keli) wax bur iyo biyo ah ama fud iyo faar ah oo isku dhexjira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cood
(Cood-ka)
Xoolo, maal, adduun; (ama cuud).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cood
m.l 1. Maal; hanti. 2. Xoolaha la dhaqdo. la-mid: cuud¹ (4).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cood
m.l 1. Maal; hanti. 2. Xoolaha la dhaqdo. la-mid: cuud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cood
m. n., [collective] wealth, property, prosperity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cood
-ka: (n) commodity (ko-mooditi); goods (guudhis)-, property (poroparti) ~ maal, xoolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cood
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha la dhaqdo. Dh: xoolo, maal, adduun, cuud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cood
a: cuud
de: wealth, property, prosperity
lx: cood
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
syn: xoolo
key: cood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mood
1. (Mood!) Erey duco ah oo madaxda loo dabbaaldega hayo lagu yiraahdo; Raag!
2. (Mood-da) Daliigo balballaaran oo sagalka u eg oo waqtiyada roobka cirka ku dhilma kolka qorraxdu dhacdo.
3. (Mood-ka) Maalka inta aan xoolaha nool ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mood
mood¹: m.l 1. Maalka inta aan xoolaha nool ahayn. 2. Meyd.
mǫod¹: m.dh Qorraxdu marka ay soo baxayso fallaaraheeda caadka qabta ee midabka quruxda badan yeesha.
mood²: e.d Erey duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu yiraahdo; raag!
mǫod²: f.g/lg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax meel dhaafid. 2. (f.lg) Si gef ah wax, u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mood
mood¹: m.l 1. Maalka inta aan xoolaha nool ahayn. 2. Meyd.
mood²: e.d Erey duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu yiraahdo; raag!
mǫod: f.g/lg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax meel dhaafid. 2. (f.lg) Si gef ah wax, u qaadasho. m.f.dh, moodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mood
v. think, guess, suppose
mood v. pass (by), move beyond; surpass
mood m. n., [collective] inanimate goods, non-living property (as opposed to livestock); death
mood [feminine] n. horizontal streaks of color in the sky after sunset
mood inter. hooray! right on!
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mood
/muudh/ (n) 1. sida qofka niyaddiisu hadba tahay (sida inuu faraxsan yahay, murugeysan yahay, caraysan yahay iwm) 2. xanaaqsan (marka qofku uusan faraxsanayn) 3. niyadda qofku siday-tahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mood
-ay/een/nay: (v) 1. presume (piri-zuum); believe (bi-liiv); think (thingk). Ex: mar kasta wuxuu moodaa inuu sax yahay; he always thought he was right ~ u malee. 2. pass (paas); cross (karoos) paths with dhaaf, gudub
mood -ka: (n) property (pora parti) ~ hanti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mood
'duco' erey duco ah oo wanaag raaga lagu rajeeyo. Rooboow mood raxmad Allaay kaalay.
mood: (fal) si ay kuula muuqato u qaado oo u malee. Guuxiisa mood gob inaad ku tahay geeska Afrikoow. Dh: malee.
mood: (fal) ka qudub oo dhaaf. Sheekadaa mood oo tu kale innoo bilaw Dh: dhaaf.
mood-da: (magac, dhedig, keli) dalliigaha casuuska ah ee cirka ku samaysma marka ay cadceedu dhacdo dabadeed yar.
mood-ka: (magac, lab, keli) maradu marka ay aad u madhato ee ay maydhidda iska xajin karayn. Maryaha moodka noqday karbaashka ku tola. Dh: calal, hun.
mood-ka: (magac, lab, keli) hanti wixii aan naflay ahayn oo dhan. Li: nool.
mood -ka: (magac, lab, keli) wixii cusub ee kolkaa dhallinyaradu la falgasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muco
s.m. - dhacaan, biyobiyood.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muro
s.m. - derbi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brood
/bruud/ (v) 1. karak fedheethow. 2. welwelow. (n) 3. Jhijhiiw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burco
(Burca-da)
Buur yar oo ciid ah: kood; taag; burshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burco
m.dh (-ooyin, m.l) Meel bannaan, dhulkaa intiisa kale in yar ka sarreysa oo ciid jilicsan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burco
m.dh (-ooyin, m.l) Meel bannaan, dhulkaa intiisa kale in yar ka sarreysa oo ciid jilicsan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Burco
pr. n., loc. Burao [city in north Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burco
f. n. sand hill, dune; height
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burco
-da: (magac, dhedig, keli) taag yar oo ciid ah; bur yar oo ciid tuulan ah. Dh: kood, burshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murid
m.f.dh eeg mur³.