munaafaqays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg munaafaqayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaqay
(fal) fal munaafaqnimo ah samee. Munaafagay haddaanad Ilaahay ka cabsanayn. Dh: munaafaqadee, munaafaqaday, munaafaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si nifaaq ku jiro u dhaqmid. Dh: munaafaqadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg munaafiqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaqad
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanka iyo hadalka ay ku dheehantahay kala geddisnaanta waxa caloolsha ku jira iyo waxa la falayo oo ah falka uu sameeyo munaafaqu. Dh: munaafaqo, kufricaloolaad, munaafago.
munaafaqad-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo Muslinnimo sheegata xumaan ay Islaamka u haysana qarsata. Dh: labawjiiley, kufricaloolaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiqay
(fal) fal munaafaqnimo ah samee. Munaafiqay haddaanad Ilaahay ka cabsanayn. Dh: munaafaqadee, munaafaqaday, munaafaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si nifaaq ku jiro u dhaqmid. Dh: munaafaqadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laba wajiilayn; kolba si u dhaqmid. Dh: nifaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Munaafaq
(Munaafaq-a)
1. Qof uurka gaal ka ah afkana Muslin.
2. Labaggalle; labawejile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaafaq
m.l (-qyo/-fiqiin, m.dh) 1. Qof hadalka uu sheego iyo falka uu samaynayaa is-khilaafsanyihiin. 2. (dii.) Qof sheegta inuu diinta Islaamka rumaysanyahay laakiin aan aaminsanayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
munaafaq
m.l (-qyo/-fiqiin, m.dh) 1. Qof hadalka uu sheego iyo falka uu samaynayaa is- khilaafsanyihiin. 2. (dii.) Qof sheegta inuu diinta Islaamka rumaysanyahay laakiin aan aaminsanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munaafaq
m. n. person who pretends to be a Muslim but is inwardly an unbeliever; hypocrite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaafaq
-a: (n) hypocrite (hip'ekrif); deceiver (diziiv'er); double-crosser ~ munaafiq, laba-wajiile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaq
-a: (magac, lab, keli) qof muslinnimo sheegta xumaan uu islaamka u hayana qarsada. Dab munaafaq shiday ayuu mu'min ku gubtaa. Dh: labawajiile, kufricaloolaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
munaafaq
bw: munaafiq
de: person who pretends to be a Muslim but is inwardly an unbeliever; hypocrite
lx: munaafaq
pd: (-a Pl: munaafiqiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: kufri-calooleed
xv: Arabic
key: munaafaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg nafaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiqad
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo hadal ay ku dheehantahay kala geddisnaanta wax caloolsha ku jira iyo wax la falayo oo ah falka uu sameeyo munaafiqu. Dh: munaafago.
munaafiqad -da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo muslinnimo sheegata xumaan ay Islaamka u haysana qarsata. Dh: labawjiley, munaafaqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laba wajiilayn oo qofba si ula dhaqmid si fidnad iyo xumaan loo horseedo. Dh: nifaaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Munaafaqnimo
(Munaafaqnima-da)
Munaafaq ahaansho; kufricalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaafaqnimo
m.dh Munaafaq ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munaafaqnimo
f. n., [abstract] hypocrisy, state of pretending to be a Muslim
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaafaqnimo
-munaafaqnimada: (n) hypocrisy (hipook'rasi); falseness (fools 'nes) ~ munaafiqnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaqnimo
-da: (magac, dhedig, keli) munaafaq ahaan. Dh: munaafaqad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
munaafaqnimo
de: hypocrisy, state of pretending to be a Muslim
lx: munaafaqnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: munaafaqnimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munaafiq
m. n. hypocrite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaafiq
-a: (n) hypocrite (hip 'e-krit); deceiver (di ziiv'er); double-crosser ~ munaafaq, laba-wajiile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiq
-a: (magac, lab, keli) qof muslinnimo sheegta xumaan uu islaamka u hayana qarsada. Dh: labawjiile, kaafircalool, munaafaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
munaafiq
bw: Arabic
de: hypocrite
lx: munaafiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: munaafaq
key: munaafiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nafaqayn
(Nafaqayn-ta)
Nafaqo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqayn
m.f.dh eeg nafaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto tayo leh siin, dheefsiinta. Nafaqaynta ciyaalku waxay ka hortagtaa tabardarrida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muwaafaqo
(Muwaafaqa-da)
Heshiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muwaafaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Heeshiis iyo samo lagu wada noolaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muwaafaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Heeshiis iyo samo lagu wada noolaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muwaafaqo
f. n. agreement, accord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muwaafaqo
-da: (magac, dhedig, keli) is afgarad iyo is fahan laba dhinac iyo wax ka badan dhex mara. Labadii muwaafaqo leh ayaa meel gaadha. Dh: heshiis, Li: mukhaalafo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muwaafaqo
de: agreement, accord
lx: muwaafaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: heshiis
key: muwaafaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafaqayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho. m.f.dh, nafaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqayso
(fal) cun dheef tayo leh oo nafaqo ku gelisa. Nafaqayso si caafimaadkaagu u wanaagsanaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaacalay
-ga: (magac, lab, keli) cid eedaysane ah oo wax laga tabanayo. Dh: dacwaysane, eedaysane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munaasabad
f. n. occasion, ceremony, gathering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaasabad
-da: (n) opportunity (appartuniti); occasion (o keey-shin); chance (jaans); opening, break ~ munaasabo, fursad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaasabad
-da: (magac, dhedig, keli) xilli ku habboon oo xus ama wax kale la qaban karo. Dh: munaasibad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
munaasabad
bw: Arabic
de: occasion, cere-mony, gathering
lx: munaasabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: munaasabad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURAALARAY
(Muralarai) C Panicum atrosanguineum A.Rich. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manaafacaad
manaafacaad¹: m.l Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin.
manaafacaad²: f.mg3 (-day, -dday) Ku m.: wax ka faa'iideysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
manaafacaad
manaafacaad¹: m.l Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin.
manaafacaad²: f.mg3 (-day, -dday) Ku m.: wax ka faa'iideysasho. m.f.dh, manaafacaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manaafacaad
m. n. benefit, profit, advantage, usefulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
manaafacaad
-ka: (n) (Plural of manfac -a] uses (yuusis); usefulness (yuusfuulnes); benefits (ban e fitis); beneficial uses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaafacaad
-ka: (magac, lab, keli) waxtar iyo faa'iido. Dh: nafci, manaaficaad. Li: khasaare, dhib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manaafacaad
de: benefit, profit, advantage, usefulness
lx: manaafacaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: manaafacaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xanaakadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manaafacaadso
f.g/mg3 (-saday, -satay) Wax waxtarkiisa ka faa'iidaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
manaafacaadso
-manafacaadsaday / -tay: (v) derive benefit; benefit (ban e-fit); utilize (yuutilaayz); capitalize (kapita-laayz); take advantage ~ ka faa'iidayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaafacaadso
(fal) waxtarkiisa ku intifaac oo ka faa'iidayso. Baabuurkaygaa qaado oo ku manaafacaadso inta aad wax helayso. Dh: faa'iidayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'aamaradays
-ka: (magac, lab, keli) shirqool ma leegid; waxyeelo diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunaqabatayn
m.f.dh eeg cunaqabatee. la-mid: cunaqabad, cunaqabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaqabatayn
vl. n. boycott, sanction, blockade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunaqabatayn
-ta: (n) sanction (sangshin); blockade, boycott, embargo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunaqabatayn
cunaqabatayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wax la mid ah, cadaadin; cidhiidhyid.
cunaqabatayn -ta: (magac, dhedig, keli) ciqaab siyaasadeed ama dhaqaale oo dawlad, qof ama wadar loo geysto oo laga mamnuuco waxyaabaha ay noloshu ay ku xidhan tahay qaarkood. Dh: go'doomin, kaaraantinnimayn, cunaqabatays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaqabatayn
a: cunaqabateyn
de: boycott, sanction, blockade
lx: cunaqabatayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: cunaqabatayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaqabateys
vl. n. suffocation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunaqabateys
-ka: (n) stranglehold (istraanggelhooldh); throttlehold ~ cunaqabad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaqabateys
de: suffocation
lx: cunaqabateys
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: cunaqabateys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marawaxadays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marawaxadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageyso
(fal) in masaafo jirta ku soo guurso weli la'aan, Ninka kugula taliya masaafageyso ha ka yeelin. Dh: masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaacalayhi
-ga: (magac, lab, keli) cid eedaysane ah oo wax laga tabanayo. Dh: eedaysane, reebe Li: muduci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaahinays
-ka: (magac, lab, keli) eeg muddahinayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaafiqnimo
-munaafiqnimada: (n) hypocrisy (hipook'rasi); falseness (fools 'nes) ~ munaafaqnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiqnimo
-da: (magac, dhedig, keli) munaafaq gaalnimada qarsada afkana islaan ka sheegta ahaan. Munaafiqnimo gaalnimo ka daran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munaaqashaad
m. n. criticism; debate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
munaaqashaad
bw: Arabic
de: criticism; debate
lx: munaaqashaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: munaaqashaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashays
m.l la-mid: maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maashayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mafafaay
(Mafafaay-ga)
Babbaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mafafaay
m.l Babbaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mafafaay
m. n. papaya
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAFAFAAY
(Mafafai) N? Carica papaya L Caricaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mafafaay
-ga: (magac, lab, keli) cambaha waawayn ee lafaha yaryar ee badan leh. Dh: babay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mafafaay
de: papaya
lx: mafafaay
pd: (-ga)
ps: n2-m-enum
syn: babbaay
key: mafafaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaafac
(fal) waxtar geyso, faa'iido samee. Manaafac dadkaaga iyo dalkaaga. Dh: anfac.
manaafac-a: (magac, lab, keli) faa'iido iyo waxtar qof ama wax kale laga helo. Waalidkaagu manaafac buu kaa sugayaa. Dh: nafci, waxtar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafay
(fal) meel masaafo jirta gee oo ku soo meheri. Gabadh aabbeheed nool yahay masaafay ha odhane aabbeheed u yeedh. Dh: masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqay
(fal) dhibaato iyo mixnad ku rid. Aabbahaagii ku dhalay mashay ha is odhan. Dh: kadeed, dhib, lur. Li: raaxee.
mashaqay: (fal) nimco iyo barwaaqo mashquulisa ku rid. Dadka lacag ku mashagay. Dh: maashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulaaqad
-da: (magac, dhedig, keli) fandhaal bir ah oo wax lagu cuno cuntadana lagu kala gurguro oo noocyo kala duwan loo sameeyo. Dh: malaad, mulqaacad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mulaaqan
der. [adjective] untidy, messy
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mulaaqan
désordonné.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mulaaqan
de: untidy, messy
lx: mulaaqan
pd: (mulaaqnaa)
ps: adj-der
key: mulaaqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis dheer oo inta badan laga taago meel heerka badda ka sarraysa oo iftiin ka baxo habeenkii dharaartiina midabyo lagu hirto oo la arko leh oo maraakiibta iyo dayuuraduhu bildhaansadaan oo halkay joogaan ku ogaadaan. Dh: sinyaal, noobiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Munaasab
Ku haboon; u cuntama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaasab
m.l.kh M. ah: hadal habboon ama macquul ah. la-mid: munaasib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
munaasab
m.l.kh M. ah: hadal habboon ama macquul ah. la-mid: munaasib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munaasab
m. n. appropriate time ~ circumstance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaasab
-ah: (n) appropriate (aporopiriyeeyt); opportune (ap 'ar-tuun); favorable (feey-fara-bal) ~ habboon, munaasib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaasab
(tilmame) u cuntama oo ku habboon ah. Wiilka iyo gabadhu munaasab ayay isku yihiin. Dh: habboon, munaasib.