mululrimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mululrimid
m.f.dh eeg mululrin². la-mid: mululrin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mululrimid
-da: (magac, dhedig, keli) ummul ku rimid; naas nuujinta dhexdeeda ku uuraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mululid
m.f.dh eeg mulul². la-mid: mulul¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mululid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u yar oo dhicis nool ah noqosho.
mululid-da: (magac, dhedig, keli) irmaan ku rimid: naas nuujinta dhexdeeda ku uuraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mululrin
mululrin¹: m.l Rimidda uu rimo dheddig mulul ah. la-mid: mululrimid.
mululrin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mululrin
(fal) irmaan ku rin; naas nuujinta dhexdeeda ku uurayso, Haddaad doonayso inaad degdeg u dhaldhasho sannad walba mululrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muslimid
(Muslimid-da)
Muslin noqosho; diinta Islaanka soo gelid; Islaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muslimid
m.f.dh eeg muslin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslimid
-da: (magac, dhedig, keli) diin kale ka imasho oo diinta Islaamka soo galid; Muslim noqosho. Dh: Islaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurmid
m.f.dh eeg cuuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fululid
(Fululid-da)
(xidid, kd.) markii madax la qabto oo la dhifto, si fudud u soo wada bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fululid
m.f.dh eeg fulul². la-mid: fulul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fululid
-da: (magac, dhedig, keli) jilayc iyo adayg isku jira noqosho.
fululid -da: (magac, dhedig, keli) xidid iyo wixii la mid ah, markii madaxa la qabto oo la soo dhufto, si fudud u soo wada bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulmid
(Guulmid-da)
Sida wax la guuley oo cabsiyi gashay dib u joogsasho, hakasho, leexasho, didid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulmid
m.f.dh eeg guulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof cabsi gashay dib u gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jululid
(Jululid-da)
Ku gardarrood; ka eexasho; dulmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jululid
m.f.dh eeg julul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jululid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dulmi kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mululin
m.f.dh eeg mululi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murixid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl si wanaagsan uga farabixid oo mudh ka dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muslimi
f.g2 (-iyay, -isay) (dii.) Cid muslin ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muslimi
f.g2 (-iyay, -isay) (dii.) Cid Muslin ka dhigid. m.f.dh, muslimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muslimi
v. convert someone to Islam, make into a Muslim, Islamicize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muslimi
-yey / say: (v) convert someone to Islam; make someone accept or embrace Islam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslimi
(fal) Islaami oo Muslin ka dhig; diinta Islaamka aaminsii. Dh: Islaami. Li: gaalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muslimi
de: convert s.o. to Islam, make into a Muslim, Islamicize
lx: muslimi
pd: (muslimiyey)
ps: v2a=tr
key: muslimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qululid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u socod meel sare laga soo lugeeyo oo hoos loo socdo. Dh: daadegid, qululis.
qululid -da: (magac, dhedig, keli) oogo ka guurid oo guban u guurid. Dh: hayaamid.
qululid -da: (magac, dhedig, keli) magaalo u ambabixid oo cundad raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululici
(fal) walax wareegsan meel kala dheer ku riix. Si taxadar leh u dululici foostada. Dh: dilindillee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallimid
m.dh la-mid: gellimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millilid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan iyo yacarun xanuun la socdo yeelasho oo aad u bokoon. Nabarrada millilida waa laga ilaaliyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulkiyid
m.f.dh eeg mulki². la-mid: milkiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulkiyid
-da: (magac, dhedig, keli) gacan ku dhigid oo hantiyid. Kol haddaad aqalka iska deggen tahay mulkiyidi ma hadhin. Dh: guddoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquurid
m.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo ku dhex qarin. Dh: muquuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muslimad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Haweeney diinta Islaamka rumaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslimad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo kelinimada Ilaahay qirta rasuulnimada Nebi Muxammadna, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, rumaysa oo qiblada makana salaaddeeda ula jeesata diinta Islaamkana aaminsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muslimin
(Muslimin-ta)
Muslin ka dhigid; diinta Islaanka soo gelin; Islaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muslimin
m.f.dh eeg muslimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslimin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid inay Islaamka soo gasho sabab u noqosho; qof diinta Islaamka soo gelin, Muslim ka dhigid. Dh: Islaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallimid
m.f.dh eeg sallim. la-mid: sellimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallimid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaanshaha in lagaa adkaaday.
sallimid-da: (magac, dhedig, keli) lacag iyo wax la mid ah oo lagugu lahaa, iska bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sellimid
(Sellimid-da)
Bixin; dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sellimid
m.dh la-mid: sallimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sellimid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ka gelid; bixin dhiibid: siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuliyid
m.f.dh eeg suul³. la-mid: suulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaamid
m.dh la-mid: dillaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid oo u wiliilsamid. Dh: ciirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululicin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax wareegi karta aayar ku socodsiin meel hoos u foorarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galliimid
(Galliimid-da)
Gelliimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galliimid
m.dh la-mid: gelliimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galliimid
vl. n. peace-making delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u ergeyn si nabad iyo xasillooni loo helo. Dh: gelliimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galliimid
cf: gelliin
de: peace-making delegation
lx: galliimid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: galliimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelliimid
(Gelliimid-da)
Cid u ergeyn si heshiis loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelliimid
m.f.dh eeg gelliin². la-mid: galliimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelliimid
f. n. apology; peace-making delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax tabanaysa, u ergeyn si heshiis loo helo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelliimid
de: apology; peace-making delegation
lx: gelliimid
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: gelliimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musallifid
(Musallifid-da)
Musallif noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallifid
m.f.dh eeg musallaf². la-mid: masallafid, musallafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musallifid
-da: (n) bankrupt (baangk'rapt); bankruptcy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutuutixid
m.dh la-mid: mataatixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuutixid
-da: (magac, dhedig, keli) gabaw darteed kala daadasho oo jeexjeexmid. Dh: jargiyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suluulixid
-da: (magac, dhedig, keli) aayar dhulka u dul marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulduleelid
m.dh la-mid: daldaloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musalliffid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhocbid oo wixii hanti la lahaa ka farabixid. Maamulum musallafid waa ka kow. Dh: masallafid.