mulkiile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mulkiile
-mulkiilaha: (n) owner (oownar); possessor (pozes 'sar); proprietor (pereparaayatar) ~ milkiile, hantiile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulkiile
-ha: (magac, lab, keli) qof shay hanti ahaantiisa iska leh. Dh: hantiile, yadle, xaqle.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milkiile
-milkiilaha: (n) owner (oow-nar); proprietor (pereparaayatar) ~ hantiile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalig
m.l (-gyo, m.dh) Mulkiile.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
possessor
/posesar/ (n) mulkiile (qofka hantida iska leh).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqle
-ha: (magac, lab, keli) mulkiile; yedle; qof iska leh wax kolkaa la hadal hayo. Xaqlihii aqalka lahaa i tusa waan ka kiraysane. Dh: yadle.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Multiple
Dhufsane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
multiple
/maltapal/ (adj) 1. leh qaybo badan (in badan ka kooban). 2. ku dhufsama (lugu dhufan karo, xisaab ahaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
multiple
multiple, adj. - ka leh qaybo badan; ka haysta qaybo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulkisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) siin oo ku wareejin; gacanta u gelin. Dh: guddoonsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kiile
magac loo baxsho wiil ay hooyadii cadaadis iyo wax ay raali ka ahayn la kulmaysay xilligay uurka lahayd. Waxa kale oo loo baxshaa wiil ay hooyadii dhib la kulantay kolkii ay foolanaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miile
(Miila-ha)
Kal; moogtan; jil; meerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miile
m.l Toogeysiga wax lagu kaltamo. la-mid: miilo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miile
m.l Toogeysiga wax lagu kaltamo. la-mid: miilo. miin m.dh Duuduubka haragga dadku yeesho, da' awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miile
m. n. turn, time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miile
-miilaha: (n) tour, rotating shift or period of duty or participation; shift (shift); turn (teen); schedule (iskaj wel); timetable (taaym teeybal) ~ moogaysi, kaltan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miile
-ha: (magac, lab, keli) qaybatmidda wax la wada leeyahay; tare: doorad; kaayo. Nin walliba milihiisa ha eegto. Dh: kayo, meerto, jil.
miile-ha: (magac, lab, keli) toogeysiga wax lagu kaltamo. Dh: miilo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miile
cf: kal, meerto
de: turn, time
lx: miile
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: miile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mulki
(Mulki-ga)
Wax qof gaar u lee yahay; lihi; hanti; hodantooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulki
mulki¹: m.l 1. Maal aad u badan. 2. Hantida qof leeyahay. la-mid: milki¹.
mulki²: f.g1 (-iyay, iday/-isay) Hanti la wareegid. la-mid: milki².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mulki
f.g1 (-iyay, iday/-isay) Hanti la wareegid. m.f.dh, mulkiyid. la-mid: milki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mulki
m. n. ownership; personal property
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mulki
name-f ownership; personal property (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mulki
-ga: (n) ownership (oow-narshiip); possession (pozashan), property (poro parti), ~ milkiyad, lahaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulki
(fal) yeelo oo gacanta ku dhig. Aqalkaa adaa lehe mulki. Dh: hanti.
mulki -ga: (magac, lab, keli) lahaansho uu qof gaar wax u yeesho oo uu maamuli karo uguna tasarufi karo siduu doono. Wixii hanti mulkigayga ah waan xaraashayaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mulki
bw: Arabic
de: ownership; personal property
lx: mulki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mulki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliil
maliil¹: m.l 1. la-mid: mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed. 2. la-mid: maliilid.
maliil²: f.mg1 (-iilay, -iishay) Maliil noqosho. la-mid: mariil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maliil
m.l 1. la-mid: mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maliil
m. n. decrepit person, someone who has wasted away ~ is gravely ill
maliil [inchoative] v. waste away, become decrepit, be seriously ill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maliil
-ay / maliishay: (v) become thin (thiin), lean (liin) or gaunt (goont) due to sickness ~ mariil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliil
-ka: (magac, lab, keli) qarayari xoog ah; laf yaraan aad ah oo jirro raagtay keento. Dh: miliil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliil
(fal) dhuubo oo aad u weydaw. Isboor ciyaar oo buurnida ka miliil.
miliil-ka: (magac, lab, keli) dhuubni xoog ah oo uu shay intii caadiga ahaa uu uga qarayaraado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliili
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Jirro cid maliil ka dhigid. 2. Cid bugta baanin. la-mid: mariili.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maliili
v. make someone waste away, cause someone to be seriously ill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliili
(fal) wax aad u qarayar ka dhig. Xadhiga aad soohayso malili. Dh: miliili.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maliili
de: make s.o. waste away, cause s.o. to be seriously ill
lx: maliili
pd: (maliiliyey)
ps: v2a=tr
key: maliili
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliili
(fal) dhuub oo wax aad u miliilsan ka dhig: aad u qarayaree. Li: buurnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmile
-ha: (magac, lab, keli) yacarun iyo dheecaan biyo ah oo nabarradu yeeshaan kolka ay xumaadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwiile
-ha: (magac, lab, keli) Rabbi; Ilaah; Ebbe.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gullible
/galebal/ (adj) la-siri karo, maskiin (qof sahal loo khatali karo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Martiile
magac loo bixiyo wiil laga filayo mid martida si fiican u sooryeeya ama u bariiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulkisii
(fal) gacanta kaga rid oo sii. Miftaaxa ninkii lahaa mulkisii. Dh: guddoonsii, u dhiib, sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulkiyid
m.f.dh eeg mulki². la-mid: milkiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulkiyid
-da: (magac, dhedig, keli) gacan ku dhigid oo hantiyid. Kol haddaad aqalka iska deggen tahay mulkiyidi ma hadhin. Dh: guddoomid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
multiply
/maltaplay/ multiplying; (v) 1. ku dhufasho (tiro lugu dhufto tiro kale). 2. badasho, tarmid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
multiply
v.tr., tar; be multiplied, taran.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Multiplier
Tarmiye
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
multiplier
multiplier, V. - ku dhufo; tiro ku dhufo; isku dhufad
se multiplier - tarmid; si ballaaran u fidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haltiirle
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax sida dhisme iyo wixi lamida oo hal tiir kaliya leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haltiirle
-ha: (magac, lab, keli) dhisme ama wax kale oo ku taagan haltiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkujire
m.dh la-mid: hulkujir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kilkillee
(fal) cid kale, kilikilooyinka qabo si aad uga qosliso. Dh: kilkili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulbixiye
kulbixiye¹: m.l (-yayaal, m.l/dh) Shay kulka dhaliya sida qorraxda, matoorrada iyo wixi lamida.
kulbixiye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Falgalka kiimikaad ee sii daaya kulka (taas macnaheedu waa kulku wuxuu ka baxaa habka ama heerkulka ayaa kordha). Gubashadu waa falgal kul bixiye ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulbixiye
kulbixiye¹: m.l (-yayaal, m.l/dh) Shay kulka dhaliya sida qorraxda, matoorrada iyo wixi lamida.
kulbixiye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Falgalka kiimikaad ee sii daaya kulka (taas macnaheedu waa kulku wuxuu ka baxaa habka ama heerkulka ayaa kordha). Gubashadu waa falgal kul bixiye ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulbixiye
m. n. (adj.): source of heat, something that releases heat; exothermic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulbixiye
-ha: (magac, lab, keli) shey kulka dhaliya sida qorraxda, matoorrada iyo wixii la mid ah.
kulbixiye -ha: (magac, lab, keli) falgalka kiimikaad ee sii daaya kulka; taasmacnaheedu waa kulku wuxuu ka baxaa habka ama heerkulka ayaa kordha. Gubashadu waa falgal kul bixiye ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulbixiye
de: source of heat, s.t. that releases heat; [atr.] exothermic
lx: kulbixiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kulbixiye
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malhabile
malhabile, adj. - Awood la'aan maskaxeed
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
multidose
(n) occurring in, or using more than one dose.
dhowr jeer marka la isticmaalo wax sida daawada
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
multitude
/maltatyuud/ (n) tiro aad u badan (aad u fara badan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
multitude
multitude, n.f. - tiro aad u weyn; weynada tirada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
multitude
n., dad badan, buuq, -i, urur, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqmiiqle
-ha: (magac, lab, keli) muruq lagu xukumo rabitaan oo guud ahaanba ku dheggan qalfoofka. Muruqa keli ahi waxa uu ka kooban yahay rucub ah miiqyo muruq oo dheer, mid walibana wuxuu leeyahay bu'o badan, muruqa oo dhan waxa ku daboolan xuub nudo iskuxidhayaal adag oo midwaliba ku xidhanyahay dhammaadka lafta.