muleensi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleensi
-ga: (magac, lab, keli) dhammayn weelka wixii lagu keeno oo dhan la xaabo oon wax hambo ah la reebin. Dh: dhammayn, xaabid, muleensasho. Li: hambo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleenso
(fal) idlee oo weelka cunto ha ku reebin. Muleenso saxnigaaga cidi kaama dambaysee. Dh: xaab, leef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleensad
-ka: (magac, lab, keli) fuuqsad oo wixii yaallayba dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleen
-ka: (magac, lab, keli) alaabta yaryar ee guriga. Muleenka dumarka ayaa soo iibsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muleemi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax wada qaadasho, iyada oo aan in yarna laga reebin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleemi
-da: (magac, dhedig, keli) wax wada qaadasho, iyada oo aan in yarna laga reebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleensi
m.l la-mid: caleensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daleensi
-ga: (magac, lab, keli) ood gabsasho si looga dhaco. Oodda daleensiga ka daa. Dh: gaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleensasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muleemsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meesi
(Meesi-ga)
Jaadadka xoolaha sida geela, lo'da, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meesi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Duunyada la dhaqdo nooc ka mid ah. 2. Isku m.: isku fil; isku nooc. la-mid: meesin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meesi
m. n. category of stock (camels, cattle, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meesi
-ga: (magac, lab, keli) shanta maal ee adduunyo midkood sida: geel, lo', adhi, gammaan. Meesigaa ayaad adigu maanta raacaysaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meesi
de: category of stock (camels, cattle, etc.)
lx: meesi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: meesi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heensi
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensi
(fal) caano iyo wixii la mid ah, weelka inta ku hadhay ka laac. Dh: dhammayso, heemi.
heensi-ga: (magac, lab, keli) heeminta wax weel guntii ku hadhay.
heensi-ga: (magac, lab, keli) eeg heensad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeensi
(Jeensi-ga)
Jeensasho; (ama jeedsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeensi
m.l la-mid: jeesasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeensi
-ga: (magac, lab, keli) xalasho muddo xilliroobaad oo la joogo, xilliga jeensiga dayreed waa wixii loo gaadho tirada 140ka ee sannadka dabshidka. Dh: xalad, fanjeedis, jeesi, gamashi, kaaye, af-keen, horraamis, jeedsi, jeesi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keensi
-ga: (magac, lab, keli) eeg keensad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg leexsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meersi
m.l la-mid: meersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meersi
-ga: (magac, lab, keli) xooluhu qeybahay ay u kala dareeraan ama loo kala raaco mid ka mid ah. Dh: qeyb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax la gaadayo gadaal ugu imaan. 2. Cid, cid kale uga hiilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleedi
v. attack from the rear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleedi
-yay: (v) ambush (ambush), attack from a side position or opposite of the lee side ~ gaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleedi
(fal) guudmar ama korka xaadi.
duleedi: (fal) labo qof oo is dilaya mid garabsii oo u duleedi ka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleedi
de: attack from the rear
lx: duleedi
pd: (duleediyey)
ps: v2a=
key: duleedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dalooli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleeli
v. pierce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleeli
-yey / say: (v) pierce (piris), make a hole or opening in; perforate (peer-fareeyt); drill (diriil) ~ dalooli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeli
(fal) duleel u samee; meel xidhan in yar ka bannee oo fur. Gabadha yar dhegta u duleeli. Dh: dalooli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleeli
de: pierce
lx: duleeli
pd: (duleeliyey)
ps: v2a=tr
see: dalooli
key: duleeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ka h.: cid wax ay lahayd ka dhaqaajin iyadoo xoog lagu muquuninayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melebsi
-ga: (magac, lab, keli) malab gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muteysi
-ga: (magac, lab, keli) xaq u yeelasho dadaal iyo hedel lagu gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleenso
f.g3 (-saday, -satay) Caleen cunid (riyo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caleenso
f.g3 (-saday, -satay) Caleen cunid (riyo). m.f.dh, caleensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareensi
(Dareensi-ga)
Dareensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareensi
m.l la-mid: dareensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareensi
-ga: (magac, lab, keli) dareen ka qaadid. Dh: shaki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulleysi
m.l la-mid: dulleysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulleysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dulleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeensi
m.l la-mid: labeensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maleegnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muleehad
-ka: (magac, lab, keli) masabbidid oo qof dambi aanu lahayn dusha ka saarid. Dh: masabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muleemin
m.f.dh eeg muleemi. la-mid: muleemis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muleemis
m.l la-mid: muleemin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muóversi
v.rifl. - dhaqaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeysi
m.l la-mid: beledeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleensad
m.l la-mid: caleensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareensii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid, xog ka maqnayd garansiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareensii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid, xog ka maqnayd garansiin. m.f.dh, dareensiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareensii
v.caus: cause to doubt; make someone feel suspicious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dareensii
-yey / say: (v) make someone feel; invoke feeling; sensitize (sen-si-taayz); leave an impression; impress (im-parees)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareensii
(fal) wax garansii, wax si aan toos ahayn u fahansii. Dareensii muhimadda ay u leedahay aqoontu aayihiisa danbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareensii
de: cause to doubt; make s.o. feel suspicious
lx: dareensii
pd: (dareensiiyey)
ps: v2a=caus
key: dareensii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale la kulansiin. la-mid: haleeshii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haleelsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale la kulansiin. m.f.dh, haleelsiin. la-mid: haleeshii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haleelsii
v.caus: cause someone to make something in time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelsii
(fal) kansho u sii inuu hawl qabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haleelsii
de: cause s.o. to make s.t. in time
lx: haleelsii
pd: (haleelsiiyey)
ps: v2a=caus
key: haleelsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsi
m.l la-mid: jalbeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsi
m.l la-mid: dhalleexsasho, jalleecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleegmid
m.f.dh eeg maleegan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegmid
-da: (magac, dhedig, keli) marmid oo wax maleegan noqosho. Maydhaxdu maleegmidda ayay ku soohantaa. Dh: marmid, soohmid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
millènnio
s.m. - kun sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxsi
m.l la-mid: mullaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) mullaaxda ka diirasho. Laanta mullaaxsi ayaan u qaatay. Dh: mullaaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeenxir
subeenxir¹: m.l la-mid: sabeenxir¹
subeenxir²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: sabeenxir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaceensi
(Waaceensi-ga)
Aanaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaceensi
m.l 1. Doonidda qof doonayo in uu aarsado. 2. la-mid: waaceensasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaceensi
vl. n. blame, desire for revenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceensi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, soo dhawaysi; ehel ka dhigasho. Dh: aanaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaceensi
cf: aanaysi
de: blame, desire for revenge
initial: w
lx: waaceensi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: waaceensi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageensi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, waaceensi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tunjileecsi
(Tunjileecsi-ga)
Qof ama qolo in laga adag yahay la biday, oo hadba wax ayan diidi karin laga doono ama la yeelsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunjileecsi
m.l la-mid: tunjileecsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunjileecsi
-ga: (magac, lab, keli) qof qof kale kut maagaya itaalyari uu ku ogaaday. Wuxuu ku dun jileecsaday itaal darida. Dh: daleensi.