mulacyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulacyee
f.mg2 (-eeyay, -eeysay) Socod laalaabasho ah samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirfo
(fal) daad socdaa suu dhul u mulacyeeyo, wada deel oo dul iyo degba sunsun. Anigoon col ii soo jirafaday jil iga qaadaynin. Dh: seem, dhammay, quiqul, cammim, mar, maaruq, see-seeji, jidhfo. tafwareemo, jidhfo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulacyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raadka daadku ku sameeyo dixaha iyo niiska dushiisa. Dh: mulacyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulacyeys
-ka: (magac, lab, keli) sida mulaca u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulacyayn
m.f.dh eeg mulacyee. la-mid: mulacyays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulacyays
m.l la-mid: mulacyayn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MULACYOOD
Kirkia tenuifolia 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MULACYOOD
(Mulaiod) C Kirkia tenuifolia Engl. Simaroubaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hal qurbac dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macee
f.g2 (-ceeyay, -ceysay) la-mid: macaanee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macee
v. sweeten, make sweet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macee
-yey / maceysay: (v) make sweet or sweeter; sweeten (iswii-tan) ~ macaanee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macee
(fal) eeg macaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macee
a: macaanee
de: sweeten, make sweet
lx: macee
pd: (maceeyey)
ps: v2b=tr
key: macee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mulac
(Mulac-a)
Bahal yar oo afar addin iyo dabo dheer leh oo siilaanyada u eg, kase weyn xoogaa; (ama bulac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulac
m.l (-cyo, m.dh) Xammaarato yar oo afar addin iyo dabo dhuuban oo dheer leh oo ay malowga isku bah yihiin laakiin ka jirmi yar. la-mid: bulac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mulac
m.l (-cyo, m.dh) Xammaarato yar oo afar addin iyo dabo dhuuban oo dheer leh oo ay malowga isku bah yihiin laakiin ka jirmi yar. la-mid: bulac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mulac
m. n., [collective] small lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mulac
-a: (n) small four-legged reptile of the suborder lizard ~ bulac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulac
-a: (magac, lab, keli) bahal yar oo afar addin oo gaagaaban iyo dabo dheer leh oo siilaanyada u eg kase dheer kana qurux badan oo diilin madaw labada dhinac ku leh oon dadka dhibin. Mulac waa u qudh gooyo carruuna waa u ciyaar. Dh: malaw, bulac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mulac
a: bulac
cf: malow
de: small lizard sp. (of varied colors: black, green, chestnut brown)
lx: mulac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: mulac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Ulajeeddada erey ama hadal sheegid. 2. Wax sharaxooda sheegid. 3. Is m.: wax muhiin ah iska dhigid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Ulajeeddada erey ama hadal sheegid. 2. Wax sharaxooda sheegid. 3. Is m.: wax muhiin ah iska dhigid (qof). m.f.dh, macnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macnee
v. explain, define, clarify, give meaning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macnee
-yey / macneysay: (v) explain (ekispaleeyn); define (difaayn); interpret (in-terpat); make clear ~ sharax, micnee.
u macnayso: u macnaystay / u macnaysatay: (v) view as; regard as; consider as; opine (o paayn) ~ u fahan —is macnee -is macneeyey / is macnaysay; (v) defy (di-faay); pride oneself, look big
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnee
(fal) eeg macnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macnee
cf: fasir
de: explain, define, clarify, give meaning
lx: macnee
pd: (macneeyey)
ps: v2b=tr
key: macnee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulayle
m.l 1. Xilli kulul. 2. Meel kulul. 3. Dhul aad u dhir badan oo aan marino lahayn oo manena ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulayle
m.l 1. Xilli kulul. 2. Meel kulul. 3. Dhul aad u dhir badan oo aan marino lahayn oo manena ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hees ugareed tirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanyee
v. recite ~ compose a hunting ~ fishing song
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyee
(fal) maanyo samee. Carruurta u maanyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanyee
de: recite ~ compose a hunting ~ fishing song
lx: maanyee
pd: (maanyeeyey)
ps: v2b=
key: maanyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) Xoolo malas siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutiyee
(fal) koob oo murtida oo qudha sheeg: wixii muhiim ah dheh. Qodobbadii shirka soo murtiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: culaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaabee
v. make heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaabee
-yey / culaabaysay: (v) make heavy; put on weight ~ culaabi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaabee
de: make heavy
lx: culaabee
pd: (culaabeeyey)
ps: v2b=
key: culaabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wax iftiin badan oo indhaha dhibeya leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaclee
v. look around with craving; direct one's eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclee
(fal) dhijaan ama biyo kale oo fadhiya, walaclee oo buux dartii dabayshu ha ku balfiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaclee
de: look around with craving; direct one's eyes here and there
lx: galaclee
pd: (galacleeyey)
ps: v2b=intr
key: galaclee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclee
(fal) eeg halaclay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murtiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Hadal, hees, gabay iyo wixi lamida murti u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murtiyee
v. reason logically, use logic; give scope ~ substance to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyee
(fal) hadalka inta murtida ah uun sheeg. Soo koob oo murtiyee hadalkaaga. Dh: murtiyay. Li: bajalaqso, baahbaahi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murtiyee
de: reason logically, use logic; give scope ~ substance to (a speech ~ literary work)
lx: murtiyee
pd: (murtiyeeyey)
ps: v2b=tr
key: murtiyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) la-mid: walalaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaclee
(fal) iftiin bilig bilig ah oo is dabajoog ah samee. Sida hillaaca u walaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Wax socda hal dhan ka marid. 2. Ra'yigiisa bedbeddelid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhinacyee
v. turn from side to side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacyee
(fal) dhan walba ka mar oo hareeraha ka soco. Dh: hareeree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhinacyee
de: turn from side to side
lx: dhinacyee
pd: (dhinacyeeyey)
ps: v2b=
key: dhinacyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsabbee
f.g2 (-beeyay -baysay) Heehaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulsabbee
f.g2 (-beeyay -baysay) Heehaabid. m.f.dh, dulsabbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulsabbee
v. float, keep afloat ~ on the surface of water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulsabbee
-yey / dulsabseysay: (v) float (falowt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsabbee
(fal) biyo dushooda saarnaw oo dhaqdhaqaaq la'aan dul ool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulsabbee
de: float, keep afloat ~ on the surface of water
lx: dulsabbee
pd: (dulsabbeeyey)
ps: v2b=tr
key: dulsabbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulaamee
f.mg2 (-meeyay, -meysay) Daruuro badan oo biyeysan cirka heehaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guulaamee
v. move in (clouds); be about to rain; threaten, menace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaamee
(fal) marba dhinic u carar; kolba dhan u roor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guulaamee
de: move in (clouds); be about to rain; [fig.] threaten, menace
lx: guulaamee
pd: (guulaameeyey)
ps: v2b=
key: guulaamee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudacaale
m. n. defendant, the accused
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudacaale
a: mudacaali (ga) [n7-m]
de: defendant, the accused
lx: mudacaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: muddac-calayhi
xv: Arabic
key: mudacaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaaddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: muraaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaaddee
(fal) u dhawaaq; cod dheer ku naadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraaddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax xaraashid ama qiimo jaban ku iibin. la-mid: munaaddee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muraaddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax xaraashid ama qiimo jaban ku iibin. m.f.dh, muraaddayn. la-mid: munaaddee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muraaddee
v. give away; sell off (everything one has)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muraaddee
-yey/muraaddeysay: (v) put up for sale; hold a clearance sale
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muraaddee
de: give away; sell off (everything one has)
lx: muraaddee
pd: (muraaddeeyey)
ps: v2b=tr
key: muraaddee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
simulacre
simulacre, n.m. - iska yeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusbaxyee
(fal) ducee oo Alle bari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) dhagax giraangir u eg oo leh handhar gacanta lagu wareejiyo oo biraha lagu soofeeyo. Dh: moolgamceed.
moolgacmeed -ka: (magac, lab, keli) bir ballaadhan oo inta mishiin lagu xidho biraha lagu gooyo ama wixii af seef ah leh lagu soofeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaacalee
-ga: (magac, lab, keli) eedaysane laga cabanayo. Muddaacalee haddaad tahay dadka ka garbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaariyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: mushaalliyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silacdilyee
f.g2 (-eeyey, -eysay) la-mid: silicdilyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silacdilyee
(fal) si silic ah nafta uga saar oo ku idil.