mukhuurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mukhuurid
(Mukhuurid-da)
Biyaha dhexdooda wada gelid; quusid; tiinbasho; (ama muquurid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuurid
m.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuurid
-da: (magac, dhedig, keli) quusin oo biyo ku muquurid. Dh: muquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuuri
(fal) biyaha ku limmi oo ku wada qari. Wiilka biyaha mukhuuri oo ha ku raajin. Dh: quusi, muquur, limmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuurid
m.f.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo dhex muquursiin. Carruurta makhuuridda ka daa. Dh: muquurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuurin
m.dh la-mid: maquurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo dhex muquursiin. Dh: muquuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quusid
(Quusid-da)
Biyaha dhexdooda wada gelid; mukhuurid; tiinbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiinbasho
(Tiinbasha-da)
Biyo ama wax kale oo badan dhexdooda mar wada gelid, ku qarsoomid, ku librid; quusid; mukhuurid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sink
/sink/ sank; sunk; (v) 1. quusid (mukhuurid, biya tiimbasho) 2. hoos-u dhicid (hoos aadid) 3. maal-gelin samayn (lacag gelin) (n) 4. saxanka ama waaskada wax lagu dhaqo ee jikada ama musqusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuur
mukhuur¹: m.l la-mid: maquurid.
mukhuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: maquur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukhuur
v. immerse oneself under (water); dive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuur
(fal) biyaha wada dhexgeli oo ku wada qari. Dh: quusi, muquur, limmi.
mukhuur -ta: (magac, dhedig, keli) quusidda biyaha la quuso ee madax iyo mijo la wada dhex galo biyaha. Dh: muquur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukhuur
a: makhuur ~ maquur ~ muquur
bw: Arabic
de: immerse oneself under (water); dive
lx: mukhuur
pd: (mukhuuray)
ps: v1=tr
key: mukhuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukhuuri
(fal) bukhuur udgoon ku shid ama ku carfi oo udgoonee. Bukhuuri aqalku waa suyuce. Dh: udgoonee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuuri
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: maquuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuuri
(fal) eeg makhuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuuro
(fal) adu biyaha quus oo isku wada dhex qari. Bal mukhuuro haddaad dabaal tagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquurid
m.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo ku dhex qarin. Dh: muquuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukhuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) ur udgoon ku shidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukhuuris
-ka: (magac, lab, keli) wax ama meel bukhuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuurin
m.dh la-mid: maquurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg makhuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mukhuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuursan
f.g4 (-naa, -nayd) la-mid: maquursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuursan
(tilmaame) muquursan oo dayl biyaha ku wada dhex qarsoon oon waxba laga arkayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurid
(Huurid-da)
Kulayl ka yimid neecaw iyo dabayl la'aan la dhididid; huur dareemid; dhididid; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurid
m.f.dh eeg huur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurid
-da: (magac, dhedig, keli) hawo la'aan iyo kulayl la dhididid. Dh: huuris. Li: laydhsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khuuri
(Khuuri-ga)
Geed magaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khuuri
khuuri¹: m.l (khuuri, m.dh) Geed-gaab leh caleemo yaryar, xabag iyo qoryo udgoon oo guryaha loo shito.
khuuri²: f.mg2 (-iyay, -isay) Khuuro sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khuuri
f.mg2 (-iyay, -isay) Khuuro samayn. m.f.dh, khuurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khuuri
name: nickname for a tall, thin, dark man
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khuuri
m. n. tree species -- large, tall and dark
khuuri v. snore
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khuuri
-ga: (n) canal (kanaal) ~ kanaal, khoori. Ex: Khuuriga Suways; the Suez Canal
khuuri -yey / say: (v) snore (isnoor); make snorting noises
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khuuri
(fal) khuuro samee. Dh: quuri.
khuuri -ga: (magac, lab, keli) geedgaab leh caleemo yaryar, xabag iyo qoryo udgoon oo guryaha loo shido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurid
m.f.dh eeg kuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fiirin; ku dhegagid; dhugasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukhuur
-ka: (magac, lab, keli) geedo udgoon oo dumarku aqallada ku shido oo nocyo kala duwan leh. Waxan galay dukaan bukhuurka lagu iibiyo waxan ka soo gatay jaawi. Dh: udug, saahood.
bukhuur-ka: (magac, lab, keli) naqaska iyo cabudhaadda ka soo baxda meel ay dad badani iskugu yimaaddeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khuurin
(Khuurin-ta)
Khuuro ka yeersiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khuurin
m.f.dh eeg khuri². la-mid: khuuris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khuurin
-ta: (n) snoring (isnooring)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) khuuro samayn, quurin, khuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khuuris
m.l la-mid: khuurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khuuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg khuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuur
makhuur¹: m.l la-mid: maquurid.
makhuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: maquur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makhuur
v. immerse oneself under (water), dive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuur
(fal) biyaha wada dhexgeli oo ku wada qari. Wiilka biyaha ku makhuur cabsidu ha ka ba'dee. Dh: quusi, muquur, limmi.
makhuur -ta: (magac, dhedig, keli) quusidda biyaha la quuso ee madax iyo mijo la wada dhex galo biyaha. Makhuur nimaan aqoon dabbaal ma yaqaan. Dh: muquur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makhuur
bw: maquur (and related forms)
de: immerse oneself under (water), dive
lx: makhuur
nt: makhuur (ka) [vn-m]
pd: (makhuuray)
ps: v1=tr
xv: Arabic
key: makhuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquuri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: maquuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquuri
(fal) eeg muquur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuurid
m.f.dh eeg shuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruurid
m.dh la-mid: aruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuuro
(fal) adu biyaha quus oo isku wada dhex qari. Bal makhuuro haddaad dabaal tagaan. Dh: muquuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquurid
m.f.dh eeg maquur². la-mid: makhuur¹, makhuurid, maquur¹, mukhuur¹, mukhuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo dhex muquursiin. Dh: muquurid. Dh: muquur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquufid
m.f.dh eeg muquuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquufid
-da: (magac, dhedig, keli) faras xakame afka ka gelin oo muquufka ku aasid. Dh: xakamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquurin
m.dh la-mid: maquurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquurin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha dhex quusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquusid
m.f.dh eeg muquus². la-mid: maquus¹, maquusid, muquus¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquusid
-da: (magac, dhedig, keli) meel biyo ah quusid oo dhex muquurasho. Dh: muquurad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murkuuri
m. n., (mass n.): mercury {chemistry}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murkuuri
de: mercury {chemistry}
lx: murkuuri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
syn: lacag nool {Eng}
key: murkuuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murmurid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib jarjarid oo yaryarayn. Dh: muqmadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukuucid
(Rukuucid-da)
Salaadda dhexdeeda, rukuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucid
m.f.dh eeg rukuuc². la-mid: rakuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukuucid
-da: (magac, dhedig, keli) rukuuc samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suquurid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo gataatidhac ah seexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burtuurid
m.f.dh eeg burtuur². la-mid: burtuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurid
m.dh la-mid: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cudhaadh ka qaadid. Dh: canshuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduurid
m.f.dh eeg durduur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makhoorid
(Makhoorid-da)
Dhoof makhoor ah, dhoofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhoorid
m.f.dh eeg makhoor². la-mid: makhoor¹, mokhoor¹, mokhoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhoorid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga dabayshu xigto u kicid oo u socosho. Dabaysha makoorid kala horteg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mokhoorid
(Mokhoorid-da)
Docda dabayshu ka imanayso u dhoofid; (ama makhoorid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mokhoorid
m.dh la-mid: makhoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mokhoorid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga dabayshu xigto u kicid oo u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qushuucid
(Qushuucid-da)
Khushuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushuucid
m.dh la-mid: kushuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qushuucid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi Eebbe dareemid oo iimaan la foorarid. Dh: khushuucis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg makhuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canshuurid
(Canshuurid-da)
Canshuur ku qaadid; (ama cashuurid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuurid
m.f.dh eeg canshuur². la-mid: cashuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cashuur ka qaadid. Dh: cashuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khushuucid
(Khushuucid-da)
Khushuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khushuucid
m.dh la-mid: khashuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khushuucid
-da: (magac, dhedig, keli) khushuuc la imaansho. Dh: qushuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuursan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maquursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuursan
(tilmaame) muquursan oo idayl biyaha ku wada dhex qarsoon oon waxba laga arkayn ah. Nin badda makhuursan ayaan madaxa kaga joogsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulid
m.f.dh eeg mashquul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulid
-da: (magac, dhedig, keli) hawlo iyo shaqooyin ku foognaan; shaqo isdabajoog ah ku jirid. Dh: foogni, mashquulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaafurid
m.dh la-mid: masaafirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaafurid
-da: (magac, dhedig, keli) safar dheer u bixid; meel fog socoto ku aadid. Dh: safrid, socdaalid, masaafurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushintuurid
(Bushintuurid-da)
(geel) bushin ka xirid; faruurxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushintuurid
m.dh la-mid: burshintuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushintuurid
-da: (magac, dhedig, keli) bushin ka xidhid awr laylyan si tallaabada u dheeriyo. Bishintuur ku gabo ha dheereeyo tallaabda ratiguye. Dh: faruurxirid, faruurxidhid.