mukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukh
-a: (magac, lab, keli) maskax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khawaysiin
(Khawaysiin-ta)
Mukhawi ka dhigid; wareerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mukhaalafo
(Mukhaalafa-da)
Khilaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mukhuurid
(Mukhuurid-da)
Biyaha dhexdooda wada gelid; quusid; tiinbasho; (ama muquurid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quusid
(Quusid-da)
Biyaha dhexdooda wada gelid; mukhuurid; tiinbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiinbasho
(Tiinbasha-da)
Biyo ama wax kale oo badan dhexdooda mar wada gelid, ku qarsoomid, ku librid; quusid; mukhuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyuun
m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.

daacad
m.dh Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.

maandooriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iyo wixi lamida; mukhaddaraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquur
maquur¹: m.l la-mid: maquurid.
maquur²: f.g1 (-ray, -rtay) Biyo hoos u gelid. la-mid: makhuur², mukhuur², muquur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquuri
f.lg2 (-iyay, -isay) Cid biyo hoos ugu riixid. la-mid: makhuuri, mukhuuri, muquuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquurid
m.f.dh eeg maquur². la-mid: makhuur¹, makhuurid, maquur¹, mukhuur¹, mukhuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquurin
m.f.dh eeg maquuri. la-mid: makhuurin, mukhuurin, muquurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquursan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax la maquuriyey ahaansho. la-mid: makhuursan, mukhuursan, muquursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhlisnimo
m.dh Mukhlis ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqaaddaraad
m.l la-mid: mukhaaddaraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yumbi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax biyo ku dhex mukhuurin. la-mid: dhumbi, kumbi (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yumbo
f.mg3 (-baday, -batay) Biyo dhex mukhuurasho. la-mid: dhumbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyuun
m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacad
m.dh Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muh
-da: (magac, dhedig, keli) ur silloon oo ka soo baxda qofka aan afkiisa nadiifin. Muhda waa laga cadaydaa. Dh: gah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dukh
m. n. old man, elder, chief, mayor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dukh
a: duq
de: old man, elder, chief, mayor
lx: dukh
pd: (-a)
ps: n7-m
key: dukh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
much
/maj/ (adv) 1. badan 2. ugu dhawaan (qiyaastii).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
much
a., badan; as much, so much, intaa, intaas, intaa oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudh
(falkaabe) erey lagu cabbiro soo bixid ama muuqasho kedis ah oon horay loo filan. Libaax ayaa meel gaaban mudh ka soo yidhi.
mudh: (tilmaame) qaawan oon waxba xidhnayn. Arrad ayuu mudh yahay.
mudh: (tilmaae) toosan ah: aan qalqalooc lahayn ah. Gabadh qurux badan oo mudh ah ayay ahayd.
mudh: (fal) si fiican uga lugbax; dhanka kale uga bax. Godka dhiniciisa kale mudh ka dheh.
mudh-a: (magac, dhedig, keli) qaawanaan.
mudh -a: (magac,dhedig, keli) toosni aan qalqalooc lahayn. Gabadh qurux badan oo mudh ah ayay ahayd. Dh: toosan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mush
/mash/ (n) mushaalli biyo ama caano lagu kariyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulukh
(falkaabe) erey u dhigma dhamee oo meesha ka nadiifi. Albaabka hortiisa waxa qashin yaalla mulukh ka sii. Dh: muluq, mululuq.
mulukh -da: (magac, dhedig, keli) bildhaan k keliya ishu qabato oo hadana qarsoonta Dh: midhikh, bilig.
mulukh: (ereycodeed) erey lagu cabbiro dhalasho ilbidhiqsi ah oon dhib iyo wakhti dheer midna lahayn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
mouth
(n) the body opening through which a human takes in food.
af
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mouth
/mawth/ (n) 1. af. 2. afka (illinka).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mouth
n., af, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhe
-ha: (magac, lab, keli) eeg moroh.
mudhe -ha: (magac, lab, keli) firida uu ubaxa geedku dhalo oo inta badan la cuno oo iniinyaha la beeraa ay ku jiraan. Mudhe daray duuduub baa lagu liqaa. Dh: iniinyo, miro, mudho.
mudhe-ha: (magac, lab, keli) ereyo ay maanso ka kooban tahay oo qaafiyad iyo habdhac ba leh. Dh: mudho, midho, miro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukay
m.l (mukay, m.dh) (botani) Geed weyn oo jirrid aad u weyn leh, kana baxa hareeraha durdurrada iyo webiyada, miro macaan oo la cunana leh; daray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mukay
m.l (mukay, m.dh) (botani) Geed weyn oo jirrid aad u weyn leh, kana baxa hareeraha durdurrada iyo webiyada, miro macaan oo la cunana leh; daray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukay
m. n. large tree species, that grows along a stream ~ river
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukay
de: large tree sp., that grows along a stream ~ river
lx: mukay
pd: (-ga Pl: mukay (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: mukay
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUKOY
(Mucoi) S Ficus somalensis Chiov. Moraceae.
S Ficus populifolia Vahl. Moraceae.
S Ficus sycomorus L. Moraceae.
S Ficus capreifolia Del. Moraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukre
-ha: (magac, lab, keli) jaadadka hadhuudhka jaad ka mid ah oo noocyada u fiican ah. Mesengo iga daa oo mukre ii kari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukul
m.dh Daruur madow oo meel fog ka da'aysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukul
-sha: (magac, dhedig, keli) daruur madow oo meel fog ka da'aysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukur
m.l Isyeelyeel qabweyni ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukur
m. n. caprice, being spoiled, making faces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukur
-ka: (magac, lab, keli) isyeelyeel ay dadku sameeyaan gaar ahaan dumarka. Mukurkii Arraweelo aniga hayla iman. Dh: ilaaq, xeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukur
cf: kibir
de: caprice, being spoiled, making faces
lx: mukur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mukur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mulki
(Mulki-ga)
Wax qof gaar u lee yahay; lihi; hanti; hodantooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulki
mulki¹: m.l 1. Maal aad u badan. 2. Hantida qof leeyahay. la-mid: milki¹.
mulki²: f.g1 (-iyay, iday/-isay) Hanti la wareegid. la-mid: milki².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mulki
f.g1 (-iyay, iday/-isay) Hanti la wareegid. m.f.dh, mulkiyid. la-mid: milki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mulki
m. n. ownership; personal property
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mulki
name-f ownership; personal property (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mulki
-ga: (n) ownership (oow-narshiip); possession (pozashan), property (poro parti), ~ milkiyad, lahaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulki
(fal) yeelo oo gacanta ku dhig. Aqalkaa adaa lehe mulki. Dh: hanti.
mulki -ga: (magac, lab, keli) lahaansho uu qof gaar wax u yeesho oo uu maamuli karo uguna tasarufi karo siduu doono. Wixii hanti mulkigayga ah waan xaraashayaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mulki
bw: Arabic
de: ownership; personal property
lx: mulki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mulki
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
munch
/manj/ calalin (calalinta cuntada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murke
m.l (-kayaal, m.l/dh) Weel yar oo xoolaha lagu maalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murke
-ha: (magac, lab, keli) gorof weyn oo caano lagu maalo.
murke-ha: (magac, lab, keli) qas uu wax isku marmo oo kala saarsaaridiisa lagu daalo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
murky
/marki/ (n) mugdi ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mushy
/mashi/ (adj) bushuuq ah (khudrad aad u jilicday).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudh
-ka: (magac, lab, keli) maqnaansho xagga maskaxda ah. Dh: daahid, maqnaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUUKO
(Muco) S Aponogeton subconjugatus Schum. Aponogetonaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhlis
m.l (-syo/-siin, m.dh) 1. Qof daacad ah. 2. (dii.) Qof cibaadada Eebbe ku wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mukhlis
m.l (-syo/-siin, m.dh) 1. Qof daacad ah. 2. (dii.) Qof cibaadada Eebbe ku wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukhlis
m. n., [collective], (adj.): devoted person; honest, sincere, loyal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mukhlis
-ah: (adj) sincere (sen siyar); wholehearted (hool'haartidh); loyal ~ daacad ah;
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhlis
-ka: (magac, lab, keli) qof daacad ah oon khiyaamo iyo isdaba marin aqoon oo sida Ilaahay ku ogaa u shaqeeya. Dh: daacad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukhlis
bw: Arabic
de: devoted person; [atr.] honest, sincere, loyal
lx: mukhlis
pd: (-ka Pl: mukhlisiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: mukhlis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuur
mukhuur¹: m.l la-mid: maquurid.
mukhuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: maquur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukhuur
v. immerse oneself under (water); dive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuur
(fal) biyaha wada dhexgeli oo ku wada qari. Dh: quusi, muquur, limmi.
mukhuur -ta: (magac, dhedig, keli) quusidda biyaha la quuso ee madax iyo mijo la wada dhex galo biyaha. Dh: muquur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukhuur
a: makhuur ~ maquur ~ muquur
bw: Arabic
de: immerse oneself under (water); dive
lx: mukhuur
pd: (mukhuuray)
ps: v1=tr
key: mukhuur