mug-daaye
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUG-DAAYE
(Mug-daie) May Elaeodendron aquifolium(Fiori) Chiov. Celastraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaade
-ha: (magac, lab, keli) yaryar aad u badan; wax sida qudhaanjada ama daafida u yaryar oo u badan. Dh: munnaani, yaryar.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUQ-DABARE
(Dug-dabare) S Sporobolus sp. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mug-saafid
m.dh (kiimika) Hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartiib ah looga soo daayaa mitimiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqdaafiye
m. n. oarsman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqdaafiye
de: oarsman
lx: muqdaafiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: muqdaafiye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cudaay
name-m one who runs fast; 'Uday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaay
m.l Jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn. Cali magaaygu wuu ka bi'i lahaa hadduu timir helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magaay
m.l Jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn. Cali magaaygu wuu ka bi'i lahaa hadduu timir helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaay
-ga: (magac, lab, keli) jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megday
(fal) harag dhogorta ka nadiifi oo idiin ka dhig. Haragga masallo ayaan ka dhigiye ii megday. Dh: megdee, megdi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
migday
(fal) harag daguug oo dhogorta iyo cadadka ku hadha ka dhamee oo idiin maas ah ka dhig. Haragga waxarta laga saaray migday oo masallo ka dhig. Dh: magdee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudaal
m.dh M. ah: qodax mudda oo jab yar ku reebta oo leh kaar badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaal
-sha: (magac, dhedig, keli) qodax mudda oo jab yar ku reebta oo leh kaar badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudane
(Mudana-ha)
1. Qof in la weyneeyo mudan ama mutaystay oo dhan.
2. Magac lagu muuneeyo madaxda iyo waayeellada dadku soo doorto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudane
m. n. senior man, elder; Mr., mister, sir; honorable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mudane
-mudanaha: (n) 1. member of a parliament, 2. Mister (mis 'ter); Mr. (mistar); gentleman (jental-man), sir (seer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudane
-ha: (magac, lab, keli) magacmartabeed laga horraysiiyo magaca qof rag ah oo la sheegayo. Dh: sayid.
mudane -ha: (magac, lab, keli) magac martabeed loogu yeedho qof xil baarlamaan loo doortay . Dh: xildhibaan.
mudane -ha: (magac, lab, keli) inta sii joogtay reer ay martiyi u soo hoyatay; cid aan marti ahayn. Dadku waa marti iyo mudane. Li: marti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudane
de: senior man, elder; Mr., mister, sir; honorable (as title for heads of state)
lx: mudane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: mudane
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mudane
سید
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudday
(fal) arrin waqti u qabo. Bal dambe innoo mudday. Dh: muddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudaa
m.l Libaax meelo kala dheer isaga goosha oo wax ka dila.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaade
-ha: (magac, lab, keli) xeelad iyo maamul. Gu'jir naagood kaa gadaade badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadaawe
(Gadaawa-ha)
Kalluun badeed; (ama gedaawe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaawe
m.l Nooc kalluunka badda ka mid ah. la-mid: geddawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaawe
m. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaawe
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaawe
a: gedaawe
cf: kalluun
de: ocean fish sp.
lx: gadaawe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: gadaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaawe
m.l la-mid: gadaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedaawe
m. n., [collective] ocean fish species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gedaawe
a: gadaawe
cf: kalluun
de: ocean fish sp.
lx: gedaawe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: gedaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) harag idiinayn oo dhogor iyo hilib wixii raacay ka daguugid. Mocooyo megdaynta masallooyinka way tagaan. Dh: magdeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid. Woobka iyo maraaga ayaa megdaynta hargaha ugu fiican. Dh: megdin, megdeyn, megdays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdays
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdiye
-ha: (magac, lab, keli) qalabka hargaha iyo saamaha lagu megdiyo ee idiinta lagaga dhigo. Megdiyaha mari haraga oo jilci.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mid-day
n., hadh, -di, duhur, -ki.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mudayya
piquet.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muddo ama wakhti u yeelid, bal dambe u dhigid. Dh: muddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddays
-ta: (magac, lab, keli) muddo la wada og yahay qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhayo
-da: (magac, dhedig, keli) cambaar geela qoorta kaga dhacda oo dhogorta ka mudhxisa. Dh: cadho, cuncun.
mudhayo-da: (magac, dhedig, keli) geed torrayda iyo aashacaddada u eg oo midho macaan oo laf yar dhexda ku leh dhala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) keli socosho.
muglayn-ta: (magac, dhedig, keli) aad uu buuxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaay
m.dh (-yo, m.dh) 1. Lakab mayrax ah oo u dhexeeya jillowda iyo lafta geedka. 2. Liid jilicsan ee cajaladda ku dhexjira oo hadalka, heesaha, muusika iyo wixi lamida lagu duubo. 3. Liid maro ah, jilicsan, khad leh oo teebka ku dhex jira oo farta warqadda lagu qoray muujisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mullaay
m.dh (-yo, m.dh) 1. Lakab mayrax ah oo u dhexeeya jillowda iyo lafta geedka. 2. Liid jilicsan ee cajaladda ku dhexjira oo hadalka, heesaha, muusika iyo wixi lamida lagu duubo. 3. Liid maro ah, jilicsan, khad leh oo teebka ku dhex jira oo farta warqadda lagu qoray muujisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaay
-da: (magac, dhedig, keli) Jakab mayra ah oo u dhexeeya jillowda iyo lafta geedka.
mullaay-da: (magac, dhedig, keli) liid jilicsan ee cajaladda ku dhexjira oo hadalka, heesaha, muusika iyo wixii la mid ah lagu duubo.
mullaay -da: (magac, dhedig, keli) liid maro at jilicsan, khad leh oo teebka ku dhex jira oo farta warqadda lagu qoray muujisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muqdaaf
(Muqdaaf-ka)
Seeb gaaban oo huuriyaasha lagu wado oo lagu duwduwo oo shukaantii uga dhigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqdaaf
m.l (-fyo, m.dh) Loox dacal ballaaran oo lagu seebiyo huuriga iyo bedenka. la-mid: miqdaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqdaaf
m. n. oar, paddle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqdaaf
-ka: (magac, lab, keli) qof ay balwadi dishootay. Dh: qandaaf.
muqdaaf -ka: (magac, lab, keli) qori gaaban oo madax balan leh oo lagu leexleexiyo huuriyada inta biyaha afka loo geliyo ayaa lagu riixaa. Dh: seeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqdaaf
de: oar, paddle
lx: muqdaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: muqdaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraayo
m.dh la-mid: muraayad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muraayo
name-f mirror; glass. syn: Mandarad. Cf: Biladdaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muraayo
magac loo bixiyo gabadh quruxbadan oo dhalaalka iyo nadaafaddeeda muraayad lagu masaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aw-daare
m.l Ciyaar leh sida mingiska, rooxaan dadka ku soo degta; degaanka webiyada ayaana laga yaqaanaa; mokhoddon; gunjis.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AWR-DAYE
(Aura-daye) N Ochradenus somalensis Bak.F. Resedaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaaye
(falkaabe) eeg haddeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaldaye
-ha: (magac, lab, keli) duub naxaas ama lacag ah oo curcurka lagu xidho oo uu raggu ku muujiyo ragannimadiisa dumarkuna isku bilo. Maaladaye xidho maahir baad nogotee. Dh: balag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddaale
m. n. tireless man, indefatigable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaale
-ha: (magac, lab, keli) qof hawlkar ah oo gacan fudud. Dh: hawlkar. Li: waxmatare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddaale
de: tireless man, indefatigable person
lx: maddaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maddaale
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magdhabe
Compensator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdhaaf
-ka: (magac, lab, keli) dhaafidda intii uu qiyaas ahaan wax mug lihi qaadi kari lahaa. Dh: tandhaaf, buuxdhaaf fatahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqdaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Huuri muqdaaf ku seebin. la-mid: miqdaafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqdaafi
v. row (a boat), paddle (a canoe)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqdaafi
(fal) gaadiid badeed muqdaaf ku kexee. Huudhiga muqdaafi oo na tallaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqdaafi
de: row (a boat), paddle (a canoe)
lx: muqdaafi
pd: (muqdaafiyey)
ps: v2a=tr
key: muqdaafi
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RUGUMAAY
Cadaba longifolia 10
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tub-haye
-tub-hayaha: (n) wayfarer (weey-fee-rar); traveller ~ masaafir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxaaye
nickname-m (onomatopoeic) the one who growled or made guttural sounds at birth
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUG-CADDE
(Gocade) S,Og Helichrysum somalense Bak. F. Compositae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magudbiye
-magudbiye ha: (n) [Physics] insulator (insuleeytar); nonconductor (kon-dhak-tar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magudbiye
-ha: (magac, lab, keli) walax aan qulqulka danabku ka gudbin sida looxa iyo caagga; alaabta aan oggalaanin inuu danabku dhexmaro. Looxu waa magudbiye. Li: gudbiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudacaale
m. n. defendant, the accused
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudacaale
a: mudacaali (ga) [n7-m]
de: defendant, the accused
lx: mudacaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: muddac-calayhi
xv: Arabic
key: mudacaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdhaafi
(fal) buuxdhaafi oo muggii uu qaadi kari lahaa ka biir. Caanaha koobka ii mugdhaafi. Dh: buuxdhaafi, tandhaafi, fatihi. Li: dhin
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUN-DAWAALE
(Cundawale) N Ochradenus somalensis Bak.F. Resedaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MERO-DABARE
(Mero-dabare) S Farsetia longisiliqua Decne Cruciferae.