mudhuudhuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhuudhuq
(tilmaame) jilicsan ah; sida qoosh oo kale ah. Dh: muudhmuudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhuudh
(tilmame) dareen dhadhan xun ah oo dhanaan la jiriricoodo oo jirku diido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u jilcid. Dh: jilcid. Li: yacyacoobid. muudhmuudhid -da: (magac, dhedig, keli) aad u gubasho. Dh: dummudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsi
-ga: (magac, lab, keli) cunto aad u bislaysasho ilaa ay ka muudhmuudhayso.
muudhmuudhsi -ga: (magac, lab, keli) calalin ayr ah oo qof aan gawso lahayn ama ilkaha dhaw rayaa uu cuntada u calaliyo. Dh: muurmuurrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsad
-ka: (magac, lab, keli) aad u bislaysasho; cunto karsasho oo dabka u kas ugu raajin ilaa uu jilayc fararaac ah uu noqonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhuudhso
(fal) si kuudud iyo kadalloob u dhaxaysa u fadhiiso. Yumbudhuudhso intuu gaarigu dhaqaaqi. Dh: yunburuurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhudhub
(Dhudhub-ta)
1. Meel la maro oo ciriiri ah.
2. Waddo buuro isu dhow dhex marta oo dhib lagu mari karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhudhub
f. n. impassable place; narrow valley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhudhub
-ta: (magac, dhedig, keli) laag ka dhex dillaacda meel buuraley ah ama meel cidhiidhi ah oo aan laga bixi karin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhudhub
bw: sakal, shakal
de: impassable place; narrow valley
lx: dhudhub
pd: (-ta)
ps: n2a-f, n1-f
syn: jiqjiq
key: dhudhub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhudhun
(Dhudhun-ka)
1. Gacanta inta u dhexaysa xusulka iyo sacabka.
2. (cabbir) dhudhunka iyo sacabka oo fidsan, oo is wata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhun
m.l (-ummo, m.dh) 1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhudhun
m.l (-ummo, m.dh) 1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhudhun
m. n. forearm (from wrist to elbow); cubit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhudhun
-ka: (n) forearm (foor-aarm); from the tip of the middle finger to the elbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhudhun
-ka: (magac, lab, keli) gacanta, inta u dhaxaysa xusulka iyo xididdaleyda faraha ama lugta inta u dhaxaysa jilibka iyo boqonta. Dhudhun ayuu ka jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhudhun
cf: cukur, curcur
de: forearm (from wrist to elbow); cubit
lx: dhudhun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhudhun
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhudhun
سَاعِدِ، زَند
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhus
m.l la-mid: dhusundhus.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUDHUS
(Dudus) C Commiphora boranensis Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora setulifera Chiov. Burseraceae.
C Commiphora kataf (Forsk.)Engl. Burseraceae.
C Commiphora erythraea (Ehrenb) Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhushuq
(tilmaame) wax aad u qoyan. Dh: qoyan. Li: qallalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuudhi
(Dhuudhi-ga)
Jaadadka booddada mid kamid ah oo dadka oogadiisa gala oo ku kora oo kolkuu weynaado u ekaada xabbad meseggo ah oo bisil; wayaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuudhi
m.l 1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iyo wixi lamida gaaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuudhi
m.l 1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iyo wixi lamida gaaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuudhi
m. n. flea ((Ctenocephalides species))
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuudhi
-ga: (n) flea (filii); small, wingless, bloodsucking insect ~ wayaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuudhi
-ga: (magac, lab, keli) dirxi cadka faraha lugaha hoostooda ku yaal ku dhasha oo qaniinyo cayayaan ka dhasha. Dh: wayaale.
dhuudhi -ga: (magac, lab, keli) dareen jidhku dareemo oo la moodo inuu xididdada iyo seedaha kor u xulayo oo ka yimaad kulaylka dabka oo aad loo xanuunsado. Halkii la iga gubay ayuu dhuudhi i rooray.
dhuudhi -ga: (magac, lab, keli) jaad qudhaanta ka mid ah oo yaryar oo qaniinyo kulul. Dh: dhuxulkureeb, dhuxunkureeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuudhi
bw: \desp.
de: flea,
lx: dhuudhi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
sc: Ctenocephalides
key: dhuudhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhbudh
budhbudh!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo meel ka soo bixbixitaanka sida qiiqa, abur, boodh iyo waxii la mid ah. Qiiqa budhbudha haya buulkuu ka soo baxayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhubdhub
m.dh (-bo, m.l) 1. Meel la maro oo ciriiri ah. 2. Waddo buuro isu dhow dhex marta oo dhib lagu mari karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhubdhub
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah oo labada dhanba uu gidaar ka xigo. Dhubdhubta soo mar oo kaalay. Dh: dhudhub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugdhug
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa iyo garaaca laga dareemo nabar carcartii leh oo dheecaan galayo.
dhugdhug -ta: (magac, dhedig, keli) jabaqda xiinka mooteerradu bixiyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxdhux
-da: (magac, dhedig, keli) hadal xan iyo guuxguux ah oo labo qof ama in ka badani isla siraysanayaan. Dh: shuqshuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadhuudh
m. n., [collective] maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadhuudh
-ka: (n) sorghum (soorgem); grain (gareeyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhuudh
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid aht badar beeraha ka baxa oo la cuno oo Soomaalidu beerato. Dh: garaw, masaggo, messeggo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadhuudh
a: haruur {N}
de: maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)
lx: hadhuudh
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: hadhuudh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhuudh
-ka: (magac, lab, keli) caano geel oo dhanaanaaday oo fud iyo faarna aan weli noqon. Dh: karuur. Li: dhay, lis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murduduq
-da: (magac, dhedig, keli) dabargoyn aan wax la reebin. Dh: baaba', finish.
murduduq-da: (magac, dhedig, keli) jilaye faraha kala raacaya. Dh: duug. Li: cusayb
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHUUDHUUB
[DULUB] Momordica trifoliolata 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuudhuum
-ka: (magac, lab, keli) bisayl farakucun ah. Dh: muudhmuudh, mannaanakh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhi
(fal) si degdeg ah oo neefsasho lahayn u cab. Caanaha dhan oo qudhqudhi. Dh: qurquri. Li: fiiti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudho
-da: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan la neefsan ama la nasan. Dh: qurquro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhuudhle
-ha: (magac, lab, keli) meelaha lagu. iibiyo hadhuudhka. Hooyo waxay tegtey suuqa hadhuudhlaha.
hadhuudhle-ha: (magac, lab, keli) dadka ka ganacsada hadhuudhka; safar hadhuudhdoon ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudh
(fal) aad u bislaw oo wax jilicsan noqo. Hilib yahaw muudhmuudh had macaanaatide. Dh: bislaaddhaaf.
muudhmuudh: (fal) aad u gubo oo googo'. Dabku dhac oo muudhmuudh had kulaylka cadaabta garatide. Dh: dumudh, googo'.
muudhmuudh -ka: (magac, lab, keli) bislaasho aad ah oo wax la kaariyayi uu si xoog ah u jilco faraha u raaco. Dh: bisayldhaaf. Li: yacyacood.
muudhmuudh-ka: (magac, lab, keli) gubasho xog ah oo dubka dadka gaadha oo dhimasho ah ama qarka loo gaadho. Dh: dummudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan neefsasho iyo nasasho midna lahayn. Dh: qurqurin; qurquris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurqurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuudhnuudhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u bislaasho. Dh: muudhmuudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuudhnuudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u bislayn. Dh: muudhmuudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsad
-ka: (magac, lab, keli) wax muud carrabka iyo faruuryaha ku nuugnuugid. Dh: muudmuudsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambadhuudhsi
-ga: (magac, lab, keli) kambaruursi; kambaruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambadhuudhso
(fal) fadhi ciriiryoon fadhiiso oo kambaruurso.