muddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cid waqti ama muddo u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cid waqti ama muddo u qabasho. m.f.dh, muddayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muddee
v. set a time (for), have time (for), give an appointment (for)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muddee
-yey / muddeysay: (v) determine the date of; time (taaym), date (dheeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddee
(fal) muddo u qabo; ballan xaddid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddee
de: set a time (for), have time (for); give s.o. an appointment
lx: muddee
pd: (muddeeyey)
ps: v2b=
key: muddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddeec
(Muddeec-a)
Wixii la faro si fudud u yeela; aan wax diidin; baarri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeec
m.l.kh M. ah: qof wixii la faro si fudud u yeela; aan wax diidin; baarri ah. la-mid: muddiic.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muddeec
m.l.kh M. ah: qof wixii la faro si fudud u yeela; aan wax diidin; baarri ah. la-mid: muddiic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muddeec
m. n. obliging, loyal ~ obedient person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muddeec
-ah: (adj) obedient (obiidiyanti)-, compliant (kompa-laant)-, submissive (sab-mis'iv) ~ dhaganugul, muddiic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeec
(fal) addeec oo u hoggaansanaw. Dh: adeec. Li: inkir, diid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddeec
a: muddiic
cf: baarri
de: obliging, loyal ~ obedient person
lx: muddeec
pd: (-a)
ps: n2a-m
xv: Arabic
key: muddeec
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
middee
(magac'uyaal) su'aaleed labo midkee; tee. Labada saacadood middee ayaan gaataa. Dh: midkee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muddle
/madhal/ (n) wareersanaan (isku-dhex yaacsanaan).
muddle: /madhal/ (v) 1, isku-dhexdaadin (isku-kharribid) 2. wareerin (jaah-wareerin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Qudde ku la shub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quddee
v. ladle, pour out (liquid) in ladlefuls, take a ladle of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quddee
(fal) qudde ku walaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quddee
de: ladle, pour out (liquid) in ladlefuls, take a ladle of
lx: quddee
pd: (quddeeyey)
ps: v2b=tr
key: quddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddeecnimo
(Muddeecnima-da)
Muddeec ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Okobbanaan
(Okobbanaan-ta)
Diidmo la'aan; oggolaan; muddeecnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeecnimo
m.dh Muddeec ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddiic
m.l.kh la-mid: muddeec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddiicinnimo
m.dh la-mid: muddeecnimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
compliant
/komplayant/ (adj) addeecsan (muddeec ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
obedient
/owbiidhi anti/obediently, obedience; (adj) muddeec ah (dhaganugul).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
obsequious
/obsikuwiyas/ (adj) aad muddeec u ah (baarri ah); aan waxba diidin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
submissive
/sabmisiv/ (adj) muddeec ah (hoggaansan).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muddeecnimo
-muddeecnimada: (n) obedience (obii'diyans)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muddiic
-ah: (adj) obedient (o biidiyanti)-, compliant (kompa-laant)-, submissive (sab-mis'iv) ~ dhaganugul, muddeec
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
okobban
-aa / ayd: (v) obedient (o biidi yanti); compliant (kom-palaant); submissive (sab mis iv) ~ dhaganugul, muddiic, oggol, muddeec
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarri
-da: (magac, dhedig, keli) ubbo calool weyn oo subagga lagu shubto. Dh: qunbe, tebbed.
baarri -ga: (magac, lab, keli) qofka yeela amarka labada waalid ee dhalay; qofka u dheganuglaada labadiisa waalid. Baarrigu janaduu galaa. Dh: muddeec, ducaqabe. Li: waalidinkaar, caaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudday
(fal) arrin waqti u qabo. Bal dambe innoo mudday. Dh: muddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddiicnimo
-da: (magac, dhedig, keli) muddeec ahaan. Dh: muddeecnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarri
cf: muddeec
de: person loyal to his/her parents; [atr.] faithful, obedient
lx: baarri
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: baarri
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddeecnimo
de: obligingness
lx: muddeecnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: muddeecnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Wax fudayd ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid. la-mid: fudaydi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fududee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Wax fudayd ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid. m.f.dh, fududayn. la-mid: fudaydi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududee
v. make easy, light ~ smooth; lighten, ease, simplify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fududee
-yey / fududaysay: (v) simplify (simplafay); make simple or simpler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududee
(fal) eeg fududay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududee
de: make easy, light ~ smooth; lighten, ease, simplify
lx: fududee
pd: (fududeeyey)
ps: v2b=tr
key: fududee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
middeed
(pronoun) one of them
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddeyn
(Muddeyn-ta)
Muddo ama waqti u yeelid, u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeyn
m.f.dh eeg muddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo wax walba muudd uu dhacayo xaddidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Muuddey
name: Mooday
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muuddey
name-m one who moves slowly and with difficulty; he who was born after a long period of painful and difficult labor. Cf: Kaarshe or Muunye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muuddey
magac loo bixiyo wiil dhashay xilli dhib dheeraatay ay jirtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Muuddey
de: Mooday
lx: Muuddey
ps: name-m
key: Muuddey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mude
-ha: (magac, lab, keli) qof wax turqa ama wax irbadeeya. Dh: turqe, iraabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax budo ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
budee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax budo ka dhigid. m.f.dh, budayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
budee
v. pound, grind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
budee
-yey / budaysay: (n) pound or beat with a club
budee: -yey / budaysay: (v) grind to a powder; pulverize (palveraayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budee
(fal) ul madax buuran leh oo gaaban la dhac. Dh: budhee.
budee: (fal) ka dhig dixiin, daqiiq ah. Innoo budee hadhuudhka.
budee: (fal) budo ku dar dareere. Shuurada budee oo yaanay quldoobin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
budee
de: pound, grind
lx: budee
pd: (budeeyey)
ps: v2b=
key: budee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madde
-ha: (magac, lab, keli) ceel ilihiisu badhtanka ay iskugu yimaaddaan; meesha ilaha biyuhu isugu yimaadaan.
madde -ha: (magac, lab, keli) meel badhtan ah oo meelo badan u dhexaysa oo cid waliba soo gaadhi karto. Geedka qudhaca ah ayaa madde innoo ahe an halkaa iskugu imanno, Dh: badhtame.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madee
(fal) daari laba beerood u dhaxaysa jeex oo calaamadi. Awoowo kaalay beerta noo kala madee. Dh: xadee, soohdimee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. la-mid: mideysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. m.f.dh, midayn. la-mid: mideysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midee
v. unite, unify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midee
-yey / mideysay: (v) unify (yunifaay); unite (yunaayt); amalgamate (a maalgameeyt); integrate (in 'tigareeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midee
de: unite, unify
lx: midee
pd: (mideeyey)
ps: v2b=tr
key: midee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddo
(Mudda-da)
Waqti; goor; waa; shin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddo
m.dh Waqti, goor, waa, shin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muddo
m.dh Waqti, goor, waa, shin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muddo
f. n. period of time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muddo
-muddada: (n) period (pir'yadh)-, duration (duureey-shin); an interval of time ~ kal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Muddo
Periodo
Period
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddo
-da: (magac, dhedig, keli) xilli go'an oo la isla og yahay. Muddo noo qabo. Dh: door, shin, ballan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddo
bw: Arabic
cf: cabbaar
de: period of time
lx: muddo
pd: (/da)
ps: n6-f-time
key: muddo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
muddo
مدة
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muddy
/madhi/ (adj) dhooqayn (dhoobo ku wasakhayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
muddy
a., dhoobo badan, saboh; muddy place, diidi, -gi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhe
-ha: (magac, lab, keli) eeg moroh.
mudhe -ha: (magac, lab, keli) firida uu ubaxa geedku dhalo oo inta badan la cuno oo iniinyaha la beeraa ay ku jiraan. Mudhe daray duuduub baa lagu liqaa. Dh: iniinyo, miro, mudho.
mudhe-ha: (magac, lab, keli) ereyo ay maanso ka kooban tahay oo qaafiyad iyo habdhac ba leh. Dh: mudho, midho, miro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
musée
musée, n.m. - dhismaha ama guriga hiddaha iyo dhaqanka la dhigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qudde
(Qudda-ha)
Fandhaal weyn; qarsin; dhure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudde
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. la-mid: qunde (2). Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qudde
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. la-mid: qunde Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudde
m. n. ladle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudde
-quddaha: (n) large wooden spoon for serving food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudde
-ha: (magac, lab, keli) fandhaal weyn oo waxa la karinayo lagu laaqo. Dh: qunde.
qudde -ha: (magac, lab, keli) qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudde
de: ladle
lx: qudde
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: dhure, kaal, qaaddo, qarsin
key: qudde
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Udder
Candho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
udder
/adhar/ (n) candhada xoolaha.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
udder
n., candho, -adi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhee
(fal) eeg budee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Wax caddaan ka dhigid. 2. Arrin la qarinayey soo bandhigid. 3. Shaah caano ku darid. 4. Neegatiif kiimiko ku meyrid si muuqaal uu xambaarsanaa warqad loogu soo saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Wax caddaan ka dhigid. 2. Arrin la qarinayey soo bandhigid. 3. Shaah caano ku darid. 4. Neegatiif kiimiko ku meyrid si muuqaal uu xambaarsanaa warqad loogu soo saaro. m.f.dh, caddayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddee
v. make white, whiten; bleach, clean
caddee v. explain, clarify; enlighten; prove; declare, announ; develop (film)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddee
-yey / caddaysay: (v) prove (pruuv); substantiate (sab-staanshiyeyt); verify (veera-faay)-, confirm (kan-feerm)-, reason (rii-zan); elucidate (iluu-sideeyf) ~ daliil u keen
caddee -yey / caddaysay: (v) 1. whiten (waaytan); 2. paint (peynt) ~ rinjiyee
caddee -yey / caddaysay: (v) liquidate (lik-wi-deyfp, convert assets into cash
caddee -yey / caddaysay: (v) process or develop a film
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddee
(fal) shah iyo wax la mid ah caano ku dar.
caddee: (fal) arrin shaaca ka qaad oo bayaani.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cuddle
/kadhal/ (v) hab-siin (qof ama wax hab la sliyo, ama kor loo qaado oo xabadka la saaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) U f.: qof dhintay werdi u akhriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddee
(fal) qof geeriyooday, axan iyo sadaqad raaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddee
conj-adv: so then, therefore, hence, consequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddee
(fal) hado saar; dabool.
haddee: (falkaabe) sidaas darteed; haddaba.