muddaaharaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaaharaadid
m.f.dh eeg muddaaharaad². la-mid: mudaaharaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudaaharaadid
m.dh la-mid: muddaaharaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaaharaadid
-da: (magac, dhedig, keli) bannaanbax wax lagu diiddan yahay ama lagu taageerayo samayn. Dh: bannaanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaaharaad
muddaaharaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Bannaanbax ay dadweyne tiro badan meel fagaaro ah ku sameeyaan, iyagoo wax taageeraya ama diidaya. la-mid: mudaaharaad¹.
muddaaharaad²: f.mg1 (-day, -dday) Dadweyne tiro badan oo wax taageeraya amaba diidaya fagaaro isugu soo bixid. la-mid: mudaaharaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muddaaharaad
muddaaharaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Bannaanbax ay dadweyne tiro badan meel fagaaro ah ku sameeyaan, iyagoo wax taageeraya ama diidaya. la-mid: mudaaharaad.
muddaaharaad²: f.mg1 (-day, -dday) dadweyne tiro badan oo wax taageeraya amaba diidaya fagaaro isugu soo bixid. m.f.dh, muddaaharaadid. la-mid: mudaaharaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muddaaharaad
v. show, manifest, give a public demonstration
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddaaharaad
de: show, manifest, give a public demonstration Alt sp: mudaaharaad
lx: muddaaharaad
pd: (muddaaharaaday)
ps: v1=intr
key: muddaaharaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaambixid
-da: (magac, dhedig, keli) muddaaharaadid oo meel iskugu tegid wax lagu diiddan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudaaharaad
(Mudaaharaad-ka)
Banbax; bannaanbax; dibadbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudaaharaad
mudaaharaad¹: m.l la-mid: muddaaharaad¹.
mudaaharaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: muddaaharaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudaaharaad
m. n. demonstration, manifestation; public meeting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mudaaharaad
-ka: (n) demonstration (demenistareeyshin); rally (raali); riot (raayat); a public display of group opinion, as by a rally or march ~ bannaanbax.
mudaaharaad -ay / day: (v) demonstrate (dhe-men-stareeyt); rally (raali); take part in a demonstration; rally against
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaaharaad
-ka: (magac, lab, keli) dibadbax ay dad badani isku soo baxaan si ay wax u taageeraan ama uga soo horjeestaan. Dh: bannaanbax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudaaharaad
bw: Arabic
de: demonstration, manifestation; public meeting Alt sp: muddaaharaad
lx: mudaaharaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: mudaaharaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mudaaharaad
مظاهرة
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mu'aamaraad
bw: Arabic
de: plot, conspiracy
lx: mu'aamaraad
pd: (-ka)
ps: n1-f
key: mu'aamaraad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushaaharad
f. n. salary, finances, wages, allowances, stipend, pension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaaharad
-ka: (magac, lab, keli) is xaal waraysi hoos ah oo dad is xog ogi si kaftan ku jiro ay isku xaal waraystaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushaaharad
bw: Arabic
de: salary, finances, wages, allowances, stipend, pension
lx: mushaaharad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: mushaaharad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manaafacaadid
m.f.dh eeg manaafacaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaafacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) nafci iyo waxtar helid. Xooggii ilmahayga manaafacaadidi iigama horrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaadid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u fadhiisad; kala daadsanaan. Bahardaadiddaydaad ka garan daalka aan qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul laga. qaado dadkii lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaraacid
-da: (magac, dhedig, keli) arrimo isdhinac yaalla tan dantu ku jirto qudha raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandharaari
(Mandharaari-da)
Qabsinka geela qaarkiisa danbe oo saaladu ka baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandharaari
m.dh Mindhicirka geela kiisa yaryar; oo saaladu kabaxdo; xiidme.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandharaari
f. n. anus of camel, end section of a camel's intestine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandharaari
-da: (magac, dhedig, keli) mindhicirka geela dhankiisa dambe oo saaladu ka baxdo. Waraabaa waa yidhi: madharaari geel; suu mid-1 kale isna yidhi: anna waa igu muudka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandharaari
de: anus of camel, end section of a camel's intestine
lx: mandharaari
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mandharaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashxaradid
m.f.dh eeg mashxarad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashxaradid
-da: (magac, dhedig, keli) damalo samayn oo mashxarad ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaahanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: muddaahinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaahanee
(fal) hadal sarbeed iyo xigmadi ka buuxdo talo ku wad oo ku dhiraandhirri. Hadalka kolla u muddaahanee kolla diirka uga qaad. Dh: mudaahinay, muddaahinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaahinay
(fal) hadal si sarbeeb ah udheh. Isaga fahmiye ujeeddada ee hadalka u maddaahinay. Dh: maldah, suluulixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadid
m.f.dh eeg dhambacaad². la-mid: dhambacaad¹, dhambacaadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) bogga dhulka ku qabasho. Dhambacaadidi is qarin maaha. Dh: dhabbacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdanraacid
(Gurdanraacid-da)
Gurdan yeeray iska raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdanraacid
m.f.dh eeg gurdanraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddarraacid
m.f.dh la-mid: hiddarraac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiddarraacid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan raacid ama ku dayasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'aamaraday
(fal) dhibaato qarsoodi ah maleeg si ad cid ugu waxyeellayso. Cadawgaagu intuu ku gaadayo adna mu'aamaraday. Dh: shirqool, dibindaabyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'aamaradee
(fal) dhibaato qarsoodi ah maleeg si ad cid ugu waxyeellayso. Cadawgaagu intuu ku gaadayo adna mu'aamaradee. Dh: shirqool, dibin daabyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaacalayhi
-ga: (magac, lab, keli) cid eedaysane ah oo wax laga tabanayo. Dh: eedaysane, reebe Li: muduci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaahaneyn
m.dh la-mid: muddaahineyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaahaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sarbeeb iyo muddaahano ku wadid. Dh: maldahid, suluulixin, hoosdhigid, muddaahinays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaahinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muddahino ku wadid. Dh: maldahid, suluulixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaahinays
-ka: (magac, lab, keli) eeg muddahinayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddacalayhi
-ga: (magac, lab, keli) qof eed laga sheegto oo cidi dacwad ku soo oogto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqaaddaraad
m.l la-mid: mukhaaddaraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqaaddaraad
m. n., [collective] drugs, narcotics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muqaaddaraad
-ka: (n) narcotic (naar koo tik); an addictive drug ~ mukhaaddaraad, daroogo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqaaddaraad
-ka: (magac, lab, keli) wax kasta maandooriye ah oo dareenka iyo garaadka war dhima. Dh: maandooriye, mukhaadaraad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqaaddaraad
a: mukhaaddaraad
bw: Arabic
de: drugs, narcotics
lx: muqaaddaraad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: muqaaddaraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhacadiid u jiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-garaacid
m.dh la-mid: dhabar-garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalaqaadid
m.f.dh eeg kafaalaqaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalaqaadid
-da: (magac, dhedig. keli) kafaaloqaadis u suubbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxsalaaxid
m.f.dh eeg madaxsalaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxsalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacasha gacanta timaha madaxa dulmarmarin. Madaxsalaaxidda ninka weyni waa diidmo asturan.
madaxsalaaxid-da: (magac, dhedig, keli) ilmo ama cid masuul laga yahay u sii laandayn oo gar iyo gardarraba ku taageerid. Dh: rabarabayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mu'aamarad-da
conspiration.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhaaddaraad
m.l Waxyaabaha maanka dooriya. la-mid: muqaaddaraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mukhaaddaraad
m.l Waxyaabaha maanka dooriya. la-mid: muqaaddaraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mukhaaddaraad
m. n., [collective] drugs, narcotics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mukhaaddaraad
-ka: (n) narcotic (naar koo tik)-, an addictive drug ~ muqaaddaraad, daroogo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhaaddaraad
-ka: (magac, lab, keli) macguud oo koobsada wixii maandooriye ah oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukhaaddaraad
a: muqaaddaraad
bw: Arabic
de: drugs, narcotics
lx: mukhaaddaraad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: mukhaaddaraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasarcaadid
(Indhasarcaadid-da)
Indhasarcaad ku dhicid; ilxaaxid; indhawirqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasarcaadid
m.f.dh eeg indhasarcaad².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MUDDO KU GADID
Vendita a tempo
Time sale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidaa daraadeed
conj-expr: for that reason, therefore
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidaa_daraadeed
de: for that reason, therefore
initial: s
lx: sidaa daraadeed
ps: conj-expr
key: sidaa_daraadeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubaansalaaxid
m.f.dh eeg suubaansalaax. la-mid: suubasalaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubaansalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax suubban aha ku salaaxid.