mudan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudan
1. (') Meel lagu mudey; meel ka taagan, ka likaysan; wax lagu mudey.
2. a) Wax mutaystay; wax galabsaday; istaahiley. b) (adaa mudan, kd.) waxay weligeed wehelisaa oo laga dabo yiraahdaa mahadsanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudan
mudan¹: m.l (mudan, m.l) Qaddarin gaar ah qof la siiyo; wax la mutaystay. la-mid: mudanti.
mųdan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax meel ku turqan noqosho (shay).
mudan²: m.dh 1. Erey tilmaama naag sharaf mudan. 2. (m.u) Dad muhim ah.
mųdan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la muday ahaansho.
mudan³: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Qof wax u qalama ahaansho. 2. Qof wax sharaf huwan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudan
mudan¹: m.l (mudan, m.l) Qaddarin gaar ah qof la siiyo; wax la mutaystay. la-mid: mudanti.
mudan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Qof wax u qalma ahaansho. 2. Qof wax sharaf huwan ahaansho. m.f.dh, mudnaan.
mųdan: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax meel ku turqan noqosho (shay). m.f.dh, mudmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudan
der. [adjective] pierced, injected
mudan [derived] [adjective] deserved, worthy of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mudan
-mudnaa I mudnayd: (adj) 1. merited (meer'itidh)-, earned (ee-rnidh)-, deserved (di-zeerved)-, well-merited. 2. punctured (panjaridh)-, injected (injaktidh) ~ duran, dalooshan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Mudan
Meritevole
Meriting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mudan
magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo in ay wanaag oo dhan iyadu mutaysato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudan
(tilmaame) la turqay ah; wax irbad dawo ah lagu duray ah; ku taagan oo lagu muday ah. Cunugga irbad baa ku mudan. Dh: turqan, duran.
mudan: (tilmaame) inta kale ka xiga oo uga habboon. Dalka waxa u talin kara, nin la doortay oo mudan. Dh: istaahila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudane
(Mudana-ha)
1. Qof in la weyneeyo mudan ama mutaystay oo dhan.
2. Magac lagu muuneeyo madaxda iyo waayeellada dadku soo doorto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudane
m. n. senior man, elder; Mr., mister, sir; honorable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mudane
-mudanaha: (n) 1. member of a parliament, 2. Mister (mis 'ter); Mr. (mistar); gentleman (jental-man), sir (seer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudane
-ha: (magac, lab, keli) magacmartabeed laga horraysiiyo magaca qof rag ah oo la sheegayo. Dh: sayid.
mudane -ha: (magac, lab, keli) magac martabeed loogu yeedho qof xil baarlamaan loo doortay . Dh: xildhibaan.
mudane -ha: (magac, lab, keli) inta sii joogtay reer ay martiyi u soo hoyatay; cid aan marti ahayn. Dadku waa marti iyo mudane. Li: marti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudane
de: senior man, elder; Mr., mister, sir; honorable (as title for heads of state)
lx: mudane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: mudane
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mudane
سید
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudsan
(tilmaame) turqan oo ku taagan. Qodax ayaa i mudsane iga gooya. Dh: wareensan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudan
(tilmaame) wax si xooggan lagu hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudan
La gudey; buuryadii laga gooyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la guday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudan
der. [adjective] circumcised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudan
-aa: (adj) removed the prepuce or a part of the clitoris; circumcised ; (serkamseeysidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudan
(tilmaame) qof buuryadii laga jaray oo la xalaaleeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudan
de: circumcised
lx: gudan
pd: (gudnaa)
ps: adj-der
key: gudan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudan
-ta: (magac, dhedig, keli) buuq ka dhashay is afgaranwaa. Dh: khilaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax dhagax lagu arjimay ahaansho. 2. Wax dhawaaqiisa la jiiday ahaansho (xaraf). la-mid: medan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madan
der. [adjective] long, lengthened (sound of any vowel) {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhagax lagu arjimay ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madan
de: long, lengthened (sound of any vowel) {grammar}
lx: madan
pd: (madnaa)
ps: adj-der
key: madan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
medan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: madan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
medan
(tilmaame) dhagax ku dilan. Nin medan ayaa xabaalaha lagu aasay.
medan: (tilmaame) med leh oo la jiiday ah Qur'aanka ereyga medan waa la dheereeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudaa
(Mudaa-ga)
Qalab wax lagu tolo oo kabatolahana ka yar, mudacana ka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudaa
m.l (-aayo, m.dh) Qalab wax lagu tolo oo kobotolana ka yar, mudacana ka weyn oo caarad ballaaran leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudaa
m.l (-aayo, m.dh) Qalab wax lagu tolo oo kobotolana ka yar, mudacana ka weyn oo caarad ballaaran leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudaa
m. n. kind of awl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaa
-ga: (magac, lab, keli) qalab wax lagu tolo oo kaba'tolaha ka yar mudacana ka weyn oo lagu dhufaamo wananka iyo orgiyada inta dab la geliyo ayaa laga mudhbixiyaa xiniinyahooda; qof wax muda oo turqa. Dh: midhxaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudaa
de: kind of awl
lx: mudaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mudaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudac
(Mudac-a)
Qalab wax lagu tolo oo daab yar oo la qabto iyo af dhuuban leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudac
m.l (-cyo, m.dh) Qalab af dhuuban oo daab qori ah oo la qabsado leh, laguna tolo dhiilaha, haamaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudac
m.l (-cyo, m.dh) Qalab af dhuuban oo daab qori ah oo la qabsado leh, laguna tolo dhiilaha, haamaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudac
m. n. awl, prong, pointed instrument
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mudac
-a: (n) large-sized needle (niidhal) ~ maxaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudac
-a: (magac, lab, keli) bir yar oo duuban oo af fiiqan oo daab yarna xagga dambe laga geliyo oo masafaha, dabaqda, gorfaha iyo haamaha lagu tolo. Malo rag waa mudacyo afkood.
mudac-maddiil -ka: (magac, lab, keli) bir afkana midi ka ah xagga dambana af dhuuban leh oo lagu jaro hilib-dalqaha iyo ilko-dacawada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudac
de: awl, prong, pointed instrument
lx: mudac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: mudac
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUDUN
(Muthun) S, C Thylachium thomosii Gilg. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muran
(Muran-ka)
Hadal aan la iska gar-qaadanayne, dood iyo asaraar keliya ah; jactad; ogaaldiid; cilaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muran
muran¹: m.l Dood aan layska gar qaadanayn oo asaraar miiran ah.
muran²: f.g1 (-rmay, -rantay; -rmi) La m.: si asaraar ku jiro cid ula doodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muran
muran¹: m.l Dood aan layska gar qaadanayn oo asaraar miiran ah.
muran²: f.g1 (-rmay, -rantay; -rmi) La m.: si asaraar ku jiro cid ula doodid. m.f.dh, murmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muran
m. n. argument, altercation, quarrel, controversy
muran v. dispute, argue (over), criticize, debate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muran
-ka: (n) argument (aar gument), dispute (dis piyuut); quarrel (kuwoor'al).
muran: murmay murantay murmeen / muranay: (v) argue (aar giyuu); quarrel (kuwoor'al); wrangle (raang gal); bicker (bik'ar); squabble (iskuwaab bal)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Muran
Litigio
Wrangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muran
(fal) murame samee; cid la dood oo moron aan natiijo lahayn ku daal.
muran: (tilmaame) wax la gammuray. Bakoorad dabada ka muran ayuu la dhacay Dh: gammuuxan, gammuuran.
muran-ka: (magac, lab, keli) hadal dood la isweydaarsanayo ah oon isqancin cilmiyaysan iyo garowshiiyo midna jirin. Dh: murame, maran, marame, morome, jikaar, asaraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muran
cf: asaraar, hagag
de: argument, altercation, quarrel, controversy
lx: muran
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: muran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Cunno wax la ruday ahaansho. la-mid: rudhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudan
(fal) wax ilkaha lagu goostay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barlammaan
* (Barlammaan-ka)
1. Shirka mudaneyaasha tolku doorto, oo sharciyadana dejiya, siyaasada dowladdana dusha ka ilaaliya.
2. Golaha ama aqalka mudaneyaashu ku shiraan (ama baarlammaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawad
(Daawad-ka)
1. Waxa la daawado; in la daawado mudan.
2. Daawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalkummar
* (Dalkummar-ka)
Xaashiyo rasmi ah oo buug qaabki leh oo dawladi dadkeeda dalal shisheeye u socdaalaya u goyso; waxay caddaynayaan haybta iyo tolka qofka. Qofkii sitaa wuxuu dalkiisa iyo dalalka shisheeyahaba ka mudan yahay in la dhawro oo xumi iyo dhibba laga ilaaliyo. Baasaboor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaban
Si adag u mudan; dhidban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhidban
Meel si adag ugu mudan; la dhidbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gar
1. (Gar-ka) a) Timaha ka baxa bushimaha hareerohooda iyo camanka iyo daamanka. b) Bir ama qori, kd., soo baxsan oo qaroofan, c) Garraarka dumarka. d) Doc; dhinac.
2. (Gar-ta) Abbaarta iyo xeerka, qof walba wax uu lee yahay ama uu jid u lee yahay ama uu mudan yahay, siiya; garsoor ku dhisan, eexasho la'aan; xaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyaan
(Geyaan-ka)
1. (guur) inta is guursan karta iyo inta aan is guursan karin, xiriirka u dhexeeya iyo waxa ay kala mudan yihiin.
2. Xeerka maamula kufka; dadka isku habboon inay is guursadaan iyadoo laga eega hayo xagga da'da, xagga dhaqanka, kd.; kuf; ama gayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gole
(Gola-ha)
1. Meel bannaan ama dhis ku wareegsan yahay oo korka ka bannaan oo laysugu yimaado; ardaa.
2. Meel lagu shiro oo arrimaha waaweyn oo tolka lagu galo oo lagu maamulo; aqalka mudanayaasha; Barlamaan.
3. Goob fagaare; (ama gale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaahila
Galabsada; mutaysta; mudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadsanid
Erey qofkii wax wanaagsan sameeya lagu yiraahdo (isaguna uu kolkaas yiraahdo: Adaa mudan); waxay la mid tahay: waa aad mahadsan tahay, mahad badan, lib baan kuu hayaa, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naa'ib
(Naa'ib-ka)
1. Nin boqorka ka wakiil ah oo jago iyo maamul weyn haya.
2. Nin dadweynuhu soo doortay oo ka wakiil ah; mudane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afceli
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuub
m.l (-bab/-byo, m.l) Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afnaq
afnaq¹: m.l la-mid: afnaqid.
afnaq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Magac qof kale ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu warcelin; afceli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraar
baraar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.
baraar²: m.dh Neef lo' ah oo leh geeso labada dhinac u kala rogan; sheexo.
baraar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaab
dhaab¹: m.dh (-bab, m.l) 1. Qori, bir iyo wixi lamida oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iyo wixi lamida. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.
dhaab²: f.g1 (-bay, -btay) Qof, bir, iyo wixi lamida dhulka xoog ugu mudid si uu u xajiyo dhismo iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dolmayt
m.l (-tyo, m.dh) (jooloji) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Meel dad si joogto ah isugu yimaaddaan oo ay danahooda ugaga wada hadlaan. 2. Goob, fagaaro. 3. Mudanayaal si dastuuri ah dad u soo doortay. la-mid: gale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaad
kaad¹: m.l 1. Irridda aqalka xaggiisa gudaha. 2. Labada udub oo aqalka irriddiisa ku mudan midkood.
kaad²: m.dh Habeen aan dhaxani jirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudan_1
de: pierced, injected
hm: 1
lx: mudan
pd: (mudnaa)
ps: adj-der
key: mudan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudan_2
de: deserved, worthy of
hm: 2
lx: mudan
pd: (mudnaa)
ps: adj-der
xe: Youre welcome ~ Don't mention it.' [Lit: you deserve it] Reply to mahadsanid 'thank you'; rw: mudo
xv: Adaa mudan.
key: mudan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudanti
m.dh la-mid: mudan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muddo ama wakhti u yeelid, bal dambe u dhigid. Dh: muddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhxan
(tilmaame) dub iyo diirba hoolan, Ged mudhxan ayuu midho u doontay, Dh: muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudnaan
mudnaan: m.f.dh eeg mudan³. la-mid: mudnaansho.
mųdnaan: m.f.dh eeg mųdan². la-mid: mųdnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudnaan
f. n. injection
mudnaan [feminine] n. priority; state of being deserving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mudnaan
-ta: (n) importance (im poort'ancs)-, priority (para-yoorati); merit (meer 'it) ~ ahmiyad; qaddarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) turqanaan oo wax la muday ahaan.
mudnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax kale oo dhan uga xaq lahaan; mid wax mutaystay ahaan. Ninka baahan ayaa mudnaanta la siiyaa kolka gargaar la qaybinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budayn
(Budayn-ta)
Budo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budayn
m.f.dh eeg budee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bud ku garaacis. Dh: ulayn.
budayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ridgid oo budo ka dhigid. Budaynta hadhuudhka tabar uma hayee iga nasi.
budayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ama dareer, budo ku darid. Budayntii unbaa u hadhsan shuurada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curdan
(Curdan-ka)
(geed, kd.) dhowaan dhashay oo aan weli gahayr noqon; (ama curdin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdan
m.l 1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. la-mid: cardun, curdin, curdun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curdan
m. n. young plant, sapling, shoot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curdan
-ah: (adj) 1. young (yaang); immature (imajuur) ~ dhallinyar. —Syn: youthful, adolescent, juvenile, puerile. 2. unripe (an-raayp); immature ~ aan bislaan, cargo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdan
-ka: (magac, lab, keli) geed iyo wixii la mid ah, oo dhowaan dhashay; wax dhashay oo aan weli adkaan. Dh: curdin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curdan
a: curdin
de: young plant, sapling, shoot
lx: curdan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: curdan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudsan
dudsan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho (qof).
dųdsan: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: didsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dudsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho (qof). m.f.dh, dudsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dudsan
der. [adjective] suspicious (of something), paranoid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dudsan
-aa / ayd: (adj) angry (ang-geri), disgruntled (dis-gurantlidh) ~ see [eeg] caraysan, xanaaqsan, xayraansan, ciishaysan,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudsan
(tilmaame) mid dudmo ku maqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dudsan
de: suspicious (of s.t.), paranoid
lx: dudsan
pd: (dudsanaa)
ps: adj-der
see: didsan
key: dudsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudban
1. Gudub u dhigan; babcan.
2. (Gudban-ta) (xiddigo) xiddigta u dhexaysa bayaxawda iyo libcasta; xiddigta sadexaad oo daalallida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudban
gudban¹: m.dh 1. Xiddig u dhexeysa bayaxawda iyo libcasta. 2. Naag madax adag.
gudban²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax babac u yaal ahaansho. 2. Ku g.: wax, wax kale ku aaddan ahaansho.