mucurtood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mucurtood
(Mucurtood-ka)
Baahi weyn wax u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurtood
m.f.dh eeg mucurtoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucurtood
-ka: (magac, lab, keli) (u ~) baahi xoog ah wax u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U m.: wax baahi weyn u qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucurtoo
(fal) baahi ad aad wax ugu baahan tahay la dhibaatoo. Weligaaba mucurtoo kol uunbaad ka bixi doontaaye. Dh: dhibaatoo, baaho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucuurtoon
-ka: (magac, lab, keli) baahi weyn wax u qabid. Mucuurtoon awgeed xalay ma gam'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurto
m.dh la-mid: mucurti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mucurtow
v. crave, be craving, have a strong need
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mucurtow
de: crave, be craving, have a strong need
lx: mucurtow
nt: mucurtood (ka) [vn-m]
pd: (mucurtooday)
ps: v3a=
key: mucurtow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurtood
(Xuurtood-ka)
Xuurto qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtood
m.f.l eeg xuurtoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuurtood
m.f.l eeg xuurtoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuurtood
-ay / xuurtootay: (v) become exhausted (ig-zoostidh) ~ daal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtood
-ka: (magac, lab, keli) hiinraag iyo hiinfaadh uu orodku keeno. Kolka xuurtoodku kaa ba'o ku celi orodkii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macuurtoon
(tilmaame) eeg macauurtaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mururugood
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garina gelin garina ka bixin. Dh: murugmaarug.
mururugood -ka: (magac, lab, keli) wax bur iyo biyo ah ama fud iyo faar ah oo isku dhexjira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lurtood
(fal) dhibaatood oo shiddo dareemid.
lurtood-ka: (magac, lab, keli) dhib la kulan. Dh: dhibtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mucurti
(Mucurti-da)
Baahi weyn oo wax loo qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurti
m.dh Baahi weyn. la-mid: mucurto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mucurti
f. n. craving, strong need
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucurti
-da: (magac, dhedig, keli) baahi xoog ah oo wax loo qabo oo uu qofku galo xaalad isciilkaambi ah. Dh: ciilkaambi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mucurti
de: craving, strong need
lx: mucurti
pd: (-da)
ps: n-f
key: mucurti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murcood
m.l la-mid: murcud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murcood
m.l la-mid: murcud.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURCOOD
(Murot) C,S Ximenia americana L. Olicaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murcood
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal taagtaagan oo aan u meel dayin hadalkiisa.
murcood -ka: (magac, lab, keli) midho ka baxa geed gaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgood
m.l la-mid: murugood.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURYOOD
[MWIOT] Grewia tembensis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusood
(Muusood-ka)
Dhoolbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusood
m.l la-mid: muusaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusood
m.l eeg muusaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusood
v.pat: smile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusood
(fal) qosol dhoolla caddayn ah oon weyneyn qosol. Kolkaad qoslaysid afka ha waaxine muusood. Dh: muusoo, dhoolla caddee.
muusood -ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oo la qoslo. Muusoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusood
bw: muusaab
de: smile
lx: muusood
nt: muusood (ka) [vn-m]
pd: (muusooday)
ps: v1=pat
key: muusood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurood
m.f.l eeg suroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xuurto dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xuurto dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtoo
(fal) aad u xiiq oo hiinraag. Aad u orod oo u xuurtoo. Dh: neefqabataw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntood
m.f.l eeg guuntoo. la-mid: guuntoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuntood
m. n. female animal remaining unmated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuntood
-ka: (magac, lab, keli) eeg guntoobid. guuntow: (fal) lax, wan saarta waa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuntood
de: female animal remaining unmated
lx: guuntood
pd: (-ka)
ps: n-m
key: guuntood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucuurto
-da: (magac, dhedig, keli) baahi xoog ah oo wax loo qabo oo uu qofku galo xaalad isciilkaambi ah. Dh: ciilkaambi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugood
(Murugood-ka)
Murugo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugood
m.f.dh eeg murugoo. la-mid: murgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugood
v.pat: worry, be anxious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugood
-ay / murugootay: (v) become sad; sadden (saad'an)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugood
-ka: (magac, lab, keli) murugo iyo welwel ku jirid. Dh: tiiraanyood.
murugood: (fal) welwel oo uurkutaallo ku jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugood
de: worry, be anxious
lx: murugood
nt: murugood (ka) [vn-m]
pd: (murugooday)
ps: v1=pat
key: murugood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunsood
-ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oon afka la kala waaxin. Muunsoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn. Li: afkalawaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtoon
-ka: (magac, lab, keli) neefqabatow ku yimaad harraad iyo daal. Nin xuurtoon baan biyihi waraabiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguntood
m.f.l eeg guguntoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubburyood
(Dubburyood-ka)
Haftood; xuurtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubburyood
m.l la-mid: dibbiryood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubburyood
v.pat: be short of breath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubburyood
-ka: (magac, lab, keli) neefqabataw nakhaska la soo bixin kari waayo. Muquurtu waxay keeni kartaa dubburyood. Dh: neefqabatow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubburyood
de: be short of breath
lx: dubburyood
pd: (dubburyooday)
ps: v1=pat
see: dibbiryood
key: dubburyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maruuryood
-ka: (magac, lab, keli) murugo iyo cil ku jirid. Dh: murugood, urugood. Li: faraxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxuurtoon
-ka: (magac, lab, keli) qof aan hiinraagin oon neefqabatoobin. Dh: ma xiiqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtoobid
m.dh la-mid: suuroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtoobid
-da: (magac, dhedig, keli) suuraggal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carood
(Carood-ka)
Caro gelid; xanaaqid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carood
m.l eeg caroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carood
m.l eeg caroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carood
inch. v. be angry
carood vl. n. becoming angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carood
-ay / carootay: (v) become angry ~ xanaaq, cadhood. Ex: degdeg bay u carootaa; she gets angry too quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carood
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurood
m.l (-dyo, m.dh) Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurood
m.l (-dyo, m.dh) Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurto
f. n. movable goods; group of people traveling and not settled yet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurto
-guurtada: (n) movable assets or properties
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurto
-ta: (magac, dhedig, keli) hantida dhaqdhaqaaqda ee aan maguurtada ahayn sida xoolaha iyo lacagta. Dh: maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurto
de: movable goods; [ext.] group of people traveling and not settled yet Opp: magguurto 'unmovable goods'
lx: guurto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: guurto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirood
-ka: (magac, lab, keli) xoolo habeennimo daaqa; qof saq dhexe cunto u toosa. Lo' mirood ah ayuu libaax helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: murugoo. murgood m.l la-mid: murugood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murtad
(Murtad-ka)
Qof diintii uu haystey ka baxay oo riddoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murtad
m.l (-diin, m.dh) (dii.) Qof muslim ahaa oo diinta Islaamka ka baxay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murtad
m.l (-diin, m.dh) (dii.) Qof muslim ahaa oo diinta Islaamka ka baxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murtad
m. n. apostate, Muslim who has converted to another religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murtad
-ka: (n) recanter (ri-kaant'er); apostate (a poos-teeyt); renegade in Islam ~ gaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtad
-ka: (magac, lab, keli) qof muslin horay u ahaa oo diin kale raaca. Dh: riddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murtad
bw: Arabic
de: apostate, Muslim who has converted to another religion
lx: murtad
pd: (-ka Pl: murtadiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: murtad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurso
f.g3 (-saday, -satay) Adke dhadhan leh oo afka ku dhex jira candhuuf iyo dhaqdhaqaaqa daamanka hoore la liqi karo ka dhigid. la-mid: muudso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muurso
f.g3 (-saday, -satay) Adke dhadhan leh oo afka ku dhex jira candhuuf iyo dhaqdhaqaaqa daamanka hoore la liqi karo ka dhigid. m.f.dh, muursasho. la-mid: muudso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurso
v. suck on something (caramel, juicy seed) in one's mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurso
(fal) muur ka dhigo. Dameerkaa sii muurso inta wax kuu dhaama aad helayso. Dh: muurayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurso
a: muudso
de: suck on s.t. (caramel, juicy seed) in one's mouth
lx: muurso
pd: (muursaday)
ps: v3a=tr
key: muurso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: muusaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: muusaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusoo
(fal) dhoollo caddee. Muusoo oo farxaddaada muuji. Dh: dhoollacadee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuurto
name-f shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuurto
magac loo baxsho gabadh xilli iftiin ah dhalatay ama reerkii ay u dhalatay nuurtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Fal isjejebin iyo islaweeyni ku jirto muujin (haween).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuroo
(fal) fal isjejebin iyo islaweeyni ku jirto muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurto
(Xuurta-da)
Wixii nafley ah oo aad u orda, neefta qabata oo ku xayiranta; xiiq; hafto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurto
m.dh Culays ku yimaada neefta marka nafley orod ku daasho ama hawl iyo wixi lamida. la-mid: xiiq.