moxorcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxorcad
m.l Jaad ka mid ah geedaha moxorka ee beeyada cad dhala. la-mid: moxorcadde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxorcad
-ka: (magac, lab, keli) geed moxorka jaadadkiisa ka mid ah oo fooxa cad laga gurto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOXOR-CAD
(Mohor-ad) N Boswellia frereana Bridwood. Burseraceae.
N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
N Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxorcadde
m.l la-mid: moxorcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxorcadde
-ha: (magac, lab, keli) geed moxorka jaadadkiisa ka mid ah oo fooxa cad laga gurto. Moxorcaddeha xabag innooga soo gur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
motorcade
/mowtar keydh/ (n) baabuur badan oo is wada daba socda (oo sanka isku wada haya).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mohorad
(Mohorad-da)
Joonyad ama kiintaal badar ah, oo la kala baray, bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mohorad
m.dh (-do, m.l) Kiintaal la kala baray barkii. la-mid: mohaar, mohoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mohorad
f. n. half a sack (of grain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mohorad
-da: (magac, dhedig, keli) joonyad nuskeed, kiintaal badhkii. Mohorad daqiiq ah ii miisaan. Dh: badh, nus, shub.
mohorad -da: (magac, dhedig, keli) muuqaal wanaagsan oo caafimaad qab uu ka muuqdo. Dh: johorad, aragti, jidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mohorad
de: half a sack (of grain)
lx: mohorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: mohorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxormadow
m.l Nooc ka mid ah geedka moxorka oo beeyo madow dhala. la-mid: moxormadoobe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxormadow
-ga: (magac, lab, keli) geedka moxorka jaadadkiisa mid ka mid ah oo foox casuus madowga xiga leh. Moxormadow haddaad haysid iga iibi. Li: moxorcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqorafad
-da: (magac, dhedig, keli) daasad dheg la qabsado leh oo haamaha miyiga biyaha lagaga cabbo. Dh: moqorofad, daasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqorofad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg moqorofad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOXOR-LAB
(Mohor-lab) N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOXOR-MADOW
(Mohor-madu) N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moora
-da: (magac, dhedig, keli) afarta min faalbadhtamihiisa u dhexeeya. Lo'da urur ku mooraysa iyo cirirka maansheeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moxor
(Moxor-ka)
Geedaha xijiga jaad kamid ah oo beeyada dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxor
m.l (moxor, m.dh) Geedaha xijiga jaad ka mid ah oo beeyada dhala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moxor
m.l (moxor, m.dh) Geedaha xijiga jaad ka mid ah oo beeyada dhala.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moxor
m. n., [collective] plant, ((Boswellia)) species, used for incense
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOXOR
(Mohor) N Boswellia frereana Bridwood. Burseraceae.
N Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
N Boswellia sacra Fluechiger. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moxor
-ka: (n) type of frankincense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxor
-ka: (magac, lab, keli) geedaha xijiga laga Isarco geed ka mid ah oo beeyada laga gurto. Moxor ayaan xabag ka soo gurtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moxor
bw: used for incense
de: plant,
lx: moxor
pd: (-ka Pl: moxor (ta))
ps: n5-m-col
sc: Boswellia
key: moxor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorad
(Doorad-ka)
Doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorad
m.l la-mid: doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorad
-ka: (magac, lab, keli) xulasho oo wax badan oo meel yaal wixii ku cajabiya kala dhex bixid. Dh: doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foorad
(Foorad-da)
Qaybaha cayaaraha (turub, kd.) la isu tirsado oo lagu kala badiyo, middood; guul; duq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida. looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foorad
vl. n. winning (of game), win
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorad
-da: (n) [Pl. fooradood] Sports & Games; the deciding points in game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorad
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha ciyaaraha lagu kala badiyo oo la isku tirsado middood. Dh: guul, duq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foorad
cf: dhibic, duq
de: winning (of game), win
lx: foorad
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: foorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorad
(Qoorad-ka)
Qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorad
m.l la-mid: qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soocad
(Soocad-ka)
Soocasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soocad
m.l la-mid: soocasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soocad
vl. n. act of separating oneself ~ for oneself; choosing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocad
-ka: (magac, lab, keli) eeg soocasho.
soocad -ka: (magac, lab, keli) qof, darti ama naftiisa, wax u soocid; doorasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soocad
a: soocasho (/da) [vn-f]
de: act of separating oneself ~ for oneself; choosing
initial: s
lx: soocad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: sooco
key: soocad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorad
-da: (magac, dhedig, keli) biraha furinka lagu dubo ee moofada la geliyo. Tooradii furunku way kala jabtay.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) gabal bir ah oo godan oo qof qaadi karo oo ciidda iyo sibidhka lagu qaado oo ka mid qalabka dhismaha. Dh: tawrad.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) daasad weyn oo biyaha lagu darsado xoolahana lagu waraabiyo, sida gorofka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqorad
(Boqorad-da)
Qof dumar ah oo boqortooyo u talisa; marantida boqorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqorad
m.dh (-do, m.l) Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqorad
m.dh (-do, m.l) Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqorad
f. n. queen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqorad
-da: (magac, dhedig, keli) qof haween ah oo waddan boqortooyo ah u talisa.
boqorad -da: (magac, dhedig, keli) shinnida ta wada dhasha ee kolba meesha ay joogto shinnida inteeda kale degi. Boqoradda shinnida u soo qaad oo gaaggurta dhex dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqorad
de: queen
lx: boqorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: boqorad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boqorad
مَلِكَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsad
(Doorsad-ka)
Doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsad
m.l la-mid: doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsad
vl. n. exchange (as of money); healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsad
-ka: (magac, lab, keli) shey aad haysatay, wax kale ku beddelasho. Dh: doorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsad
a: doorsasho [vn6-f]
de: exchange (as of money); healing
lx: doorsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: doorsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorsad
(Hoorsad-ka)
Hoorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorsad
m.l la-mid: hoorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorsad
-ka: (magac, lab, keli) wax da'aya ama shubmaya weel ama sacabka u dhigasho. Dh: hoorsasho, hoorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Johorad
(Johorad-da)
1. Wax laysku qurxiyo oo ka samaysan dhagxanta qaaliga ah, siiba kuwa quruxda ku darsaday dhalaal iyo if.
2. Wax kastoo qurux badan ama aad loo jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
johorad
m.dh la-mid: jawharad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
johorad
f. n. jewel, gem; precious thing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Johorad
name-f gem, jewel; precious. Syn: Jawaahir, Jawhar, Jawharad, Jowhar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
johorad
-da: (n) precious metal or gem; jewel (juwal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Johorad
magac loo baxsho gabadh lagu metaalay macdan qaali ah oo la ilaaliyay oo qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
johorad
-da: (magac, dhedig, keli) burunji iyo qurux dhalasho ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
johorad
a: jawharad ~ jowhar
de: jewel, gem; precious thing
lx: johorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: johorad
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
monarca
s.m. - boqor.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Moorgan
nickname-m sharpshooter; sometimes confused with the english name of Morgan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorsad
(Roorsad-ka)
Roorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorsad
m.l la-mid: roorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsad
-ka: (magac, lab, keli) roorsasho wax la roorsado. Awrku roorsad buu hal ku dhoodaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soorgad
m.l S. leh: qof had iyo jeer caato ah oo aan cuntadu hilib ku kordhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soorgad
-da: (magac, dhedig, keli) qof cuntada ku cayilin si kaste oo wax loo siiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqoraad
der. [adjective] imperial, royal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqoraad
de: imperial, royal
lx: boqoraad
ps: adj-der
key: boqoraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kororsad
(Kororsad-ka)
Wax kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kororsad
m.l la-mid: kororsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kororsad
vl. n. increase, act of increasing; improvement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kororsad
a: kororsasho (/da) [vn6-f], kororsi (ga) [vn2a-m]
de: increase, act of increasing; [ext.] improvement
lx: kororsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kororsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxorlo'
m.l Nooc ka mid ah geedka moxor oo beeyo dhala.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Motor-cars
Baabuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foororsad
(Foororsad-ka)
Foororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foororsad
m.l la-mid: foororsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foororsad
-ka: (magac, lab, keli) madaxa iyo qarqarkaaga sare hoos u laabid. Dh: foororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodircad
m.l Midab geel oo ah madow caddaan ku badan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqorofad
-da: (magac, dhedig, keli) weel yar o qooshka lagu qaado marka lagu shubayo daawaha. Dh: moqorofad, masti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsad
-ka: (magac, lab, keli) hanti dadweyne xoog ama xeelad ku qaadasho oo suuqa madaw u weecsasho. Maroorsadka hanti lagugu aaminay xisaab ayaa ka dambaysa. Dh: leexsad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mooracase
nickname-m coral-red; he whose corral (pen) was built with large reddish stones
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mooracase
magac loo bixiyo wiil midab casaan xiga leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysad
m.l la-mid: mooraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Morooqsad
(Morooqsad-ka)
Marooqsasho,
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
motor-way
/mowtar-wey/ darawal (bre) highway (ame) (n) haay-weey (waddo xawaare badan baabuurtu ku socoto oo aan ishaaro lahayn).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOXOR-LO'
(Mohor-lo') N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoobsad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudud ah fadhiisasho. Waar waa sidee yoxoobsashadu. Dh: yuurursasho, yoxoobsi.