ereyga

mowqif

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mowqif

DHAN

m.l la-mid: mawqif.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mowqif

DHAN

m. n. position, stand, attitude, viewpoint

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

mowqif

DHAN

-ka: (n) way of thinking; point of view; stance (istaans); belief (beliif); opinion (opiin 'yan); attitude (at'atuud) ~ mawqif

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mowqif

DHAN
1

-ka: (magac, lab, keli) meesha la iska taago arrin la hayo ama go'aanka laga qaato. Mowqif adag ayay dawladdu ka qaadatay argagixisada. Dh: go'aan.

2

mowqif -ka: (magac, lab, keli) go'aan qof qaato ama ka gaadho arrin. Mowqif adag ayuu ka qaatay arintaasi. Dh: go'aan.

3

mowqif -ka: (magac, lab, keli) meel dad iskugu yimaadaan oo la istaago. Mowqifka Carrafo ayaan isku aragnay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mowqif

DHAN
1

de: position, stand, attitude, viewpoint

2

lx: mowqif

3

pd: (-ka)

4

ps: n2a-m

5

see: mawqif

6

key: mowqif

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mawqif

DHAFAN

m.l (-fyo, m.dh) Go'aan cad oo uu qof iska taago arrin adag. la-mid: mowqif.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

mawqif

DHAFAN

m.l (-fyo, m.dh) Go'aan cad oo uu qof iska taago arrin adag. la-mid: mowqif.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mawqif

DHAFAN

m. n. position, posture, situation; attitude, stand, opinion, viewpoint

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

mawqif

DHAFAN

-ka: (n) way of thinking; point of view; belief (beliif); opinion (opiin 'yan); attitude (at'atuud) ~ mowqif

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mawqif

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) qo'aan adag oo laga qaato xaalad; meel adag oo arrin la iska taago. Dh: qaraar, go'aan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mawqif

DHAFAN
1

a: mowqif

2

bw: Arabic

3

de: position, posture, situation; attitude, stand, opinion, viewpoint

4

lx: mawqif

5

pd: (-ka)

6

ps: n2a-m

7

key: mawqif

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aabonimo

DHAABAN

m.dh (siyaasad) Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

adkayso

DHAABAN

f.g/mg3 (-stay, -satay) 1.(f.g) Gunti, xarig iyo wixi lamida oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iyo wixi lamida iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

annaaniyad

DHAABAN

m.dh (-do, m.dh) (c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aabonimo

DHAABAN

m.dh (Siyaa.) Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

adkayso

DHAABAN

f.g/mg3 (-stay, -satay) 1.(f.g) Gunti, xarig iyo wixi lamida oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iyo wixi lamida iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho. m.f.dh, adkaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

annaaniyad

DHAABAN

m.dh (-do, m.dh) (c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

hard line

DHAABAN

/hardh-layn/ (n) mowqif-adag, aan isbedalayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

motif

DHAFANDHAAF

motif, n.m. - wax socodsiinaya; wax dhaqaajinaya; keenaya; sabab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mowti

DHAFANDHAAF

m.dh.u la-mid: meyti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

moorif

DHAFANDHAAF

m.dh Wasaq jilif leh oo dadku marka uusan muddo mayrsan korka ku yeesho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moorif

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wasaq jilif leh oo dadku marka uusan muddo mayrsan korka ku yeesho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

mollify

DHAFANDHAAF

/moolifay/mollification; (v) qaboojin; dejin (maslixid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

mortify

DHAFANDHAAF

/moortifay/ (v) muuna-jabin; niyad jabin (liidid); ihaaneyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mowhibo

DHAFANDHAAF

m.dh (dii.) Hibo waxgarasho oo Eebbe ku manaysto dadka qaarkiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

mowhibo

DHAFANDHAAF

m.dh (dii.) Hibo waxgarasho oo Eebbe ku manaysto dadka qaarkiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mowhibo

DHAFANDHAAF

f. n. talent, gift from God

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mowhibo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hibo fahmadeed ama garaad oo Eebbe qof siiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mowhibo

DHAFANDHAAF
1

de: talent, gift from God

2

lx: mowhibo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

key: mowhibo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mowlici

DHAFANDHAAF
1

(fal) mawlac samee.

2

mowlici-ga: (magac, lab, keli) qof mowlac tegis tiisa badsada ama inta badan u khidmeeya. Dh: saaxibmaqaam.

3

mowlici-ga: (magac, lab, keli) qof goobaha la wada fadhiisto u badan oo reermagaal ah.

4

mowlici-ga: (magac, lab, keli) qof qaadka aad u cuna. Dh: muqayil, jaadqamax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mowliid

DHAFANDHAAF
1

(Mowliid-ka)

2

1. Dhalashada Nebi Maxamed.

3

2. Iidda iyo xuska kolkaas la sameeyo.

4

3. Magaca bisha saddexaad oo dayaxa oo Nebigu gudaheeda ku dhashay; (ama Mowluud).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mowliid

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: mawliid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Mowliid

DHAFANDHAAF
1

m. n. birthday of the Prophet Mohammed; prayers said on the day

2

Mowliid m. n. third month of the Somali lunar calendar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

Mowliid

DHAFANDHAAF

-ka: (n) the birthday of Prophet Mohammed [peace and blessings be upon him] ~ mawliid

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Mowliid

DHAFANDHAAF
1

magac loo bixiyo wiil dhashay bisha Mawlid ee uu Nebi Muxamed dhashay, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene.

2

Mowliid -ka: (magac, lab, keli) bisha Rabiic al-Awal ee taariikhda Hijrada. Bisha Mowliid kolkay bilato ayaa aroosyada la dhistaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mowliid

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) xaflado lagu beego laba iyo tobanka Rabiic al-Awal ama bisha saddexaad ee Hijrada lana akhriyo qasiidooyin Nebi ammaan ah oo xusas iyo damaashaad la sammeyo laguna weyneeyo dhalashadii Nebigeenna, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene. Habeenka mowliidka carruurta caano iyo xalaawad baa loo qaybiyaa. Dh: mawliitunebi.

2

mowliid -ka: (magac, lab, keli) kitaab lagu ururiyay qoraallo iyo qasiidooyin nabi ammaan ah oo lagu akhriyo munaasabado badan ninka an aqoonna waagii hore wadaad laguma tirin jirin.

waa la naqliyay ✓