morso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòrso
s.m. - qaniinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorso
-da: (magac, dhedig, keli) bir labada dhinac looxaanta lagaga qabto oo faaradlayaashu adeegsadaan. Moorsada ku adkee kolkaad marbuuca jeexayso. Dh: qabato.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mors
mors, n.m. - baaq
mors à chameaux - dacay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órso
s.m. - madaxkuti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
corso
s.m. - korso; tog.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dórso
s.m. - duud, dhabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korso
f.g3 (-saday, -satay) Nafley yar xannaanaysasho si ay u korto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korso
f.g3 (-saday, -satay) Nafley yar xannaanaysasho si ay u korto. m.f.dh, korsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korso
v. look after, tend; adopt, raise (another's child)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korso
-korsaday / korsatay: (v) bring up; rear, especially someone's child; raise (reeyz); adopt child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korso
(fal) ubad ama xoolo dhaqo oo dhaqaalayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korso
de: look after, tend; [ext.] adopt, raise (another's child)
lx: korso
nt: korsad (ka) [vn-m], korsasho (/da) [vn-f]
pd: (korsaday)
ps: v3a=tr
key: korso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marso
(Marsa-da)
Meesha maraakiibta iyo doonyuhu dhigtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marso
marso¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhismo xeebaha badaha laga dhiso oo doonayaha iyo maraakiibta ku xirato. 2. Diilliin madow oo iduhu dhexda ku yeeshaan.
marso²: f.g3 (-saday, -satay) 1. Cunto, lacag iyo wixi lamida dhammaysasho. 2. Wax meel ka gudbisasho. 3. Dufan, rinji iyo wixi lamida ku dhaashasho. 4. Cashar cid ula tegid si loogu akhriyo (qof). 5. Marada ay xirantahay dhexda ka xirasho (haween). 6. Arrin meel gole ah ka caddeysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marso
marso¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhismo xeebaha badaha laga dhiso oo doonayaha iyo maraakiibta ku xirato. 2. Diilliin madow oo iduhu dhexda ku yeeshaan.
marso²: f.g3 (-saday, -satay) 1. Cunto, lacag iyo wixi lamida dhammaysasho. 2. Wax meel ka gudbisasho. 3. Dufan, rinji iyo wixi lamida ku dhaashasho. 4. Cashar cid ula tegid si loogu akhriyo (qof). 5. Marada ay xirantahay dhexda ka xirasho (haween). 6. Arrin meel gole ah ka caddeysasho. m.f.dh, marsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marso
f. n. sheltered place, harbor, port
marso v. finish (off ~ up), consume
marso v. put on clothes, dress (up)
marso v. read (out loud)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marso
-marsaday / marsatay: (v) rub, apply or smear something against the body
marso -da (n) small port; Ex: marsada Ceelaayo; Elayo small port
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marso
(fal) subag boomaad xinno iyo wixii la mid ah isku duug oo isku jijibi. Xinno marso. Dh: isku dhaboolaq.
marso: (fal) dhigo cashar oo cid kale ka baro. Orod casharka marso. Dh: akhriso.
marso: (fal) marsiimo ama maro kale xidho oo ku lebbiso. Marso gundhataha oo soco. Dh: xidho, lebbiso.
marso -da: (magac, dhedig, keli) deked weyn oo maraakiibtu ku soo xidhaan oo wax walba qaadi karta.
marso -da: (magac, dhedig, keli) deked aan dhisnayn oo uu ku xirto gaadiidka baddu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooso
f.g3 (-stay, -satay) Moos samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooso
(fal) ciid tiirso oo moos ka dhig. Aqalka daadka ka mooso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòrsa
s.f. - bir wax lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murso
f.g3 (-saday, -satay) Ka m.: caano, subag, malab iyo wixi lamida oo weel ku haray farta murugsatada ku tirsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oorso
-oorsad: (n) bear (beer) ~ dubbe
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sórso
s.m. - kabbo.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
torso
(n) the trunk of the human body.
lafta dhabarta dadka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moqorso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Neef dhali raabo minkiisa kalabbixid. 2. Welwel dhan waliba la eegid (neef foolanaya). la-mid: maqooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqorso
(fal) mogor biyo ka cab. Hadduu harraad ku hayo sidii ina Xagaadheere moqorso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rimòrso
s.m. - shallayto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorso
m.dh (-ooyin, m.l) Shay caag ama saan ka samaysan oo gacanta lagu qaadan karo oo lacag, dhar, buugag iyo wixi lamida lagu rito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorso
m.dh (-ooyin, m.l) Shay caag ama saan ka samaysan oo gacanta lagu qaadan karo oo lacag, dhar, buugag iyo wixi lamida lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorso
f. n. purse, wallet; grant, scholarship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorso
-boorsada: (n) [P1. boorsooyin-ka] bag (baag); purse (peers); hand bag (haandh bag)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorso
-da: (magac, dhedig, keli) kiish ka samaysan maro, balaastiig ama shiraac dharka, lacagta iyo wixxii la mid ah lagu gurto, yaryar iyo waaweyn ba leh. Jannaale boorso weyn sitaa baabuurka soo degay. Dh: shandad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorso
cf: deeq {It}
de: purse, wallet; [fig.] grant, scholarship
lx: boorso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: boorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho. m.f.dh, doorsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorso
v. change; heal, get better; exchange
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorso
de: change; heal, get better; exchange
lx: doorso
pd: (doorsaday)
ps: v3a=
key: doorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorso
f.g3 (-saday, -satay) Weel, gacan iyo wixi lamida in wax lagu shubo u dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoorso
f.g3 (-saday, -satay) Weel, gacan iyo wixi lamida in wax lagu shubo u dhigasho. m.f.dh, hoorsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoorso
v. catch a dripping ~ pouring liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorso
(fal) wax da'aya ama shubmaya weel ama gacanta hoos dhigo.
hoorso: (fal) 'gacmahacid kale, wax bari; baryootan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoorso
de: catch a dripping ~ pouring liquid
lx: hoorso
nt: hoorsad (ka) [vn-m], hoorsasho (/da) [vn-f], hoorsi (ga) [vn-m]
pd: (hoorsaday)
ps: v3a=
key: hoorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarso
maarso¹: m.dh Bisha saddexaad ee sannadka miilaadiga ah.
maarso²: f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ka m.: arrin falkeeda ka cabsasho; biqid. 2. Ka m.: wax fursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maarso
m.dh Bisha saddexaad ee sannadka miilaadiga ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maarso
f. n. March (third month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maarso
Mars.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Maarso
- Maarsada: (n) March (maaj). Ex: bisha Maarso; the month ofMarch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maarso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg Maaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarso
(fal) ka cabso; ka baq. Wax anad hubin ka maarso.
maarso: (fal) ka kaaftoon wax ad u baahnayd. Ka maarso gacan hoorsashada shisheeye. Dh: kaaftoon. Li: baaho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maarso
cf: bil {It}
de: March (third month of Roman calendar)
lx: Maarso
pd: (/da)
ps: n0-f-time, n6-f
key: Maarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Birta geerarka baabuurka bedbeddesha. 2. Makiinadda geerarka baaburka. 3. Socod dheer oo ciidanku sameeyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marsho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Birta geerarka baabuurka bedbeddesha. 2. Makiinadda geerarka baaburka. 3. Socod dheer oo ciidanku sameeyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsho
f. n. gearshift-lever, gear (of an automobile)
marsho [feminine] n. military march
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marsho
-marshada: (n) gear (giyar)-, gearshift (giyar-shift) ~ geyr-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsho
-da: (magac, dhedig, keli) geerka baabuurta laga bedbedelo kolka la kaxynayo. Dh: geer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerso
f.g3 (-saday, -satay) Wax mulkintooda la wareegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meerso
v. enclose; move ~ transfer something; dissociate, separate
meerso v. recite ~ repeat something (in a lesson) after someone for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerso
(fal) dhankaaga u melmelo; xaggaaga u jeedso; barbarka ad joogto u wareejiso. Meerso telefishanka anu waan ka daalee.
meerso: (fal) xaafad ka qaad oo xaafaddaada geyso. Meerso mooyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: miyirso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirso
v. come to, regain consciousness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirso
de: come to, regain consciousness
lx: miirso
pd: (miirsaday)
ps: v3a=intr
see: miyirso {S}
key: miirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodso
f.g3 (-saday, -satay) Wax gudbisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Moosko
pr. n., loc. Moscow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Moosko
(n) Moscow (moos 'kaaw); the capital and largest city of Russia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Moosko
de: Moscow
lx: Moosko
ps: n0-loc
key: Moosko
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morass
/maraas/ (n) 1. dhiiqo (dul qoyan oo jilicsan oo aan lugu socon karin) 2. wax lugu wareerayo oo aan la fahmi karin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOROOG
(Morogh) S Moringa peregriana (Forsk) Fiori. Moringaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morose
/marows/ (adj) xanaaq badan (xanaaqlow).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
morose
morose, adj. - murugo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morrow
/moorow/ (n) berri (maanta maalinta ku xigta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
morrow
n., berri, -di; tomorrow, ad., berri, berrito; until tomorrow, halkiyo berri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurso
f.g3 (-saday, -satay) Adke dhadhan leh oo afka ku dhex jira candhuuf iyo dhaqdhaqaaqa daamanka hoore la liqi karo ka dhigid. la-mid: muudso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muurso
f.g3 (-saday, -satay) Adke dhadhan leh oo afka ku dhex jira candhuuf iyo dhaqdhaqaaqa daamanka hoore la liqi karo ka dhigid. m.f.dh, muursasho. la-mid: muudso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurso
v. suck on something (caramel, juicy seed) in one's mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurso
(fal) muur ka dhigo. Dameerkaa sii muurso inta wax kuu dhaama aad helayso. Dh: muurayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurso
a: muudso
de: suck on s.t. (caramel, juicy seed) in one's mouth
lx: muurso
pd: (muursaday)
ps: v3a=tr
key: muurso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorso
f.g3 (-saday, -satay) Ka q.: neef qoor ah cid ka amaahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorso
(fal) (ka ~) neef qoodh ah, cid kale ka amaaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorso
f.g3 (-saday, -satay) Rati qooqan hal cayrsasho si uu u abaahiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roorso
v. run after a female camel (of male camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorso
(fal) eryo oo daba carar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roorso
de: run after a female camel (of male camel)
lx: roorso
nt: roorsad (ka) [vn-m], roorsasho (/da) [vn-f], roorsi (ga) [vn-m]
pd: (roorsaday)
ps: v3a=
key: roorso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scórso
agg. dhowaa, tegay, la soo dhaafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: marooqso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorso
v. take by force; rescue ~ remove something by force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorso
(fal) wax adu aad lahayn xoog ama xeelada kale ku qaado. Dh: xoog, boob, dhac.
maroorso: (fal) laan kaa dheer ama wax toosan oo aad hayso galloociso oo dhan u janjeedhso. Laanta rooshaanta ah maroorso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorso
de: take by force; rescue ~ remove s.t. by force
lx: maroorso
pd: (maroorsaday)
ps: v3a=tr
key: maroorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moorayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo mooro ku xereysasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rumoróso
agg. - buuq badan leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
timoróso
agg. - fulay ah, cabsi badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oro
imperative v., sg. say!, speak!
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
oro
s.m. dahab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
óró
pref. - hor kabe macnihiisu yahay buur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oro
(fal) dheh; odho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oro
de: say!, speak! Rarely used
lx: oro
pd: (odho)
ps: v4a-imp-sg
see: dheh {N}
key: oro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còro
s.m. - jiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doro
m.dh Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fòro
s.m. - dalool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goso
m.dh Maroodi dheddig. la-mid: qalanjo.