morfolooji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
morfolooji
-ga: (magac, lab, keli) laan ka mid ah qaybaha bayoolojiga oo lagu derso muuqaalka iyo qaabdhiska duleed ee noolayaasha.
morfolooji -ga: (magac, lab, keli) noolaha muuqaalkiisa iyo qaabdhiskiisa duleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
morfooloji
m.l (baayoloji) Barashada qaabka iyo dhismaha, noolayaasha, gaar ahaan qaababkooda dibadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
morfooloji
m.l (Baay.) Barashada qaabka iyo dhismaha, noolayaasha, gaar ahaan qaababkooda dibadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kosmolooji
-ga: (magac, lab, keli) qaybta astronoomiga ee lagu derso walxaha samada, dhalashadooda, isrogroggooda, qaabdhismeedkooda iyo astaamahooda kimiikaadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miterolooji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga barashada saadaasha cimilada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jooloji
m.l Barashada qaabka iyo habdhiska dhulka. Barashadan waxaa ka mid ah walxaha uu ka koobanyahay dhulka, kala filiqsanaantooda, taariikhdooda, nolosha dhirta iyo xayawaanka ku nool ama ku noolaan jiray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jooloji
m.l Barashada qaabka iyo habdhiska dhulka. Barashadan waxaa ka mid ah walxaha uu ka koobanyahay dhulka, kala filiqsanaantooda, taariikhdooda, nolosha dhirta iyo xayawaanka ku nool ama ku noolaan jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jooloji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga lagu barto qaabdhismeedka dhulka, da'diisa iyo isbeddelladii uu soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan. m.f.dh, maroojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marooji
v. twist, wring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marooji
-yey / say: (v) twist (tuwist); writhe (raayth); squirm (isku-woorm)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marooji
(fal) isku mar oo gacmaha aad ugu xafuuji. Bustaha biyaha ka marooji. Dh: xafuuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marooji
de: twist, wring
lx: marooji
nt: maroojin (ta) [vn-f], maroojis (ka) [vn-m]
pd: (maroojiyey)
ps: v2a=tr
key: marooji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekolooji
-ga: (magac, lab, keli) barashada xidhiidhka ka dhexeeya noole iyo degaankiisa ama noole iyo ku kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fisolooji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga lagu barto noolaha iyo wixii la xidhiidha waana cilmiga xidhiidhka iyo astaamaha orgaannada iyo nudadka noolayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maykoloji
-ga: (magac, lab, keli) sayniska dhirta qaybta lagu derso geedaha yaryar ee aan caleen iyo ubax ba lahayn sida barkinwaraabaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
monobooli
m. n. monopoly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
monobooli
de: monopoly {Eng}
lx: monobooli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: monobooli
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tobooloji
Topology
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aydiyolooji
m.l (fals.) Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. la-mid: aydiyooloojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aydiyolooji
m.l (fals.) Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. la-mid: aydiyooloojiyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg loojig
Logic circuit